Wasiirka batroolka iyo macdanta oo la shiray ganacsatada Shidaalka iibisa

Wasiirka wasaaradda batrolka iyo macdanta dowladda FS mudane Dr Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay dhammaan ganacsatada shirkadaha ka shaqeeya Shidaalka.

Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, waxaana ganacsatada ayaa lala wadaagay looguna sharxay shuruucda iyo xeer-nidaamiya yaasha ay wasaaradu soo saartay iyo ahmiyada ay leedahay in ganacsatadu u hogaansanto.

Ganacsatada ayaa wasiirka la wadaagtay daruufaha iyo caqabadaha jira ee ay u baahanyihiin in wax lagala qabo.

Wasiirka wsaaradda batrolka iyo macdanta dowladda FS mudane Dr Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa la wadaagay sharuucda iyo habraacyada hananka dowlada Soomaaliya u dajisay si looga baaqsado dhibaatooyinka ka dhasha meelaha aanan u diyaarsanayn in lagu iibiyo shidaalka, waxaana wasaaraddu caddaysay in la joojiyay oo aan la ogalaandoonin in dalka la keeno Shidaal tayadiisa hoosayso,

 

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ayaa sheegtay inay ka goan tahay ilaalinta badqabka dadka iyo deegaanka.

Faah-faahinta weerarkii ay khawaarijta ku qaadeen degmada Baardheere

Ciidanka Itoobiya ee ku sugan magaalada Baardheere ee dowladda Soomaaliya ka taageeraya la dagaallanka khawaarijta ayaa ka hortagay weeraro naf halignimmo ah oo Khawaarijta maanta ku qaadday magaaladaas.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  sheegay in Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka wejiga labaad ee la dagaallanka Al-shabaab ay si feejigan oo deg deg ah uga hor tageen labo baabuur oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in lala beegsado saldhigga Ciidanka Itoobiya ee degmada Baardheere, ka dib markii ay toogteen naftood halligayaashii waday gaadiidka, inta aysan gaarin ujeedkooda.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dowladaha safka hore , kuwaas oo ka qeyb ka ah wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta .

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa weerarro lagu laayay khawaarij badan ka wada goobaha ay ku dhuumaalaysaneysa kooxda argagixisada ee naf la caariga ah.

Xafiiska Hantidhawrka oo warbixin ka soo saaray lacag ka maqan khasnadda dowladda

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo Warbixin ka soo saaray caddadka lacag ka maqan khasnadda dowladda iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto ka hortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga dowladda

Halkan hoose ka Akhriso War-Saxaafadeed uu xafiiska Hanti-Dhowrka Guud soo saaray:-

“Xafiiska Hantidhawrka guud ee Qaranka ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer- ilaaliyaha guud ee Qaranka Warbixin Baariseed Fatash ah (Forensic Audit Report) oo Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyay Waaxda bixinta ruqsadda shaqada ee shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA Work permit department), Waaxda kordhinta dal ku joogga shisheeyaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND Visa Extension), Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Wasaaradda Maaliyadda, Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Bankiga Dhexe Soomaaliya iyo Waaxda adeegga shaqaalaha shisheeyaha ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Warbixin baariseedkan fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku wareejiyey Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa muujisay in khasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya uu ka maqan yahay dakhli ay xafiisyadaasi soosaareen oo gaaray 21 Milyan oo dollar intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023, taas oo ku maqan mas’uuliyadda iyo maamulka Xafiisyada bixiya adeegyada kordhinta fiisaha iyo ruqsadda shaqada oo kala raacsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada iyo Hay’adda Scodaalka iyo Jinsiyadda iyo sidoo kale Xafiisyada qabashada dakhliga, xisaabinta iyo xaraynta dakhliga oo kala raacsan Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Baarista Fatashka ah ee Xafiiska Hantidhawrku ku sameeyey hay’adahan ayaa dabooleysa intii u dhexeysay 08 March 2018 ilaa 19 April 2023. Waxaana ku lug leh dad isugu jira madax iyo shaqaale dowladeed iyo dad shacab ah oo xiriir wadashaqeyneed la leh hay’daha dowladda ee Baaristu khuseyso.

Hay’adaha qaabilsan hufnaanta iyo dhaqan-gelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay wadaan olole lagula dagaalayo musuqa iyo wax- isdamarinta oo sabab u ah gaabiska iyo caajiska miisaaniyadda dalka. Hay’adahan oo ka ambaqaadaya waajibkooda shaqo waxa ay ugu baaqayaan dhammaan madaxda iyo shaqaalaha ka shaqeeya ilaha dakhliga dowladda Soomaaliya in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo feejignaan dheeri ah ayna xilkooda u gutaan sida ugu habboon.

Sidoo kale Hay’adaha qaabilsan hufnaanta, ilaalinta iyo dhaqangelinta sharciga ee dowladda Soomaaliya waxa ay Dadweynaha Soomaaliyeed ka codsanayaan in dowladda lagu taageero laguna garab-istaago dagaallada ka dhanka ah musuqa iyo Khawaarijta Alshabaab.

