Ra’iisal wasaare Xamse oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Garoowe

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelka dadkii ku geeriyooday iskudhacyadii nasiib darrada ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobolleedka Puntland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in wax kasta oo la isku hayo lagu xalliyo jidka wadahadalka iyo is fahamka.

“Waa dagaal nasiib darro ah, waa dagaal micno darro ah oo ay ku dhinanayaan dad Ehel ah labada dhinacba, sidaas darteed waxaan ku baaqayaa si deg deg ah in loo joojiyo” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamse.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa ku baaqay in waxyaabaha lagu kala duwanyahay ee ku aadan nidaamka dowladeed ee Puntland in lagu xaliyo jidka wada hadalka.

Ku-simaha madaxweynaha oo baaq u diray waxgaradka Puntland

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka JFS ahna ku simaha madaxweynaha mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uusan xal u ahayn khilaafka siyaasadeed, waxaana uu waxgaradka Puntland oo ay ugu horreeyaan odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka JFS ayaa ku booriyey wax kasta oo keeni kara kala aragti duwanaansho siyaasadeed in lagu xaliyo miiska wadahadalka, iyadoo la dhowraayo nabada isla-markaana aan la barakicin shacabka, isagoona Alle uga baryay intii ku dhimatay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo inta ku dhaawacantayna Eebbe caafimaad deg deg ah siiyo.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo dhagax dhigay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jubbaland

Kismaayo- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane, Maxamuud Sayid Aadan ayaa dhagax Dhigay Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jubbaland.

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Munaasabadda dhagax dhigga ayaa sheegay in dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay muhiim u tahay Dowladnimada, gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland.  Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland uu qayb ka yahay Mashruuca cusub ee PROSPERIS.

    

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku dilay 13 ka tirsanaa khawaarijta

Kismaayo- Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ku dilay 13 dhagarqabe oo ka tirsanaa khawaarijta, kaas oo ka dhacay tuulada Yaaqdabayl ee gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha Guutada  Guutada 16-aad Danab G/dhexe , Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo u sheegay in howlgalkaas lagu furtay 7 qori oo AK47, hal Qori oo baasuuka ah (RBG) iyo hal qori oo PKM ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysanwaxa ay ka fuliyeen deegaanno badan oo ay Khawaarijtu ku dhuumaalaysanayeen, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Caalamka oo xusay Maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June

Dalalka Caalamka iyo Qaramada Midoobay aya maanta u dabbaaldegay xuska maalinta Qaxootiga Dunida ee 20-ka June si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan xaaladda qaxootiga ee dunida .

Warbixin sanadle ah oo ay soo saareen Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dhammaadkii 2022, tirada qaxootiga adduunka ay gaadhay 35.3 milyan, sida ay caddeysay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR).

In ka badan kala badh (52 boqolkiiba) dhammaan qaxootiga waxay ka yimaadeen saddex waddan oo keliya: Suuriya (6.5 milyan), Ukraine (5.7 milyan) iyo Afgaanistaan (5.7 milyan).

Xuiskaan ayaa daba socda heshiis sanadkii 1951-kii Qaramada Midoobay ay u  dejisay Qaxootiga si loo ilaaliyo xuquuqda qaxootiga Yurub, wixii ka dambeeyay dagaalkii labaad ee Adduunka.

Sannadkii 1967-kii, ayaa la balaariyay qodobada ka hadlaya qaxootiga si wax looga qabto barakicinta dadka adduunka,waxaana sharcigaasi uu dhigayey   qaxooti in loo aqoonsanaan karo dadka lagu khasbo inay ka cararaan dalalkooda si ay uga baxsadaan cadaadis ama khatar weyn oo wajahda noloshooda, daacadnimadooda iyo xorriyadooda.

Dadka reer Falastiin ayaa kamid ah qaxootiga faraha badan ee ku sugan qaar kamid ah dalalka dunida,waxaana sanadihii u dhaxeeyay  1947 ilaa 1949 –kii oo keliya Israa’iil ay barakiciyeen 750,000 .

Muddo 70 sano ah oo u dhaxeeyay 1951 ilaa 2022 kii waxaa  socda qulqulka dadka qaxooti ah ee ka cararaya dagaa;ada sokeeye iyo faqriga baahsan ee ka jira dalal kamid ah dunida.

Shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya oo ka furmay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb:-Madaxwayne ku-xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane, Cali Daahir Ciid iyo wasiirka Waxbarashada XFS mudane, Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya .

Shirka ayaa looga arrinsanayaa  xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda iyo wadashaqaynta Wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirrada Waxbarashada Maamul goboleedyada, Agaaasime-yaasha Guud, Agaasime waaxeedyada wasaaradaha waxbarashada iyo howl wadeennada waxbarashada qeybahooda kala duwan.

