Hoggaamiyaal ka tirsan Daacish oo lagu dilay dalka Filibiin

Ciidamada Dalka Filibiin ayaa dilay hoggaamiyaal ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala dalkaasi,kadib kolii ciidamadaasi ay weerar ku qaadeen guryo deegaan ah oo ku yiillay jasiiradda koonfureed ee Mindanao .

Howlgalkaan oo ka dhacay Magaalada Marawi  maalinimadii shalay,waxaa ka qeybqaatay 100 ciidan oo ka kala socday  guutooyinka mileteriga iyo kuwa Booliska.

Ciidamada ayaa weerarary laba goobood ama laba guri oo la sheegay in muddo laba bilood ah ay si dhuumasho ah u  deganaayeen kooxdaasi ,waxaana sida la sheegy halkaasi lagu soo afjartay nolosha laba dagaalyahan oo sare.

Weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsaday labo kamid ah ISIL ee ugu sareeya gobolka,kuwaas  oo kala ah Abu Zacharia, madaxa DI-Maute iyo waxa loogu yeero Amiirka ISIL ee Koonfur Bari Asia iyo Abu Morsid oo ah kooxda DI-Maute. sida ay sheegeen militariga Filibiin

Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo shir muhiim ah uga qeyb galay Comoros

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cali Ifiye Cali oo uu wehliye lataliyaha Wasaaradda mudane Xasan Xaaji Ibraahim ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen wadamada Xeebaha leh iyo jasiiradaha yar yar ee qaaradda Afrika ayaa loogu hadlay sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda, ka hortaga Kallumaysiga sharci darrada ah iyo isbedelka cimilada.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah mudane Cali Ifiye Cali oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay qorshaha Dowladda Soomaaliya ee ka faa’ideysiga dhaqaalaha Bulluugga ah iyo muhiimadda Afrika gaar ahaan Soomaaliya u leedahay horumarinta kalluumaysiga.

Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray gaba gabada shirka ayaa loogu magac daray bayaankii Moroni oo ah Caasimadda Jasiradda Comoros.

Dhinaca kale Wasiir Cali Ifiye ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay wasiirada shirka ka soo qeyb galay gaar ahaan wasiiradda ka socday dowladda Kenya, Jasiiradda Comoros iyo Jasiiradda Siishalis.  

Danjire Kullane oo Khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee QM

Beijing:- Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Mudane Cawaale Cali Kullane, iyo Danjireyaasha Dalalka Belgium iyo Pakistan ayaa ah sadexda danjire ee lagu casuumay in ay khudbad ka jeediyaan shirka waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay

Shirka oo ku saabsan habka loo hirgelin lahaa-hannaanka iskaashiga horumarinta-waarta ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Dalka Shiinaha. Munaasabadda ayaa lagu qabtey Xarunta UN-ka Qaramada Midoobay ee magaalo madaxda dalka shiinaha Beijing.

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray muhiimadda ay UNSDCF u leedahay hirgelinta hannaanka iskaashiga horumarinta-waarta ee Qaramada Midoobay ee Dalka, wuxuuna Danjiruhu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sidii loogu guuleysan lahaa 17-ka Hiigsi ee Ajendaha Horumarinta-waarta (SDGs)  ee2030.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa ammaanay sida ay dalka Shiinaha u curisay nidaam u miradhaliyey horumar wanaagsan . Waxa uu carabka ku dhuftay in ay ku dayasho mudan yihiin mrka la eego sida ay Shiinuhu ugu heelan yihiin in ay khibradaha iyo agabka la wadaagaan wadamada kale ee soo koraya, iyada oo loo marayo iskaashiga Shiinaha ee dalalka soo kooraayo, taas oo qayb ka qaadanaysa in la gaaro horumarka caalamiga ah ee Ajendaha Horumarinta-waarta 2030 (SDGs).

Intii lagu guda jiray, war-bixintii Dowladaha Xubnaha ka ah, Danjire Kullane waxa uu uga warbixiyey ka soo qeyb galayaasha horumarka Soomaaliya. Wuxuu la wadaagay guulihii laga gaaray Amniga iyo xiriirka dibadda iyo horumarinta dhammaan hayaddaha dawliga ee dalka.

Ugu dambeyntii, Safiirka JFS ee Dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si siman loo helo fursado dhaqaale iyo hab-nololeed ilaalinayo xaqa ay leeyihiin haweenka iyo dhalinyarada.

  

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyay kulanka 5-aad ee kalfadhiga saddexaad ee golaha shacabka BJFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 5-aad ee ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS iyo akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka  Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana marka hore mooshin ku saabsan warbixin magalada Baraawe soo jeediyay 16 Xildhibaan, si loo qaboojiyo xiisada colaadeed ee ka tagaan Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed. Waxaana uu Guddoomiye sheekh Aadan Madoobe sheegay in loo saari doono guddi warbixin kasoo diyaariya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayuu kaga hadlay qodob muhiim ah oo ay ka mid yihiin in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka inta lagu guda jiro kalfadhigan 3-aad, waxaana uu sheegay in todobaadkan Gudigga Joogtada ay la shireen Ra’isul Wasaaraha XFS, iyagoo iska xog-wareystay wada-shaqeynta iyo sidii loo bilaabi lahaa kor joogteeynta iyo la xisaabtanka hay’adada dowladda, waxaana ay isla qaateen in Golaha Wasiiradda mid mid  loogu yeero lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyinna lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Dhanka kale fadhiga Golaha ayaa looga hadlay akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay xaquuqda dadka ka tirsan shaqaalaha dowladda marka ay howlgabka noqdaan.

