Madaxweynaha Maraykanka oo dhiggiisa Shiinaha ku tilmaamay kaligii taliye

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ku tilmaamay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, inuu yahay Madaxweyne xil jecel oo kaligii taliye ah.

Biden, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galay kulan uu Xisbiga Dimuquraadiga ku lahaa Gobolka California, maalin kadib booqashadii xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken uu ku tagay dalka Shiinaha, kaas oo ujeedakiisu ahaa in lagu dejiyo xiisada u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

Xiisadda u dhaxeysa labadan dal ayaa aad u sii laba kacleeysay kadib markii bishii February ee la soo dhaafay, Milateriga Mareykanka ay soo rideen buufin lagu sheegay basaas, oo uu lahaa Shiinaha oo dul maray hawada Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Madaxweynaha Shiinaha ayaa maalin ka hor ku heshiiyay kulan ay ku yeesheen magaalada Beijing ee dalka Shiinaha in la dejiyo xiriirka labada dal si aysan u sii baahin colaadda u dhaxeysa labadan dal.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Natiijada ka soo baxday kulankaasi ku tilmaamay mid wanaagsan, oo wax badan ka baddali doona xiriirka Washington iyo Beijing.

Duqa Muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo ku saabsan dardar gelinta Sugida amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga munaasabadaha isa-saaran ee Ciidul Adxa iyo Todobaadka Xorriyadda, kaas oo ka dhacay Xarunta Qeybta Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyed.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiisha Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa warbixin ku saabsan amniga Caasimadda ka dhagestay qaar kamid ah saraakiishii shirkan ka qeyb gashay, kuwaas oo soo gudbiyay guulihii laga gaaray howlgaladii ay sida wadajirka ah u fulinayeen ciidamada qalabka sida iyo sida loogu diyaar garooway munaasabadaha Ciidul Adxa iyo maalmaha Xorriyadda oo nagu soo foodleh.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho Mudane Madaale ayaa faray saraakiisha Amniga iyo guddoomiyaasha Degmooyinka in la xoojiyo howlaha Sugida Amniga, iyada oo la kaa shanayo shacabka islamarkaana si wadajir ah loogu diyaar garoowo weyneynta todobaadka Xorriyada iyo munaasabada Ciidul Adxa.

Khawaarijta Al-shabaab oo dad rayid ah ku xasuuqay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ugu yaraan 3-qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay Khawaarijta Al-Shabaab ku qarxiyeen qaar ka mid ah shacabka degaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabbeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dadka dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, dadka dhintayna la aasay, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh la wadaagay ehelada dadkii ay dhibaatadu haleeshay.

Mudane, Maxamed Ibraahim Barre oo faah-faahin ka bixiyay qaabkii ay rayidka u xasuuqeen arxan laawayaasha khawaarijta Al-shabaab ayaa yiri, “marka hore waxay qarax la beegsadeen Mooto uu qof shacab ah watay, ka dibna waxay qarax kale la beegsadeen dad weynihii usoo gurmaday ee goobta isugu yimid”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn dowladda federaalka, maamulka koofur galbeed iyo bulshada ku dhaqan caasimadda ka codsaday in kaalmo iyo garab istaag loo fidiyo shacabka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyada ay dhigeen khawaarijtu.

Dhowaan ayay ahayd markii khawaarijtu in ka badan 20 Carruur ah ku laysay qarax ay dhigeen goob ay ku cayaarayeen duleedka degaanka Jannaale ee isla gobolka Shabeellada hoose, taas oo qeyb ka ah falalka arxan darrada ah ee ay shacabka iyo maatida la beegsadaan.

Bankiga dhexe oo daah-furay hannaan casri ah oo fududeynaya lacag bixinta iyo wax kala iibsiga

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa daah-furay hannaan casri ah oo loo yaqaan SOMQR, kaas oo fududeynaya habka lacag bixinta iyo wax kala iibsiga.

Hannaankan SOMQR ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed u sahlaya in ay si digital ah lacagaha isugu wareejin karaan iyagoo isticmaalaya hannaanka SOMQR.

Adeegga lacag-bixinta deg-degga ah ee uu soo kordhinayo SOMQR waxaa ku midaysnaan doona Bangiyada oo dhan iyo shirkadaha bixiya adeegga mobile money, waxaana loo adeegsan doonaa wax kala iibsiga, lacag isu dirista, canshuur bixinta, iwm.

Guddoomiya Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo khudbad ka jeediyey xafladda daahfurka SOMQR ayaa yiri “waxaa sharaf noo ah inay noo suuro gashay hirgelinta SOMQR oo wax badan kusoo kordhin doona hannaanka lacag bixinta dalka.

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay casriyeynta iyo tayeynta adeegyada maaliyadda dalka, si ay u noqdaan kuwo la jaanqaadi kara tignoolajiyadda u dambeysay ee adduunku maanta isticmaalo, wuxuuna intaa raaciyay in iIlaa hadda waddamo kooban oo Africa ah ay hirgeliyeen hannaanka loo yaqaan ‘National QR Code’.

“Waxaynu hore u hirgelinay Hannaanka isku-xirka Bangiyada dalka iyo qaadashada lambar-xisaabeedka caalamiga ah ee loo yaqaan IBAN, oo adduunku inagu amaanay, abaal-marin caalami ahna ku helnay.”

