DFS oo soo dhowaysay tiradii ugu badneyd ee Khawaarijta iska soo dhiibtay

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha ka soo baxaya safka Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu cafis u fidiyay qof kasta oo ay qaldeen cadowga oo doonaya in uu dadkiisa si nabad ah ugu laabto.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay boqol maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira oo muddo dheer ka tirsanaa cadowga Khawaarijta ah ayaa iska soo dhiibay deegaannada Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Muqdisho, kuwaas oo soo dhaweyn iyo daryeel ka helay dowladdooda sidoo kalena ka badbaadey shartii ay u diyaarinayeen Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhiira-gelinaysaa dhallinyarada ay qaldeen cadowga in ay isku soo dhiibaan dowladooda, sidoo kale dowladdu waxa ay bogaadineysaa kaalinta waalidiinta Soomaaliyeed ay ka qaateen in ay caruurtooda ka soo reebaan Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, Kuwa ka dhaga-adeyga in ay ka faaiidaystaan fursaddaan waxa ay wajihi doonaan Cadaaladda waxa ayna mari doonaan jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay ee ku baxay Gacmaha Hay’adaha Amniga iyo Caddaaladda.

-Dhammaad-

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo labada Dal ay heshiisyo kala saxiixan doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo wafdiga Madaxweynaha ka mid ah ayaa faahfaahin ka bixiyey Kulanka labada Madaxweyne.

Wasiir Daa’uud ayaa sheegay in labada Madaxweyne kala saxeexan doonaa heshiisyo kala duwan,sidoo kale labada dal waxay iska kaashan doonaan dhanka horumarinta dhaqaalaha

SHEEKADII ABAAL DHAAN

Beri baa waxaa jiray inan soo korsatay xayawaan loo yaqaan dhurwaay waxayna u soo korisay si wanagsan.

Waraabihii ama dhurwaagii ugu danbeyntii waa uu weynaaday waxayna biloowday in markii ay rabto inay suuqa aado ama ay aaddo goobaha Jimicsiga waxay dhurwaaga ku dhaafan jirtay wiilkeeda yar.

Haddaba, Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxay aadday suuqa iyadoo u aaday inay ka soo dukaameysato, sidii caadada ahayd wey baxday iyadoo aaminsan inuu waraabuhu u ilaalinayo cunnagga yar waayo waxay ku qanacsaneyd rabbaayadda ay siisay waraabaha

Ugu dambeyntii, waxay sidaa howshu iska ahaataba, markey guriga ku soo laabatay iyadoo sidata adeeggii ay suuqa ka soo iibsatay ayaa waxay soo gaartay gurigeeda maxaase dhacay.

Markii ay sidaa albaabka u furtayba waxay isha qacda hore ku dhufatay dhiig isqabsaday guriga, way naxday isla markiiba waxaa niyaddeeda ku soo dhacay wiilkeeda iyadoo yaabban sidey wax u jiraan

Qacda labaad waxay aragtay dharkii ugu jiray wiilkeeda ee ay uga tagtay markay suuqa aadeysay oo jeex jeexan isla markaana leh dhiig fara badan waxayna ogaatay inuusan wiilkeeda nooleyn.

Ugu dambeyntiina waxay aragtay waraabihii oo cunaya kistii ugu dambeysay hilibka wiilkeeda lana hoos galay sariiraheeda mid ka mid ah.

Waxay billowday inay halkaasi ku baroorato waxay Iyana goosatay in ay disho waraabaha cunay wiilkeeda

Waxay soo qaadatay seef dheer oo guriga u surneyd waxayna waraabihii ka jartay qoorta ka dibna cad cad u goo gooysay si ay ugu ceel baxda haddaba qaladka yaa iska leh ma waraabaha mise qofka aaminay?.

Haddaba, sheekada sidaasi waxay ula ekaatay haweentii suuqa ka timid oo maskaxdeeda markaasi si kale wax u tustay balse runta waxay ogaatay markii wiilkeeda yaraa uu si kedis ah uga soo baxay meel aan sidaas uga fogeyn isagoo qaawan oo aad u cabsanaya, kadiban isla markiiba waxay aragtay waraabaheeda oo isagana caafimaad qaba sidoo kale dhiigga ay aragtayna uu ahaa abeeso aad u weyn oo dooneysay inay cunto wiilkeeda waraabahana uu dilay.

Way yaabtay sida ay wax u aragtay iyo sida ay wax noqdeen, taasina haweentii waxay la noqotay yaabka yaabkiisa.

