Wasiirka arrimaha gudaha oo u furay tababbar la xiriira Dad-dhigista maamul gobolleedada iyo gobolka Banaadir


Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta Muqdisho ku daahfuray tababbar ay Wasaaradda u qabatay Iskuduwidda Howlaha Diiwaangelinta madaniga ee degmooyinka Wasaaradaha Arrimaha Gudaha dowlad goboleedyada, waxaana isugu yimid hey’adaha saddexda heer ee bixiya adeegga dad-dhigista.

Hey’adaha goobjooga ka ahaa waxaa ka mid ahaa agaasimeyaasha dad dhigista ee Wasaarada arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada ee Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Waxaa kale oo qeyb ka ahaa ilaa 11 degmo oo hadda bixiya adeegga dad-dhigista kuwaas oo kala ah Galkacyo, Cadaado, Caabdudwaaq, Dhuusamareeb, Baladweyne, Jowhar, Warsheekh, Afgooye, Diinsoor, Baraawe, Waajid, Baydhabo, Kismaayo, Afmadow, Dhoobley iyo Garbahaarey.

Khudbadda Wasiirka arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa ka mid ahaa “ Tababbarkaani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaraddu hoggaaminayso isla markaana muhiimad gaar ah ay ku siinayso in la casriyeeyo lana tayeeyo adeegga dad-dhigista, bixintiisuna noqdo mid isku xiran, maaddaama uu gundhig u yahay dhammaan adeegyada kale ee heer kala duwan ee dowladda”.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha oo sii hadlayey waxaa uu yiri “Arrimaha qabsoomay waxaa ka mid ah in diyaarintii sharciga lagu dhaqayo howlaha dad-dhigista uu marayo meel gabagabo ah, mardhowna la horgaynayo Golaha Wasiiradda iyo Barlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo. Intaa waxaa dheer in Wasaaraddu ay diyaarisay habraacyo howl fulineed oo lagu salaynayo bixinta adeegyada dad-dhigista si adeegyadu u noqdaan kuwo tayaysan, sugan, si fudud loo heli karo oo la isku hallayn karo.

Sidaa daraaddeed, maanta waxaan u wada joognaa inaan isu soo bandhigno hannaanka shaqo fulineed ee adeegyada dad-dhigista.

Ujeedka tababbarkaani ayaa ah inaan isku aqoon waydaarsano arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

B. Habraacyada shaqo fulineed ee adeegyada dad-dhigista oo ay Wasaaradda iyo dad khubara ahi ay wada diyaariyeen, idinkuna aad ku darsataan aragtiyidiina si ay habraacyadaasi u noqdaan kuwo la isla oggol yahay;

T. Inaan isla oggolaanno qorshaha istaraatijiyeed ee dad-dhigista iyo tirakoobka muhiimka ah ee billaabanaya 2023 soconayana illaa 2028; iyo

J. In la isla meeldhigo hannaanka ay Wasaaraddu u xaqiijinayso shahaadooyinka dad-dhigista oo ay bixiyaan xafiisyada dad-dhigista ee dowladaha hoose ee dalka.

Kalsooni intee la’eg ayay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan Hay’adaha Amniga? (Warbixin).

Wada shaqeynta hay’adaha amniga Dowladda federaalka iyo shacabka ayaa suurta geliyay in la wiiqo awoodii Alshabaab iyo hoos u dhac ku yimid weeraradii wuxuushnimada ahaa ee ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada Dalka.

Hay’adaha amniga ayaa xoojiyay is dhexgalka iyo in si dhiiranaan leh shacabka xogta Khawaarijta ula wadaagaan laamaha amniga si looga hortago dhagarta Khawaarijta ay shacabka u soo maleegaan.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Cabdi-Kaamil Shukri Macallim, ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inuu meel wanaagsan marayo xiriirka wada shaqeyneyd ee shacabka iyo laamaha amniga,islamarkaana u soo dusiyaan xogaha amni ee ay helaan.

