DUL-XIJJAH WAXAY KA MID TAHAY BILAHA XURMADA GAARKA AH LEH?

Alle- sarreeyey oo nasahnaaye markuu abuuray dhulka iyo samooyinka ayuu bilaha u qaybiyey laba iyo toban bilood. Afar ka mid ah ayaa Alle siiyey xurmo iyo sharaf ugaar ah oo dheeraad ah oo aan siddeedda kale la wadaagin. Saddex way isku xigaan oo waa Dul-Qacdah,Dul-Xijjah iyo Muxarram, iyo Rajab oo ah bisha toddobaad ee sannadka.

Dulmiga iyo xad-gudubku marna ma banaana sidaasoo ay tahay hadana wuxuu Alle subxaanahuu wa tacaalaa- si gaar ah innoo sii faray inaan bilahan gudahooda ka dheeraanno dulminta nafteenna.

Sida ay uga sharaf iyo xurmo badan yihiin bilaha kale, ayaa falka qofku sameeyo bilahan gudahooduna uga fadli badan yahay falka bilaha kale.

Sidaas oo kale, xadgudubka iyo dembiga qofku ku dhaco bilahan wuu ka daran yahay bilaha kale. Mad-habka Shaaficiyada iyo culumo kale ba waxay qabaan in qofkii dil geysta lagu kordhiyo magta, si loo adkeeyo xurmada bilahan.

Waxaa sidoo kale la mid ah dhulka Xaramka ah ee Makkah iyo Madiinah. Islaamka ka hor, Carabtii jaahiliyadu waxay ahaayeen dad aad isu dila, xoolahana isaga dhaca.

Dad badan baa ku noolaa dhaca iyo boobka. Laakiin xurmada afartan biloodi way ku weynayd aadna way u sharfi jireen, oo dagaalka iyo boobka way joojin jireen. Waxaa la sheegaa in ninku haddii uu bilahan iyadoo lagu jiro arko ciddii dishay walaalkii ama aabbihii uusan taaban jirin.

Dhaqankani wuxuu ka mid ahaa waxyaalihii ay ka dhaxleen Nebi Ismaaciil- calayhi salaam-. Muddo dheer oo dadkii isbedelay kaddib, way ku dheeraatay in ay saddex bilood oo isku xiga fadhiistaan iyaga oo aan wax xadgudub ah ku kicin, illeen qaarkood dhaqaalahoodu wuxuu ku xidhnaa xoolaha ay dadka kale ka soo dhacaan’e.

Waxay bilaabeen in ay bedelaan nidaamkii oo hadba sida u cuntanta u leexiyaan. Waxay isu sheegeen in muhiimaddu tahay in tiradu afar bilood ahaato, laakiin ay doortaan xilliga afartaasi noqonayaan.

In kasta oo Dul-Qacdah iyo Dul-Xijjah oo xilligii xajka la gudanayey ahaa ay ilaalin jireen, waxay keeneen in Muxarram sannadna la xurmeeyo sannadna la jebiyo xurmadeedii oo ay booskeedii safar xurmeeyaan! Muxarram oo xaaraam ka ahayd way xalaashadeen, safar oo xalaal ahaydna way xaaraantinimeeyeen.

Waa halka aynu niraahno la jiifiyaana bannaan, la joojiyaana bannaan.

Nin Abuu Thumaamah la dhihi jirey ayaa qaabilsanaa oo xilliga xajka intuu yimaaddo, isaga oo dameerkiisa saaran, ayuu dhihi jirey: sannadkan muxarram waanu xaaraantimaynay safarna dib ayaanu u dhignay.

Sannadka ku xigana wuxuu oran jirey: sannadkan safar waanu xaaraantimaynay, muxarramna dib ayaanu u dhignay! Taasina waxay keentay in ay bilihii isku qasmaan oo ay isdabamaraan.

Sidaa iyaga oo wax isugu walaaqaya ayaa Islaamku yimid, xurmadii bilahaasna sii adkeeyey. Geeridiisii waxyar ka hor, markii uu xajinayey Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- (Xajkii Sagootiga,) ayuu bixiyey khudbad uu ku sheegay in xilligii (samaankii) wareegay oo uu ku noqday qaabkii Alle u sameeyey markuu abuuray dhulka iyo samooyinka, sannadkuna yahay laba iyo toban bilood oo afar xaaraan tahay (caagan tahay). Sidaas ayuuna ku joogsaday dib-u-dhiggii muxarram.

