Shiinaha oo caalamka ugu baaqay in la horumariyo hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya

A Chinese flag is raised during a medal ceremony for the women's freestyle skiing big air at the 2022 Winter Olympics, Tuesday, Feb. 8, 2022, in Beijing. (AP Photo/Jae C. Hong)

Ergayga joogtada ah ee dowladda Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay Zhang Jun ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaallo lagu horumarinayo hannaanka siyaasadda ee Soomaaliya,xilli uu ka qeybgalay shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay,kaas oo khuseeyay arrimaha Soomaaliya.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in beesha Caalamku ay ixtiraamtaa madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,isla markaana la bixiyo taageero wax ku ool ah.

Zhang ayaa soo jeediyay in golaha ammaanka ay dib u eegis ku sameeyaan Soomaaliya, isla markaana wax ka beddelaan tallaabooyinka cunaqabateynta hubka ee saaran ,iyadoo ay lagama maarmaan tahay in Soomaaliya laga taageero sidii ay u xoojin laheyd awoodeeda difaaca.

Shiinuhu wuxuu soo dhawaynayaa hindisaha u dhexeeya Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, iyo Kenya ee ah in la sii qoto dheereeyo iskaashiga la dagaalanka argagixisada gobolka si loo ilaaliyo ammaanka guud, ayuu yidhi.

“Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu beesha caalamka kala shaqeeyo sidii ay gacan uga geysan lahayd sidii nabad iyo xasillooni waarta loogu heli lahaa Soomaaliya,” sidaasi waxaa carabka ku adkeeyay ergeyga Shiinaha ee fadhigiisu yahay Qaramada Midoobay.

Dowladda Federaalka waa in ay dar dar gelisaa tayeynta ciidamadeeda amniga, ayna sare u qaaddo awoodeeda madax-banaan ee ka hortagga argagixisada, ayuu yiri ergayga Shiinaha.

Shiinaha waxa uu mar walba Soomaaliya ka taageerayaa dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta iyo dib u dhis qaran, waxaana uu ka caawiyay dalka in uu kor u qaado awooddiisa la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida.

Mareykanka:Ururada bulshada oo dalbaday in la taageero qoysas ay ka baxeen shan gabdhood

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa Jaaliyadda Soomaliyeed ee degan gobolkaas ugu baaqay inay garab istaagaan qoysaskii ay ka baxeen 5-tii gabdhood ee ku geeriyootay Mareykanka.

Qaar kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa qabtay kulan hordhac ah oo lagu gudbinaayeen farriimmo ku socda jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ,kaas oo ku saabsanaa taageero iyo duco.

Culumada ayaa xusay in ay wadaan qabanqaabinta kulan lagu wado in uu dhaco maalinimada berrito ah,waxaana loogu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa ganacsatada ah in ay ka soo qeybgalaan.

Kulanka ayaa ujeedadiisa lagu sheegay in uu la xiriiro sidii lacago taageeri ah loogu uruurin lahaa qoysaskii ay ka baxeen gabdhihii dhowaan ku dhintay shil gaarei oo ka dhacay mareykanka.

Lacagahaasi taageerada ah ayaa la xusay in loo adeegsan doono sifo sharci ah si loo helo aqoonyahanno sharci yaqaan ah oo u dooda marxuumiintaasi..

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo gabagabeeyay booqasho uu ku tagay Austria

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda FS Mudane Abshir Cumar Jaamac  ayaa soo  gabagabeeyay kulan  uu kaga qeybgalay Dalka Austria oo la xiriiray Mamnuucidda Tijaabinta Hubka Nuclearka.

Wasiirka ayaa  la kulamay wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Austria Alexander Schallenberg,iyagoo ka wada hadlay arrimaha muhiimadda u leh xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee labada  dal, dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, ammaanka iyo horumarinta arrimaha dhallinyarada.

sidoo kale Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shir muhiim ah la yeelannay wasiirka arrimaha gudaha dalka Austria Mr. Gerhard Karner ,waxayma isla soo qaadeen iskaashiga iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo sidii la isaga kaashan lahaa hawlaha muhiimadda u leh labadeenna dal.

Wasiirka ayaa sheegay in uu kormeer ku tagnay mid ka mid ah xarumaha la socodka xogta tijaabinta hubka Nuclearka ah oo ku dhextaal xarunta Qaramada Midoobey ee Vienna, waxaana warbixin ku saabsan sida xarumahani u shaqeeyaan iyo sida xogaha ay helaanna ugu gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh naga siiyey khubarada ka shaqeeya.

“Dalkeenna waxaa laga dhisi doonaa xarun xogahaas uruurisa una gudbisa hay’adaha dowladda ee ay khusayso, waxaana loo tababari doonaa muwaadiniin Soomaaliyeed ayuu yiri”Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Heshiiskaan waxaa horay u saxiixay 186 dawladood oo ay ku jiraan 51 dal oo Afrikaan ah. Dawladdeenna oo ka mid ah dawladaha kooban ee aan weli heshiiskaan saxiixin ayaa intii shirkaani socday caddaysay mawqidkeeda ah inay ka mid noqoto saxiixayaasha heshiiskan caalamiga ah.

