Danjire Cawaale Kullane oo ka qeyb galay shirka ” Madasha Hab-maamulka Caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka”,

Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa maanta magaalada Beijing uga qeyb galay shirka “Madasha Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka.

Shirka waxaa isugu yimid, Diblomaasiyiin, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, khubaro iyo aqoonyahanno ka kala socday daafaha caalamka, waxaanna si weyn looga hadlay arrimaha xuquuqul insaanka ee caalamiga ah.

Madasha oo ay si wadajir ah u martigaliyeen Wasaaradda arrimaha dibbada ee dalka Shiinaha iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dalkaas ayaa lagu xusay “TheVienna Declaration” baaqii Vienna, waxaana sido kale lagu lafaguray sidii loo wanaajin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka, iyada oo halku-dhiggu yahay “Sinaanta, iskaashiga, iyo horumarka.

Intii ay madashu socotay, Danjire Kullane ayaa si fir-fircoon uga qayb qaatay furitaanka Madasha, Danjiruhu waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay in la hormariyo Hab-maamulka xuquuqul insaanka caalamiga, ayada oo la tixgelinayo sinnaan, iskaashi, iyo horumar.

Sidoo kale, qodobada kale, ee diiradda la saaray waxaa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga caalamiga ee ku aadan arrimaha xuquuqul-insaanka, iyo sidii loo sii xoojin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyo wax ka qabashada caqabadaha guud ee ku aaddan xuquuqul insaanka waqtigan casriga Digitaal-ka ah .

Ka qaybgalayaashu waxay is waydaarsadeen fikrado iyo aragtiyo kala duwan, waxayna soo gudbiyeen talooyin lagu kobcinayo iskaashiga iyo horumarinta Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka.

Ugu dambeyntii, Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa Madashau ku tilmaamey in ay tahay mid curisay fursad wanaagsan oo si baahsan looga doodday sidii loo horumarin lahaa Hab-maamulka Caalamiga ee xuquuqul insaanka, wuxuuna u mahad celiyey wasaaradda arrimaha dibbada ee dalka Shiinaha iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Dalka Shiinaha martiqaadka iyo qabashada madasha qiimaha badan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka kaqeybgalay Shir looga hadlayay dadaallada dib u xorreynta dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallim Fiqi, oo safar shaqo kujooga Norway ayaa kaqeybgalay mid ka mid ah fadhiyada Madasha Oslo, oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dadaallada dib u xorreynta kadib”.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku dheeraaday hannaanka dib u xorreynta dalka, howlaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xorreynayo dhawaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa ka mid ah wufuud caalami ah ee qeybta ka ah “Madasha Norway” tirsigeeda 20-aad, oo xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta dalka.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in tirada barakacayaasha Caalamka ay gaartay heerkii ugu sarreeysay

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada dadka ku barakacay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah caalamka ay gaartay 110 milyan oo qof, taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay xaaladda dagaal ee ka taagan dalalka Ukraine, Suudaan iyo meelo kale.

UNHCR , ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah, ku sheegtay in kororka ku yimid Qaxootiga Caalamka ay ka dhigantahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay abid, taasi oo uu Grandi, sheegay inay ugu wacan tahay colaadda ka taagan Suudaan, Ukraine dalal kale.

Filippo Grandi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva, ayaa sheegay in asal ahaan Barakaca ay sababaan arrimo ay ka mid yahiin colaadda, cadaadisyada kala duwan, takooridda, rabshadaha joogtada ah iyo isbeddelka cimilada, balse tobankii sane ee la soo dhaafay uu korar ku yimid tirada barakaca yaasha Caalamka.

Warbixinta ayaa lagu xusay in qiyaastii kala bar tirada guud ee qaxootiga Caalamka ay ka kala yimaadeen dalalka Suuriya, Afgaanistaan, Ukraine iyo Suudaan.

Ugu danbeyntii, Grandi, ayaa walaac ka muujiyay sharciyada adag ee ka dhanka ah qaabilaadda Qaxootiga iyo dib u celinta, isagoo aan magacaabin dalalka arrinkaasi ku eedeeysan.

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Uganda

Burcad hubeysan oo u dhashay dalka Uganda ayaa magalada Kampala ee Caasimadda dalkaasi Uganda, waxaa dil iyo dhawac ugu gesteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku noolaa halkaas.

Kooxdan Burcadda ah ayaa sida la sheegay tiro dhalinyaro Soomaali ah ku weeraray guri ay daganaayeen oo ku yaalla magalada Kampala, waxaana weerarkaas ku geeriyooday hal ruux, halka mid kalana uu ku dhaawacmay.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, gaar ahaan kuwa degan Magalada Kampala ayaa wajahaya cabsi ka dhalatay weerarkaan ay geysteen kooxdan Burcadda ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Uganda ayaa sheegay in Ciidamada Boolisska ay tageen halkii uu falka ka dhacay, ayna ku howlanyahiin baaritaanno ku saabsan dadkii weerarka geystay iyo waxyaabaha sababay weerarkaas.