Afarta bilood ee caaggan (xurmada leh) waxaa ku jira maalmo badan oo aad u barakaysan. Waxaana ka mid ah tobanka hore ee Dul-Xijjah oo aad u fadli badan. Ibnu Kathiir wuxuu sheegay in tobankan habeen ee Alle ku dhaartay ay yihiin tobanka u horreeya Dul-Xijjah. Alle-na marka uu wax ku dhaaranayo waxay tusinaysaa ahmiyadda ay leedahay. (969) (saxiixul bukhaari).

Xadiiskanina wuxuu tilmaamayaa in aysan jirin maalmo uu falka wanaagsani ka fadli badan yahay tobanka maalmood ee ugu horreeya Dul-Xijjah.

Tobankan maalmood waxaa ku jirta maalinta ugu fadliga badan sannadka; maalinta ciidda carafo, ahna Maalinta Xajka Weyn, waana maalinka tobnaad ee Dul-Xijjah.

Waa maalinta dadka xajinayaa qalaan xoolohooda, inta aan xajka jooginna ay qalaan udxiyada. Sagaalka Dul-Xijjana waa maalinta Carafo oo ah maalinta xajku ku xiran yahay, sida Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- sheegay Xajku waa Carafo Qofkii aan xaj aadaynin waxaa loo jideeyey inuu soomo maalinta carafo, waxaana

uu sheegay Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- in lagu dhaafo dembiga sannadkii tagey iyo kan soo socda. (1162) (Muslim ayaa wariyey).

Bisha Muxarram maalinteeda tobnaad waa maalinka Caashuuraa’ oo aad u fadli badan. Markii uu Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallama- tagey Madiina ayaa wuxuu arkay Yuhuuddii oo soomaysa maalinkaas.

Markii uu waraystayna waxay u sheegeen inuu yahay maalintii Alle uu Nebi Muuse- calayhis salaam- iyo dadkiisii ka badbaadiyey Fircoon. Nebigu- sallal Laahu calayhi wasallam- wuxuu yiri anigaa Muuse idiin ka xaq leh oo idiinka dhow, wuuna soomay, Muslimiintiina wuxuu faray in ay soomaan.

Waxaa sunne ah in lagu daro maalinta ka horaysa ama ta ka dambaysa. Sida xadiisku sheegayana, waxaa lagu dhaafaa dembigii sannadkii la soo dhaafay. Waa maalin weyn oo ay tahay in la weyneeyo.

Alle- subxaanahuu wa tacaalaa- waxa uu weyneeyo oo la weyneeyaana waxay tusinaysaa taqwada qofka qalbigiisa ku jirta.

Bilahan sharafta leh aynu kaga faa’iidaysanno falka wanaagsan oo aynu badsanno, iyo xumaanta oo aynu iska yarayno kana fogaanno.

Aynu ku dedaalno xuska iyo dikriga Alle, tawbadda, salaadda, soonka, iyo camalka ugu weyn ee xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka, ciddii awoodda,

Xigasho:

Tafsiirul Qur’aanil Cadiim- Ibnu Kasiir

Fatxul Baarii- Ibnu Xajar

WD: Ibraahim Warsame

LAMA QIYAANO QOF KU AAMINAY

Diinteena Islaamku waxay amartay amaanada in la ilaaliyo waxa ayna ku tilmaamtay arrin aan sahlanayn ama aan la dhayalsan karin ayada oo inoo sheegtay amaanada in loo bandhigay Cirarka, Dhulalka iyo Buuraha ka dibna ay diideen inay qaadaan islamarkaana iyaga oo ka cabsanayay inay ka soo bixiwayaan oo lacadaabo.

Haddaba annaga oo la inoo sheegay inay amaanadu tahay arrintaa aadka u adag ayuu Insaanku qaaday asaga oo ka fikirin waxa ka soo gaari kara hadduu fulin waayo amaanadii lagu balamay Allena waxaa uu ku tilmaamay aadamaha mid jaahil ah.

Amaanadu waa imtixaan uu ugu talagalay Allaah inuu ku kala saaro addoomihiisa asaga oo u balan qaaday wanaag inay heli doonaan ciddii ku guulaysata kuwii ku guul daraystana sheegay inay hoogi doodaan.