    

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka oo la kulmay madax ka tirsan FAO

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale ayaa maanta la kulmay madax ka socotay Hay’adda FAO oo uu hoggaaminayay Wakiilka ahna Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mudane, Etienna Peterschmitt.

kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka labada Hay’addood, wada shaqeynta, sidii xogaha arrimaha bani’aadamnimada loo wadaagi lahaa iyo ka mira dhalinta arrimaha lagu falanqeeyo cunna yarida, sugnaanta cunnada iyo sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo lagu yareeynayo abaaraha iyo fatahaadaha soo laa-laabtay.

    

Madaxweynaha Jubbaland iyo howlgalka Africom oo ka wada hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabbilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen Saraakiisha howlgalka AFRICOM, ATMIS, Sarakiisha hay’adaha amniga Jubaland iyo Ciidamada xoogga dalka oo uu Guddoomiyay Madaxweyne ,Axmed Maxamed Islaam ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee amniga iyo billowga wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoraynayo kooxaha Argagixisada ah.

    

Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta furmay

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo bandhigaya warbixinta kulamadii dhacay ee guddiga joogtada ah.

Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Wasiir Fiqi oo shirka madasha Oslo kaga hadlay mashaariicda ay DF ugu tala gashay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta

Oslo-Norway)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo safar shaqo ku jooga Norway ayaa kaqeyb galay mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” taas oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dedaallada dib u xorreynta kadib”.

Wasiir Axmed Fiqi, waxaa uu ku dheeraaday dib u xorreynta dalka, howlaha xasilinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talo galay deegaannada laga xoreeyay khawaarijta iyo kuwa la qaban doono dhowaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa ka mid ah wufuud caalami ah oo  qeyb ka ah “Madasha Norway” taasi oo tirsigeeda 20-aad xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Jabuuti ugu qeyb galay Shir Madaxaxeedkii 14-aad ee Urur Gobeleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka gobolka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha ka qeybgaley Shir Madaxeedkii 14-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo ka dhacay Djibouti.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo ay ka wadahadleen xoojinta taageerada Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabilay General Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Madaxweynaha Uganda, kaas oo Muqdisho keenay dhambaal uu ka siday Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.

5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding , iyagoo ka wadahadley habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo la filayo inay bishan bilaabato.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa mar kale kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka Gobolka Sool oo ay ka wadahadleen sidii nabad loogu soo afjari lahaa colaadda ka taagan Laas Caanood.

7- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20 kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo ciidanka amniga la wadaagey xog ku saabsan weerar ay argagixisadu doonayeen inay ku waxyeeleeyaan shacab.

8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay barnaamij waxtar u leh dhaqaalaha Soomaaliya oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya oo la geynayo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya.

9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing.

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya waxayna ka wadahadleen xoojinta wadashaqeynta labada dhinac.,

11- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ka furay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo shacabku cabashooyinkooda ku soo gudbin karaan, laguna xoojinaya kalsoonida shacabka.

12- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax dhigay Xarunta Gurmadka Deg-Degga ee Isbitaalka Madiina.

13- Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka, dib-u-eegista ku- talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023 iyo qodobo kale oo muhiim ah.

14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee dalka Zambia kaga qeybgaley Shir Madaxeedkii 22aad ee Suuqa Iskaashiga Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

15- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka kula kulmay jaaliyadda Soomaaliya ee ku dhaqan dalka Zambia.

16- Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka Hirgelinta Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha Guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin ka guddoomay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Sacuudiga Amiir Khalid bin Salmaan bin Cabdulcasiis .

18- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xarigga ka jarey xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda ku yeelaneyso magaalada Kismaayo.

19- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya.

20- Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tababar ku saabsan xoojinta iyo tayeynta Afka Soomaaliga u furay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawlgala warbaahinta qaranka.

21- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Muqdisho ka furay tababar ku saabsa tebinta wararka goobaha dagaalka, oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socday warbaahinta qaranka.

22- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira tebinta wararka xuquuqda carruurta.

23- Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo booqatey caasimadaha dowlad goboleedyada Puntland, HirShabelle iyo Koonfuur Galbeed, wadahadalna la yeelatey hoggaanka maamuladaas.

24- Khawaarijta oo weerarey Hotel Pearl Beach oo ku yaalla Muqdisho, iyadoo ciidamada amaanka ay halkaasi ka fuliyeen hawlgal deg-deg ah oo lagu soo afjarey weerarka, soona badbaadiyay shacab badan.

25- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Cabdulahi Maxamuud (Kaniif), ayaa Akademiyadda Booliiska ee Jeneral Kaahiye tababar xirfadeed uga furay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee taraafikada.

26- Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay Tuulada Buulla Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

27- Guutada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge.

28- Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ayaa gargaar aadminimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-Madow ee Gobolka Jubbada Hoose.

29- Shir looga hadlayo hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo ka dhacaya Nairobi, waxaana ka qeybgalaya Soomaaliya, Bankiga Adduunka, Hay/adda Lacagta Adduunka iyo xubno kale.

30- Booliska Gobolka Banaadir oo soo xiray Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Maxamed Cali oo loo haysto eedeymo la xiriira musuqmaasuq.

Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka dalka oo ka furmay muqdisho

Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha Caafimaadka dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr, Cali Xaaji Aadam, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr, Maryama Maxamed Xuseen, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno ka socda Hay’addaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, Agaasimayaasha Wasaaradda Caafimaadka, bahwaynta Caafimaadka Soomaaliya, Xubno ka socda xarumaha Caafimaadka dalka xirfadlayaasha caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha iyo daneeyayaasha dalka oo dhan.

Shirka ayaa ah mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maaddaama uu qorshuhu yahay sidii loo heli lahaa Shaqaale Caafimaad oo tayo leh, taas oo kor u qaadeysa horumarinta Caafimaadka guud ee Soomaaliya.