Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska oo ka qaatay Salaan Sharaf Ciidan Tababar uga Socdo Akadeemiyada Boliiska

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,S/Guuto. Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif), ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub Ciidan ah oo tababar cusbooneysiin iyo dhiboow ah ugu jira Akademiyada Boliiska S/Guuto Kaahiye.

Ciidankaan ayaa loo tababaraya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sugida amniga iyo xasiiloonida dalka waxaan ay qayb ka yihiin ciidamada mudooyinkii danbe loo diyaarinayay ka mid noqshada ciidanka Boliiska Soomaaliya.

     

Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo soo dhaweyay shirka looga hadlayo Xasillinta iyo soo Kabashada hore

Anita Kiki Gbeho, Sii-haya ahna Kuxigeenka ergayga UN-ka ee Soomaaliya oo ka hadashay kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo soo Kabashada hore ayaa ka sheegtay in ay garab tagaan yihiin  shirkaan UN-ka u diyaar ugu yihiin in ay u muujiyaan taageero weyn.

“Waxaa soo dhoweyneynaa hannaankan Xasillinta, waa hannaan leh dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dhinacyada amniga, dowlad dhiska, Iskuduabriska howlaha meelaha la xoreeyay iyo taageerada. Ka UN ahaan waxaan diyaar u nahay in aan arrimahaasi kala shaqeyno hey’adaha ku lug leh” Ayey intaa raacisay”.

Kiki waxaa kale ay soo qaadatay arrimaha muhiim ah ee Xasillinta sida dib u soo kabashada, howlaha ay tahay in la qabto xilliga Xasillinta sida waxbarashada, kalooni dhisidda, dhismaha hey;adaha, adeeg bixinta iyo dhismaha hey;adaha dowlaha hoose, waxaa ayna ballanqaaday in UNka ay taageeri doonaan.

Xubno loo heysto musuq maasuq oo maanta la hor-geyey Maxkamadda G/Banaadir

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay labo sargaal oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo sargaal ka tirsan ilaaladda madaxtooyada oo loo heysto falal la xariira Musuq-maasuq.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo daah-furay shir looga hadlayo Xasilinta iyo Soo kabashada hore

Ra’isul wasaare kuxigeenka XFS ahan Kusimaha Ra’isul wasaaraha mudane Salah Jamac oo daahfuray kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo Soo kabashada hore ayaa khudbaddiisa waxaa u mahadceliyay xoogga dalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah howlaha ay ka wadaan ee ladagaalanka argigixisada.

“Sharciyadda dowladda Soomaaliya waa sida ay u gaarto meelaha ay joogaan Al-Shabaab, 4 milyan ayaa ku hoos noolaa Al-Shabaab 15 sano ee lasoo dhaafay iyaga oo u baahan waxbarasho iyo arrimo kale” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa”.

Mudane Salah Jama oo sii hadlaya ayaa sheegay in Xasillinta ay qeyb ka tahay in argigixisada laga saaro meelaha ay hadda heystaan, isaga oo carabta ku dhuftay in dagaalka lagu qaadayo argigixisada Shabaab uu dhaafi doono webiyada.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Salah Jamac waxaa uu soo qaatay in meelaha la xoreeyo ay tahay in wax laga qabto baahiyada sida dhismaha dowladaha hoose, booliiska iyo amniga, cadaaladda, soo celinta kala dambeynta iyo howlo kale.

Ugu dambeyntii, Ra’isul Wasaare Kuxigeenka ahna Kusimaha mudane Salah Jama waxaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ka hoggaan ahaan ay ka doonayaan hey’adaha heerarka kala duwan ee dowladda Soomaaliya ee ka shaqeeya Xasillinta ay mas’uuliyadooda qaataan, lagulana xisaabtami doonno, halka beesha caalamka laga doonayo in ay u fahmaan Xasillintu in ay tahay istaraatiijiyad qaran iyo xalka siyaasad qaran, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan dhinacyada Xasillinta in ay wadashaqeeyaan, oo ay ka fogaadaan tartan iyo shaqo lasoo celceliyo.