       

Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan Mas’uuliyiin DFS ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi SCW

Madinah al-Munawwarah- Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan mas’uuliyiin Dowladda Federaalka  ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi oo ku yaalla magaalada barakaysan ee Madinah al-Munawwarah.

Dr, Maxamed Sheekh Cabdi oo ka mid ah culimada Xafiiska arrimaha Xujeyda oo warbaahinta Qaranka kula hadlay agagaarka Rowdada ee Masjidu Nabawi CSW ayaa sheegay in wixii ka horreeyay cudurka Karoonaha ay xujeydu u wada furnayd balse wixii ka dambeeyay xayiraaddii cudurka la sameeyay nidaam cusub oo lagu diiwaan gelinayo Xaajiga iyadoo la oggol yahay in ay galaan tiro cayiman.

Xildhibaan, Cabdillaahi Aadan Axmed Black ayaa bogaadiyay tallaabada ay dowladda Federaalka sanadkan 1444 kaga dhigtay mudnaanta Qaran howlaha Xajka, wuxuuna sheegay in adeegyo badan ay heleen marka loo eego sanadkii hore oo ay Soomaalidu kala kulmi jirtay dhibaatooyin kala geddisa.

Soomaaliya ayaa sanadkan 1444 heshay 11519, waxana haatan gudanaya waajibaadkooda Xajka 10619, halka maalmaha soo socdana la filayo in ay Xaramka gaaraan 900 oo xujey ah.

   

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 4-aad)

Qeybtan waxaan uga hadleynaa Waxbarashadii ka dambeeysay sanadkii 1991-kii:- Dagaalladii sokeeye iyo qarankii oo dumay ayaa waxay keeneen in gebi ahaan-ba uu burburo aasaaskii waxbarashada ee uu dalku lahaa. Hase yeeshee, waxaa haddana wax qabad xooggan laga sameeyay dib-u-soo noolaynta aasaaskii waxbarasho ee dalka qaybihiisa oo dhan sida koonfurta iyo bartama, Puntland iyo Somaliland. Colaadda iyo nabadgelyo darrada daba dheeraatay ee ka jirtay koonfurta iyo bartamaha ayaa waxay adkaysay in dib loo dhiso waxbarashada laakiin marnaba ma aysan joogsan dadaalladii ay dadyow kala gadisani dib ugu soo noolaynayeen waxbarashada.

Soomaalida gudaha ku nool, kuwa dibad joogta ah iyo hay’adaha Islaamiga ah ayaa dadaal xooggan u galay sidii ay u soo noolayn lahaayeen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya (HWS). Sidoo kale, dalladaha iyo ururrada waxbarashada sida (FPENS) ayaa iyaguna kaalin wax ku ool ah ka qaatay dib u dhiska iyo maaraynta waxbarashada dhexe iyo tan sareba (Warbixinta Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, 2011). Cilmi-baare Markus Hoehne ayaa sheegay in wixii lagu gaaray sannaddii 2010-kii ay ka samaysmeen Muqdisho darsin jaamacado ah oo ay maal-galiyaan gacantana ku hayaan Soomaalida qurbo joogta ah iyo/ ama hay’ado Islaami ah.

Tobankii sano ee tagay si xowli ah u kordhayay waxbarashadii sare. Soomaaliland ayaa waxaa ka hawl-galayay 23 machad, Janaayo sannaddii 2013-kii. Dhanka koonfurta-bartamaha, warbixinti ugu dambaysay ee ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare sannadkii 2011-kii ayaa sheegaysa in 15 jaamacadood ay ka howlgalayeen deegaannadaas.

Xilligaas kaddib waxaa si aan caadi aheyn u kordhay tirada jaamacadaha, sidaa darteed, tirada ardayda dhigata jaamacadaha, tirada kulliyadaha iyo tirada ardayda qalin jabisa intuba kor ayay u kaceen. Maamul-goboleedyada ayaa kaalin kooban ku lahaa walina ku leh marka laga hadlayo sida ay u shaqayso waxbarashada sare. Inta badan jaamacadaha waxaa leh, maal-galiya, maamula, gacantana ku haya, ururo iyo shakhsiyaad kala gaddisan hadday ahaan lahaayeen qurbojoog, ganacsato, bulshada gudaha ku nool, hay’adaha samafalka iyo ururrada Islaamiga ah, iyadoo ay aad u yar tahay ka warqabka iyo kormeerka dawladda ama maamul-goboleedyada.

Dhibaatada ugu wayn ee ka dhalatay fara gelin la’aanta iyo wax iska waydiin la’aantaas ayaa waxay tahay inaysan jirin cid u taagan kormeerka iyo gacan ku haynta tayada adeegga waxbarasho ee ay bixiyaan jaamacadaha ay tiradoodu xowliga u kordhayso. Arrintan ayaa saameyn weyn ku leh tayada waxbarashada,  qaar badan oo kamid ah ardayda qalin jabineysa waxaa ka maqan xirfaddii looga baahnaa suuqa shaqooyinka, Xaaladda ay ku sugan tahay waxbarashada sare xilligan, Ifafaalaha koboca HWS Xogta laga uruuriyay daraasaddan ayaa sheegaysa in kororka muuqda ee waxbarashada sare ee waddanka ay ahayd tobankii sano ee lasoo dhaafay. 44-ta jaamacadood ee la soo daraaseeyay, 34 ka mid ah ayaa waxaa la aasaasay intii u dhaxaysay 2004 iyo 2012-kii.

