Duufaano ka dhacay dalka Brazil oo sababay dhimashada 13 qof

Dufaano xooggan ayaa ku dhuftay qaybo ka mid ah dalka Brazil taas oo sababtay dhimashada 13 qof.

Badhasaabka gobolka Rio Grande Mr do sul Eduardo ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay in duufaantu saamaysay in ka badan 40 magaalo,sidoo kalena ay sababtay fahataado iyo dhulka oo go’ay.sidoo kale waxa la waysan yahay geeri iyo nolol midka ay yihiin tiro gaaraysa ilaa 20 qof.

Maamulka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la samata bixiyey tiro dad gaaraya ilaa 3,700 oo qof,sidoo kale na waxa gobolka loo diray wasiiro ka tirsan xukuummadda si ay uga qayb qaataan hawlaha gurmadka.

Magaalooyinka qaar ayaa weli adeegga korontadu ka maqan yahay ka dib markii ay googo’een xarkaha qaada korontada,sidoo kale waxa hakad ku yimid duullimaadyada iyo isu socodkaka gaadiidka.

Israa’iil oo falal xasuuq ah ka geystay xerada Jenin ee dhulka Falastiin

Ciidamada Israa’iil ayaa weerar ku qaaday xerada qaxootiga ee Jenin, halkaas oo ay ku dileen saddex falastiiniyiin ah, isla markaana ay ku dhaawaceen ugu yaraan 37 kale.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee manta oo Isniin ah, waxaana askarta Israa’iil ay gudaha u galeen xerada, iyagoo adeegsaday rasaas nool, bam-gacmeedyo iyo gaaska sunta ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa magacyada dadka dhintay ku sheegtay Khaled Darwish 21, Qassam Sariya 19, iyo Ahmed Saqr 15-jir.

Milateriga Israa’iil ayaa la sheegay in ay raadinaayeen dad lagu tuhmat in ay joogeen xerada qaxootiga ee Jenin,waxaana halkaasi ka dhacay rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen kooxaha Falastiin iyo ciidamada Israa’iil .

 

La-taliyaha Madaxweynaha JFS oo bogaadisay ansixinta Sharciga la dagaalanka hubka Sharci darrada ah oo Galmudug ansixisay

Lataliyaha Madaxweynaha JFS Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa Baarlamaanka Dowladda Galmudug ugu hambalyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay Lataliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayna hubka taas oo laf dhabar u ah la daallanka Argagixisada.

Dhawaan ayey aheyd markii mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Galmudug ay Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Xakameynta Hubka Galmudug oo ay horay ugu soo gudbisay Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo gaaray Dhuusamareeb

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare XFS Mudane  Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ay wehliyaan wasiirada waxbarashada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo labada maalmood ee soo aaddan uu ka dhacayo shir wadatashi ah oo ku saabsan waxbarashada dalka.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo gaaray Kismaanyo

-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa gaaray magaaladda Kismaanyo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee dowlad gobolleedka Jubaland.

Wasiirka ayaa waxa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland.

Wasiir Fiqi ayaa Magaalada Kismaayo u yimid Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Shirkaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Dowlad gobolleedyada Dalka, Wasaaradaha iyo Hay’adaha heer Federaal oo ay shaqadoodu la xiriirto Arrimaha Xasilinta iyo saaxiibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera Arrimaha Xasilinta.

Taxanaha Taariikhda Tacliinta Soomaaliya (qeybtii 3-aad)

Qeybtan 3-aad waxaan uga hadleynaa WAXBARASHADA SOOMAALIYA XILLIGII KACAANKA.

Markii Ciidamadu la wareegeen talada dalka sanadkii 1969-kii waxaa isbeddel ku dhacay nidaamkii tacliinta ee dalka maadaama mabaadi’ cusub oo dalku ku dhaqmayo lagu dhawaaqay,  Xilligaasi tallaabta uu kacaanku u qaaday dhanka tacliinta waxaan u kala qaadaynaa mid uu ku ammaanaa meelaha qaarkood halka lagu dhaliilayo meelaha qaar.

B- Dhanka Ammaanta:

1- Baahinta tirada dugiyada gobollada iyo degmooyinka dalka. Marxaladdaasi waxaa dalka oo dhan la gaarsiiyey dugsiyada, si mar qura gobollada iyo degmooyinka oo idili isula jaan qaadaan oo tacliin mideysan loo helo.

2- Qoridda afka Soomaaliga. Qoridda afka Soomaaligu wuxuu mideeyey Manhajka waxbarashada marxaladaha aasaasiga ee dalka oo dhan.

3- Waxbarashada lacag la’aanta ah.Waxbarashada xilligaasi jirtay oo ahayd mid lacag la’aan ah, waxay suuragalisay inay waxbarashada u sinnaadaan qaybaha bulshada hodanka ah iyo kuwa saboolba.

4- Soomaaliyeynta Manhajka waxbarashada ee marxaladda aasaasiga. Manhajkii waxbarasho oo la Soomaaliyeeyay wuxuu sahlay waxyaabo fara badan oo dahsoonaa iyo in la isu soo dhaweeyo kala duwanaanshihii luuqadaha waxbarashada.

5- Abuuridda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed(J.U.S).  Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (J.U.S) waxay soo saartay aqoonyahanno badan oo kala takhasusyo duwan, isla mar ahaantaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax weyn u taray.

6- La dagaallanka Jahliga. Waxaa tusaale wanaagsan u ah Ololihii Horumarinta Reer Miyiga ee lagu ciribtirayay jahliga oo uu ugu horreeyo wax qoris iyo aqrin la’aanta, taasoo ciribteeda la mahdiyey.