La dagaallanka musuq-maasuqa iyo Khawaarijta Alshabaab waa qorshe qaran oo qof walba oo Soomaali ah ay ku jirto dantiisa maanta iyo mustaqbalka carruurtiisa.

Ujeeddada baaristan Fatashka ah oo keli ah waa kahortagga musuqa, wax is daba-marinta iyo ku takrifalka dakhliga yar ee dowladda Soomaaliya ka soo gala ilaheeda dhaqaalaha, mana jirto habayaraatee cid, koox iyo qof gaar ah oo uu lid ku yahay ololahan la dagaallanka musuqa iyo lunsiga dakhliga dowladda Soomaaliya.

DHAMMAAD

 

Kulan looga hadlayay halista maandooriyaha oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ka qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay cilmi baaris laga sameeyay sida xooggan ee uu bulshada ugu faafayo isticmaalka Maandooriyaha iyo qatarta uu ku hayo mustaqbalka dhallinyarada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, xildhibaano ka tirsan DFS, madaxda Garsoorka dalka iyo aqoonyahano Soomaaliyeed

Hey’adda horurimarinta Nabadda iyo Dimuqraadiyadda ee Hiil ayaa soo bandhigtay cilmi Baaris ay ka sameeyeen faafitaanka dhibaatada Maandooriyaha, gaar ahaan xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo goobaha ay bulshada isugu yimaaddaan.

  

Howlgalka ATMIS oo billaabay dhimista Ciidamadooda

Howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa billaabey dhimista Ciidamada, iyada oo la raacayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSCR) ee tirsigiisu yahay 2628 (22) iyo 2670 (22), kaas oo faraya howlgalka ATMIS in ay saarto 2000 oo askari dhammaadka Juun 2023.

Howlgalka ATMIS oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya (UNSOS) ayaa ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) xaruntii ugu horreysay ee saldhigga Ciidanka Xaaji Cali ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa si rasmi ah xaruntan ugu wareejiyay taliyaha ciidanka XDS ee aaggaas, Gashaanle Bashiir Abuukar Axmed, waxaana munaasabadan ka qeyb galay saraakiil sar sare oo ka kala socday ATMIS iyo CXDS, taas oo uu gudoominayay taliyaha ciidamada ATMIS ee dhanka Qorsheynta Gash.dhexe. Collins Musau.

“Sannado badan, waxaan si dhow ula shaqeynay CXDS, wadashaqeyntaasna waxay si weyn uga qeyb qaadatay horumarinta xasilloonida iyo amniga deegaankan, xil wareejinta maanta waxay qayb ka tahay wareejinta mas’uuliyadda amniga dalka,” ayuu yiri Gash.dhexe. Musau.

Taliyaha CXDS  ee aaga Xaaji Cali, Gash. Bashiir, ayaa uga mahadceliyey ATMIS wareejinta xaruntan, wuxuuna sidoo kale xusay in xil wareejinta ay ka dambeysay xiriir wada shaqeyn oo dhex maray ATMIS iyo CXDS.

“Waxaan had iyo jeer xiriir wanaagsan la lahayn howlgalka ATMIS inta ay halkan ka shaqeynayeen, haddana xilka ku wareejinayaan sidii loo igmaday, waan ku faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga,” ayuu yiri Gashaanle Bashiir.

Taliyaha Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS Gaashaanle dhexe, Richard Bimenyimana ayaa xasuusiyay dhammaan dhinacyada in xil-wareejintu ay tahay fulinta waajibaadka howlgalka ATMIS.

“Waa tallaabo muhiim ah oo uu maanta horey uqaaday howlgalka ATMIS, ka dib booqashadii hore ee ay qiimeynta ku sameeyeen saldhiggan hoggaanka Sare ee ATMIS, SNA iyo UNSOS,” ayuu yiri Gash.dhexe. Bimenyimana.

Hay’ada Qaramada Midoobey ee UNSOS ayaa taageero farsamo iyo qalab siisay howlgalka ATMIS, waxayna CXD ku wareejiyeen ceel riig ah, qalabka lagu daweeyo biyaha iyo kaydinta, Janareetaro, Solarro, qalabka qaybinta korontada, talaajado iyo qaboojiyayaal.

Saldhiga Xaaji Cali oo 70 km waqooyi-bari ka xiga Magalada Muqdisho ayaa ka mid ah 7 saldhig oo howlagalka ATMIS ku wareejinayo CXDS dhamaadka bisha June 2023, Bishii Janaayo ee sanadkan ATMIS ayaa saldhigga Maslax ee duleedka Muqdisho ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee wadahadallada DFS iyo Somaliland oo la kulmay safiirka Qatar

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed kullan kula qaatay Muqdisho safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

kullanka labada mas’uul ayaan diirada ku saarnay iskaashiga labada dal, iyo dardargalinta wada-hadallada DFS iyo Somaliland.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi la wadaagay sida dowladda Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi oo bogaadiyey dadaallada Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Qatar diyaar u tahay garab istaagga iyo taageerada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ciidanka xoogga oo howlgal ka sameeyay degaanno ka tirsan Jubbada hoose

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay deegaanno u dhexeeya Janaay cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan  qorshaysan ayay ciidamadu ka fuliyeen Tuulooyinka kala ah Harboole, Miido iyo Biibi, iyadoo khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh.

