Maamulka Hirshabeelle oo kormeeray deegaanno uu ku fatahay wabiga shabeelle

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe aya sheegay in wabiga Shabeelle uu ku Fatahay in ka badan 72 tuullo  oo bari kaga began Degmada Jowhar.

Fatahaadda wabiga ayaa saameyn ku yeeshay deegaanka Balcaano ay hoostagaan72 tuullo ,waxaana halkaasi ku baaba’ay dhulbeereed aad u ballaaran oo ay adeegsan jireen dadka danyarta ah ee ku sugan tuulooyimkaasi.

Qoysas badan ayaa ku barakacay fatahaadaasi oo ay kormeer ku sameeyeen Wasiir ku cigeenka wasaaradda gargaarka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Meyre Axmed Makaraan iyo Guddomiyaha Degmada Jowhar Cismaan Maxmed Muqtaar.

Mas’uuliyiintaasi,waxa ay dadkii ku barakacay tuulooyinkaasi la wadaageen xanuunka ka dhashay fatahaadda wabiga oo saameeyay dhulbeered baaxad leh.

Qaar kamid ah dadkii ku barakacay fatahaadda ayaa codsaday in lala soo gaaro gurmad biniaadanimo oo wax ka tara dhibaatooyinka heysta qoysaskaasi.

Hoggaamiyaal Afrikaan ah oo doonaya in Ukraine lagu soo dabaalo nabad

Todobo hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa howlo nabadeed u tagaya  Dalalka Ukraine iyo Ruushka, iyagoo rajeynaya inay soo afjaraan dagaalka ka socda halkaas.

Wafdiga ka socda Koonfur Afrika, Masar, Senegal, Kongo-Brazzaville, Comoros, Zambia, iyo Uganda ayaa manta oo Jimco ah la kulmaya Madaxweyne Volodymyr Zelensky ,halka Madaxweyne Vladimir Putin ay la kulmi doonaan maalinimada Sabtida.

Wakhtiga booqashada madaxdaasi ka socota Afrika ayaa ku soo beegmay xilli Kyiv ay qaadayso weeraro xooggan oo rogaal celis ah oo ay ku qaadayaan ciidamada Raashiya.

Dalalka Koonfur Afrika iyo Uganda ayaa loo arkaa inay u janjeeraan dhanka Ruushka, halka Zambia iyo Comoros ay u dhow yihiin Galbeedka. Masar, Senegal iyo Congo-Brazzaville ayaa si weyn dhexdhexaad uga aha dagaalada u dhaxeeya Raashiya iyo Ukrine.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la kulmay Duqa Caasimadda Belgrade

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo booqasho ku jooga Magaalada Belgrade ee dalka Serbia ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan dowladda dakjaasi.

Guddoomiyaha oo la kulmay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić ,waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo dib u mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade iyo in khubaro injineero ah loo soo diro Muqdisho si ay daraasad rasmi ah ugu sameeyaan habka biyo-mareenka Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsamisocodka nuucyada gaadiidka.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia gacan uga geysaneyso Dowlad dhiska Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dakhliyadda canshuurta.

Kulankaasi waxaa guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ku wehlinaayey Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xiriirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala Safaarada.

Horjooge horay maxkamadda ciidamadda ugu xukuntay dil oo howlgal qorsheysan lagu khaarajiyay

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen inta u dhexeeysa magaalada Galcad iyo degaanka Baraag Sheekh Caamir ku dilay horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane), sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey taliye ku-xigeenka Ururka 7 aad Guutada 16 aad ee Danab xidigle Maxamed Xasan Abuukar.

Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa horay maxkamadda ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu halista badan ee dadka Soomaaliyeed u geystay dhibaatiiyin baaxad leh.

 

Shir u Dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo IMF iyo Bangiga Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Nairobi: Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo looga hadlayay barnaamijka ECF( Extended Credit Facility) ee hannaanka Deyn Cafinta.

Shirkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa lagu gorfeeyay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta Maaliyadda, dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) iyo Maamul wanaagga. Waxa sidoo kale diirada lagu saaray sharuudaha Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhamaystirka barta go’aan qaadashada (Completion Point).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan soo xiray ayaa sheegay in 4-tii maalin ee uu shirkaan socday diirada lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta oo inta badan Sharuudaha horumar wany laga sameeyay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in tallaabooyin iyo wadashaqaynta hadda laga gaaray Barnaamijka ECF ee IMF ay ku dhawaynayso waddada dhammeystirka guud ahaan Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay sidoo kale xoogga saari doonto kicinta dakhliga gudaha, xoojinta hannanka daah-furnaanta Maaliyadeed iyo Maamul wanaagga oo muhiim ah arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

Prof. Afyare” Dowladda iyo shacabka marka ay is wataan cid kasta way ka adag yihiin”. (Warbixin).

Prof. Afyari Cabdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay dagaalka ka  dhanka ah Khawaarijta ee ka socda Dalka, guulaha la taaban karo ee ilaa hadda laga gaaray iyo sababta ugu wacan ee wiiqday awooddii argagixisada oo meelo badan oo dalka ah laga xoreeyay.

Prof. Afyare ayaa sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka dhashay culeys ay shacabka Soomaaliyeed saareen maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo ugu dambeyn isku beddelay natiijo ay ka shallaaydo Khawaarijtu, deegaanno badanna looga qabsaday.

” Shacabka markuu nimankan la dagaallayay, culeys ay dhallinyaradanu ayuu ahaa waxa dhaliyay qarax, ileyn abaaro, lacago baad ah ayay qaadi jireen,culeysyo xoogaa ciqaab ah iyo kacdoon ka yimid ayay ahayd,”.

