Wasaaradda Warfaafinta XFS oo furtay wejiga labaad ee shirka Diyaarinta qorshaha Warbaahinta Qaranka

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo Maanta Daahfurtay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka Ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka Oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqankan iyo Dalxiiska ayna ka soo qeyb galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta DFS, mas’uuliyiin isagu jirtay Agagaasimeyaasha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad Gobolleedyada, Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha waaxyaha Warfaafinta XFS iyo Khuburro fududeynaya shirka.

Shirkan Wadatashiga ayaa mas’uuliyiinta ka qeyb galaya maanta ay kaga doodayaan muhiimadda iyo Baahida loo qabo xafiiska mideynta Warbaahinta Dowladda si loo helo Xafiis loo dhanyahay oo ka shaqeeya fariimaha Dowliga oo sugan, xafiiskaasi oo loo soo gaabiyo GCO si looga baxo wararka ay baahinayaan xafiisyada hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir wararka iska hor imaanaya ee ka soo baxa xafiisyada DFS.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa furay Wejiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka Ee Warbaahinta Iyo Wada-xiriirka Dowlad Gobolleedyada Iyo Gobalka Banaadir ayaa u faahfaahiyay ka qeyb galayaasha muhiimadda Shirka isagoo u rajeeyay in ay ka soo bixi doonaan wax u wanaagsan Dalka.

Waa kuma Horjooge “Ismaaciil Injineerka” oo madaxiisa la dul dhigay Shan Milyan oo Dollar? ( Warbixin)

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo Mareykanku dul dhigay madaxiisa lacag dhan 5-milyan oo dollar, waa nin dhagar badan kuna shaqeysta maleeshiyaad uu aad u duleystay.

Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu u yaqaannaan” Cismaaciil Injineerka”, waa horjooge ka soo jeeda gobolka Hiiraan una qaabilsan Khawaarijta labo qeybood oo ka shaqeysa dhagarta iyo buu-buuninta:-

1- Waa madaxa guud  ee warbaahinta Khaawarijta, waxaanna hoostaga maleeshiyaad uu u adeegsado faafinta wararka been abuurka ah iyo buu-buuninta hadallada horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab ay ku banneysanayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

2- Wuxuu mas’uul ka yahay qeybta qaraxyada oo ay ka shaqeeyaan maleeshiyaad isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib, kuwaas oo diyaariya qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Qeybtan qaraxyada waa si gaarb ah mas’uul uga ah ku-xigeenka Cismaaciil Injineerka oo lagu magacaabo  Mustafa Jihaad oo loo garan ogyahay ” Axmed Gurey”, waana nin u dhashay Dalka Mareykanka, horjoogahan magaciisa kor soo xusnay ayaa si gaar ah hagar-daamooyinka iyo dhagaraha ugala shaqeeya horjooge Axmed Diiriye oo Khawaarijtu ay u yaqaanaan “Abuu Cubeyda”.

Horjooge Cabdullaahi Cusmaan oo Khawaarijtu ay u taqaanno ” Cismaaciil Injineerka” waa shaqsi cabsida haysa darteed xitaa iska qariya maleeshiyaadka uu maamulo. Horjoogahan dadka yaqaanno waxay ku sheegeen inuu yahay nin dhiigyo cab ah aan u turin qof bini-aadam ah,waxaanna tusaale u ah inuu nafta dhaafiyay qaar ka mid ah maleeshiyaadka uu gacanta ku hayo si kuwa kale ee nool ugu quus qaataan.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in horjoogahan uu ku dhuumaaleysanayo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, si gaar ah wuxuu ugu badan yahay gobollada Shabeellada hoose iyo Jubbooyinka.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee sida xoogga ah ugu shaqeysanayo horjoogahan ma noqon doonaan kuwo ku tartama soo sheegistiisa si ay u helaan lacagta madaxiisa dul saaran ee ah Shanta milyan, ummadda Soomaaliyeedna kaga badbaadiyaan dhagarta iyo hagar-daamooyinka uu u maleegayo?.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan, Isagoo Xilkaas u Magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Share this Article

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulammo la qaatay xubnaha labada guddi ee dib u eegista Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga  La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo  Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen  ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan  sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay xubnaha labada guddi ee dib u eegista Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay shaqada dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay xubnaha Labada Guddi ee Dib-u-eegista dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo kulan la kala qaatay Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo uu kala hadlay muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG uu u leeyahay xasilloonida iyo geeddi-socodka dowlad dhiska Soomaaliya.

