Taliye ku xigeenka Boliiska oo Muqdisho tababar uga furay ciidan Taraafiko ah

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeye guuto Cismaan Cabdulahi Maxamuud (Kaniif), ayaa Akademiyadda Boliiska ee Jeneral Kaahiye tababar xirfadeed uga furay saraakiil ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Taraafikada,

Tababarkan ayaa waxaa fulinaya ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Boliiska hawlalka ATMIS, waxaana inta tababarku socdo ay ciidankan ku baran doonaan habka hagidda iyo ilaalinta nabadgelyada waddooyinka, sida looga hortago amnidarada iyo fulinta sharciyada waddooyinka.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog aha hoggaanka qorshaha iyo tababrka, qaybta nabadgalyada waddooyinka iyo saraakiil ka socotay Boliiska ATMIS.

Soomaaliya oo ku sii dhawaanaysa dhammaystirka geedi-socodka deyn cafinta

Nairobi: Waxaa maanta magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ka furmay shirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 4-maalmood ah, waxaana goobjoog ka ah qaar ka mid ah hey’adaha dowladda Soomaaliya oo ay hoggaan ay u tahay wasaaradda maaliyadda, halka hay’adaha dhaqaalaha ay ka socdaan  IMF iyo Bangiga Adduunka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta soosaarka dakhliga gudaha, hirgalinta nidaamka maamulka maaliyadda guud iyo dib u habeynta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in ay qaadayaan talaabo dowladeed oo loo dhan yahay si loogu guuleysto fulinta qorshayaasha horumarineed ee dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya

    

Ra’iisul wasaaraha XFS oo maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta hortagay Guddoonka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS,

Kulanka oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) ayaa looga wada hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Hay’adaha Fulinta iyo Sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa ku bogaadiyey Golaha, ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyagoo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah , waxuuna ka codsaday in ay meel mariyaan shuruucda wali horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Xukuumadda Dan-Qaran ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la dagaallanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyay Guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow, ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka, la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

Haya’adda Socdaalka JFS oo sheegtay in aan wax isbeddel ah lagu samayn habraacii Socdaalka Qurbejoogta Soomaaliyeed

Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cadaysay in aanu jirin wax laga beddelay habraaca socdaalka Qurbejoogta Soomaaliyeed ee kusoo laabanaysa dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in aanay jirin wax Fiise ah oo lagu soo rogay dadka imaanaya.

Ugu dambayn Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyadduhu waxay fartay Diyaaradaha qaada rakaabka in ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u fududeeyaan safarkooda.

Wasiirka Warfaafinta oo tababbar u furay xubno ka mid ah hawl-wadeenada warbaahinta Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababbar uga furay xubno ka socday warbaahinta Qaranka gaar ahaan warbaahinta ka shaqaysa furimaha dagaalka.

Tababbarkan ayaa waxyaabaha diirada lagu  saarayaa siyaabaha waraysiyadda looga qaado xubnaha kasoo goosta khawaarijta iyo kuwa dagaalladda lagu qabto.

Sidoo kale tababbarkan ayaa socon doona mudo shan cisho ah, hawl-wadeenadda Wasaaradda Warfaafinta ayaa daddaal xooggan ka geysatay dagaalka dalka looga xoraynayo kooxaha khawaarijta.

R/Wasaarihii hore ee Dalka Talyaaniga oo ku dhintay da’da 86

Silvio Berlusconi, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Talyaaniga ayaa ku geeriyooday Magaalada Milano  ee dalkaasi,isagoo da’diisa lagu sheegay  86-jir

Wuxuu ku dhintay isbitaalka San Raffaele ee magaalada Milano, sida ay sheegtay warbaahinta Talyaaniga.

Bishii Abriil waxa laga daweeyay caabuq sambabada ah oo la xidhiidha kiis aan hore loo shaacin oo ah leukemia.