Kobocii ayuu hoos u dhac ku yimid intii u dhaxaysay sannadihii 2006 iyo 2010-kii, haddana waxaa dib u billowday kor u kicii intii u dhaxaysay 2010 iyo 2012-kii. Hal jaamacad oo kaliya ayaa laga unkay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya intii u dhaxaysay 2006 iyo 2009- kii, kaddib markii ay amni darro xooggani ka dhalatay soo galiddii Itoobiya iyo burburkii Midowgii Maxaakimta Islaamiga.

Dhanka kale, Somaliland iyo Puntland , kor u kaca ayaan waxba iska baddalin illaa sanaddii 2011-kii. Shanta jaamacadood ee la aasaasay sannaddii 2012-kii ayaa dhammaantood ku yaal koonfurta-bartamaha, waxayna ahayd tiradii ugu badnayd ee HWS cusub laga aasaaso deegaankaas, iyadoo laysku raacsan yahay in waddanku uu lahaa hal jaamacad oo qura wixii ka horreeyay burburkii dawladdii dhexe sannaddii 1991-kii, astaamo horumar ayaa si xooggan looga dheehday koonfurta-bartamaha, Puntland iyo weliba Somaliland.

Natiijadan ayaa waxaa loo aanayn karaa labo sababood. Midda hore, in horumarkan waxbarashada sare uu la jaanqaadayo midka ka soo if-baxayay waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Tan labaad, in maqnaanshaha dowlad dhexe iyo maamullada hoose ee deegaannada oo aan awood buuran lahayn ay dhiirro galisay in si gaar ah loo maal-gashado adeegyaddi bulshada oo ay waxbarashadu ka mid tahay. taas ayaa waxaa ka dhalatay in koboca nidaamka waxbarashada sare ee sida gaarka ah loo leeyahay, badeeco ahaan looga ganacsado, halka ay ka ahayd adeeg bulsho oo loo siman yahay, sidaa darteed ayaa waxaa suuqa waxbarashada ku soo biiray maal-gashadayaal.

Tirada ardayda Jaamacadaha ayaa waxaa laga codsaday tirada ardayda is diiwaan galisay xilliga la sameeyay waraysigan. Tirada guud ee ardayda ka diiwaan gashanaa 44-ta jaamacadood bishii June 2013 ayaa ahayd 51,471. Tirada ugu badan ardaydan waxaa ay ka diiwaan gashanaayeen Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda 8 jaamacadaha ku yaalla koonfurta-bartamaha dalka (25,147), waxaana ku xiga Soomaaliland oo iyana ay ka diiwaan gashanaayeen (18,223), iyo Puntland oo ah (8,101).

F.G..Warbixintaani waxaa la sameeyay 2010 ilaa 2013-kii.

La soco qeybta 5-aad

Safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya oo la kulmay madaxa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya

Addis Ababa- Safiirka JFS ee dalka Ethiopia Ambassador, Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda ee Addis Ababa ku qaabbilay madaxa Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,Aisa Kacyira, iyagoo ka wada hadlay shaqada xafiiska UNSOS uu ka hayo dalkeenna.

Danjire Warfaa, ayaa Aisa Kacyira la wadaagay horumarka la taaban karo ee ay Dawladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Amniga, Dhismaha Dawladnimada, Horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimo kale, isagoo Qaramada Midoobay gaar ahaan UNSOS uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo raashin ka qeybiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashin kala duwan u qeybiyey qoysas danyar ah oo ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor, G/le Saahid Jaamac Faarax oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay raashiinkan ugu tala galeen dadka jilicsan, sida naafada, waayeelka, dadka dhimirka la’, dadkii ay khawaarijtu dhibaateysay IWM.

Taliye Saahid ayaa intaa ku daray in guutada Ciidanka Gor-gor ay iska soo jareen garaam-kii ay qaadanayeen markii ay arkeen dhibaatada haysata dadka deegaanka, gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Shacabka ku dhaqan Ceeldheer iyo maamulka degmada ayaa ka mahad celiyay deeqda raashinka ah ee ay gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga dalka.

Guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor oo kaashanaya kulliyadda Ciidamada ee TurkSom ayaa shalay deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitalka degmada Ceeldheer, waxayna maamulka iyo saraakiisha ciidankuba ballan qaadeen in ay soo nooleyn doonaan adeegyadii bulshada ee ay baabi’iyeen khawaarijtu.