Amaanadu waa ay nuucyo badan tahay, qofku markuu qaan gaaro waxaa laga rabaa amaanooyin badan sida naftaadu waa kugu amaano, xaaskaagu waa kugu amaano, ilmahaagu waa kugu amaano, diinta Islaamku waa kugu amaano iyo inka badan oo halkaan lagu soo koobi Karin dhamaan toodna qiyaamaha wax la’iska waydiin doono.

Ilaali oo dhowr amaanada intaan lagu xisaabin waa la’is xisaabi doonaa maalinta qiyaamo, qofka muslimka ah waxaa laga rabaa habdhaqan kiisu inuu ka duwanaado dadyowga kale ee caalamka kuwaas oo ahayn muslimiin madaama aad ogtahay qiyaamaha in lagu xisaabinayo.

Rasuulka nabad galiyo iyo naxariis dushiisa ha ahaatee waxaa uu sheegay calaamadaha munaafiqiinta inay ka mid tahay haddii la’aamino inuu qiyaamayo, Alle ayaan ka magan galaynaa munaafaqnimo waa arrin aad iyo aad uxun.

Waxaad arkaysaa bulshadeenu inaysan ku baraarug sanayn arrintaan aadka u culus, waxaad arkaysaa madaxada shacabka oo ka faa’iidaysanaya mas’uuliyada iyo xilka lagu aaminay ka dibna aysan mas’uuliyad wayn iska saarayn amaanada loo idmaday, waxaana mararka qaar dhacda inay kala qiyaamaan amaanada loo dhiibat arrintaana waa calaamad ka mida calaamadaha munaafiqiinta.

Aqriste ka bilow naftaada oo ilaali amaanada gaar ahaan iska ilaali inaad qiyaamo ama dhagar ku samayso shay ama wax kale uu qof kugu dhiibtay, xalkeenu waxaa uu ku jiraa anaga oo noqona umad daacad ah oo aan aqoon qiyaamo Ilaaheyna waxaa ka baryaynaa inuu nagu dhowro amaanda badan ee aan qaadnay.

WQ: Dalka journal

WAA MAXAY SABABAHA LOO AANEYNAYO ISBEDDELKA CIMILLADA?

Sida ay ku soo warameen aqoonyahannada ama khuburrada cilmiga Sayniska ayaa sheegay arrimaha loo sababaynayo isbaddalka cimillad Afrika gaar agaan Soomaaliya.

Bulshada ku nool Afrika ayaa inta badan nolashooda ku tiirsan tahay cimillada maadaama nolasha boqolaal milyan oo qof oo Afrikaan ah ay ku tiirsan tahay roobka.

Cimillada qaaradda oo aan isku mid ahayn aadna u kala geddisan, ayaa sababtay in isbadalka cimillada Afrika laga fisho waxyaabo badan oo la yaab leh gaar ahaan Soomaaliya.

Heerka isbaddalka cimillada Soomaaliya ee laga filan karo ayaa ah mid baaxad leh oo ballaaran.

Koonfurta iyo woqooyiga soomaaliya ayaa ah labada meelood oo cimilladood u dhaxeeeyo farqi aan badnayn walow ay xiliyada qaar aad u kal duwan yihin.

marka la eego heerka la qabsiga iyo u dulqaadashada isbadalkaasi cimilada ayaa ah mid aad u hooseeyo marka loo fiiriyo dunida inteeda kale.

fakhriga iyo saboolnimada la dagtay Soomaaliya ayaa miisaanka dhibatada cimillada sii cuslaynaya, halka dowladduna ay ku guuldaysatay in arrintan isbadalka cimilada ay muhiimad gaar ah siiso, amaba xil wayn iska saarto, walow aysan dadka iyo dawladuba ku baraarugsanayn cawaaqibka ama dhibka ka dhalan kara haddan hadda laga hor tagin.

haddii laga tusaalo qaadan lahaa Cimillada qaaradda Afrika ayaa ah mid aad u kala geddisan oo aan hal dhinac laga eegi karin.

Lama degaanka Saxaraha ayaa ah lama degaanka ugu ballaaran caalamka isla markaana ugu kulul caalamka.

sida ay sheegeeen quburada Cilmiga Sayniska iyo saadaasha hawada Laga soo billaabo 1960 waxaa aad u soo yaraanayay roobabka ka da’a qaaradda Afrika, gaar ahaanna waddamada ku yaal saxaraha iyo kuwa ka hooseeyba, arrintaa oo markii dambe sababtay macalluul galaafatay nolasha boqolaal kun oo qof isla markaana ay ku barakeceen malaayiin qof oo kale.