T-Dhanka Dhaliisha:

Dhaliil waa jirtay balse waxaa  qarinaya heerka waxbarasho oo uu dalka gaarsiiyay Maamulkii Kacaanka ahaa.

WAXBARASHADA SOOMAALIYA BURBURKA KA DIB.

Sida ay u jirtay xilliyadii hore dhaliil iyo ammaan nidaamyadii waxbarasho ee xilligaan ka horreeyey ayuu nidaamka waxbarasho ee hadda jira uu leehay dhan san iyo dhan u baahan in la saxo.

B-Dhanka Ammaanta:

1- Hey’adaha gaarka loo leeyahay oo gacanta ku hayo waxbarashada dalka.

2- Tartan wanaagsan oo u dhaxeeya hey’adaha waxbarashada gacanta ku hayo si loo helo waxbarasho tayeysan.

3- Kororka Jaamacadaha ahliga ee dalka.

4- Deeqaha waxbarashada dibadda ee ardayda Soomaaliyeed oo aad uga badan xilliyadii hore.

5- Wacyiga diiniga ee ardayda maanta oo aad uga sarreeya kuwii hore.

 

T- Dhanka Dhaliisha:

1- Burburka baahsan ee soo gaaray hey’adihii waxbarashada.

2- Maqnaanshaha kaalintii xukuumadda ee ku aaddanaa kormeerka hey’adaha waxbarashada, inkastoo ay xukuumadda hadda ka jirta dalka ay u istaagtay dib habeynta waxbarashada iyo daryeelka Macallinka Soomaaliyeed.

3- Macallimiinta tababaran oo aad u yar.

4- Kala duwanaanshaha dhinaca manaahijta dugsiyada shaqeeya.

5- Waddaniyadda iyo aqoonta bii’ada Soomaaliyeed oo aad ugu yar ardayda maanta.

La soco qeybta 4-aad

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Muqdisho ku qabatay wajiga Labaad ee wwadatashiga diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqankan iyo Dalxiiska, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS, mas’uuliyiin isagu jirtay  agaasimeyaasha guud, agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradaha Warfaafinta ee dowlad gobaleedyada, agaasimaha guud ee warfaafinta gobalka Banaadir iyo khuburro fududeynayay shirka.

Kulanka waadatashiga ayaa mas’uuliyiinta ka qeyb gashay waxa ay uga doodeen Istaraatijiyadda Warbaahintu Iyo Wada xiriirka (National Communicationstrategy) iyo kaalinta Dowlad goboleedyada iyo gobolkaBanaadir.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  wajiga Labaad ee wadatashiga diyaarinta  Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta Iyo Wada-xiriirka uu ahaa mid u gaar ah  dowlad gobaleedyada Iyo gobalka Banaadir si loo dhegeysto aragtidooda waxa ay ku darayaan qoritaanka istaraatiijiyadda, si uu u soo baxo dukuminti dhameystiran oo ka jawaabaya baahida hey’adaha dowladda heerarkooda kala duwan.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa wadatashigan kii ka horeeyay ka talo galisa hay’adaha dowladda Federaalka iyo bulshada rayidka, waxa qorshaha yahay in la dhameystiro dhammaadka bisha luulyo ee soo aaddan, si  hay’adaha dowladda heerarkooda oo ay hoggaaminayso wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS u dhaqan galiyaan loona helo farriimo mideysan oo ka tarjumaya hawl qabadka dowladda heerarkeeda iyo u sahlidda madallo ay dowladda iyo dadweynaha ku wada hadlaan.

      

Madaxweynaha Galmudug oo soo xiray shir looga hadlayey hergalinta nimaadka Dowladnimada loo dhan yahay oo ka socday Dhuusamareeb

Dhuusamarreeb- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo xiray shir muddo laba maalin ah ka socday caasimadda Dhuusamarreeb, oo looga hadlayay sida deegaannada Dowladda Galmudug uu uga hirgalay nidaamka Dowladnimada loo-dhanyahay, ayna soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD.

Shirka oo diiradda lagu saaray taabbagelinta nimaadka Dowladnimada loo dhanyahay ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa soo qaban qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadahadallada Galmudug ee GRD, waxaana ka qeybgalay labadii maalin uu socday xildhibanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madax ka socday labada gale Galmudug. Madaxweyne ku xigeenkaGalmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaana magaalada Dhuusamarreeb ka furay shirkan labo maalin ka hor.

                

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuc ku saabsan horumarinta Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka

Wasiirka wasaaradda Cafimaadka iyo daryeelka bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka kuso barakacay gudaha dalka.

Daahfurka Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle, Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka socday hay’addaha deeqaha bixiya.

Ujeedka mashruucaan ayaa ah in wax laga qabto baahiyaha daryeelka cafimaad ee muhiim u ah bulshooyinka nugul, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha ay saameeyeen barakaca iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

    

Ra’iisul wasaare Xamse oo faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka Soomaali heshiis ah inay dardargaliyaan qorshaha xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, ayaa warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta wasaaradaha qaar, iyagoo soo bandhigay waxyaabihii uga qabsoomay qorshayaasha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha qaybta ka ah tiirka “Soomaali heshiis ah” inay dardar-galiyaan qorshayaasha Xukuumadda, isla markaana bulshada u soo bandhigaan waxqabad muuqda oo lagu qanco, saldhigna u ah halbeegyada mudnaanta u leh xukuumadda DanQaran ee Tiirka Soomaali Heshiis ah, sida dhamaystirka dib u eegista Dastuurka, dimoqraadiyaynta iyo dardargalinta dowlad wanaagga iyo hiigsiga xukuumadda ee hirgalinta dowladnimo u dhaw shacabka.