HANTIDA BADAN QANACSANAANTA KA MUHIIMSAN

Malmaha malin ka mid ah ayaa Aabe taajir ah wiilkisa u waday safar si’ uu u soo barto nolasha faqiirnimada ,waxay muddo shan cisho la qateen qoys beeraley ah oo ay qabaaro ahaayeen,qoyska beeraleyd noolasha way ku adkeed waayo muddo ah hal sana ah roob uma da’in beerahiina way qalaleen.

wiilkii taajir dhaalay wuxu la ashqararay noolasha adag ay ku suganyhiin beeralayd iyo qanacsananta iyo farxada ay ku noolyahiin,ka dib wiilkii iyo Aabiis waxay dib ugu laabteen noolashii dhal dhalalka badneed ee magaaladda muddo asbuuc ay ku maqnayeen baadiyaha.

waxayna iska wareeysteen noolasha baadiyaaha iyo midda magaalka .wada sheekeysi dheer oo dhex martay odaygii taajirka iyo willkisa ayaa Aabii wuuxu willkisa weydiiyey ‘’maxaad kasoo baratay noolasha beeralayd ,maxaase farqi ah oo noo dhaxeeya.

Wiilkii baa ku jawaabay ‘’gurigeena waxaa ku taalo meel lagu dabaasho,lakiin ayaga waxay heystan wabi weyn oo ay ku dabaalan karaan ‘’sido kale willkii baa is barbar dhigay noolashada ay ku kala suganyahiin labadda ummad.wuxu hadalkisa sii raaciyey ‘’anaga cuntada wan soo iibsanaa,balse ayaga way beertaan cunada ay quutaan’’ wiilkii yara oo sii wada is barbar dhiga noolashada labadda dhican ayuu yiri ‘’ayaga waxay waqtigooda la qataan qoyskooda ,halka anaga aan waqti ku lumino daawashada tv ga’’

Ka dib willki yaa wuxu intaas ku daray ‘’ Aabo waad ku mahadsantahay inaad itustay inaan anaga nahay faqiriin’’Aabahii wuxuu filaayay in willkisa uu doorbido doona noolasha magaalka balse la yaab bay ku noqotay jawaabaha willkiisa baxiyey.

Xikmada ku jirta sheekadan waxaa laga qadanaya in taajirnimada aysan ahayn lacag badan oo bankiga kuu taala balse waxaa taajir noqon karo qof noolasha dhacsan karo kuna nool raxmadda Alle .

Qanacsananta ayaa ka mahuumsan hanti badan oo aan farxad kuu keeni Karin.Waxaa hubaal ah inaad ka murugaysantahay maaad heshis hanti badan ,taa badelkeeda waxa hubaal ah in qof taajir ah uu raadinayo noolasha aad ku sugantahay ama nooshahay.haa dabcan waa arin jirta midda.

Akhriste maxad hanti badan ugu baahan tahay weligaa ma isweydiisay .

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

GANACSIYO NOOC CUSUB AH OO LAGU ARKAYO MUQDISHO

Muddooyinkan dambe Muqdisho waxaa ku soo biiraya hindiseyaal ganacsi oo cusub oo aan dalka hore uga jirin.

Waxaan la kulmay gaari lagu magacaabay suuqa wareega oo marba meel aad ku arkeyso oo lagu iibinayo khudaar, kalluun, hilib iyo ganacsiyo kale oo dadku u baahan yahay .

Ganacsiga noocaas ah ee suuqa wareega wuxuu sahlayaa in qoysasku ka adeegan karaan marka uu soo gaaro degaanka ama xaafadda ay degan yihiin waxayna dadka ku shaqeeya gaarigan oo ah mid weyn sheegayaan in uu yahay mid ay kalliftay dadka qaar oo meelo fogfog u adeeg doonta.

Sidoo kale magaalada Muqdisho waxaa ka jira maqaayad wareegta oo ah gaari u shaqeeya sida maqaayadaha oo la dhigo meelaha bulshada ku badan tahay sida suuqyada oo dadka suuqyadaas ka shaqeeya ay inta badan mashquul yihiin oo aaney heli Karin fursado ay ku gaaraan maqayadaha caadiga ah.

Gaariga u shaqeeya sida maqaayadda oo laga helayo noocyada cuntada eek ala duwan ayey dadku cuntada ku cunaan halka ay joogaan oo loogu geeyo ama ay u qaataan guryahooda.

Si la mid ah waxaa jira adeegyo dukaamo iyo maqaayado oo qofku telefoon ku soo dalbanayo ama qaab online ah ka dibna halka uu joogo loogu geynayo haddii ay tahay xafiis , guri ama meesha uu xilligaa ku sugan yahay qofka dalabka leh.

Shirkadaha gaaska karinta cuntada ayaa iyana dadka guryahooda ugu soo adeega oo adeegga ay u baahan yihiin marka ay dalbadaan si degdeg ah guryaha u geeya.