Sidoo kale, Aqoonyahan Afyari ayaa hoosta ka xariiqay in intaas ka dib, Dowladda federaalka oo cusub markaas ay siisay shacabka dagaallka xaqa ah kula jiray Khawaarijta taageero xooggan oo ku qasbay argagixisadu in ay ka cararaan degmooyin iyo deegaanno muddo 15-sano ah gacantooda Ku jiray, shacabkana ay ku gumaadayeen.

”  Dowladda markaas cusubna waa ay taageertay, kacdoonkaas ayaana meesha ka dhashay, aslanba su’aasha meesha taalo waxay tahay raadiyuhu waa isticmaali kartaa warqad dheer oo baxsi ah baanu ka qornay oo la yiraahdo security sector reform in Somalia, yanci waxyaabaha dib u habeynta ciidamada iyo caqabaaadka iyo mushkiladaha imaan kara,”. Ayuu yiri Prof Afyare.

Ugu dambeyntii, Prof Afyare Cabdi Cilmi ayaa qiray in shacabka iyo Dowladda oo is wata cid walba ay ka adag yihiin, maanta la arki karo mirihii ka dhashay duullaankii ka dhan ahaa Khawaarijta halka uu marayo iyo guulaha wax ku ool ah ee laga gaaray.

Shacab badan oo muddo ka badan 15-sano xoog ugu afduubnaa argagixisada ayaa laga saaray, kuwaas oo hadda ku nool, nolol sareedo, barwaaqo iyo horumar leh.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheikh ayaa qaadatay go’aan ah in ay Dalka ka xoreyso maleeshiyada Al-shabaab, waxaana hadda howlgalkaas oo wejigiisu koowaad lagu guuleystay marayaa meel wanaagsan, wejigiisa labaadna uu dhawaan bilaaban doono, sida madaxda qaraku sheegeen.

Soomaaliya oo sannadkan sare u qaaday dhoofinta xoolaha

Magaalo madaxda gobolka Bari ee Boosaaso ayaa xalay waxa laga dhoofiyey xoollo gaaraya 150 kun oo neef sids uu xaqiijiyey Wasiirka Xanaanadda xoollaha dowlad gobolleedka Puntland,iyadoo la rejaynayo in maalmahan soo socda laga dhoofiyo tiro gaaraysa ilaa hal milyan oo neef.

Wasiirka ayaa sheegay in sannadkan dalalka xoollaha loo iib geynayo kala yihiin dalalka Sucuudiga,Yemen,Cumaan iyo Emarates.

Ganacsatadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in sannadkan ay suuq fiican u heleen iibka xoollaha nool,tirada xoollaha la keenayo maxjaradda Berbera ayaa iyaduna sidoo kale korortay.

Ras’iisul wasaaraha XFS ayaa dhowaan daah-furay munaasabad lagu daah-furayey dhoofinta iibka hilibka Xoollaha,munaasabadan ayaa waxa soo agaasimay wasaaradda Xanaannadda xoollaha,wasiirka ayaa sheegay in daddaal dheer oo wasaaraddu samaysay ka dib dowladda Sucuudiga ogolaatay in dalkeeda loo dhoofiyo hilibka xoollaheena.

      

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo furtay aqoon kororsi ku saabsan diyaarinta qeybaha Dhiigga iyo Maareynta Dhiig-shubista

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada qeybta Tababarada (Internship and Training program) ayaa maanta Isbitaalka Banaadir ku qabatay Siminaar ku saabsan diyaarinta iyo maareynta qeybaha Dhiiga.

Munaasabadan oo lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Dhiig bixinta ayaa waxaa kasoo qeyb galay 60 qofood oo isugu jira ardayda barata culuumta Shaybaarka, Nursing iyo xirfadlayaal caafimaad si ay u bartaan hababka ugu wanaagsan ee loo maareeyo dhiig shubida.

Ka qeyb galayaasha siminaarka ayaa lagu baray mabaadi’da diyaarinta iyo keydinta dhiigga, nidaamka badbaadada bukaanka ,iyo muhiimada ay leedahay hubinta iyo baaritaanka dhiigga bukaanka loogu deeqo.

Inta uu socday Siminaarka, ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen in ay koox koox u sameeyaan tijaabo baaris oo ku saabsan maaraynta dhiig-shubidda.

Siminaarka ayaa sidoo kale lagu muujiyay muhiimada ay leedahay helitaanka dhiig la hubiyay si loo ilaaliyo badqabka bukaanada.

Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay guul, iyada oo kaqeyb galayaashu ay heleen aqoon iyo xirfado ku saabsan maareeynt dhiig-shubidda iyo hubinta badbaadada bukaanka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an joogteynta tababarada sare loogu qaadayo aqoonta Xirfadlayaasha Caafimaad si loo helo Caafimaad tayo sare leh.

      

Hoggaamiyaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Filibiin

Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen guryo deegaan ah oo ku yiillay jasiiradda koonfureed ee Mindanao .

Howlgalkaan oo ka dhacay Magaalada Marawi  maalinimadii shalay,waxaa ka qeybqaatay 100 ciidan oo ka kala socday  guutooyinka mileteriga iyo kuwa Booliska.

Ciidamada ayaa weerarary laba goobood ama laba guri oo la sheegay in muddo laba bilood ah ay si dhuumasho ah u  deganaayeen kooxdaasi ,waxaana sida la sheegy halkaasi lagu soo afjartay nolosha laba dagaalyahan oo sare.

Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday labo kamid ah ISIL ee ugu sareeya gobolka,kuwaas  oo kala ah Abu Zacharia, madaxa DI-Maute iyo waxa loogu yeero Amiirka ISIL ee Koonfur Bari Asia iyo Abu Morsid oo ah kooxda DI-Maute. sida ay sheegeen militariga Filibiin