Taasina way dhacdaa oo mararka qaar oo aad aragto waxa kugu horreeya oo qaldan isla markaana maskaxdaadu u qaadato wax kale lagana yaabee in mararkaa qaarkoodna aad qaaddo tilaabo aan fiicneyn.

Markii uu yimid wiilka aabbihiis ayay uga sheekeysay maanta waxa dhacay oo iyada qabsaday halkaas ayuu odaygii gurigana ku yaabay.

haddaba sheekadani waxay na tuseysaa in hubsiinadu ay tahay wax loo baahan yahay in marka ay kulakulmaan wax aad la yaabto in aadan isla markaa aadan tallaabo qaadin ee loo baahan yahay degenaasho iyo hubsiino in aad sameyso marka aad aragto inay wax aad aragtay ama maqashay inay xaqiiqo yihiin markaas ka bacdi aad sameyso wax aad hubto.

WQ: Hidaayo Cabdulle

 

KABASHADA BIYAHA WAA SHILIN (SHEEKO GAABAN)

Beri baa nin ganacsade ah waxa uu xaaskiisii ku yiri waxa rabaa in aan aado safar dheer oo aan dhawaan baxayo sidaa darteed sahay ii diyaari oo waxa aan door bidayaa hilib solan oo la qalajiyey iyo ubo biyo ah sidii ayey naagtii yeeshay.

Subaxii dambe ayuu ganacsadihii u ambaxay safarkiisii markii uu dhoor maalmood sii socday ayaa waxaa ka dhammaatay biyihii halkaas oo uu ku sigtay haraad (oon) in uu u dhinto, nasiib wanaagse waxa uu wadada ka helay nin reer miyi ah oo isna u sii socday magaaladii uu ninka ganacsatada ah ku sii jeeday halkii ayay isugu sii lug darsadeen.

Ka dib wuxuuse ninkii ganacsatada ahaa weydiistay ninkii reer miyiga ahaa in uu biyaha uu sito wax ka siiyo, wuxuuse ugu jawaabay kabashada biyaha waa shilin, markaasuu ninkii ganacsatada ahaa ku yiri oo miyey luntay raxmadii aadamiga ka dhexeysay? Waa sidaas ayuu ninkii reer miyiga ahaa, Ninkii ganacsatada ahaa haddii ay kabashadii biyaha shillin tahay ubada aad sidato waa imiso kabasho? Wuxuu ugu jawaabay ninkii reer miyi ahaa waa 10 kabasho, haddaba ma iiga iibinaysaa 10 shillin ayuu yiri ninkii ganacsatada ahaa.

Haa waan kaa iibinayan ayuu ugu jawaabay, sidii ayuuna yeelay ninkii ganacsatada ahaa ula wareegay ubadii biyaha ahayd, intuu labo goor cantuugay oo uu dhuunta ku qoystay ayuu ku yiri ninkii reer miyiga ahaa waxaan wataa hilib ee maku siiyaa?

Markaas ayuu ku yiri reer miyigii immisa ayaad wasladdii iga siinaysaa? Waxa uu ugu jawaabay waa lacag la’aan (bilaash) halkii ayuuna dhowr wasladood ku siiyay ninkii reer miyiga ahaa markii uu hilibkii cunay ayay haraad dartiid naftu ka bixi gaartay, markaasuu ninkii ganacsatada ahaa ku yiri labo kabasho oo biyo ah labo shillin iga sii ninkii ganacsatada ahaa baase ugu jawaabay kabashada biyaha ah shillin ma siinayo, ee imisaad siinaysaa ayuu weydiiyey ninkii reer miyiga ahaa?

Kabashada biyaha waa shan shillin ayuu yiri ninkii ganacsatada ahaa, ninkii reer miyiga ahaa oo yaab dartiis afka kala haya ayaa yiri; walaalow miyay luntay naxariistii dadka u dhexeysay? Ninkii ganacsatada ahaa ayaa ku yiri; waxyahow badowga ahi waa adiga kan lumiyey naxariistii dadka u dhaxaysay halkii ayuuna kaga dhaqaaqay!!!. KABASHADII BIYAHA WAA SHILLIN.

WQ: Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maa

SOOMAALIYA OO SAMEENEYSA KOBAC DHAQAALE OO XOOGAN TAN IYO BURBURKII KA DIB

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa maalinba maalinka ka danbeysa waxaa ku imaanaayey isbadal xoogan oo dhanka horumarka ah taasina waxa ay keentay in ganacsatada soomaaliyeed ay maal gashi xoogan ay dalka ku sameestaan sidoo kalena ay ajaanibta qudhoodana ay maal gashadaan dalkeena.