Qaabka qashin ururinta ayaa iyana haatan ka duwan sidii hore ee ay qoysasku dhibta ku qabeen ee aheyd in ay iyagu iska fogeeyaan ama ay godad ka qodaan guryaha hortooda laakiin haatan dadku waxay helayaan adeeg gaadiid guryahooda ugu yimaada oo qashinka ka fogeeya bil walbana xoogaa lacag ah ku soo dallaca.

Adeegyadan iyo ganacsiyada noocan ah waxay sahleen nolosha waxayna dadka ka furteen dhibaatooyin ay ka mari lahaayeen  iyo waqti badan oo kaga bixi lahaa raadinta waxyaabaha ay u baahan yihiin.

W/Q: Faarax Cabdi Guuleed

 

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KU BIIRTAY URURKA BARIGA AFRIKA

Dalka Soomaaliya waa Dal madaxbanaan oo afrika ah kuna yaala geeska Afrika lehna xeebta ugu dheer geeska Afrika sidoo kalena leh kheyraad kala duwan oo kuwa dhulka ay ku dihan yihiin ama ku keedsan yihiin kuwa muuqda oo bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’ideystaan inksta oo jirta caqabada haysta bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan iyo ka mira dhalin Ka sameeyey ku biirista Ururka bariga afrika, dalka Soomaaliyeed iyo dadkiisa waxay u hamuun qabaan in ay ku biraan ururo caalami ah oo dhex mara iskaashiyo dhaqaalo iyo mid xiriir wanaagsan.

Dalka Soomaaliyeed waxa uu leeyahay kheerad badan oo ay oga faa’ideesan karaan ururka bariga afrika oo ah urur ganacsi oo ay ku mideesan yihiin todobo dal iyo soomaaliya oo ku noqoneyso sideed dal taasi oo Ka dhigan in shacabka Soomaaliyeed ay kheeraadkooda ay fursad xooggan ay u helayaan meel ay ku iibsadaan ayaga oo geenaayo wadamada ku bohoobay Ururka bariga africa.

Hadda haddii aan u nimaano su’aasha ah Soomaaliya faa’iido ma ugu jirtaa ku biirista Ururada Ganacsi ee Ka jira qaarada Africa , Aasiya , Yurub iyo America?.

Haa faa’ iido waa ay ugu jirtaa haddii ay ku biirto Ururada ama hay’adaha ganacsi ee Ka jira Gobolka sababtoo Soomaaliya waxa ay kasoo baxaday marxalad adag balse maanta waa dowladd leh sharciyo adag oo ay Kula macaamili karto Africa, Yurub iyo wadamada kala.

Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan ayaga oo ganacsiyo xoogleh ku leh dalka gudihiisa iyo sidoo kale waxa ay ganacsiyo xooggan ku leedahay wadamada Dariska taasi oo Ka dhigan in bulshada Soomaaliyeed ay ku wanaagsan yihiin hormarinta ganacsiga.

Haddaba bulshada sidaas ganacsiga xooggan u leh ayaa waxa ay fursad u tahay ku biirista Ururada Ganacsi ee Ka jira qaarada Afrika waxaana ay kasameenayaan hormaro kala duwan oo dhanka shaqaalaha ah.

Sidoo kale ku biirista Ururada Ganacsi ee wadamada Bariga Africa waxa ay sahleysaa isku socodka taasi oo u fududeeneyso ganacsatada Soomaaliyeed in ay ganacsigooda ay u iib geen karaan wadamada ku yaala afrika waxaana ay kasameenayaan dhaqaalo xooggan.

Dowladd ayaa iyana wadda dib u dhiska iyo daadijinta hay’ada Taya -dhowrka qaranka oo ah hay’ad baaris ku sameesa dhamaan Ganacsiyada kala duwan ee dalka soo gala iyo kuwa kabaxa taasi oo hay’ada Taya -dhowrka qaranka ay bulshada Soomaaliyeed ay siineyso shahaado cadeeneyso ku waalatiga ama tayada ay leeyihiin taasina ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay u sahleysaa ganacsigooda in ay u iibgeeyaan wadamada kala duwan ee adduunka.

Ugu danbeyn Bulshada Soomaaliyeed waa bulsho iyaga oo soo arkay dagaalo, dowladd balse shaqadooda ganacsi aan marnaba joojin taasina waxa ay kuu muujineysaa dhabar adeegooda iyo kartidooda dowladdu waxaa looga baahan yahay in ay ururo badan oo ganacsi ay ku biirito si ganacsatada Soomaaliyeed ay u helaan ganacsigooda hormaro kala duwan.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.

 

DHIBAATADA DHAQAALE EE KA DHALATA WADDAMADA LA SAARO CUNAQABATEYNTA.

Waxaa jira ismaan dhaaf iyo xad-gudubyo Waddan loo arko in uu ka galo mid kale oo caalamku ka dhiidhiyo, sida badan waxaa dhacda in waddamo qaarkood gacan ka geystaan hurinta dagaallo labo dal ka dhexeeya, taasoo markaasi loo arko mid xad-gudub ah marka loo caal waayana dunida kusoo rogto cunaqabateyn.