” Sida aad ogsoon tahay, waxa ugu weyn ee naga maqan waa amni, dadkuna wey jecel yihiin in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, waqtigii aadkaa ee la soo maray ayaa wuxuu keennay in ay dadka u nuglanaadaan cadow ka awood batay, waxa uu garanaayo ay tahay dil, taasaa marka hore waxay keentay in ay dadka cabsadaan, laakiin muwaadiniinka Soomaaliyeed markii ay arkeen sida ciidanada Soomaaliyeed u shaqeynayaan si hufan ayay u soo gudbiyaan una soo gudbin jireen,” ayuu yiri afhayeenka.

Wuxuu intaas ku daray in howlgallada ay waddo Dowladda iyo xakameynta hubka ay sababtay amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhawaan guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay kooxaha Khawaarijta ah doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’adaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabo ay kula dagaallameyso ilaha dhaqaalaha ee Khawaarijta, xilli deegaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan gobollada dalka laga saaray argagixisada oo shacabka hadda mabad ay ku nool yihiin.

Wada shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka ayaa ugu dambeyn keentay in laga adkaado Khawaarijta dhagartooda, waxayna madaxda qaranku ku dadaalayaan sidii loo dhiiragelin lahaa muwaadinkii ku dhiirada inuu soo sheego xogta amni ee argagixisada, iyadoo la qarinayo xogta muwaadinka haddii uu u baahdo.

Guddoomiyaha G/banaadir oo kulan la qaatay Machadka Vlatacom iyo shirkadda PULSEC ee horumarinta iyo amniga

Belgarde:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC ee ka Shaqeeya Horumarinta iyo Amniga ku dhisan Tiknoolajiyadda Casriga ah.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay Mas’uuliyiinta Machadka Vlatacom iyo Shirkadda PULSEC sidii Dowladda Hoose ee Xamar loogu taageeri lahaa Horumarinta Amniga ee Tiknoolajiyadda Casriga ah iyo sidii aqoon kororsi iyo Tababbaro loo siin lahaa Howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in laga wada shaqeeyo iskaashiga Horumarinta Amniga Tiknoolajiyadda Casriga ah, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneysa sugida Amniga Caasimadda iyo Adeegyada kale ee bixiso Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamar iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaaradda Soomaaliya ee Serbia.

La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay markii uu ku guuleystay markii labaad sanadkii hore inuu ka adkaaday Al-Shabaab ay tahay muhiimada ugu weyn ee dowladda.

Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku baaqay in la kordhiyo abaabulka maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan “Macaawisley” si loo dhameystiro howlgallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya, kuwa Midowga Afrika ee AMISOM iyo xulafada kale. “Waxaad noqotaan Shabaab amaba kan la diriraaya al-Shabaab, mana jiraan wax u dhexeeya,” Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku yiri khudbad uu ka jeediyay telefishinka.

Dawladdu waxay siisaa maleeshiyo beeleed taageero saadka, cunto iyo taakuleyn caafimaad. Muhiimadda Qabiiladu waxay tahay, waxay isku xiraan ciidanka iyo dadka deegaanka waxayna muujinayaan inay yihiin qaybo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee u soo jeesteen al-Shabaab sidii ay ula dagaalimi lahaayeen, sida ay sheegtay kooxda xasaradaha Caalamiga ah.

Madaxweyanah awaamiirtiisa iyo sida ay uga go’an tahay “dagaalka guud” ee ka dhanka ah al-Shabaab “wuxuu bilaabayaa inuu kasbado kalsoonida odayaasha beelaha waaweyn iyo beelahooda iyo sidoo kale saaxiibada caalamiga ah,” sida ay Liibaan Obsiiye iyo Liibaan Xuseen ku sheegeen maqaal lagu daabacay Doodaha Afrikaanka. “Iskaashigan xoojinta ah waa waxa sii xoojinaya dagaalka iyo gaarsiinta guul midba midka kale ka soo gaarta goobta dagaalka,” Obsiiye iyo Hussein ayaa qoray. Baaqa Xasan Shiikh Maxamuud ee ficilka ayaa keenay natiijooyin deg-deg ah.

