Muwaadin fashiliyey qarax khawaarijtu ku dhibaatayn rabeen shacabka Soomaaliyeed oo abaal marin la guddoon siiyey

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoonsiiyey lacag dhan 20kun oo dollar muwaadin Soomaaliyeed oo soo sheegay mooto Bajaaj siday qarax ay kooxaha Khawaarijta ah doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Sooamaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid wadashaqeynta iyo kalsoonida ay bulshada Soomaaliyeed ku qabaan hay’addaha ammaanka, isagoo ku ammaanay muwaadinkaas dhiiranaanta iyo wadaniyadda uu muujiyey ee uu ku badbaadiyey nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadda Muwaadinkan abaal marinta lagu guddoon siinayey ayaa waxa qayb ka ahaa Agaasimaha Haya’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad.

Maxkamadda gobolka Bari oo xukuntay shan dhallinyaro ah

Boosaaso– Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Boosaaso ayaa xukun xabsi ah ku ridday shan nin oo dhallinyaro oo loo haysto in ay ku xad-gudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen ah kana duubeen muuqaal iyaga oo handadaya, todobaadkii hore.

Maxkamadda ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo, Yuusuf Axmed Cali oo 18 jir ah ku xukuntay lix sano oo xadhig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah.

Waxa dhammaantood sidoo kale lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon cisho ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaashu.

Khatarta ka dhalan karta Hubka aan qarxin (WARBIXIN)

Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhacady dhacdo xanuun badan, iyadoo inta la xaqiijiyay 27 qof ay ku dhinteen qarax weyn, kaasi oo ka dhacay deegaanka Muraale, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, Dadka ku dhintay qaraxaasi oo u badan kuwo isu qoys ahaa ayaa isugu jira carruur iyo dad waaweyn, Carruurta ay dhalleen mid ka mida qoysaska deegaanka ayaa la sheegay in Aaladda qaraxda ay ka soo heleen dhulka miyiga, markii dambena ay dhanka gurigooda u soo qaadeen.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Alcadaala), Gudoomiyaha deegaanka Janaale oo Muraale ay hoostagto ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay 27 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacantay. 15 ka mid ah dadka dhaawacmay ayuu sheegay in la kala geeyay Degmada Qoryooley iyo deegaanka Shalambood, tiro kale oo dhaawacyo fudud qabana ay ku harayn deegaankaasi.

Inta badan haraadiga walxaha qarxa ayaa dhibaato ku haya dadka ku dhaqan goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn, waxaana Dhacdadan ka dhacday Muraale ayaa noqoneyso, tii ugu dhimashada badneyd abid ee dalka laga soo wariyo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Militariga aheyd ee Soomaaliya.

“Dhacdaaan waxay ka dhacday meel u dhaxeysa Degmada Qoryooleey iyo Degaanka Jannaale waxaa la yiraa Tuuladaasi Muraale, waxayna aheyd maalin Jimca ah subaxii abaarihii 9:30, Carrurtuna waa ay cayaarayeen, marka sidaasi ayuu ku dhacay Qaraxaasi, waana Deegaan ay ka taliyaan Kooxda Al-shabaab, waxaana la sheegay in meesha ay waxyaabaha qarxa ku sameystaan”, sidaa waxaa yiri Odey kale oo ka  soo jeeda Deegaanka.

Mar uu ka hadlaayay Xaaladda Waalidiintii dhashay Carruurtaasi ayuu yiri :-“ Hooyo kaligeed waxaa ugu jirtay 4 Carruur ah oo ay dhashay, marka lama soo koobi karo murugada meesha ka jirta” , waxayna uga digeen inay iska ilaaliyaan shacabka Soomaaliyeed khatarta ay leeyihiin haraaga Hubka aan qarxin, islamarkaana lagu baarujiyo waxyeeladooda.