Sidoo kale, marka dal loo arko khatar in u uku yahay gobolka sida Iraan oo sii horumarineysa hubkeeda Nuklerka iyo faragelin arrimaha gudaha yemen oo kale, Ruushka oo isna Mareykanku u arko faragelin in uu kula jiro doorashooyinka dalkaasi laba jeer, waxaa Iyana la saaraa waxa loo yaqaanno go’doomin, sida afgembi lagu qabsado dowlad rayid ah oo dunida aqoonsan tahay.

Tan khilaafka ayaa ah marka wadamo isku afgaran waayaan hadal iyo dano guud taasoo koox xulufo ah u aragto mid lid ku ah sida waddamada khaliijka u go’doomiyeen dalka Qatar, wallow haatan laga heshiiyay, muhiimadduse waa waxa ka dhalan kara cunaqabateynta taasoo waddanka la go’doomiyay ku keenta hoos u dhac dhaqaale iyo iyadoo macaamilka ganacsiga uu la lahaa dunida Meesha ay baxdo.

Faransiiska ayaa calaacal xooggan muujiyay iyo wal wal kokii dunida muslimka ay ku dhawaaqeen in aan la iibsan qalabka iyo alaabada uu soo saaro faransiiska ayaa arrintaasi u keentay aflagaadadii Nebigeenna Suuban NNKH, inkastoo mar dambe Madaxweynaha Faransiiska ka muujiyay dabacsanaan.

Waxaa jira cuna qabateyn in la saaro rag caan ah oo laga xayiro safarrada iyo weliba in lacagtooda la xayiro taasoo waddamo badan lagu soo rogay sida Shiinaha, Ruushka,sacuudiga, Iran iyo kuwo kale.

Waa arrin aad u xanuun badan kalka waddan  cunaqabateyn lagu soo rogo taasoo wiiqeysa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaasi.

W/Q: Ibraahim Abuukar Cali (Fanax)

WAA MAXAY WADANIYAD?

Wadaniyadu waa jaceylka qofka uu jecelyahay dhulkiisa hooyo taa soo keenta in qofku uu ku farxo marka wadankiisu uu ku jiro marxalad wanaagsan kana murugoodo   marka wadankiisa uu ku jiro marxalad xun kuna fikiro siduu dhibtaas uga saari lahaa dadkiisa.

WAA MAXAY FAA’IIDADA AY LEEDAHAY WADANIYADU?
1. hadii aad wadani tahay oo aad jeceshay dhulkaaga una danqanayso ma awoodo cadawga wadankaadu inuu usoo han qal taago wadankaada

2. hadii aad tahay wadani dhab ah waxaad tahay qof xushmad iyo qadarinba ku leh wadankiisa oo aad looga jecelyahay .

3. hadii aad tahay wadani marka aad dhimato waxaad tahay qof qaaliya oo wadanka ka baxay dadkuna kuma ilaawi doonaan oo markastana waxaa ku xusi doonta taariikhda dahabka ah.

4. hadii aad tahay wadani waxaad calaamada ama tusaalle u noqoneysaa bulshada adiga kaa danbeeysa

WAA KUMA WADANI?
Wadani waa midka dhib iyo dheefba la qeybsada bulshadiisa oon meelna u dhaafin kuna fikira siduu dhibta uga saari lahaa bulshadiisa hadii ay ku jirto.

WAA MAXAY FARQIGA U DHAXEEYA WADANI IYO MUWAADIN?
wadani kaste waa muwaadin laakiin muwaaadin kaste ma ahan wadani, si kale qof kaste waa noqon karaa muwaadin laakiin ma noqon karo wadani tusaale hadii aad tagto wadan shisheeye oo aad joogto mudo dhowr sano ah waxaa macquul ah inaad qaadato sharciga dhalashada wadankaas oo aad noqoto muwaadin laakiin ma tihid wadani waana taas farqiga u dhaxeeya wadani iyo muwaadin .

WAA MAXAY WADANIYAD XUMO?
Wadaniyad xumo waa marka aad indhaha ka daawato iyadoo dalkaadii iyo dadkaadiiba ay dhib ku jiraan oo aad tiraahdo
maxaa iga galay ? si kale hadaan u dhahno waaba midka ay ku shaqeystaan dowladaha shisheeye si uu ugu fuliyo danahooda gaarka ah taas badalkeeda isagoo dalkiisa iyo dadkiisaba ugu badalaya dhib iyo qaxar waana midka loo yaqaaano calooshiis ushaqeystaha.Ugu danbeytii fadlan adigoo arkaya wanaaga xumaanta ha qaadan waxaan ula jeednaa adigoo arkayaa wadaniyada ha dooran wadaniyad xumada amaba adigoo noqon karaa wadani dhaba ah.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

SIDEE MIDDNIMO SOOMAALIYEED LAGU HELI KARAA?

Iyadoo muddo hore xilligii qeybsiga afrika la hoos  geeyey, saddex gobol laba gobolna ay ka xorooben gumeysigii ayaa waxaa suurtagali weyday in la helo midnimadii lagu baaqay ee soomaalinimo .