Weerarkii ugu horreeyay ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ku hareereysan caasimadda dalka ee Muqdisho. Intii uu socday dagaalkaasi, oo socday Agoosto 2022-kii ilaa Janaayo 2023-ka, Ciidanka Soomaaliya ayaa xoreeyay 70 Deegaanno, waana qiyaastii  Weerarka dib ula wareegay seddex meelood meel dhulka ay ka taliso al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in wejigii koowaad ee weerarrada lagu dilay 3,000 oo maleeshiyo Al-shabaab ah, in ka badan 3,700 oo kalena lagu dhaawacay, kuwaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka gurmad u fidiyay dagaalyahannada “Macaawisley” oo qaarkood ay yihiin dad da’ ah.

Haddaba maxaa uga qorsheysan Dowladda Soomaaliya Deegaanadaasi dib loo xoreeyay?

Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaarisay qorshayaal la magac baxay Barnaamijka Xasilinta iyo dowlad gaarsiinta Deegaananada lagala wareegay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab oo muddo ka baadan 10 sano ah arag waxtarka Dowladnimada, waxayna dowladdu isku daba wadaa qeybta dagaalka lagula jiro Maleeshiyaadka iyo qeyb kale oo lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga u ah Bulshada ku dhaqan deegaannada laga dul qaaday Kooxda arxanka daran, adeegyadaasi oo ay ka mid yihiin adeegyada caafimaadka, Waxbarashada, amniga iyo adeegyada kale ee loo baahaan yahay, waxaana marqaati ah sida Degmooyinka Qadiimiga ah ee kala ah Aaden Yabaal iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Shabeelada dhexe iyo Galmudug loo gaarsiiyay adeegyo sida maacaawinooyin iyo in la galiyay Layrarka ku shaqeeya Ileyska Qoraxda oo ay uga baxeen Mugdii iyo cabsidii ay ku jireen muddooyin badan, islamarkaana waxaa ka socda dib dhisyo dhinacyo badan.

Dadaalka Dowladda waxaa kaloo ka mid ah in Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga dalka Norway, ayaa  ka qeyb galay mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” taas oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dedaallada dib u xorreynta kadib”, isagoo ku dheeraaday dib u xorreynta dalka, howlaha xasilinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talo galay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa la qaban doono dhowaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo  qeyb ka ah “Madasha Norway” taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.

Wararka naga soo gaaray magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa sheegaya in kulaasi diiradda lagu saaray kooxaha argagixisada, degaanada laga xoreeyay sidii Qorshe dib u soo nooleyn kara adeegyada asaasiga ah iyo habka ugu haboon oo loo wacyi gelin karo in afkaarta khaldan ee muddada kooxdu ku shubeysay Dadka Degaanka.

Kulankaan oo loogu magac daray “Madasha Oslo” waxaa warbixin guud looga dhageystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Axmed Macalin Fiqi oo ka xog-warramay xaaladda degaannada ay la wareegtay Dowladda iyo sidii looga hirgelin lahaa tiro Mashruucyo ah oo ay ka mid yihiin dib u dhiska Xarumaha Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Amniga.

Intaa waxaa dheer in Ciidanka Xoogga Dalka ay ka mid yihiin kuwa aqoon dheer u leh Diinta Islaamka, kuwaasi oo wacyigaliya Ciidanka iyo Bulshada ku dhaqan Deegaannada dib loo xoreeyay argagaxisada Alshabaab, maadaama ay ku jiraan Jihaad, iyagoo faraayana waxyaabaha looga baahan yahay iyo kuwa ka xaaraameysan Ciidanka Dagaalka kula jira Khawaarijta.