Dhinaca kale Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ay wali saameyn xun ku hayaan badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, “Haraadiga qaraxyada iyo miinooyinka ka dhashay colaadaha Soomaaliya ka socday sannado badan ayaa wali saameyn xun ku haya badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed, waxayna carqaladaynayaan dadaallada horumarineed,” ayuu yiri Ergeyga War-saxaafadeedka ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay  ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan maamulada Soomaaliya iyo la-hawlgalayaashooda miino saarista, taasoo uu sheegay inay sahlayso dhismaha nabadda, bini’aadantinimada, iyo dadaallada horumarinta dhaqan-dhaqaale ee bulshada Soomaaliya, sannadkii 2020, 501 qof oo rayid ah ayaa u geeriyooday waxyeelo ka oo gaartay walxaha qarxa iyo dagaalada. Sannadkii 2021-kii, tirada dhaawacyada ayaa korortay oo gaartay 669 dhaawac ah, sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, balse haddi lagu diro dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Muraale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose waxay ka dhigeysaa 528 ruux ayaa ku dhintay.

Magaalooyinka Dhabad iyo Galdogob oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud, ayaa kamid ah magaalooyinka ay sida xun u sameeyeen haraadiga Qaraxyada, waxaana dadka halkaas ku nool ay cabsi darteed uga qaxeen guryahooda iyo beerahoodii, waxayna Hay’adda miino barista Qaramada Midoobay UNMAS, ay sheegtay inay Soomaaliya ka caawisay sidii loo dhimi lahaa khatarta ka imanaysa walxaha qarxa, sida, gantaalada, rasaasta iyo bambooyinka gacanta.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeyso khubarada ku taqasusay wax ka qabashada miino saarista  ee heer qaran iyo heer caalami, si ay uga jawaabaan khataraha soo wajaha bulshooyinka, iyadoo kor loo qaadayo awoodda ay Soomaalidu u leedahay hoggaaminta iyo isku dubaridka jawaabaha wax ka qabashada miinada.

Warbixin kale ayaa sheegaysa in Khubarada ku takhasustay Miinooyinka ayaa ka hadashay Khatarta iyo halista ay leedahay Hubka aan Qarxin, waxayna xustay in ay jira khataro kala duwan oo ay keenayaan walxaha qarxa (UXO), laga bilaabo qaraxyo shil ah iyo dhaawac halis ah ilaa saameyno ballaaran deegaannno oo si ba’an u gaaraan, haddi ay tahay waxyaabaha laga dhaxlay dagaalada aduunka ka dhaca ama ku celcelinta bambooyinka tababarka milatariga, qaraxyada aan qarxin waa in had iyo jeer loo tixgeliyaa khatar oo ay la tacaalaan khubarada la tacaasha arrimaha Miinooyinka iyo hubka aan qarxin ee looga tago Deegaannada.

Haddaba waxaa talo ahaan loo soo jeedinayaa arrimahaan “-Aqoonso – marka laga yaabo inaad la kulanto rasaas iyo in rasaastu ay khatar tahay.

– Dib-u-noqosho – ha u dhawaan, ha taaban, ha dhaqdhaqaaaqin, ha qasin, laakiin si taxadar leh uga tag aagga, adigoo ku noqonaya meeshii aad ka timid.

– Ka warbixin – gaarsii waxii aad aragtay masuulka Deegaanka aad joogto ama wac Taleefanka wicitaanka gaaban ee 991 oo kala tali booliiska waxaad aragtay iyo meesha aad ku aragtay”, sidaasi waxaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la wadaagay  Sarkaal ka tirsan Ciidanka ka hortagga waxyaabaha qarxa ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (SPF) Cabdi Khaliif Maxamed.

Madaxweyne Lafta gareen oo qaabbilay wafdi ka socda QM

Baydhabo- Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed,  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabbilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Ergeyga Cusub Qaramada Midoobay kala hadlay arrimo ay kamid ahayeen Taageridda Wajiga 2-aad ee dagaalka Khawaarijta, xoojinta hirgelinta mashariicda hormarineed iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha kusoo noq-noqday degaannada Koonfur Galbeed.

Danjire Ilyaas: Waa muhim in waddamada Carabta , kuwa gobolka iyo Caalamkuba ay iska kaashadaan ka hortagga argagixisada

Riyadh- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka joogtada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa sheegay in ay muhiin tahay in Waddamada Carabta, kuwa gobolka iyo Caalamkuba ay iska kaashadaan ka hor tagga musiibada kooxaha argagixisada ay ku hayaan dunida gaar ahaan dalalka Islaamka.