Soomaaliya isbadaka cimida in wax badan iska badaleen waxaa laga ogaan karaa, sanadkii waxaa ka da’a sadex xili roobaad oo kala ah Xagaaga, Dayrta iyo Gu’ga, xiligan aan ku jirno waa xiliga Dayrta mana di’in roobkii lagu yaqaanay, mana gaarsiisna.

Isbaddalkaasi cimillada Afrika ayaa horseeday duufaannada Idai iyo Kenneth bishii Maarso ku dhuftay waddamada Mozambique, Zimbabwe iyo Malawi.

Duufaanta Kenneth ayaa qaaday waddo aan laga filayn oo waxa ay martay qeybo ka mid ah dalka Tanzania.

Horumar badan ayaa hadda laga sameeyay saadaasha hawada balse dhibaatadu wali waa mid taagan.

taariikh ahaaan Soomaliya waxay soomartay abaaro aad loogu hoobtay ama logu dhammaaday Dad iyo Duunyaba, kuwaas oo laga dhaxlay Gaajo, Macaluud, Barakax iyo Qaxooti intaba.

Marka laga soo tago goballada qaar wali lama arag abaar sidaa u daba dheeraata dunida inteeda kale Isbadalkaasi ayaa la saadaalinayaa in uu ka sii dari doono tobanaanka sano ee soo socda.

Sida badan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladdooduba maahan kuwo cashar ka qaata oo ka gaashaanta si aysan mar kale u soo noqon,taa badalkeeda waxay kaalmo way diistaan beesha Caalamaka.

kaalmada beesha caalamka maahan wax si bilaash ah lagu siiyo ee waa dayn ama amaah la sii siinayo oo hadhow laga doonayo, kaalmadu waxay ka kooban tahay lacag caddaan ah, raashin aan sida badan tayo dhawr la soo marin oo liita soomaaliyeey [ qoom bahani gob maahan].

WD: Nimco C/fataax (Sagal)

 

 

 

 

 

MALA GAARAY XILLIGII LAGA GUDBI LAHAA SAAMI QEYBSIGA 4.5.

Waa maxay 4.5? Maxaa laga faa’iiday? Muxuu cillado leeyahay? Ma la joogaa xilli ay tahay in laga gudbo? Ma naqaan nidaam ka fiican oo aan ku beddelno? Ma la diyaariyay meel looga guuro?

Waxay aheyd shirkii geedi-socodka nabada Soomaaliya ee Carte (2000) markii lagu yagleelay/xukmiyey hab qaybsiga siyaasadda ee Soomaaliya 4.5.

Nidaaamka hirgalay ee 4.5 wuxuu soo shaqeeyey ama la isticmaaley, faa’iido iyo qasaaraba, mudo ka badan 19 sano.

Mudadaa, dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed waxay si isku mida u tuhuntey islana garatey xog-la’aanta nimaadkan iyo cadaalad darrada uu ku suleysan yahay. Sababtaa darteed, inta badan shacabka Soomaliyeed waa ay ka dharagsan yihiin in xisaab-qorshaha 4.5 uu san ku saleeysneyn xog tirakoob jira iyo xaqiijin dabajoogto – balse, daneysi iyo isu tanaasul, loogu daneenayey kooxo iyagu qori caaradii iyo/magac qabiiil  isu huwiyey “laandheer-nimo” xaqdaro, sadbursi darteed.

INTA KALE maxaa loogu qoondeeyey 50%? Ma tiro, mise tayo? Tiro weli Soomaali lama tirin. Tayana weli leysma qiimeyn.

Ma qofbaa qof ka sarreeya? Ma qolaa qola kale ka wacan? Ma reer baa reer ka tun weyn? Dad wada ehel ah, isku muuqaal ah, hal af ku wada hadla, diin iyo dhaqan wadaaga oo haddana is kala soocaya. Waa quursi. Waa takoor. Waa xaqiraad. Waa dulmi la sharciyeeyey. Waa ihaano loo geysanayo ummad kale.

Bal waa maxay qiilka lagu takoorayo dad Somaliyeed oo aqoon, hanti, wadaniyad, taariikh iyo dhaqanba kula mid ah?