Heshiiskaan ayaa mamnuucaya in hubka Nuclear ka ah lagu tijaabiyo badaha guntooda, dhulka hoostiisa iyo hawadaba,iyadoo caalamka laga dhisay 337 xarumood oo lagula socdo haddii ay cidi tijaabisa hubkan.

Soomaaliya waxay horay u saxiixday dhawr heshiis oo la xiriira xakamaynta hubka Khatarta ah sida: ◦ Heshiiska hordhaca ah ee Mamnuucidda Tijaabinta Hubka Nuclearka,◦ Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Nuclearka ah,Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Kiimikadda ah,Heshiiska Afrika xor ka ah Hubka Nuclearka ah (Pelindaba)  iyo Heshiiska Mamnuucidda Faafidda Hubka Biologyga ah.

 

Wasiirka Awqafta XFS oo kormeeray goobaha la dejiyay xujeyda Soomaalida ee Miina

Wasiikar Awqafta iyo Arrimaha Diinta XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay goobaha la dajiyay xujeyda Soomaaliya ee ku yaalla Magaalada Maka Al-Mukarama ee Dalka Sacuudi Varabiya,

Wasiirka oo ay la socdeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda Awqaafta Maxamed Ibraahin Xaaji Cali,Madaxa arimaha Xajka ee Soomaaliya Qadar Xaaji Daahir,waxa ay u kuurgaleen xaaladda xujeyda ee ku sugan magaalada Miina,gaar ahaan xarumaha teendhooyinka ee la dajiya dadkaasi.

Sheekh Mukhtaar Rooboow, waxa uu Dowladda Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay sanadkaan u galeen qabanqaabinta adeegga lagama maarmaanka u ah xujeyda Soomaaliyeed eee sanadkaan.

Wasiirku waxa uu u mahadceliyay dowladda Sacuudiga oo uu tilmaamay in ay xil gaar ah iska saartay socodsiinta howlaha xajka sanadkaan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo ka hadlay qodobbo la xiriiray ganacsiga xoolaha ee Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ka badan malyan iyo labo boqol oo neef oo xoolo ah sanadkaan laga dhoofiyay gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dhoofinta xoolaha ee sanadkaan ay yihiin tiro ka badan kuwii la dhoofin jiray sanadihii la soo dhaafay,sababo la xiriira iyadoo uu soo wanaagsanaanaayo xiriirka wax wada qabsi ee u dhaxeeya dalal kamid ah Soomaaliya iyo kuwa dunida.

Mudane Xassan Xuseen Maxamed ayaa xusay in suuqa iibgeynta xolaha Soomaaliya uu soo hagaagayo,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo ganacsiga xoolaha.

Dhoofinta xoolahaan ayaa illaa hadda ka socota dekedaha Berbera,Boosaaso ,Muqdisho iyo kuwo kale,iyagoo ku socda dalalka Sacuudiga Lubnaan,Cumaan iyo kuwo kale.

Madaxweynaha JFS oo sheegay in toban kun oo macallimiin ah lagu biirin doono nidaamka waxbarasho ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee dhanka Waxbarashada ay tahay mid ahmiyad weyn ugu fadhiso, isla markaana dowladdu ay 10,000 oo macalimiin ah ku biirin doonto nidaamka Waxbarasho ee dalkeenna.

Waxaan ogahay sida tacliintu u baabi’in karto saboolnimada. Waxaan ku soo koray deegaan yar oo miyiga ku yaal. Markii uu geeriyooday aabahay, hooyaday waxay caqabad wayn kala kulantay sidii ay ku xaqiijin lahayd inaan waxbarasho helo. Walow aysan awoodin inay wax akhriso, waxay haddana si joogto ah u hubin jirtay shaqo-guriga (layli) la i soo siiyay iyadoo eegi jirtay haddii wax calaamad casaan ahi ka muuqato. Hal-adayggeeda awgiis, waxaan awood u yeeshay inaan gacan ka gaysto dhisidda mid ka mid ah hay’adaha tacliineed ee dalka ugu wayn. Fursad taas la mid ah ayaan u doonayaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed.

Sababtaas awgeed, dowladdayda waxay durba billowday olole ballaaran oo macallin-qoris ah, kaas oo higsanaya in 10,000 oo macallimiin ah lagu biiriyo nidaamka waxbarasho ee dalka, iyadoo 20 boqolkiiba ay noqon doonaan hablo macallimiin ah. Durba, waxaan qornay 3,000 oo macallimiin kuwaas oo haatan tababar ku jira.

 

Madaxweynaha JFS oo Khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda amniga dalka, waxa uuna u jeediyay codsi xooggan oo ku aaddan in ay dalka ka qaadaan cunaqabateynta hubka ee saarneyd tan iyo sannadkii 1992-dii.