Bankiga dhexe waxaa ka go’an dib u habeynta, casriyeynyta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda dalka.

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey muwaadiniintii ku geeriyooday dagaalka Garoowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka tacsiyeeyey muwaadiniinta birmo-geydada ah ee ku nafwaayey dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku celiyey baaqiisa ku aaddanaa in la tixgeliyo rabitaanka dadwenaha, lagana fogaado in xalka lagu raadiyo qori iyo rasaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xamili karin colaad cusub oo laga huriyo deegaannadii ku tilmaamnaa nabadda iyo xasilloonida, xilli dowladdu ay la tacaaleyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo nabadeynta deegaannada ay horey u saameeyeen dagaallada sokeeye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay odeyaasha dhaqanka Puntland in ay u istaagaan xallinta dhibaatada taagan, maadaama ay aas-aas u yihiin dowladnimada iyo xasilloonida Puntland, Waxa uuna sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar la tahay waxii looga baahdo ee fududeynaya nabadenyta iyo xallinta khilaafka ka taagan Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Washington

Washington: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoSoomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya fadhiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona kulanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna madaxweynuhu xoogga saarayaa sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa kulamo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Ra’iisal wasaare Xamse oo u ambabaxay boqortooyada Sucuudiga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa u ambabaxay waddanka boqortooyada Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu ku soo gudan doono waajibaadka Xajka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed Ilaahay uga baryay in dhibaatooyinka ragaadiyey dowladnimadooda uu ka dulqaado, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la is cafiyo oo laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Ergayga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo la kulmay safiirka Sucuudiga

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kullan la qaatay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya danjire Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, kaas oo diirada lagu saarnay iskaashiga labada dal, iyo wada-hadallada dowladda FS iyo Somaliland sidii loo sii amba qaadi lahaa.

“Waxaan Safiirka uga warbixiyey dedaalada lagu xoojinayo wadahadallada dowladda FS iyo Somaliland iyo sida ay dowladeena uga go’antahay xal u helida arrimaha Somaliland” ayuu yiri Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed

Dhinaciisa safiirka dowladda Sucuudiga ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudiga diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerida wadahadallada dowladda FS iyo Somaliland sida lagu sheegay bayaanka xafiiska ergayga.

DEG DEG: Horjooge sare oo lagu dilay Galgaduud

Galcad: Ciidamada dowladda iyo ku deegaanka ayaa goor dhaw qaarijiyey horjooge Siciid Cali Maxaa dheere oo ahaa Gudoomiyaha Deegaanada kala ah Cali afrax xiltiro Ceel-raydab iyo Meexaan, waxuuna sidoo kale ku magacaawnaa Madaxda Sakawaadka ee Budbud ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgalkan ayaa sheegay inuu ahaa madaxii bbaada Al-shabaab ee deegaanka Cali Afrax ee degmada Galcad, laguna dilay hawlgal gaar ah oo maanta ay fuliyeen ciidamada Qaranka iyo kuwa Macaawisleyda.

Qori AK-47 ah uu watay ayaa laga soo furtay waxaana goobta ka baxsaday nin ku waday moota Fekon, laakin horjoogahan ayaa ku baxay gacanta geesiyaasha Qaranka.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo tababar u furtay hawl-wadeenno ka tirsan hay’adaha dawladda

Guddoomiye  ku-xigeenka hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Dr. Axmed Cabdi Adan ayaa maanta magaalada Muqdishu ka furay tababar ku saabsan maareynta iyo Isuduwidda hawlaha baniaadanimo ee xeryaha barakacayaasha ee dalka ku firidhsan, kaas oo loo qabtay qaar ka mid ah hawlwadeenada hay’adda.

Furitaanka tabarbarkan ayaa waxaa qqaybgalay madaxa hay’adda UNHCR ee Sooomaaliya Mr. Magatte Guisse, Iskuduwaha kutlada CCCM ee (UNHCR) Mr. James Macharia iyo Xiriiriyaha kutlada CCCM ee (IOM) Cali-Ismaciil iyo mas’uuliyiin kale.

Tababarka oo ay qabanqaabisay hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa ujeedkiisu yahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee hawlwadeenada hay’adaha dawladda, tababarka.

Guddoomiye ku xigeeenka SoDMA Dr. Axmed Cabdi ayaa u mahadceliyey hay’adaha UNHCR iyo IOM oo si gaar ah ugu hawlan taakulaynta dadka barakacayaasha, islamrakaana ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay si mug iyo miisan leh uga faa’iidaystaan tababarka iyo inay si firfircoona uga qaybqaataan, ugana qaybgalaan doodaha mirodhalka ah oo ay isweydaarsadaan khubarada tababarka bixinaya, Guddoomiye kuxigeeenka SoDMA ayaa xusay in ay muhiim tahay in si fiican loogu kuurgalo caqabadaha ku gadaaman xal u helidda dhibaatooyinka barakacayaasha iyo sidii loo dajin lahaa istaraatiijiyada xal waara looga gaadhi lahaa masiiibada Qaran ee ka dhalan karta xaaladaha bani’aadanimo ee sababi karaan barakacayaashu.