Safiirka oo ka hadlayay Shirkii 2-aad ee wasiirrada Arrimaha Dibedda Ururka Jaamacadda Carabta iyo waddamada Jasiiradaha Baasifigga oo lagu qabtay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga, kuna matalayay Soomaaliya ayaa intaa ku daray in xasillooni ka hirgasha goobaha ay argagixisadu aafeysay ay horseedi doonto in ay taabba gasho himillada ay hiigsanayaan dowladaha waddamadaas iyo shucuubtooda.

Danjire, Ilyaas ayaa ka digay qatarta sii kordheysa ee fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqday, taas oo ka dhalatay isbeddelka cimillada, wuxuuna xusay in dhibaatooyinkaasi ay yihiin kuwo ka baaxad weyn awoodda dowladda Soomaaliya loona baahan in ay garab istaag ka helaan walaalahooda Carbeed.

22 askari oo Mareykan ah oo ku dhaawacmay shil diyaaradeed oo ka dhacay Suuriya

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in shil diyaaradeed oo nooceedu yahay Helikobtar uu ka dhacay waqooyi bari Suuriya,halkaasi oo ay ku  dhaawacmeen 22 askari oo Mareykan ah.

Waxaa socda baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay shilka Axadii ka dhacay waqooyi bari Suuriya, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Suuriya tan iyo sanadkii 2015-kii ayaa la kulmayay weeraro goos goos ah oo kaga imaanaya kooxaga Daacish iyo kooxaha ay Iran taageerto ee ka howlgala dalkaasi Suuriya.

Ugu yaraan 900 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Suuriya, iyadoo ay weheliyaan tiro aan la shaacin oo qandaraasleyaal milateri ah oo Maraykan ah, kuwaas oo qayb ka ah hawlgallada lagu caawinayo xoogagga Dimuqraadiga ah ee Kurdiyiinta Suuriya.

Illaa hadda ma cadda waxa sababay shilka diyaaraddaasi in ay tahay rasaas lagu riday ama wax kale.

Bulshada Ceeldheer oo u qalab qaatay Suulinta raadadkii Khawaarijta (Warbixin).

Dhallinyarada ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo is-xilqaamay ayaa bilaabay in ay qeyb weyn ka qaataan bilicda deegaanka oo muddo badan argagixisadu u diidaneyd in ay shacabka nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan.

Waxaad arkeysaa Dhallinyaro badan oo u soo baxay jarista geedka loo yaqaan Geed” Yahuudka” ama Cali-Garoob oo halkaas ka baxay muddadii Khawaarijtu ay joogtay, kuwaas oo inta badan xiray waddooyinka laga soo galo iyo kuwa looga baxo degmada.

Sidoo kale, Dhallinyarada wiilasha ah waxaa bar bar taagnaa haween dhiirran oo iyagana qeyb ka ahaa dib u soo celinta bilicda iyo nadaafadda deegaanka, kuwaas oo caano qabow ku habayay da’yarta wiilasha ee dhabarka u xirtay howshan.

Tani ayaa muujineysa in shacabka Ceeldheer u bilaabatay nolol ku saleysan horumar iyo wax wada qabsi ka maqneyd muddadii 15-ka Sdano ee Khawaarijtu ay haysatay.

Guddoomiyaha KMG ah ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud Maxamed Cali Culusow ayaa ugu baaqay dhallinyarada iyo qeybaha kale ee Bulshada in ay soo baxaan kana qeybtaan dib u soo celinta nadaafadda, amniga iyo horumarka deegaanka si mar kale degmada oo la degtay Khawaarijta ula tar-tanto degmooyinka kale ee asaageeda ah.

” Aad iyo aad ayaa u mahadsan tihiin, haddaad maqashiin qofkaas waa waddani, waddani maanta oo kale adinka waaye, waddani hadaad maqashiin, ninka u dhashay dhulkiisa oo u dhididaaya oo u dhimahaayo oo maanta geedka cadowga ah oo isaga iyo Cali Dheere isla mid yihiin jaraaya, waa ninkaas ninka waddaniga ah,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceeldheer..

