Ciidanka xoogga oo hawlgal qorsheysan ka fuliyay degaan ka tirsan jubbada Hoose

Kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ku qaaday fariisimihii Khawaarijta ee Magaalada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaas 80 KM ah u jirta Caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland ee Bu’aal.

Ciidamada ayaa inta hawlgalka wadeen waxa ay burburiyeen dhammaan fariisimihii ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka khawaarijta

Ciidamadaan ayaa ka soo ruqaansaday degmada Afmadow waxayna waddooyinka ka saareen miinooyin Cadowgu uu ku aasay si ay ugu dhibaateeyaan bulshada Soomaaliyeed ee Safarka ah.