Qiilka kaliya oo lala shirtagay waa “xaq maaha ee waa xal.” Waxaan xaq aheyn  xal ma noqdaan. Waxaan xaq ku saleeysneyn waa xaaraan, xaaraan iyo xalaalna meel ma wada galaan.

La soco qeybta xigta

WQ: C/salaam M. Yaasiin

DAALACASHADA IYO AKHRISKA BADAN OO GARAADKA KORISA

Man reading a book and thinking good idea.

Ruux kasta oo caado u ah habdhaqanka akhriska waa hubaal in uu dheehanayo waayo aragnimo badan.

Dhaqanka wax akhriska waxaa uu u horseedaa qofka in uu wax badan ogaado taas oo isugu jirta waxyaabo badan oo aanu hore u ogeyn.

Wax akhriska wuxuu kuu suurtagaliyaa daalacashada taariikhdii hore ee dunida soo martay iyo horumarka laga gaaray teknolojiyada, sayniska iyo culuunta guud.

Isku taxluujinta raadinta macluumaad ayaa saldhig u ah akhriska badan .

Inkastoo dalku haatan laheyn maktabado oo wax laga akhristo ayaa hadana waxaa jira habka internetka wax looga kororsado.

Soomaalida inta badan ma laha dhaqan wax akhris , wallow inta yar eel eh hakaas waa kuwo aqoonta iyo garaadka kaga sarreeya inta kale .

Marka aad u fiirsato inta tababarada, seminaarada ka qeybgala waxay ka faa’ido badan yihiin kuwa iska fadhiya.

Dunida hore u martay ayaa ku sofowday habka wax akhriska oo waagii baryaba ku mashquulsan akhriska wargeysada iyo buugaag kala duwan oo xambaarsan sheekooyin iyo taariikh .

Sdee baad ku horumarin kartaa haddii aad wax akhriska meel iska dhigto oo aadan daneynin .

Ruuxba kan ka akhriska badan oo waa kan ka aqoon iyo garaadka sarreeya kan aan laheyn dhaqanka wax akhriska .

Arrintu si kastaba ha ahaatee yeelo dhaqan wax akhris iyo raadin aqoon kororsi  dhinacyo badan halka keliya aad wax dhageysan laheyd .

Waa arrin muhiim ah habdhaqanka wax akhriska ee aqoon maaddi iyo diiniba ah wax badan kaaga kordhayo.

WQ : Ibraahim Abuukar (Fanax)

XAWAALADAHA DALKA OO HOWL MUHIIM AH U HAYA BULSHADA SOOMAALIYEED.

Nolosha dad badan oo ku nool dalka waxay ku tiirsan yihiin lacago xawilaad ah oo ay ka helaan qaraabadooda ku nool dibadda oo ku soo taageera laakiin waxay dad  dhaliilaan qaabka dadka loo soo diro ay u isticmaalaan.

 

Faadumo waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho waxay qabtaa in aaney  jirin wax kale oo ay u isticmaali laheyd lacagtaa oo ah in ay nolosheeda ku dabarto iyadoo sheegtay in lacagta la so diraba ay iska yar tahay.

“ Marka horeba waxa laguu soo dirayo kama badna inta u dhaxeysa afka iyo gacanta oo iyadaaba iska yar” ayey tiri Faadumo.

Marka laga hadlayo dadka soo dira lacagahaa ee dibedda ku nool iyaga laftooda waxay qabaan in ay culeys ku tahay laakiin Maxamed oo ah aqoon yahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in dadka gudaha ku nool ay tahay in ay fikir la yimaadaan oo aaney isku tiirin lacagahaa balse ay sameeyaan qorsheyaal kale .

Cismaan wuxuu ka mid yahay dadka ku tiIrsan lacagahaa wuxuu qabaa in wax weyn lacagaahasi ay tareen dadka gudaha ku nool laakiin ay fiican tahay in dadka dibedda ku nool intii mar walba ay wax soo diri  lahaayeen ay ka fiican tahay in hal mar lacag kuusan oo waxtar leh ay soo diraan si ay u anfici karto looguna sameyn karo mashruuc fiican.