 

Taliska Ciidanka XDS iyo Africom oo ka wada hadlay dar-dar gelinta la dagaallanka khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan laqaatay taliyaha ciidamada Mareykanka ee howlgalka Africom Gen, Micheal Langley.

Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage iyo Gen, Micheal Langley ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta cirib tirka kooxaha khawaarijta.

Shir madaxeedka IGAD oo laga soo saaray war-saxaafadeed taageeraya Soomaaliya

Djibouti: Shir madaxdeedka dalalka ku midaysan urur goboleedka IGAD oo dalka Jabuuti ka furmay 12-June ayaa gabangabadiisa laga soo saaray war-murtiyeed taageero siinaya dowladda Soomaaliya, kaas oo nuxurkiisu ahaa:

1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.

3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.

4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.

5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwan

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka oo qaabilay madax ka socotay hay’adda Start Network

Gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka ee SoDMA mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wheliyaan agaasimaha waaxda maareynta musiibooyinka mudane Khadar Maxamed Sh Nuur iyo la-taliye sare Maxamed Macallim (Wayaaka) ayaa maanta kulan la yeeshay madax ka socotay hay’adda Start Network.

kulanka oo ka dhacay xarunta hay’adda SoDMA ayaa looga wada hadlay xoojinta xariirka labada hayádood, wada shaqeynta iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa qabsoomidda shirka ka hortogga aafooyinka oo ka dhici doona Muqdsiho 18 iyo 19 June 2023.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaday sidii loo dar dar galin lahaa istraatiijyadda maaliyadda ee ka hortgga aafooyinka, waxaana ugu dambayn gudoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinku u mahadceliyey madaxda ka socotay hay’adda Start Network, booqashada ay ku yimadeen xatunta hay’adda iyo wada shaqaynta ka dhalatay kulanka maanta.

     

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa maanta oo daah-furay dhoofinta hilibka xoolaha Soomaaliya ee loo iibgeynayo dalka Sacuudiga.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah dhoofka hilibka Xoolaha Soomaaliya ee ay oggolaatay Boqortooyada Sacuudigu, waxuuna xusay in dadka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ay ka heli doonaan dhaqaale iyo  shaqo abuur ka badan kii laga heli jiray dhoofka xoolaha nool.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ka mid yihiin xoolaha, isagoo ugu baaqay ganacsataduna ay maalgashi ku sameeyaan khayraadka dalka, gaar ahaan dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta.

   

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo muhiim ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda, taasi oo isku xirta Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho Stadium iyo Isgoyska Folorensa, taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay aanan helin wax dib-u-dhis ah.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan.

Dib-u-dhiska lagu sameenaayo wadadaan Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxa uu qeyb ka yahay Mashruuca dalkaaga ku dhiso $1 oo uu dib u howlgaliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), taasi oo lagu hormarinaayo Caasimadda.

      

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Daa’uud Aweys Jaamac oo tababar ku saabsan sida loo tabiyo wararka ku saabsan xaquuqda carruurta u furay qaar ka mid ah wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Mudane, Daa’uud Aweys oo ka hadlayay furitaanka tababarka ayaa sheegay in carruurtu ay yihiin qeyb ka mid ah bulshada, taas oo muhiimad weyn ugu fadhido dowlad, Qaran ama Ummad jirta, kuwaas oo xaquuq buuxda u leh in ay helaan waxbarasho, caafimaad iyo dhammaan adegyada asaasiga ah.

“Dowlad, Qaran ama Ummad waxay wax ku noqotaa hadba sida ay carruurteeda daryeesho ama usoo koriso, waxayna xuquuq u leeyihiin carruurtu in ay helaan wax barasho, caafimaad, quudin iyo daryeel kasta oo ay bulshada u baahan tahay”

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso ilaalinta xaquuqda carruurta oo ay ka mid tahay in ay helaan waxyaabaha asaasiga u ah baahiyahooda guud, si ay mustaqbalka qeyb uga qaataan dhismaha dowladnimada.

Wasiirka ayaa wariyeyaashii ka qeyb galay tababarka u sheegay in ay muhiimaddu tahay sidii ay xil gaar ah isaga saari lahaayeen ilaalinta xuquuqda carruurta loona baahan yahay in ku dhiirri geliyaan in ay yihiin hoggaamiyeyaasha burrito, loona diyaariyo tacliin ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu dambayn sheegay in hadba sida loo diyaariyo carruurta maanta uu ahaanayo muuqaalka Soomaaliyda berri, loona baahan yahay in ay saxaafaddu door muhiim ah ka ciyaarto waadaama ay tahay halka ugu wanaagsan ee lagu gudbiyo farriimaha.