Hawlgal ka dhacay gobalka Shabeellaha hoose oo lagu dilay 19 khawaarij ah

Howlgal ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa hadda ka socda Tuulada Buulla Maxamed Cabdalla oo hoos tagta degmada Awdheegle ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Sida ay xog ku heshay Wakaaladda wararka SONNA 19 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgalkan,sidoo kale waxa hawlgalkan lagu burburiyey gaadiid iyo hub ay ku hawlgelaysay khawaarijta.

Faah faahin dheeraad ah goor dhow la soco.

Guddiga dib u Eegista iyo la socodka Dastuurka oo la wareegay heshiisyadii ay gaareen Golaha wada tashiga

Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka Xildhibaan Xuseen Iidow oo uu wehliyo Xoghayaha guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen {Cawke}, ayaa maanta Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Maxalin Maxamuud kala wareegay heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran, si loogu beddelo luuqad Dastuuri ah.

Heshiisyada ay maanta la wareegeen Guddiga La-Socodka, si loo geliyo wax-ka-bedelka Dastuurka iyada oo la adeegsanayo guddiga madaxa banannaan ee dib-u-eegista iyo Wax ka beddelka dastuurka ayaa kala ahaa.

1.Heshiiska Hannaanka Federaalaynta Garsoorka Decenber, 2022
2. Astaynta awoodaha Hay’adaha Dowladda December, 2022
3. Heshiiska astaynta iyo Wadaagga dakhliga Maarso 2023
4. Heshiiska qaab dhismeedka amniga Qaranka Maarso 2023
5. Heshiiska Hannaan Doorashooyinka Qaranka Maarso 2023.

   

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dhagax dhigay xarunta gurmadka gargaarka deg degga ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay in lagula tacaalo muwaadiniinta ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, iyadoo ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

    

Dibadbax ka dhan ah isbeddelka garsoorka iyo xasuuqa lagu hayo Falastiin oo ka dhacay Israel

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Israa’iil, kuwaas oo ka mudaaharaadaya qorshayaasha muranka dhaliyay ee xukuumadda Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu ay ku dooneyso in ay wax kaga beddesho hay’adaha garsoorka iyo sidoo kale rabshadaha lagu hoobtay oo lagu hayo bulshada reer Falastiin ee ku dhaqan dalkaas.

Dibadbaxyadaan oo socda todobaadkii 23-aad  waxaa ka qeyb galay ilaa 200,000 oo qof  ,iyagoo  billowday bishii Janaayo wax yar ka dib markii xukuumadda midigta fog ee Netanyahu la dhaariyay.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay in aysan ka quusan doonin ilaa ay dowladdu baabi’iso isbeddellada sharci ee la soo jeediyay halkii ay dib u dhigi lahayd.

Michal Gat oo 47-jir ah,isla markaana ka socda ururada shaqaalaha oo ka hadlay bartamaha Magaalada Tel Aviv ayaa yiri: “Dalkayaga waxaa qabsaday dad aad u daran, waa nala haystaa aad ayeyna muhiim u tahay in dadka Israa’iil ay ku dhagaan dimuqraadiyadd”.

Qaar ka mid ah dadka mudaaharaadka ayaa sidoo kale watey boorar ay ku dhaleeceynayaan waxqabad la’aanta dowladda ee ku aaddan mowjadaha dambiyada ee sii kordhaya ee saameeyay muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil.

 

Shirka madasha Qaramada Midoobay oo ay qeyb ka aheyd DFS ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Kenya

Nairobi:- Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib-udhiska Xukuumadda XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi balaaran uu hogaaminayay isla markaa uu wehliyo Danjiraha Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalmahaan ka qeyb-galayay Shirka UN HABITAT ee ka soconayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ay ka qeyb-galeen xeritaanka Kala-fadhiga labaad ee Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UN Habitat).

shirkaasi oo socday muddo 5 maalin ah waxaa diirada lagu saaray ama looga hadlay “Mustaqbalka magaaloyinka ee waara iyada oo loo marayo is-dhexgal dhinacyo badan leh iyo gaaritaanka yoolalka horumarineed ee Joogtada ah ee waqtiyada xasaradaha caalamiga ah”.
shirkaan noocaan ah ayaa waxaa la qabtaa (4) afartii sanaba mar si looga wada hadlo xaaladaha magaalooyinka aduunka iyo deegaanada lagu noolyahay.

Inta uu shirkaas socaday ayaa madaxda soomaaliyeed waxa ay kulamo doceedyo la yeesheen wafdiyo kagala socday Dowladaha kala ah:- Gariiga, Biljamka ,Itoobiya, Masar iyo wakiilka UN HABITAT u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kulamadaas ayaa ahaa kuwo diirada lagu saaray xariirka Dalka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamaas iyo in xooga la saaro wada-shaqeynta iyo dib u dhiska wadanka.

    

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda Galmudug

Dhuusamarreeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo wehliyo wasiirka Wasaaradda Waxbrashada Galmudug ayaa xariiga ka jaray dhisme cusub oo ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug

Munaasabadda xarig jarka waxaa kasoo qayb galay xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

                                                          

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding ayaa ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka iyo Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

  

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday Hindise sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Sharciga Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo ku xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xaange oo warbixin ka siiyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharciga uu nidaaminaayo qaab-howleedka mihnadda xirfadlayaasha xisaabiyaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka dooday Sharciga Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed ee hadii sharcigeeda la ansixiyo la dhisi doono xirfadlayaal sarre oo ka shaqeeya xisaabaadka Dowladda ayaa waxay sheegeen in sharcigan uu leeyahay muhiimad gaar ah la marsiiyo guddiga maaliyadda si ay u soo turxaan bixiyaan, shaqada iyo habraaca loogu baahan yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedkan Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed lagu wareejiyo Guddiga Maaliyadda si loo marsiiyo habriicii looga baahnaa, ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda ugu gutaan Xildhibaannadda.

                                           

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Garoowe- Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjire Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminaysay.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing, ayaa ugu hambalyeeyaysay Madaxweynaha iyo Guud ahaan Dowladda Puntland Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomay Puntland, waxayna ku tilmaamtay jihada saxda ee la rabo Soomaaliya inay aado Mustaqbalka.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Laascaanood iyo sidii loo xoojin laha gargaarka bani’aadanimo ee dadkii barakacay, dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobey go’aankii Golaha Amnigu ka soo saaray xaaladda Laascaanood.

Waxaa madaxweynaha kulanka ku weheliyay madaxweyne ku xigeenka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Qorsheynta, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Caafimaadka, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.

            

Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in bishaan ay bilaabaneyso wajiga 1-aad ee ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidanka  Xooga Dalka Soomaliyeed.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef ayaa wasiirka uga mahad celiyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiisha u timid inay uu kuur galaan  hanaanka bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa u mahadceliyay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateen  Xasilinta iyo amniga dalka, isagoo sidoo kale tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah inay maanta Ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha la isla gartay. Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay illaa askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.