Maalqabeenka caanka ah Berlusconi ayaa markii ugu horeysay qabtay xafiiska sanadkii 1994-tii, waxaana uu hogaaminaayey dalkaasi afar xilli ilaa 2011-kii.

Waxa uu ahaa hogaamiyaha    xisbiga midig dhexe ee Forza Italia kaas oo isbahaysi la galay raysal wasaare Giorgia Meloni ka dib doorashooyinkii Sebtembar, markii loo doortay aqalka sare ee Talyaaniga Senetka.

Wasiirka Amniga XFS oo kulan la qaatay Danjire Souef Mohamed El-Amine

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa shalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Wakiilka Gaarka ah ee Gudoomiyaha Golaha Midowga Africa ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Danjire Souef Mohamed El-Amine ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqaynta, taageerada joogtada ah iyo tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inta lagu jiro marxaladda kala guurka ah ee ATMIS.

“Waxaan u kuur-galnay arrinta amniga Muqdisho, kaas oo looga gol-leeyahay in kor loogu qaado ammaanka guud ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe)

Dhanka kale wasiirka Amniga XFS oo shalay xarunta safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya kulan la qaatay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Fei Shengchao ayaa kala hadlay xoojinta boliiska, kahortagga argagixisada, taageerada dadaallada amniga ee socda.

Ciidamada Xoogga Dalka oo Khaarijiyay Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta ( Warbixin).

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwooda sida gaarka ah u tababaran ee DANAB, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose, howlgalkaas oo lagu baacsanayay maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Howlgalka qeybtiisa koowaad ayaa ka dhacay tuulada lagu magacaabo Aboodan oo hoostagta magaalada Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose, bartilmaameedka howlgalkaas ayaa ahaa shan gaari oo ay la socdeen maleeshiyaadka ka tirsan argagixisada Al-shabaab.

Ciidankii fuliyay howlgalkaas ayaa bur buriyay dhammaan gaadiidkii beegsigu ahaa, waxaa kale oo la dilay maleeshiyaadkii saarnaa gawaarida ka dib markii ay dagaallameen.

Dhanka kale, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorysheysan ku dilay horjooge magaciisu lagu soo gaabiyay “Abuu Sahal” iyo Shan maleeshiyo oo ilaalo u ahaa,kuwaas oo qeyb ka ahaa dhibaateynta shacabk ku nool gobolka jubbada hoose.

Howlgalkaas lagu dilay horjoogahan iyo maleeshiyaadka la socday ayaa ka dhacay deegaanka Kaam-jaroon oo hoostaga magaalada Kismaayo, halkaas oo dhagar qabahan ku dhuumaaleysanayay

Gobollada Jubbooyinka waxaa la xoojiyay howlgallada lagu beegsanayo maaleeshiyaad, horjoogayaasha iyo gaadiidka ay u adeegsadaan dhagarta ay u maleegaan shacabka Soomaaliyeed.

XIGASHO SONNA

Shir madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti

Shirka madaxeedka IGAD oo maanta ka furmaya Jabuuti.

Shir madaxeedka Meertada 14-aad ee Urur goboleedka IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa maanta ka furmaya dalka Jabuuti,shirkan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan.

Sidoo kale shirkan ayaa looga hadlayaa mideynta dadaallada heer gobol ee ciribtirka argagixisada, xoojinta is dhexgalka gobolka, nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ka qeyb gelaya shir madaxeedka IGAD ayaa gaaray Jabuuti

Jabuuti- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalkaas.

Meertada 14-aad ee IGAD oo sannadkan diirradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda, amniga iyo horumarka Gobolka ayaa  Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxa ay ku soo bandhigi doonaan doorka kaga aaddan dowladda Federaalka Soomaaliya iskaashiga dalalka ku bahoobay Ururu Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha dowladdaha xubnaha ka ah IGAD ayaa xoogga saaraya xal u helidda dagaalka ka socda dalka Sudaan, mideynta dadaallada heer gobol ee ciribrirka argagixisada, xoojinta isdhexgalka gobolka,  nabadda, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.