“Meesha bil walba qoyska loo soo dirayo boqol ama labo boqol oo Doolar waxaa ka wanaagsanaan laheyd in mar si isku duub ah loo siiyo lacag ay qoysku ka sameysan karaan mashruuc yar oo ganacsi oo isku deberaan” ayuuna yiri

Dadka lacagahaa hela laftooda ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan fikrad waxtar leh iska na dhaafaan wax raadiska joogtada ah wuxuuna  Axmed oo hadda ka tirsan ganacsatada yar yar ee suuqyada Muqdisho uu sheegay in uu shaqo abuurka ganacsi ee uu hadda heysto uu ka yimid walaalkii oo dibedda ku nool oo uu hal mar weydiistay in uu u maalgeliyo mashruucan ganacsi ee uu heysto.

In kasta oo ay haatan xaaladaha dhaqaale ee qoysaska ay is furfurayaan oo ay abuurmeen fursado shaqo iyo kuwo ganacsi oo gudaha ah hadana weli way muuqataa in qoysas badan ay weli ku tiirsan yihiin lacagahaa ay ka helaan qaraabdooda dibedda ku nool waase wax wanaagsan in qoysasku helaan fikarado ay shaqo kaga abuuran karaan lacagahaa ay helaan haddii ay weydiistaan qaraabadooda maalgalin halkii ay ka joogteyn lahaayeen in ay sugaan lacag la soo diro.

Dalka edatorial

JADEECADA OO SABABTA NAFAQO DARRI IYO TAMAR DARRI

Jadeecada ayaa guud ahaan laga helay dunida goor hore wolow ay ku kala duwan yihiin xaddiga caabuqa jadeecada ay haleesho waddamada.

Xaddiga jadeecada ee qaaradda afrika ayaa saameyn ku yeelatay nafaqo darri ay haleesho ama ay la soo gudboonaato caruurta.

Iska caabinta caabuqa ama fayriska jadeecada ayaa ah mid aad u liidata oo caruurta aysan iska difaaci Karin, waana mid gaabis ah taasoo dhalisa nafaqo darri.

Fayriskani ayaa fursad u hela inuu wax yeeleeyo ciyaalka ka hor inta uusan soo ridan cudurka.

Tan kale ee afrika sabab u ah in kor ukac jadeecada ay tahay guryaha lagu nool yahay oo lagu badan yahay qoys ahaan iyo iyadoo daawo loo qaato oo aan la adeegsan.

Caruurta badan ee u uku dhaco cudurkani jadeecada waa kuwo aan la talaalin.

Galbeedka afrika ayaa ku badan caabuqa in uu weeraro caruur badan oo yar yar.

Afrika badiyaa caruurta inta aysan gaarin da’da saddexda sano ayaa jadeecada ku dhacda, marka loo eego qaaradda yurub inta badan ciyaalka ayaa laga talaalaa feyriska jadeecada inta yar ee qaaddana waa kuwo shan sano gaaray/

Bariga afrika qiyas 3% To 5% ayaa jadeecada ku dhacdaa  tani waxay ka sarreysaa afar boqol jeer xaddiga ciyaalka yurub.

Marka waxaa si dhaqso leh loogu baahan yahay in la talaalo caruurta isla markaana la kordhiyo talaalka caruurta si looga hortago feyriska jadeecada xitaa ilmaha da’dooda ka yar tahay hal sano.

Jadeecada ayaa 80% guud ahaan ku keenta caruurta astaamaha ay ka mid yihiin qandho xooggan. Af qaraar, qufac, finan oo ka soo yaaca maqaarka ama jirka iyo tabar darri.

Jadeecada waxay hoos uriddaa miisaanka caruurta taasoo ka dhaxlaan tabar darri.

Mar mar ayay ku keentaa caruurta oo ay haleesho isla markaasna ku dhacda dawo la’aan indho beel ku dhaco, waa cudur caadi ka ah dunida oo badiyaa ciyaalka lagu arko oo uu haleelo.

Soomaaliya weli waa uu ka jiraa oo waxaa lagu arkaa caruur weli la il daran jadeecada

Soomaalida ayaa adeegsata xeelad ah in caruurta loogu meeyro ama loogu qabeeyo meyraxda geedka mareerka ah oo baaldi biyo lagu qaso ka dibna inta yare la cabsiiyo looguna meyro waxaa hubaal ah saddex cisho ka dib inuu ka reysanayo cunigii jadeecada ku dhacday, waana farsamo shaqeysay oo dawo dhaqameed ah oo lagu guuleystay siiba goballada koofureed.