Xubnaha Labada Guddi ee Dastuurka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey howlaha uga qabsoomay howlaha dib-u-eegista iyo latashiyada Dastuurka ay wadaan ee ku qotoma in khubarada sharciga iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed laga qeyb-geliyo, waxa ayna xuseen in si degdeg ah ay u dhameystiri doonaan habraaca loogu gudbinaayo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay waajibaadkooda uga gutaan.

Madaxweynaha oo kulammadan uu ku wehlinayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranku gaareen ay xal u yihiin caqabado badan oo ku xeeran dib-u-eegista iyo dhammeystirka dastuurka, halka Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo bandhigay sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u fududeynayso wixii shaqo farsamo ah oo la xiriira dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey Xubnaha Labada Guddi howlaha u qabsoomay ayaa kula dardaarmay dardar-gelinta qabyo-tirka dastuurka, dadaal dheeri ahna ay ku bixiyaan sidii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u yeelan lahayd dastuur dhammeystiran oo dalka ka saara xasillooni darrada siyaasadeed.

Guddoomiyaha Golah Shacabka BJFS oo guddi gaar ah u magacaabay shaqaaqadii ka dhacday Baraawe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin ka soo diyaariya shaqaaqooyinkii ka dhacay magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka BJFS ayaa kulankii la soo dhaafay ee golaha shacabka soo jeediyay mooshin ku saabsan xaaladda magalada Baraawe si warbixino looga dhageysto, Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe ayaana sheegay in loo saari doono guddi warbixin ka soo diyaariya.

Ra”iisul wasaare Xamse:”Xukuummadda dan-qaran waxay ku guulaysatay muddo ka yar sannad inay shaqaalaayso 23 kun oo Muwaadin”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta tababar u furay Macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan.

Munaasabadda oo ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu kula dardaarmay macallimiinta in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadiisu sugan tahay, isla markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxuuna ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana la falgali kara.

Xukuumadda DanQaran ayuu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira Ciidan iyo Shaqaale.

“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale ku celiyey in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xarunta Akademiyadda Booliiska Generaal Kaahiye ka furay tababbarka Macallimiinta Qaran

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xarunta Akademiyadda Booliiska Generaal Kaahiye ka furay tababbarka Macallimiinta Qaran

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta Akademiyadda Booliiska Generaal Kaahiye ka daah-furay Xaflada Tababbarka saddex kun ee Macalimiinta Qaran oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Macallimiintan tababbarka loo furay ayaa hore waxa tartan madaxbanaan ugu qaatay wasaaradda waxbarashadda Xukuummada Federaalka Soomaaliya.

Xaflada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashadda,wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda,taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Inta ay Xafladu socotay ayuu Ra’iisul wasaarahu kormeeray Salaan-sharafna ka qaatay Ciidan tababbar ugu jira Akademiyada Booliiska, kuna bogaadiyay shaqada Ciidanka Booliisku ay u hayaan ummadda Shacabka Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in xal loo helo dadka tahriibka ah ee ku safra badaha

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay tallaabo degdeg ah inay qaadaan Midowga Yurub si looga hortago dhimasho kale oo ka dhacda badda Mediterranean-ka ka dib markii boqolaal qof ay toddobaadkii hore ku qaraqmeen xeebaha Giriigga.

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM iyo UNHCR ayaa war ay soo saareen manta oo sabti ah ku sheegay in inta u dhaxaysa 400 ilaa 750 qof la rumaysan yahay inay saarnaayeen doontii Arbacadii ku degtay badda.

Doonta degtay ayaa la sheegay in ay ku jirtay dhibaato tan iyo subaxnimadii Talaadada ee la soo dhaafay,balse howlgalo baadi goob ah iyo samatabbixin ay sameeyeen Ilaalada xeebaha Hellenic ayaa lagu badbaaadiyay 104 qof ,halka la helay 78 qof oo meyd,waxaana illaa hadda maqan dhowr boqol oo ruux.

“Waajibka lagu badbaadinayo dadka ku dhibaataysan badda iyada oo aan dib loo dhigin waa xeerka aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee badaha,” IOM iyo UNHCR ayaa sidaas yidhi.