Jabuuti waxay noqotay dowlad adduunyadu aqoonsan tahay waxaana halgan dheer loo galay labadii gobol ee kale halgan iyo dagaalo ka dib waxaa muuqda hammi jab iyo kala googo’ xitaa goboladii xorta ahaa qaarkood ay doonayaan in ay noqdaan dowlado iskood u madaxbannaan waxaana ka bilowday waxyaabo ka baxsan hidaha iyo dhaqanka soomaaliyed .

Waxaa kale oo kale oo la ogyahay xitaa haddii ay noqdaan dowlado kala madax bannaan oo ay yeeshaan magacyada ay hadda doonayaan dadka soomaaliyeed waa juwo wada dhashay oo wax walba ka dhaxeeyaan umana baahna heybsooc iyo in la kala faquuqo xilligan aynu joogno nin walbana degaanka uu joogo ayuu xaquuq ku leeyahay waxaana aduunyada ka bilowday is xulufeysi midow iyo awood raadin halka gobolada somaaliyeed ka doonayaan gobolo yaryar iyo wax aan macno laheyn.

Aduunyada waxay u guurtay meeshaas meel ka sarreysa , ma waxay fahmi waayeen in Yuryb oo dhan ay yeelatay hal baarlamaan iyo hal lacag .

Hadaba sow ma fiicna in soomaalidu fahmaan halka adduunyadu ay gaartay haddii uu shaqeynayo caqli wanaagsan iyo fikir saliim ah , soomaalidu ma qeybsanto waxayna soomaaidu ku mahmaahdaa saguaro labo tun oo la kala qalo ma leh .

Dadka soomaaliyeed waxqy wadaagaan wax badan oo aysan wadaagin ummadaha kale waxaana ugu muhiimsan dhaqanaka iyo diinta waxaadna moodaa mararka qaar in soomalidu mayso qarnigii dhulgoosiga h.

Haddii aan tilmaan sax ah ka bixino dhulka waxa uu yahay, ilaah ayaa elh mulkigiisa wuxuuna k ubeeraa  umad taas oo xaq u leh in ay Ilaah ku caabudaaan kuna dhaqmaaan xilliga ay doonaan laakiin waxay ka difaacayaan cadow kasta oo ku soo weerara una diidan inay isku maamlaan diinta iyo dhaqankooda wuxuuna leeyahay xuduud iyo magac lagu yaqaano laaakin ma aha in soomaalidu ay ka dhigto qoobado yaryar oo qabiilba meel heysto iskuna dhibaateeyaan.

Bulsahada soomaalida muddo dheer waxay aheyd ummad ku fiican isa soo dhaweynta , is martigalinta , xididtinimada iyo dhaqanka waxayna aheyd weligeed dad is jecel oo is gacan qabta xilliyada ay jiraan duruufaha gaarka ah marka ay soo weeraraan cadow banaanka ka ah waxay ahaayeen dad is difaaca oo hiil iyo isu gumasho leh.

Waxaa sanadahan dambe soo ifbaxaya gobolada qaar oo ku dhaqmaya isir naceyb soomaalida dhexdeeda ah iyo heyb sooc aysan soomaalida caado u laheyn waxayna ila tahay qof kasta oo soomaali ah Meesha uu dego oo uu hanti iyo maal ku yeesho in ay tahay dalkiisa laakiin marka lagula kaco waxyaabo ka baxsan bini’aadnimada sida raafka, masaafuriska , boobka hantida iyo bililiqeysiga

wa arrrin meel uga dhaceysa soomaalinimada haddi laga ficl qaatana keni karta in soomaalinimada nin walba uu qaato qeyb caato ka dibna gobollada oo dhan qabiilba uu qabiil ka baro kiciyo waana arrin aad iyo aad u xun.

Soomaalidu waa dad walaalo ah gobol kasta oo ay degto lagumana sameyn karo masaafurin, boob iyo bililiqeysi midna haddii ay dhacdana waa arrin saameyn doonta soomaali oo dhan .

Addduunyada waa labo gacmood oo ah midig iyo bidix oo aan kala maarmin , gobolada soomaaliyana waa sidaa oo ma jiro gobol ka maarma gobol kale , ninba meel ayuu shaqo u doontaa mana kala soocna dadka soomaaliyeed umana baahna kala faquuq iyo magacyo loo kala bixiyo mana jiro cid ku heleysa horumar iyo madaxbannaani gaar ah .

Ma jiro dad magac gaar ah leh oo ka bixi kara soomaalinimada haddii ay jirtana mar hore aya la heli lahaa ninba maalin ayuu baahan yahay wuxuuna yiri Abwaan Maxamed Cali Kaariye AUN , ninkii kala saar lahow , ninkii kala sooc lahow,aday talo ku seegtee , soomaaliya soomaali baa leh.

WQ: Abwaan Gabayre

 

SAAMEENTA UU NOLASHEENA KU LEEYAHAY AFLAANTA AANAN LA FAAFREEBIN

Ugu horeen filimka waa qeyb kamid ah warbaahinta u jeedaa laga leeyahay waa in lasaameeyo dadka afkaartooda iyo caqiidadooda iyo waxa ay aamin sanyihiin iyo waxa ay ku qanacsan yihiin in wax laga badalo ayaa filimaanta loo isticmaalaa.