WQ: Ibraahim Abuukar Cali

 

BOLIISKA OO WADA HOWLO WAX KA TARAYA AMMAANKA

Magaalada Muqdisho habeenadan ugu dambeeyey boliiska ayaa ka wada howlo amaanka wax ka taraya oo lagu hubinayo amaanka iyo nabadgelyada xaafadaha .

Waddooyinka iyo xaafadaha dhexdooda ayaa lagu arkayaa habeenkii ciidamo ay la socdaan saraakiishooda oo guryaha mid mid u galaya iyagoo si nidaam ah ula macaamilaya dadweynaha taas oo muujineysa sida ay ugu dadaalayaan in ay xiriir wanaagsan ka dhex abuuraan boliiska iyo dadweynaha .

Arrintana ayaa ka damebeysay markii ay dhowaan soo korortay ammaan darro iyo qalalaase ay wadaan dhallinyaro hubeysan oo habeenkii dadka ka dhaca mobeelada iyo agabyada kale ee ay wataan taas oo walaac ku abuurtay dadka deggan xaafadaha caasimada qaarkood.

Carruurta qaar ayaaa magaalada ak sameeya dagaalo koox koox ah oo mararka qaar ay u adeegsadaan midiyo iyo ulo iyo sidoo kale dhagxaan.

Saraakiisha boliiska ayaa ka hadlay arrimahan ku soo kordhay caasimadda oo sidoo kale ay ku jiraan falal anshax darri ah iyagoo wacyi gelin ka bilaabay goobo ay ku jiraan xeebaha liido iyo meelo kale oo caasimadda ah. Boliiska ayaa u digay dadka meelahaa ku iibiya waxyaabaha mukhaadaraadka ah iyo kuwa isticmaala .

Taliyaha boliiska ayaa sidoo ka hadlay muuqaalada anshax xumada ah ee lagu soo bandhigo baraha bulshada siiba Tiktok oo baryahan noqday goob ay ka socdaan waxyaabo aan wanaagsaneyn taas oo waaliidiin iyo dad kale oo badan ku abuurtay walaac ah in dhaqankii wanaagsanaa uu faraha ka baxayo.

Boliiska ayaa howlagaladii ay sameeyeen waxay kula kulmeen dhallinyaro badan oo ay u suurtagashay in ay kala hadlaan arrimaha amaanka iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen waxayna u sheegeen in boliiska dadweynaha la’aantii aanu si wanaagsan ula socon Karin dhaqdhaqaaqa dambiileyaasha iyo kuwa amaandarada sameynaya .

Tani waa talaabo wanaaagsan oo wada shaqeyn looga dhex abuuri karo boliiska iyo dadweymaha kalsoonina looga dhe dhalin karo taas oo wa weyn ka qabaneysa amaanka iyo sugiddiisa.

Dalka edatorial

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray magaalada Baraawe

wasiirka gaashaandhigga XFS,guddoomiyaha  Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow,Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhammaan masuuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta qaar iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

    

Wasiirka Waxbarashada XFS oo soo xiray shir u qabsoomay madaxda waxbarashada ee dalka

Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax C/qaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday madax ka kala socday guddigga wadatashiga waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirkaan oo socday intii u dhaxeysay 20-22-kii,waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha waxbarasho ee dalka ,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay qodobbo badan oo la xiriiray xagga waxbarashada.

Shirkaasi waxaa gabagabdii laga soo saaray warmuriyeed wadajir ah,sida uu shaaca ka qaaday Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS Ismaaciil Yuusuf Cismaan.

Qodobada warmurtiyeedkaan waxaa kamid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada waxbarasho ee dalka.

-La aburo jawi iskaashi oo lagu hormarinaayo tayada waxbarashada.

-La sameeyo madal la isku dhaafsado aqoonta waxbarasho.

-Ahmiyad la siiyo dugsiyada qur’aanka.

-dib loo furi 12 dugsi oo farsamada gacanta ah,kuwaas oo ku taalla gudaha dalka.

-La sameeyo olole waxbaraso ,gaar ahaan deegaanada laga laga xoreeyo kooxaha argagixisada.

Iyo in la meeleeyo macalimintii waxbarashada ee dhowaan ku guuleystay imtixaankii macalinimada dugsiyada.