Ciidanka Xoogga Dalka oo raashin ka qeybiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashin kala duwan u qeybiyey qoysas danyar ah oo ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor, G/le Saahid Jaamac Faarax oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay raashiinkan ugu tala galeen dadka jilicsan, sida naafada, waayeelka, dadka dhimirka la’, dadkii ay khawaarijtu dhibaateysay IWM.

Taliye Saahid ayaa intaa ku daray in guutada Ciidanka Gor-gor ay iska soo jareen garaam-kii ay qaadanayeen markii ay arkeen dhibaatada haysata dadka deegaanka, gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Shacabka ku dhaqan Ceeldheer iyo maamulka degmada ayaa ka mahad celiyay deeqda raashinka ah ee ay gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga dalka.

Guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor oo kaashanaya kulliyadda Ciidamada ee TurkSom ayaa shalay deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitalka degmada Ceeldheer, waxayna maamulka iyo saraakiisha ciidankuba ballan qaadeen in ay soo nooleyn doonaan adeegyadii bulshada ee ay baabi’iyeen khawaarijtu.

    

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay shirka Warbixinta Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah

Beijing:- Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee Hirgelinta Hiigsiga Horumarinta Caalamiga ah oo 20-ka Juun 2023, ka furmay magaalada Beijing caasimadda Dalka shiinaha.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta aqoonta Caalamiga ah (Center for International Knowledge on Development (CIKD). Hindisahan ayaa waxaa soo jeediyay madaxweynaha Shiinaha Mudane Shi jingping bishii Sebtembar 2021, waxaanna  udub dhexaad u ah xiriirka wada shaqeynta horumarka dalka Shiinaha iyo dalalka saaxiibadeeda ee caalamiga ah.

Sida uu Danjire, Kullane shirka ka sheegay hindisahan ayaa ah mid horumar iyo iskaashi caalaami ah lagu gaari lahaa, kaas oo horseedaya in tani ay tusaale u tahay wada shaqeynta iyo xiriirka joogtada ah ee horumarinta yoolalka hindisaha iyo iskaashiga joogtada ah.

Danjire Cawaale Cali Kullane, oo khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysa ayaa hal-ku-dhiggiisu wuxuu ahaa “Iskaashiga iyo Dardar-Gelinta: Horumarka Waara, iyadoo loo marayo Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah (GDI).

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa qeexay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada horumarineed ee caalamiga ah, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro yoolalka horumarineed ee waara.

“GDI-du waxa ay si buuxda ula jaan-qaadaysaa qorshaheena horumarinta qaranka, waxaanan aad u danaynaynaa in aanu si firfircoon uga qayb-qaadanno hirgelintiisa,” ayuu yiri safiirka.

Munaasabadda daahfurka waxaa isugu yimid ku dhawaad ​​150 wakiilo, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada caalamiga ah, safaaradaha, xarumaha cilmi-baarista, xarumaha warbaahinta, iyo waaxyaha dowladda Shiinaha. Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen inay fikrado ka helaan warbixinta oo ay ka qaybgalaan khudbadaha iyo doodaha ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta dawladda Shiinaha, daneeyayaasha caalamiga ah, iyo hayadaha fikirka.

Ugu dambeyn, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada horumarinta caalamka iyo iskaashiga ay la leedahay Shiinaha.

   

Ururka OIC oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday hooyga safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan

Jiddah- Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkii ay dhowaan koox hubeysan ku qaadday hoyga uu ka degan yahay magaalada Khartoum Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan, Maxamed Sheekh Isxaaq.

Weerarka oo ay geysteen dabley aan ka tirsanayn labada garab ee ku dagaallamaya dalka Suudaan ayaa guriga Danjiraha ka qaatay laba Gaari oo ay lahayd Safaaradda iyo hanti kale oo aan la shaacin inta ay la egtahay.

Bayaan uu soo saaray Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo rabshadaha ka socda dalkaasi iyo la ixtiraamo guryaha dublamaasiyiinta, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in la adkeynayo amniga siyaasiyiinta ku sugan dalka Suudaan.