Shan hablood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay dalka Maraykanka

Shan hablood oo Soomaali ah ayaa ku geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay dalka Maraykanka

Waxa shil gaari ku geeriyooday shan hablood oo Soomaaliyeed dalka Maraykanka ka dib shil Gaari oo halkaas ka dhacay,shilkan ayaa ka dhacay magaaladda Minneapolis gaar ahaan agagaarka suuqa Karmel Mall,halkan ayaa ah goob ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed.

Hablaha geeriyooday ayaa 3 ka mid ahi ahaayeen isku qoys,hablaha ayaa suuqa ka adeeganayey iyagoo isu diyaarinayey munaasabad qalin jabin.

Shilkan ayaa waxa sababay nin la sheegay inuu la soo baxsaday Gaari ka dib markii uu Gaarigiisa xagga qaybta dambe kaga dhuftay Gaari hablaha wateen.

Ciidanka Booliiska ayaa la sheegayaa in ay gacanta kusoo dhigeen Eedaysanaha geystay shilkan.

Xubno ka socda BJFS oo ka qeybgaley shirka Baarlamaanka Aduunka

Xubnaha joogtada ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Adduunka oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka, ayaa ka qayb galay shirka Baarlamaanka Adduunka (IPU) ee lagu qabtay Magaalada Marakesh ee Dalka Morocco.

Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah islamarkaana ahaa fadhigii 147-aad ee Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamentary Union) ayaa si wadajir ah u waxaa u qabtay Baarlamaanka dowladda Morocco iyo Baarlamaanka Adduunka.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shanta Xildhibaan ee Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ku matala Baarlamaanka Adduunka oo ay ka mid ahayd Senator Zamzam Daahir Maxamuud.

Warmurtiyeed: -Ka soo baxay Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada

Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 12ka illaa 16ka Juun 2023.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedada shirkani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif,Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed,Mudane C/llaahi Shiikh Daahir,Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sh C/llaahi Osman, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle,Mudane C/fitaax Xasan Faarax,Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, ahna kusimaha Wasiirka Mudane Saacid C/llaahi Maxamed,Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Mohamed Adirahman Yabarow,Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS,lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.

Falanqayn iyo dood ka dib waxaa Shirka 4aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.

Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen horumarka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ay ku tallaabsatay muddada kooban iyo howlaha qabsoomay.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah lagana faa’iideysto dhammaan howlaha hor-yaalla.

In Mashaariicda iyo dhammaan Horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida:- Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.

              

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafiimaadka XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Cafimaadka dalka Ethoipia

Addis Ababa:-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS xildhiban Maxamed Xassan Maxamed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Dr. Lie Wasiirka Cafimaadka dalka Ethoipia.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii sare loogu qaadilahaa iskaashiga labada waasaradood ee dhinaca khibrad wadaaga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaad waxa aana la isku afgartay in Ethiopia ka caawiso Soomaaliya sare uqaadista tayadda aqoonta iyo khibarada shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta xarumaha caafimaadka Qaranka.

Sidoo kale Labadda wasiir ayaa isku afgartay in iskaashiga wasiiradda Bariga Africa sare loo qaado isla markaana si wadajir ah wasiiradda wasaaraddaha caafimaadka wadamadda Bariga Africa ka wadashaqeyaan horumarinta tayadda caafimaadka Bariga Afrika.

   

Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Beijing

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay  Bandhiga Carwada 13-aad ee Maalgashiga Dibadda ee Shiinaha (COIFAI), iyadoo halku-dhigga sanadkan ee hindisaha cusub Shiinaha ee ” Belt and Road Initiative” uu yahay qarni cusub, Maalgelin Cusub, horumar Cusub.” Munaasabadan, oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha (CODA), ayaa isu keenay in ka badan 500 oo wakiillo ah oo ka kala yimid dalal kala duwan si ay uga wada hadlaan una sahamiyaan fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee hoos yimaada Hindisaha cusub “Belt and Road Initiative” ee Dowladda Shiinaha ay ku dooneyso in ay horumar kaga sameyso dalalka soo koraya.