Dalka Soomaaliya oo ah dalka baaxadaas leh ayey waa  bulshadii Soomaaliyeed waxa ay  yihiin dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan, Beerashada  iyo Xoolaha nool marka loo eego dadka ku nool geeska africa.

Dadka Soomaaliyeed waxaa inta badan lagu qayaasaa tiro ahaan 18 milyon balse tirakoob sax oo lahaayo majirto balse waa qiyaas ahaan  bulshadaas baxaada leh hormaro kala duwan ayey ka sameeyey dhanka dhaqaalaha dalka.

Kobacaas kala duwan ee dhaqaalaheen ayaa ku yimid dadaal badan oo ay bulshada Soomaaliyeed ay sameeyeen sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay lasoo kulmeen dhibaatooyin waa weyn oo aysan u adkeesan karin bulshooyinka caalamka kale.

Hadaba dhibaatooyinka ayaa ahaa in dalka uu ku jiray dowladd la aan oo ay dowladdii burburtay dagaalo kala duwan dalka ka dhacay oo kumanaan bulsho aan waxbo galabsan ku dhinteen qaarna dhaawac meen iyo qaarka kalena ay dagaalada ku reebtay dhibaatooyin ma hadho ah balse bulshada Soomaaliyeed waxaas oo dhib ah waa ay u soo adkeysteen waana ay guuleysteen.

Dabcan marka aad eekto Soomaaliya waxaa kuu muuqanaayo hormarada kala duwan ee dalka ka jiro iyo dhaqaalaha xawliga ah ee sii kobcaayo uu dalkeena sameenaayo taasina waxaa laga dheehan karaa caasimada dalka oo isbadalo xoogleh ay ku socdaan.

Sidoo kale dhaqaalaha Soomalida kuma eko Soomaaliya oo kaliya balse xuduudka ayuu katilaabay waxa aad arkeysaa ganacsatada Soomalida ah ee dhaqaalaha xoogga leh ee ku haysta wadamada kala duwan sida kenya waa dal aan daris nahay hadan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa maal galin xoog leh ku sameeyey suuqa islii oo ay soomaalida ay ku badan tahay dhaqalihiina waa u kobcay.

Sidoo kale waxaa jira wadama kale sida South Africa, Turkiga Ruwanda Jabuuti iyo wadama kale oo dhaqaalaha Soomaaliya yaalo marba marka kasii danbeysana uu sii kobcaayo.

Magaalada muqdisho ayaa iyana waxaa ka jiraa kanacsiyo xooggan waxaana magaalada muqdisho ku soo badanaayo ganacsiyo badan oo ay ugu horeeyaan super market oo suuqyo waa weyn oo ay u dhanyihiin alaab kasta oo ay bulshada ay u baahan yihiin.

Dabcan dadka Soomaaliyeed waa dad ku wanaagsan Ganacsiyada kala duwan oo dhaqaala sameen kara balse waxa ay u baahan yihiin dowladd xoogleh oo difaaci karta nolasha bulshada Soomaaliyeed iyo maalkooda sidoo kalena dowladdu ay ku xirta wadamada ganacsi wadaaga ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed waxqti kasta waxa ay sameen karaan dhaqaalo xoog leh oo kobciya dalkeena haddii ay helaan xasilooni amni, dowladd difaacda Hadda kobacaas waa uu sii laba jibaarmi haddii uu helo inta aan kor ku soo xusnay.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

MAGAALADA MUQDISHO OO SUPER MARKETYADA AY KU SOO BADANAYAAN

Magaalada muqdisho waa caasimada dalka waxaana ku nool bulsho aad u tira badan tiradoodana lagu qiyaaso Afar milyan oo dad ah ayaa waxa ay sameeneysaa horumaro dhanka Ganacsiyada iyada oo lagu soo kordhiyey ganacsiyo aanan horay loogay aqoon dalka tan iyo burburkii dalka.

Ganacsiyadan casriga ah ee ku cusub dalka ayaaba maalin maalinta Ka danbeyso dalka ku soo badanayaan bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa dhiiranaan Ka qaatay furashada ganacsiyadan cusub ayaga oo hormaro ku sameenaayo ganacsigooda iyo midka noloshoodaba.