Ciidamada ayaa cagta mariyay goobo ay dadka ku dhici jireen khawaarijta Al-shabaab kuna qaadanayeen lacago baad ah, ciidamada is garabsanayay ayaa suurta geliyay in ay fasaxaan dad safar ahaa oo ay Khawaarijtu haysatay.

Taliska ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir oo tababar u furay ciidanka ilaalada deegaanka Xamar

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane, Maxamuud Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Xarunta hoggaanka Gaadiidka Boliiska tababar uga furay ku dhawaad 200 oo xubnood oo ah Ciidanka nabad gelyada ka mid ah.

Ciidankan tababarka loo furay oo ah mid cusub ayaa loo qaatay in ay dhowaan ka mid noqdaan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.

Inta uu tababarku socdo, Ciidanka Boliiska Somaaliyeed, ayaa gacanta ku hayndoonaa oo tababari doona Ciidanka cusub, iyada oo la baridoono habka Sugida iyo Ilaalinta Deegaanka Xamar, Shuruucda iyo Qawaaniinta Ilaalinta Deegaanka Xamar.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay dadkuu ku dhintey colaadda ka taagan magaalada Garowe, kuna baaqey in degdeg loo joojiyo dhigga qubanaya, miiska wadahadalkana lagu xaliyo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac.

2-Beesha caalamka oo ku baaqdey in la joojiyo rabshadaha ka dilaacay Garowe.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay wareegtada lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatey Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ay kala hadleen muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG.

5-Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta iyo Qorsheynta ee WFDP.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tababar u furay 3,000 oo macallin oo dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya shaqaaleysiisay.

7-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, kana dhegeystay warbixino mas’uuliyiinta wasaaradaha qaar.

8-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, cunaqabaynta hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

10-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Muqdisho ka furay Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha Caafimaadka dalka.

11-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo ka furay shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran.

12-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee Hirgelinta Hiigsiga Horumarinta Caalamiga ah oo 20-ka Juun 2023, ka furmay magaalada Beijing caasimadda Shiinaha.

13-Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo ku eedeysan musuqmaasuq.

14-Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay Wajiga Labaad ee wadatashiga diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka oo ay ka qeyb galeen dowlad goboleedyada ka jira dalka.

15-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.

16-Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ay sannad walba bixiso hay’adda ‘Central Banking’ ee fadhigeedu yahay waddanka Britain.

17-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Ethiopia oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca khibrad wadaagga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaadka.

18-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhexeeysa magaalada Galcad iyo degaanka Baraag Sheekh Caamir kuna dilay horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane).

19-Shir ku saabsan barnaamijka deyn cafinta oo u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya, hay’adaha Lacagta Addunka iyo Bangiga Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi.

20-Wasaaradda Caafimaadka XFS oo furtay aqoon kororsi ku saabsan diyaarinta qeybaha dhiigga iyo maareynta dhiig-shubista.

21-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga ee Soomaaliya Mudane Cali Ifiye Cali ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

22-Danjiraha Soomaaliya ee China Mudane Cawaale Kullane ayaa khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee Qaramada midoobay.

23-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo la kulmay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mudane, Etienna Peterschmitt oo ay ka wada hadleen xoojinta xog-wadaaga iyo iskaashiga labada hay’adood.

24-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

25-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo dalka Norway kaga qeybgaley mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” oo lagu falanqeeyey dadaalada Soomaaliya ee dib u xorreynta kadib.

26-Shirkii afaraad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

27-Taliyaha xilka ka degaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Hawlgalka Africom Gen, Micheal Langley. Waxayna ka wadahadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta cirib tirka kooxaha khawaarijta.

 

Madaxweynaha Maraykanka oo dhiggiisa Shiinaha ku tilmaamay kaligii taliye

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ku tilmaamay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, inuu yahay Madaxweyne xil jecel oo kaligii taliye ah.

Biden, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galay kulan uu Xisbiga Dimuquraadiga ku lahaa Gobolka California, maalin kadib booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken uu ku tagay dalka Shiinaha, kaas oo ujeedakiisu ahaa in lagu dejiyo xiisada u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

Xiisadda u dhaxeysa labadan dal ayaa aad u sii laba kacleeysay kadib markii bishii February ee la soo dhaafay, Milateriga Mareykanka ay soo rideen buufin lagu sheegay basaas, oo uu lahaa Shiinaha oo dul maray hawada Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Madaxweynaha Shiinaha ayaa maalin ka hor ku heshiiyay kulan ay ku yeesheen magaalada Beijing ee dalka Shiinaha in la dejiyo xiriirka labada dal si aysan u sii baahin colaadda u dhaxeysa labadan dal.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Natiijada ka soo baxday kulankaasi ku tilmaamay mid wanaagsan, oo wax badan ka baddali doona xiriirka Washington iyo Beijing.