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo

Kismaayo- Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo u baahan in ay xallinteedu ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka, maamulka Jubbaland iyo cid kasta oo ahal u ah.

Mudane, Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in si maamulka dhowaan lasoo magacaabay uu gobolka u tago, loona sii amba qaado dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan Gedo ay lama huraan tahay in xal laga gaaro xaaladda Gedo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada dowladaha deriska ah ee ka qeybgalaya dhinaca gobolka Gedo ay u baahan yihiin maaamul sharci ah oo ay la shaqeeyaan iyo Ciidamo heer maamul goboleed ah oo ay la howlgalaan, taas oo meesha ka maqana ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo daahfurayey Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhamaan masuulyiintaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay magacaabista taliska xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay wareegtada lagu magacaabay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha ciidanka dhulka Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka xooga dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ciidamada Qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 19-ka Juun 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xulka degmada Cabudwaaq oo ku guuleystay koobka degmooyinka Galmudug

Cadaado: Xulka degmada Cabudwaaq ayaa ku guuleystay koobka degmooyinka Galmudug, kaas oo soo socday tan iyo 5-tii bishan una dhexeeyey ilaa 10-degmo.

Cayaarta kama dambaysta ahayd oo goor dhaw soo dhammaatay ayaa u dhexaysay Dhuusamareeb iyo Cabudwaaq, waxaana daawanayey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, madaxda xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqolaal dadwyne ah oo degmooyin kala duwan ka yimid.

Xulka degmada Cabduwaaq ayaa la hormaray gool, balse xulka Dhuusamareeb ayaa taas kaga jawaabay 2-gool oo ay hoggaanka ku qabteen, hase ahaatee xulka Cabudwaaq ayaa daqiiqadihii lagu daray cayaarta la timid goolka bareejada.

Labada xul ayaa markaasi ka dib ku kala baxay gool ku laad, waxaana xulka Dhuusamareeb looga guulaystay 5-3.

Munaasabad ballaaran ayaa caawa lagu qabanayaa magaalada Cadaado, taas oo madaxweyne Qoorqoor uu koobka ku guddoonsiin doono xulka Cabudwaaq.

Saraakiil lagu eedeeyey musuqmaasuq oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Banaadir

Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeey Maxkamadda gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan wasaaradda maaliyadda dowladda FS, kuwaas oo ku eedeysan Musuq-maasuq, waxaana xafiisku kiiskaas ka soo saaray war-saxaafadeed.

 

Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Cadaado soona xiraya tartanka cayaaraha Galmudug

Cadaado: Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmdug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Cadaado ee goobolka Galgaduud, isagoo si toos ah ugu gudbay garoonka ciyaaraha Cadaado oo ay ka socoto cayaarta kama dambaysta ah ee tartanka cayaaraha degmooyinka Galmudug oo u dhexaysa Dhuusamareeb iyo Cabudwaaq.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan mas’uuiyiin ka tirsan dowladda FS iyo golayaasha dawlad goboleedka Galmudug ayaa daawanaya qaybta dambe ee cayaarta, waxaana caawa Cadaado lagu qabanayaa munaasabad wayn oo koobka lagu guddoonsiinayo kooxda tartankan ku guuleysata.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta kulan qado ah la qaatay maamulka degmada Godinlabe, kaas oo looga hadlay horumarinta degmada oo adeegyada bulshadu ugu horreeyaan.

Golaha wasiiradda oo magacaabay Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

Ra”iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo Shirguddoomiyey Shirka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda tiirka Amniga Qaranka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, Cunaqabaynta Hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka heshiiska mamnuucista tijaabinta hubka halista ah ee Nukleerka iyo Xeerka Amniga Hoteelada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Adeegga Bulshada.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, warbixin la xiriirta halka uu marayo qaadista cunaqabataynta hubka iyo qoondeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Maamul Gobolleedyada, gaar ahaan ciidamada amniga ee la geynayo deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.