 

Filimaanta saameen  aad u xun ayey ku leeyihiin dhaqanka, diinta, dadnimada caqaliga, iyo sidoo kale ma hadhooyin xun xun ayey ku reebaan Bulshada.

 

Sababtoo ah filimaanta waxaa lagu soo bandhigaa dhaqamo liddi ku ah dhaqanka suuban ee islaamka Waxaana lagu soo bandhigaayaa haween qaaqaawan, dad ku hadlaayo kalimaad gaalnimo ah, waxaana lagu soo bandhigaayaa muuqaalo anshaxa aad ugu liita diinteena sharafta leh,  waxaas oo dhan waxay saameenayaan qofka dhalinyarada ah ee daawanaayo.

 

Islamarkaana qofka dhalinyarada ah waxa uu suureysanayaa filimkan dadka jilaayo in ay yihiin dad ku horumaray ilbaxa, xadaarada, asagana waxa uu isku arkayaa in uu yahay qof danbeeya ay waajib ku tahay kuwaan iyaga ah in uu  gaaro.

 

Taasi waxa ay keeneysaa wax allaalo wixii filimka ku arko oo xun ama San in uu sameeyo ama tijaabiyo sidaa daraadeed filimada waxaa lagu soo bandhigaayaa qofka hinduska ahaa isaga oo Dab caabudaayo oo u sajuudaayo, isaga oo sanam caabudaayo, isagoo lo” dii caabudaayo, isagii oo meedkii gubaayo.

 

waxaas oo dhan marka uu arko saameen toos ah ayey ku yeelaneysaa qofka daawanaayo.

 

Sidoo kale aqlaaqiyaadka kale ee la dhaqan dadka lala dhaqamo ayaa waxa ay ka baranayaan tuuganimo, dhacii, isdilkii, waxay kabaranayaan caasinimada Waalidka, waxay kabaranayaan qayaanadii qoyska,

 

Sidookalena waxayna kabaranayaan burburkii afka sooamliga ku yimid iyo dhaqankii oo sii dabar go`aayo.

 

Filmka waxyaabaha laga dhaxlay waxaa kamid daroogoyinkii in ay Intabadan Umadda soo maaliyeed ay ku baahday cunisteeda haddii ay ahaan laheed Qamrada, Jaadka, Sigaarka iyo daroogooyin kale oo badan oo la isticmaalo.

 

Ugu dambeyntii dadka filimada turjima waxaan kula taliayaa in ay ilaahay kacabsadaa filimaanta ay bulshada ay u soo gudbinayaan ay ku sameeyaan faafreeb oo ah in laga faafreebo dhaqamada xun oo aysan diinteena suuban ay reebtay.

 

Sidoo dadka aflaanta ama filimida turjuma waa in ay ka fakaraan dadka daawanaayo aflaanta in ay u badan yihiin Haween iyo caruur kuwaa oo aan ku baraarugsaneen sameenta uu leeyahay filimka iyo sidoo kale waxa uu sameentaas mararka qaar kood sababaa in uu guryo uu ku dumo uu sabab u noqdaan aflaanta ama filimada aanan faafreebka lagu sameen.

 

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

HA ILOOBIN MAALMAHA XORRIYADDA DALKAAGA

Dabaal degga maalmaha Xorriyadda waa mid soo jirtay muddo dheer.

Marka laga bilaabo maalintii gobonnimada laga qaatay gumeystayaashii reer Yurub dalkeenana uu ka xoroobay dhibaatooyinkii gumeystaha waxaa loo ciyaaray Ciyaaro iyo damaashaad iyadoo loo tiriyey heeso kala nooc ah iyo gabayo, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo lagu maamuusaayo maalmaha gobonnimada dalka.

Haddaba, haddaan dib u milicsano fagaarayaashii dabaal degga iyo xafladaha ay ka dhici jireen waxaa ka mid ahaa Ex baarlamaan, fagaaraha weyn ee Tarbuunka. Waxaa kaloo aad loo qurxinjiray bilicda Magaalada waxaana aad sare loogu qaadi jiray bilicda iyo Nadaafadda magaalooyinka oo dhan, waxaana nadaafad aad u sareysa laga qaban jiray dhammaan magaalooyinka waa weyn ee dalka, iyadoo lagu maamuusayo oo lagu soo dhaweynayo maalmaha Xorriyadda.

Hadaba, markii la gaaro xilliyada xafladaha iyo munaasabadaha waqtigeeda waxaa ka qeyb qaadan jiray oo fantasyo iyo gaaddo ka ciyaar kala duwan ku gaaf wareegaayey ciidamada Boliiska, Miletariga oo ay hor kacayaan ciidamada Kumaandooska, kuwa cirka oo iyaguna kaga qeyb qaadanaya gaadi ka ciyaar iyo diiyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Miig 21, 17 iyo 19.

Waxaa kaloo iyaguna fagaaraha maraya macallimiinta wasaaradda waxbarashada oo ay hoggaaminayaan Jaamacdaha iyo dhammaan dugsiyada hoose/dhexe iyo sare.

Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa iyadana kaga qeyb qaadanaysa iyadoo shaqaalaheeda ku labisan yihiin labiskooda u gaarka ah.

Waxaa kaloo ka qeyb qaadan jiray wasaaradaha howlaha guud, shaqadaha iyo shaqaalaha iyo dhammaan shaqaalaha rayidka oo aan kala maqaneyn iyagoo ka kala socda dhamaaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyagoo waliba ku labisan astaamahoda gaarka ah.

Maalmaha xorriyadda waxay ka dhici jireen dalka oo dhan iyo meel kastoo ay Soomaalida ay joogan, waxaana maal mahaas aad loo xusi jiray oo loo soo hadal qaadi jiray Geesiyaashii gobonnimadoonka ahaa oo ay ugu horreeyeen ururkii gobonnimadoonka ee SYL iyo geesiyaal ay ka mid yihiin Axmed gurey, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dhagax tuur iyo Xaawo Taako iyo kuwo badan oo u dhintay gobonnimada darteed.

Marka ay dhacayaan feystayaasha iyo xafladaha noocaan oo kale ah waxaa maalmo badan laysla qadeyn jiray saaxiibada iyo dadka qaraabada ah oo aan muddo isu imaan iyadoo laysku heli jiray meelo badan oo ay ka mid yihiin fagaarayaasha lagu soo ban dhigo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka.

waxaa kaloo aad isu beddeli jiray dadka labiska ay soo xidhaan maalmahaas mudnaanta gaarka ah ugu fadhiya qarannimada ummadda Soomaaliyeed oo kasoo baxday maalmihii mugdiga una soo baxday iftiin iyo muuqaal aan weligeed arag.

Si kastaba ha noqotee maalmaha xorriyadda ma ahan kuwo la inkiri karo amase markii la doono laga jeesan karo, waa xilli iyo farxad ka dhexeysa ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, sababtoo ah haddii aysan xornimo jirin Dowladnimo ma jirto, diin ma jirto, dal ma jiro dadnimo ma jirto horumar iyo nolol midna ma jirto, sababtoo ah bin’aadam kale ayaa ku gumeysanaya waana sababta Geesayaal badan naftooda u hureen, ma jirto Alle mooyee cid kaloo madax loo raaric karo ama mudan in loo qushuuco, haday dhacdose waa dulli ayaa dushaada saaran Aakhiro iyo Adduunba.

Haddaba Soomaaliyey, gobonnimadii laga soo maray dhibkaas oo geesayaasha badan u geeriyoodeen oo hantida badan u baaba’day haddii aan maanta dayacno soo ayaan darro ma ahan, sow haadu inay ku cunto ma ahoo cid waliba inay ku cunto ma ahan.

Dib u fiiri gobonimada sidii lagu gaaray ama lagu helay, aaway midnimadii, cod iyo calafba in la mideyo ayaa calan lagu difaacaa, cidla lagama helo calan iyo ciid iyo waliba shacab oo aan dowlad laheyn.

Muwaadinoow ilaali calankaaga iyo ciidaada xilweyn baa kaa saarane yaan dhankaaga loogu soo dusin cadow ha u nugleyn.

hadaad calankaaga dayacdo adey ceebta kuraacdaa berri waadna calaacali doontaa, ciidda waa naga dhexeysaaye cidna ha ugu darnaan difaac ciidaada iyo calafkaaga, daneystuhu yuuna waxkuu yeerin, yaan lagugu dirin oo ha noqon tabacane shisheey, kuwa ay ku adegtaan.

gumeystuhu waa laalush qatayaasha iyo damiir-laawayaasha lug gooya dadka iyo dalka, kuwa kala dila ummadda oo ugu sheekeeya qabyaalad iyo waxyaabo aan nacfi laheyn ka fogow agtooda yeysan bohol kaa ridine adduun iyo aakhiro waxba kuuma kordhiyaan, Ilaah ayaa dadka ciseeya oo gaarsiiya sharaf iyo mansab ruuxii uu la doono.

Mar haddii sidaa tahay, ka fogow beenta iyo walaahowga oo naftaada yeynan been kuu sheegin.

WQ: Gabeyre

MUSLIMKU: WAA MIDKA DADKU KA NABAD GALAAN

Qofka muslimka ah waa qof dhowrsan oo iska ilaaliya dhammaan waxyaabaha xun xun, muslimku waa ruux markasta samaha jecel, waa ruux shayskasta ka fiiriya dhanka wanaaga ah hadduu ka waayana iskaaga taga gabi’ahaan.

Ruuxa muslimka ah waa ruux qalbi saafi ah leh oo ka duwan dadyowga kale ee aan muslimiinta ahayn, gaalada  oo aan aamin sanayn diinteena Islaamka ayaa ku dadaasha inay sameeyaan wanaag iyo samafal dadka tabarta yar ama saboolka ah iyo xayawaanka aan caqligaba lahayn.