Danjire Kullane oo furitaanka bandhigga Carwada khudbad ka jeediyay ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay Carwada u leedahay horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo sidoo kale, ku dheeraaday soo bandhigidda fursadaha iyo faa’iidooyinka maalgashi ee Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Mudane He Zhenwei, Guddoomiyaha CODA, martiqaadka uu u fidiyey, wuxuuna ku bogaadiyey ururka sida ay uga go’an tahay kobcinta iskaashiga iyo mashaariicda maalgashiga caalamiga ah.

Sidoo kale, Danjire Kullane, ayaa ku nuux-nuux saday in Soomaaliya ay tahay marinka laga soo galo Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, isaga oo ganacsatada u iftiimiyay fursad ay ku ballaarin karaan ganacsigooda ayna ku abuuri karaan xiriir dhaqaale oo xooggan. Waxa uu carabka ku dhuftay in Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ee la cusboonaysiiyay ay tahay meel aad ugu wanaagsan ganacsiga iyo maalgashiga. Intaa waxaa dheer, wuxuu soo jeediyay in Soomaaliya laga helo kheyraad badan oo dabiici ah, oo ay ku jiraan saliidda, gaaska, macdanta, kalluumeysiga, iyo dhul-beereedyo barwaaqo ah, oo ka bannaan fursado maalgashi.

Wuxuu sheegay in Dalku si weyn maalgelin ugu sameynayo isku-xirka gaadiidka sida waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, isagoo u soo bandhigaya muhiimadd ay leedahay fursadaha ganacsi ee Shiinaha inay ku biiriyaan khibradooda iyo inay iskaashi la sameeyaan saaxiibada Soomaaliya. Wuxuu Danjiruhu si qoto dheer khudbaddiisu ugu iftiimiyay Tamarta la cusbooneynsiin karo, cimilada wanaagsan iyo Xeebaha dheer ee Dalkeenna ayaa ka dhigaya meel ku haboon oo looga faa’ideysan karo fursadaha maalgashi, wuxuuna ku dhiirageliyay shirkadaha Shiinaha ee quseeya tamarta la cusbooneysiiyo in ay maalgashadan, taas oo Soomaaliyaa ka dhigeysa in ay u gudubto in ay hesho tamar nadiif ah.

Fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya, waxay ahayd qeyb kale muhiim ah oo uu safiirku si weyn u iftiimiyay. Soomaaliya waxay leedahay dhul barwaaqo ah oo cimilo wanaagsan leh. Danjire Kullane ayaa ku booriyay maalgashadaasha Shiinaha in ay sahmiyaan farsamooyinka Beeraha ee casriga ah warshadaha tayada leh si kor loogu qaado sugnaanta cubtada, dhoofinta iyo abuuritaanka fursado shaqo.

Gaba-gabadii, munaasabadda, Soomaaliya iyo Shiinaha, waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxibtinimo si loo gaaro barwaaqo. Danjire Kullane, waxa uu mahadcelin ballaaran u jeedinayay Ururka Horumarinta Dibadda ee Shiinaha oo soo qabanqaabiyay Bandhigan (COIFAIR), guuleystay, wuxuuna u rajeynayaa in mustaqbalka ay iskaashi dheeri ah yeeshaan Shiinaha iyo Soomaaliya.  

Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah

Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ay sannad walba bixiso hay’adda ‘Central Banking’ ee fadhigeedu yahay waddanka Inguriiska.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa abaalmarintaasi lagu guddoonsiiyey xaflada aad loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Guddoomiyaha oo hadal mahadcelin ah ka jeediyey madasha xafladdaasi ayaa yiri “Jaa’isaddani waxay daliil u tahay dadaalka dheer ee shaqaalaha iyo maamulka Bankiga Dhexe ku bixiyeen hirgelinta kaabayaasha maaliyadda dalka oo uu ugu horreeyo Hannaanka Lacag bixinta Qaranka”.

Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya waxaa ka go’an dib u dhiska iyo xasiloonida hannaanka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.