“Waxaan garoowsannahay in Al-Shabaab oo laga adkaado ay u baahan tahay qorshe dhinacyo badan leh oo ay ugu horreeyaan ciidamo tayo iyo awood leh, dhismo dowladeed oo loo dhan yahay iyo in dowladdu ay awood u yeelato bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee shacabka. Dowladdaydu waxay si dhab ah uga shaqeynaysaa arrimahaas oo dhan, si ay u gaarsiiso dalka nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbaddiisa jeedinayay.

Amniga

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay guulo wax ku ool ah oo ku aadan horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, waxa uuna sheegay in Sannadkii la soo dhaafay laga xoreeyey gacmaha argagixisada in ka badan 70 deegaan, taas oo fududeysay isu socodka dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, gaar ahaan dhul-beereed ballaaran oo hodon ah.

“Iyadoo la xoojiyey weerarrada ciidanka ee ku aaddan dabar-goynta argagixisada Alshabaab iyo in la curyaamiyo dhaqdhaqaawooda sirdoon ahaan, waxaan ku guuleysannay in hoos loo dhigo falalkoodii gurrucnaa ee ay ka fulin jireen Caasimadda Muqdisho.”

Cunaqabataynta Hubku, waa caqabad amni

Madaxweynaha ayaa adkeeyey in cunaqabateynta hubka ay noqotay caqabad halkii ay ka ahaan lahayd mid waxtar leh. “”In kasta oo aanu ku tallaabsannay horumar la taaban karo, haddana geeddiga aanu ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya nabdoon oo barwaaqo ah waxa ku hor gudban caqabad adag oo ah cunaqabataynta hubka ee qarankeenna lagu soo rogay sanadkii 1992. Sidaasi awgeed, waxaan si cad hoosta uga xarriiqayaa in Soomaaliyada hadda (2023) aanay ahayn Soomaaliyadii shalay (1992).”

Qaadista Cunaqabataynta Hubka

Madaxweynaha, ayaa mar uu ka hadlaayay tallabada loo qaaday in lagu maareeyo hubka iyo rasaasta dalka, waxa uu ka codsaday ergada in ay gacan ku siiyaan baaqa ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya. “Marka aad sidaas sameysaan waxaad awood noo siinaysaan in aan xaqiijinno madax-bannaanideena.”

 

Ku-simaha Ra’iisal wasaaraha Dalka oo tababar u soo xiray saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa u soo xiray Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka.

Tababarkan oo socday muddo 4 cisho ah ayaa la xiriiray tababar ku saabsan isku xirka shacabka iyo ciidanka Xoogga Dalka, waxaana munaasabadda xiritaanka goobjoog ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Tababarka oo ay soo agaasintay Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka Ciidanka XDS G/dhexe Iimaan Maxamuud Cali si kor loogu tayada Saraakiisha &Saraakiil xigeenada Ciidanka XDS ee ka shaqeeya arrimaha bulshada.

        

Danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya oo ka hadashay xaaladda Dalka

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, oo ka hadashay kullankeedii ugu horeeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in intii ay ku jirtay safarradii ay ku soo martay Soomaaliya labadii toddobaad ee ugu horreysay in ay indhaheeda ku soo aragtay horumarka baaxadda leh ee uu dalku ka sameeyay dhinaca Dowlad-dhiska iyo nabad-dhiska.

Ergeyga oo hadalkeeda sii wadata ayaa Golaha Ammaanka u sheegtay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka samaysay horumarinta arrimaha muhiimka ah ee qaranka, oo ay ka mid yihiin magacaabista guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka, meel marinta 11 sharci, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacday Puntland.

Waxay intaa ku dartay in xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ah, taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha, isbeddelka cimilada iyo yaraanta taageero dhaqaale.

Sidoo kale, Catriona Laing  ayaa ku boorisay in la taageero 8.25 milyan oo qof oo u baahan gargaar, iyadoo muujisay baahida loo qabo xalal waara.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ATMIS kala wareegay saldhigii labaad ee ku yaalla Hirshabeelle

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayaa maanta howlgalka ATMIS kala wareegay saldhigga Mirtaqwo ee dowlad gobolleedka Hirshabelle, kaasoo xarun aheyd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi (BNDF).

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale maalin ka hor kala wareegay howlgalka ATMIS saldhigga ciidanka Xaaji Cali ee dowlad goboleedka Hirshabelle oo isna xarun u ahayd ciidamada Difaaca Qaranka Burundi.

Xilwareejinta masuuliyada amniga oo udhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa waafaqsan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) 2628 (22) iyo 2670 (22) kaasoo faraya ATMIS inay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Khawaarijta Al-shabaab kala wareegay dhul balaaran taasoo soo dadajisay in lagu kolsoonaado awoodda Xoogga Dalka Soomaaliyeed.