   

Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Jardiinka Arbaca Rukun

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dib u casriyeynta Jardiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamar weyne oo ka mid goobaha qaddiimiga ah ee ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Goobtaan uu dhagax-dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ah goob Taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgaliyay nus qarni ka hor, waxaana oo loogu talagalay in ay isugu timaado bulshadu, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wadasheekeysiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan-qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee ka turjumaya jiritaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wasiir Dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo shir uga qeyb galay Magaalada Addis Ababa

Shirkan oo heer Wasiir ahaa oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu ansaxiyo labada Istiraatiiji ee kala ah  Istiraatiijiyadda Badqabka Cuntada (Food Safety Strategy) iyo Istiraatiijiyada Maareynta khasaaraha goosashada kadib (Post Harvest Loss Management) ee IGAD,wasiir Dawlaha oo hadal ka jeediyay xiritaanka shirka ayaa tibaaxay muhiimada ay labada Istiraatiiji u leeyihiin Soomaaliya iyo dawladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

“Istiraatiijiyadda Baqabka cuntada IGAD waxey muhiim u tahay isku gudubka badeecadaha/cuntooyinka dawladaha dhexdooda iyo weliba Africa iyo sidoo kale ilaalinta caafimaadka dadka iyo xoolaha.

Dhanka kale Istiraatiijiyadda Maareynta khasaaraha goosashada kadib waxey kor u qaadeysaa Wax-soo-saarka iyo Kobaca Dhaqaalaha, Istiraatiijiyaddan waxey inoo badbaadineysaa malaayiin tan oo lagu quudin karo dadkeena” ayuu sheegay Wasiir Dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyadoo Ugu dambeyn Istiraatiijiyada Badqabka Cuntada IGAD ayaa la ansaxiyay.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la Qaatay Wasiirka Gaashaandhiigga Mareykanka

Washington:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin
Austin ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Halkaan Hoose ka daawo  Muuqaalka kulanka Madaxweynah iyo wasiirka Gaashaandhiiga Mareykanka:-
Video Player

00:00

Warbixin:-Horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta oo kala shaki soo kala dhexgalay uu sababay in qaar ka mid ah xabsi loo taxaabo

Ciidamad xoogga dalka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka Maleeshiyada Khawaarajita ee Al-shabaab looga xoraynayo qaybah yare ee ay ku harsan yihiin gobolada dalka,taniyo markii ay bilowdeen howlgallada ka dhanka Maleeshiyada Khawaajirta Al-shabaab  ayaa  horjoogayaal badan oo ka tirsan waxay wajahayaan xariga iyo tuhunka  ay kala qaadeen horjoogayaasha taas oo  abuurtay cabsi ay kala qabaan dhagarqabayaasha ugu dhagarta badana Khawaarijta.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka warbixin ku saabsan horjoogayaasha maleeshiyada kala shakigu soo kala dhexgalay.

Video Player

In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeelaha Hoose

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaala deegaankaas.

Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.

Maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Shir looga hadlayo istiraatiijiyadda xafiisyada xeer ilaalinta oo Muqdisho ka furmay

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shir wadatashi ah oo ku aaddan diyaarinta qorshaha Istaraatijiyadda iyo hawlaha xafiisyada xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo xeer Ilaaliyayaasha guud ee Soomaaliya.

Shirka oo ay goobjoog ka ahaayeen dhammaan xafiisyada xeer illaaliyaasha guud ee dowladda FS iyo xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka garyaqaan Sulaymaan Maxamed Maxamuud, waxaana daahfuray gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed oo ka sheekeeye muhiimada ay dalka u leedahay in qorshe yaal mideysan loo sameeyo Xeer-Ilaalinta dalka.

Shirkan oo socon doono mudo labo maalin ah waxaa lafilayaa inay ka soo baxaan natiijo wax ku ool ah oo dhanaan xeer illinta dalku ay ka mideysanyihiin.