Super market waa ganacsi dalka ku cusub ganacsatada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ganacsigaas abuurtaan ayna hormaro baaxad leh  sameeyaan ganacsigooda taasina waxaa laga dheehan karaa hormarada Ka jira caasimada iyo bilicda caasimada oo kobceysa.

Super market waa dukaan weyn waana dukaano ku cusub dalka marka super market waa dukaan ay ku dhameystiran yihiin dhamaan alaabaha Bini aadamka ay u baahan yihiin iyaga oo halmar super market Ka adeeganaayo alaabkastana ay goobta diyaar ku tahay Bulshada u sahashay in ay halmeel Ka adeegtaan.

Hadaba super market bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku nool caasimada faa’ido ma u leeyahay super marketigaan cusub ee caasimada ku soo badanaayo.

Haa faa’ido waa ay u leeyihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada dalka iyo gobolada dalka oo idil.

Kow bulshada Soomaaliyeed super market faa’idada uu u leeyahay ayaa ah in ganacsigii halmeel la iskugu keenay oo aysan jirin in aad dukaamo badan isku marto balse taasi badalkeeda hal meel Ka adeego adiga oo aan daalin.

Labo super marketyada waxa ay kaloo leeyahay delivery (dalabaad)dalabaad oo gurigaaga laguugu keenaayo taasina waxa ay kuu sahleysaa adoon suuqa isku dhibin in aad si dhib yar u dalbatid si dhib yar oo fadhigaada laguugu keeno dalabaadka aad dalbatay.

Sadax super market sidoo kale faa’idada uu leeyahay waxaa kamid ah in maalimaha qaar ay sameeyaan qiimaha dhimis aad u hooseeya taasi oo u sahleeysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada in qiimo jaban ay maalmahaas Ka faa’ideeystaan.

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka waxa ay u baahan yihiin garab istaag sababtoo ah waa bulsho u dhabar adeegta dhibaatooyinka sida maalin laha ula kulma  hormarana Ka sameeya ganacsiyooda cusub ay dalka ku soo kordhiyeen dowladda waxaa looga baahan yahay garab istaag iyo in bulshada Soomaaliyeed ay ku dhiiri galiso hormarada ay sameenayaan ganacsiyadooda.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

KHEYRAADKA DALKEENNA

Dalkeenna waxaa uu hodan ku yahay waxsoo-saarka dalagyadda noocyihiisa kala duwan, haddii boqolkiiba ba boqol laga faa,ideysto beerashadiisa waxaa uu ku filan yahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Kheyraadka dalkeena Soomaaliya wuxuu u kala baxaa Bad iyo Barri, kuwaa oo dihan ah, una baahan in laga faa,ideysto. Haddaba qormadaan waxaan kaga hadli doonaa Digirta Soomaaliya waxtarkeeda iyo siyaabaha loo beerto.

Digirtu waxaay ka mid tahay geedaha ugu taariikhda dheer ee dadku beeran jireen tan iyo ilbaxnimooyinkii kahor, wakhti imika laga joogo 10,000-sanno, sida caadiga ah maanta digirta waa miraha baahanyahay cunistooda, digirtu waa midho la beero wakhtiyada cimilada diiran/kuleyl yar, waxa ayna inta badan ka baxdaa dhulka caradda madow, sida loo beertana waa nooca ugu fudud, marka hore beerta ayaa la carro gediyaa, kadibna miraha ayaa lagu aasaa godod loo diyaari oo loogu talagalay, iyagoo saddex mir lagu riddo halkii god dibadeedna waa la waraabiyaa.

Afar cisho ayey ku soo dhalataa, kadibna waa ay baxdaa iyadoo marto heerar kala duwan,  waxa ay digirta ku qaangaadhaa oo ay ku bislaataa 55 ilaa 60 cisho oo u dhigganto 2billood.

Marka ay bislaan rabto iniinta gidirta waxay beddeshaa midabkeeda oo u ekaada huruud isla markaana way adkaataa, qolofteeda ama dahaarkeeda waxa uu noqdaa mid khafiif ah, Soomaalida ayaa ku dhex beerato miraha digirta halka ay galleyda ku beerantahay.

Faa’iidada Digirta

Digirta ayaa leh waxtar badan oo dadka faa’ido u ah waana

khuud macaan oo ka mid ah wax yaabaha caafimaadka u wanaagsan.