Guddooiyaha ayaa shacaka kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danta guud, islamarkaana la dagaallamaan wax kasta oo ka hor imaanaya horumarka deegaanka.

Guddoomiyaha Dhalinyarada degmada Ceeldheer ayaa dhankiisa balan qaaday in ay ka shaqeynayaan sidii loo soo celin lahaa bilicda deegaanka lana dagaallamayaan dhammaan raadadkii Khawaarijta.

” Dhammaan waad u jeeddiin isku soo baxa aan sameynay wax badan ayaa qabanay,beri haddaan u soo noqon-nana wax badan ayaa qaban karnaa, marka waxaan idin ku boorinaa in dadaalka meesha laga sii wado oo aan la caajisin,”.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa muddo 15-sano ku siman hortaagneyd in ay Bulshada Ceeldheer ka shaqeeyaan horumarka iyo nabadda deegaanka, waxayn shacabka badeen nadaafad-daro iyo in ay asaagooda ka haraan 15-sano, balse hadda ayay bilaabeen shacabka in ay boorka iska jafaan ka dib markii ay arkeen neecowda iyo iftiinka Dowladnimada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay hotel ku yaalla Muqdisho

Qaahira- Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxii ka dhacay dhowaan Hotelka Pearl ee magaalkada Muqdisho.

Mudane , Adel bin Abdul Rahman Al-Assoumi Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, ayaa uga tacsiyeeyay madaxda dowladda, baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya dadkii ku dhintay weerarkii argagixisanimo ee lagu bartilmaameedsaday hotel ku yaalla Magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Al-Asuumi ayaa sheegay in Baarlamaanka Carabta ay garab taagan yihiin Soomaaliya, lana dareemayaan dhacdadan xanuunka badan, isagoo Alle uga baryay intii ku dhaawacantay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, intii ku dhimatayna uu u naxariisto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay mowqifkiisa adag ee ku aaddan in Soomaaliya laga taageero dagaalka ay kula jirto malleeshiyaadka Khawaarijta, isagoo dhanka kale bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dagaalka ay kula jirto argagixisada, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la taageero dedaalka dowladda Soomaaliya ee u aaddan cirib tirka khawaarirta.

Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay shacabka ku dhaqan Afmadow

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa gargaar Beni’aadannimo waxa ay gaarsiisay degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose.

Gargaarkan ayaa loogu talagalay dadka abaaraha ay ku saameesay degaannada iyo baadiyaha fog ee gobolka, kuwaas oo la daalaa dhacaya xaalado beni’aadannimo.

Deeqdan oo Hay’adda SoDMA maanta ka daabushay Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Madaxa Qeybta Caafimaadka Xarunta Howlgalka Degdega ee Hey’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Dr. Cabdullaahi  Muuse Axmed, kaasi oo ku wareejiyay Maamulka Degmadda Afmadow.

Madaxa Qeybta Caafimaadka Hay’adda SoDMA oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyay gargaarkan ayaa sheegay in Hay’addu mar waliba ay ka go’antahay u gurmashada dadka dhibaataysan.

Guddoomiyaha Degmade Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mudane Maxamed Amiin ayaa u mahadceliyay Hay’adda SoDMA, isaga oo sheegay in gargaarkan uu ku soo aaday xiligii loogu talagalay.

Ra’iisal wasaare Xamse oo daah furay xafiiska gar-maqalka dadweynaha ee NISA

Ra’iisul wsaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeer ku tagey xarunta Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa daah furay Xafiiska garmaqalka Dadweynaha.

Xafiiska garmaqalka dadweynaha ayaa shaqadiisu tahay qabashada cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan xadgudubyada ay galaan ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah ee muwaadiniinta, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay si toos ah u soo wici karaan xafiiskan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirodoonka Qaranka hirgelinta xafiiska garmaqalka Dadweynaha oo ah mid sii adkaynaya kalsoonida ay shacabka Soomaaliyeed ku qabeen hay’adda.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ku tallaabsatay hay’addu sannadihii dhawaa, waxuuna kula dardaarmay hoggaannada kala duwan ee hay’adda in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan kor-u-qaadidda amniga Qaranka.