Waxaa nagala doonayaa dhammaanteen inaa noqono dad wanaaga ka shaqeeya, waxaa nagaladoonayaa inaan hogaan u noqono dadka caalamka dhanka wanaaga, waxaa nalooga baahan yahay in dadka caalamka aa uga soocnaano tilmaamta dhanka wanaagga ah iyo wanaagga ku dhaqanka diinteena Islaamka.

Haddii aadan ka fiirin waxkasta oo aad qabanayso maxay wanaag ah oo ay leeyihiin ama xumaan noocee ah ayaa ka imaankarta waxaad noqonee sida xayawaanka aan caqliga lahayn, waxaad halkaa ku luminee bini’aadam nimadii, waxaad halkaa kuwaynee dhaqankii wanaagsanaa ee diinteena Islaamka.

Hanoqon danayste, iskuday inaad u danayso dadka kale marka aad dantaada ka shaqaynaysid, iska ilaali inaad qof bini’aadan ah waxyeelo u gaarsiiso si qalad ah adiga oo og intii aad caawim lahayd.

Caawi dadka iyo xayawaanadaba, diinteena islaamku Islaamku waxay nafaree naxariista, caawi noolekasta oo dhibaato kusugan oo aad caawi karto.

Waxaa jirta qiso cajiiba oo ku saabsan wanaaga iyo naxariista, nabigeena naxariis iyo nabadgaliyo dushiisa ha ahaate ayaa qisadaan nooga waramay:

waxaa jirtay haweenay sinaysan jirtay iyada oo meel bahgooyo ah maraysa ayay aad u oontay, iyada oo aqso naftu ugabixi rabto ayay aragtay ceel, ceelkii ayay gashay biyo ayayna ka soo cabtay oo waa ay ku soo harraad beeshay, markay banaanka u soo baxday waxay aragtay Eey aad u haraadsan oo banaaka ama ceelka dultaagan.

haweenaydii naxariis ayaa gashay oo waxay soo xasuusatay xanuunka uu haraadku leeyahay ka dibna ceelkii ayay ku laabatay kabaheedii ayayna biyihii ku soo dardartay oo eeygii ayay ku waraabisay sidaas ayayna janada ku gashay haweenaydaas.

Naxariistu waa shay looga baahan yahay qof kasta oo muslima ah waana asalka wanaagga, wanaag mayeelan karo qof aan naxariis lahayn.

Umaddeen soomaaliyeed waa dad muslimiin ah, hadana waxaa aad ugu batay xumaanta iyo naxariis la’aanta, soomaalidii hore waxay ahaan jireen dad dhowrsan oo Alle ka cabsigu aad ugu dheeryahay, dad marti soorka aad ugu fiican ayay ahaan jireen, dad aan qiyaamada jeclayn ayay ahaayeen.

Dalkeena hooyo waxaa kajira dhibaatooyin aad u ban waxaa sababay dadka oo dhankii wanaagsanaa ka tagay oo noqday dad danlay ah oo qofkasta tiisa gaar ka shaqeeyo illaa dad yar maahane, xalku waxaa uu kujiraa ana oo noqona dad wanaagsan markaas ayay aduun yadeenu hagaagee iyo aaqiradeenuba.

Dalka edatorial

DUL-XIJJAH WAXAY KA MID TAHAY BILAHA XURMADA GAARKA AH LEH?

Alle- sarreeyey oo nasahnaaye markuu abuuray dhulka iyo samooyinka ayuu bilaha u qaybiyey laba iyo toban bilood. Afar ka mid ah ayaa Alle siiyey xurmo iyo sharaf ugaar ah oo dheeraad ah oo aan siddeedda kale la wadaagin. Saddex way isku xigaan oo waa Dul-Qacdah,Dul-Xijjah iyo Muxarram, iyo Rajab oo ah bisha toddobaad ee sannadka.

Dulmiga iyo xad-gudubku marna ma banaana sidaasoo ay tahay hadana wuxuu Alle subxaanahuu wa tacaalaa- si gaar ah innoo sii faray inaan bilahan gudahooda ka dheeraanno dulminta nafteenna.

Sida ay uga sharaf iyo xurmo badan yihiin bilaha kale, ayaa falka qofku sameeyo bilahan gudahooduna uga fadli badan yahay falka bilaha kale.

Sidaas oo kale, xadgudubka iyo dembiga qofku ku dhaco bilahan wuu ka daran yahay bilaha kale. Mad-habka Shaaficiyada iyo culumo kale ba waxay qabaan in qofkii dil geysta lagu kordhiyo magta, si loo adkeeyo xurmada bilahan.

Waxaa sidoo kale la mid ah dhulka Xaramka ah ee Makkah iyo Madiinah. Islaamka ka hor, Carabtii jaahiliyadu waxay ahaayeen dad aad isu dila, xoolahana isaga dhaca.

Dad badan baa ku noolaa dhaca iyo boobka. Laakiin xurmada afartan biloodi way ku weynayd aadna way u sharfi jireen, oo dagaalka iyo boobka way joojin jireen. Waxaa la sheegaa in ninku haddii uu bilahan iyadoo lagu jiro arko ciddii dishay walaalkii ama aabbihii uusan taaban jirin.

Dhaqankani wuxuu ka mid ahaa waxyaalihii ay ka dhaxleen Nebi Ismaaciil- calayhi salaam-. Muddo dheer oo dadkii isbedelay kaddib, way ku dheeraatay in ay saddex bilood oo isku xiga fadhiistaan iyaga oo aan wax xadgudub ah ku kicin, illeen qaarkood dhaqaalahoodu wuxuu ku xidhnaa xoolaha ay dadka kale ka soo dhacaan’e.

Waxay bilaabeen in ay bedelaan nidaamkii oo hadba sida u cuntanta u leexiyaan. Waxay isu sheegeen in muhiimaddu tahay in tiradu afar bilood ahaato, laakiin ay doortaan xilliga afartaasi noqonayaan.

In kasta oo Dul-Qacdah iyo Dul-Xijjah oo xilligii xajka la gudanayey ahaa ay ilaalin jireen, waxay keeneen in Muxarram sannadna la xurmeeyo sannadna la jebiyo xurmadeedii oo ay booskeedii safar xurmeeyaan! Muxarram oo xaaraam ka ahayd way xalaashadeen, safar oo xalaal ahaydna way xaaraantinimeeyeen.

Waa halka aynu niraahno la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.

Nin Abuu Thumaamah la dhihi jirey ayaa qaabilsanaa oo xilliga xajka intuu yimaaddo, isaga oo dameerkiisa saaran, ayuu dhihi jirey: sannadkan muxarram waanu xaaraantimaynay safarna dib ayaanu u dhignay.

Sannadka ku xigana wuxuu oran jirey: sannadkan safar waanu xaaraantimaynay, muxarramna dib ayaanu u dhignay! Taasina waxay keentay in ay bilihii isku qasmaan oo ay isdabamaraan.

Sidaa iyaga oo wax isugu walaaqaya ayaa Islaamku yimid, xurmadii bilahaasna sii adkeeyey. Geeridiisii waxyar ka hor, markii uu xajinayey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- (Xajkii Sagootiga,) ayuu bixiyey khudbad uu ku sheegay in xilligii (samaankii) wareegay oo uu ku noqday qaabkii Alle u sameeyey markuu abuuray dhulka iyo samooyinka, sannadkuna yahay laba iyo toban bilood oo afar xaaraan tahay (caagan tahay). Sidaas ayuuna ku joogsaday dib-u-dhiggii muxarram.

Afarta bilood ee caaggan (xurmada leh) waxaa ku jira maalmo badan oo aad u barakaysan. Waxaana ka mid ah tobanka hore ee Dul-Xijjah oo aad u fadli badan. Ibnu Kathiir wuxuu sheegay in tobankan habeen ee Alle ku dhaartay ay yihiin tobanka u horreeya Dul-Xijjah. Alle-na marka uu wax ku dhaaranayo waxay tusinaysaa ahmiyadda ay leedahay. (969) (saxiixul bukhaari).

Xadiiskanina wuxuu tilmaamayaa in aysan jirin maalmo uu falka wanaagsani ka fadli badan yahay tobanka maalmood ee ugu horreeya Dul-Xijjah.

Tobankan maalmood waxaa ku jirta maalinta ugu fadliga badan sannadka; maalinta ciidda carafo, ahna Maalinta Xajka Weyn, waana maalinka tobnaad ee Dul-Xijjah.

Waa maalinta dadka xajinayaa qalaan xoolohooda, inta aan xajka jooginna ay qalaan udxiyada. Sagaalka Dul-Xijjana waa maalinta Carafo oo ah maalinta xajku ku xiran yahay, sida Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- sheegay Xajku waa Carafo Qofkii aan xaj aadaynin waxaa loo jideeyey inuu soomo maalinta carafo, waxaana

uu sheegay Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- in lagu dhaafo dembiga sannadkii tagey iyo kan soo socda. (1162) (Muslim ayaa wariyey).

Bisha Muxarram maalinteeda tobnaad waa maalinka Caashuuraa’ oo aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas.

Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri anigaa Muuse idiin ka xaq leh oo idiinka dhow, wuuna soomay, Muslimiintiina wuxuu faray in ay soomaan.

Waxaa sunne ah in lagu daro maalinta ka horaysa ama ta ka dambaysa. Sida xadiisku sheegayana, waxaa lagu dhaafaa dembigii sannadkii la soo dhaafay. Waa maalin weyn oo ay tahay in la weyneeyo.

Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- waxa uu weyneeyo oo la weyneeyaana waxay tusinaysaa taqwada qofka qalbigiisa ku jirta.

Bilahan sharafta leh aynu kaga faa’iidaysanno falka wanaagsan oo aynu badsanno, iyo xumaanta oo aynu iska yarayno kana fogaanno.

Aynu ku dedaalno xuska iyo dikriga Alle, tawbadda, salaadda, soonka, iyo camalka ugu weyn ee xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka, ciddii awoodda,

Xigasho:

Tafsiirul Qur’aanil Cadiim- Ibnu Kasiir

Fatxul Baarii- Ibnu Xajar

WD: Ibraahim Warsame