Digirta oo ah midho oo isticmaalo dabka marka la kariyo Soomaalida qaarkood ayaa taqaano “Canbuulo” mararka qaar baa lagu darsadaa massaga, galley iyo bariis, waxaa lagu sheegay faa’iidoyin aad u badan oo caafimaadka iyo horumarka jirka bini aadimka qeyb weyn ka qaadata.

Digirta waxaa ku jirta Vitamins iyo Minerals kuwaasoo ah laba shey oo ka mid ah kuwa awooda iyo shaqeeyo qeybaha jirka, waxa ay gaar ahaan digirtu qani ku tahay Vitamine B, kaasoo dhiiga cas iyo hagaajintiisa qeyb weyn ku leh.

Digirtu waxay sidoo kale buuxin kartaa booska khudaarta iyo miraha,waxay la dagaalantaa xanuuno ay ka mid yihiin kansarka, dhiig karka iyo wadna xanuunka.

Qiimaynta tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday inay digirtu kala tacaasho unugyada jirka in cudurka kansarku ku samaysmo iyada oo unugyadan loo diidayo inay tarmaan, waxa kale oo ay hoos u dhigtaa koritaanka baraha iyo finanka waaweyn ee maqaarka dibedda uga soo baxa.

Cili-baarayaal ka tirsan Harvard School of Public Health ayaa baaritaan ay sameeyeen ka dib ku sheegay in dumarka ugu yaraan todobaadkii laba jeer isticmaala digirta ayaa 24% uga badbaadi karaan inay jeeshaan kansarka naasaha ku dhaca. Darsin daraasado ah oo hore loo sameeyey ayaa digirta ku xiriiriyey inay hoos u dhigto halista cudurka wadnaha, macaanka nooca 2aad, dhiig-karka iyo cudurka kanskarka ee ku dhaca naasaha iyo jirka intiia kale.

Digirta ayaa u kala baxdo dhowr nooc waxaana ka mid ah mid cas iyo mid cagaaran.

 

WQ: CABDIWELI DALJIR

 

Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Oo ka qeyb galay shirweynaha (Connected Africa)

Danjiraha safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qayb-galay shirweynaha Caalamiga ah ee “Connected Africa” kaas oo lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd in hoosta looga xariiqo kaalinta muhimka ah ee ICT ama Tiknalojiyaddu ku leedahay kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dalalka Afrika.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa ka mid ahaa madaxdii iyo aqoonyahanadii khudbadaha ka jeediyay kulankaas,Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa soo bandhigay istiraatijiyadda Dowalada Federalka Soomaaliya ee lagu dardargelinayo horumarinta ICT iyo guud ahaan Tiknaloojiyadda.

Waxa uuna soo hadal qaaday qaab-dhismeedka siyaasadda-sharciga ee lagu horumarinaayo Tiknaloojiyadda, gaarsiinta aaladaha Internetka qofkastaa oo Soomaali ah, ilaalinta xogta iyo sirta qaranka.

Sidoo kale waxaauu diiradda saaray adeegyada ganacsiga sida e-commerce & e-education.

  

Wasaaradda Xajka Sacuudiga oo digniin u dirtay shirkadaha ku shaqeysta Been abuurka

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa loogu digay shirkadaha ku shaqeysta hanaanka been abuurka dal ku galka, kuwaas oo baraha bulshada ku xayaysiiya adeegyadooda been abuurka ah.

Wasaaradda ayaa u tilmaamtay dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan inay adeegyadooda ay u doontaan xaafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta xajka,kuwaas oo ah cidda kali ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah,iyadoo uga digtay inay ku dhacaan kuwa dadka dhaca ee bixinaya adeegyo sax aanan aheyn.

Shirkadaha been abuurka ah ayaa ku shaqeysta baraha bulshada,iyagoo dadka la wadaagaya macluumaadyado been abuur ah,iyagoo sheegaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya,taasoo ah mid aanan waxba ka jirin.

Dhanka kale,Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda Sare ee Arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeyta,iyadoo xirtay in ka badan 25 shirkadood oo been abuur ah.

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka,waxayna dadyoowga Adduunka ee doonaya inay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo.

Madaxweynaha JFS oo booqasho rasmi ah ku jooga Tanzania ayaa ka qeyb galay munaasabada maalinta midnimada dalkaasi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania ayaa madaxda sare ee dalkaasi kala qayb galay munaasabadba maalinta midnimada dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dowladda iyo shacabka Tanzania ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajir dalka isaga oo dhiggiisa dalkaasi Marwo Samia Suluhu Hassan la wadaagay mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal oo uu sal-dhig u yahay xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsiga.