Wasiir kuxigeenka Caafimaadka XFS ka qeyb galaya Shirka wasiirada Caafimaadka ee wadamada Afrika

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xildhibaan Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa ka qayb galay shirka wada-tashiga wasiirada Caafimaadka Wadamada Afrika oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirkan oo dhacay shalay ayaa sheegay in Qaaradda afrika waxa yaabaha mudnaanta u ah in ay tahay in sare loo qaado awoodena wax soo saarka daawada iyo qalabka caafimaadka taasna waxa lagu gaari karaa in aan sare uqaadno cilmi baarista, isdhaafsiga aqoonta tiknoolojiga iyo in la xoojiyo saadka iyo nidaam shuruuc oo aas aas u ah taas aan ku gaari karno isku filnaansho iyo in si siman loo helo qalabka daawada iyo wax soo saarka adeega caafimaadka.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga afrika ayaa u diyaargarowo doodaha laga yeelanayo arrimaha caafimaadka ee wax ka badalka Shuruucda Caalamiga ah ee Caafimaadka iyo doodaha aragtida horumarinta adeega caafimaadka ee shirka caalamiga ah ee caafimaadka kaas oo bilaha soo socda ka dhaci doono Geneva.

 

   

 

Madax ka socotay Akadamiyadda Boliiska Dalka Masar oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Akadamiyadda Boliiska Dalka Masar,Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) iyo sarakiil sare ayaa soo gaaray Magaalad Muqdisho.

Ujeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la Xiriira Casuumaad Uu U Fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Si Loo Xoojiyo Hormarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Xubnaha wafdiga Oo Ka Koonaa Sedex Janaaraal Iyo Saraakiil Kale ayaa si diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho, Waxaana Soodhaweeyey Taliye Xigeenka  Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif )

Xubnaha Kale Ee Wafdiga Qeybta Ka Ah ayaa Waxaa Ka Mid Ah Sareeye Guuto Taariq Maxamed Ibraahim (Maxamed Wali) Iyo Sareeye Guuto Mohamed Ahmed Asim Zaki Ismail Madax Dugtiga Tabarada Amniga Qaranka Masar.

Sareeye Gaas Maxamed Axmed Maxamed (Abu Zahra) Oo hogaaminayay Wafdiga ayaa Ka Mahadceliyay Soo Dhaweynta Iyo Maamuuska Sare ee Loo Sameeyay , Isaga Oo Sheegay In Labada Dal Uu Ka Dhexeeyo Xiriir Adag Oo Soo Jireen Ah.

Waxuu Xusay In Dowladda Masar ay Ka go’an tahay Sidii ay U Kordhin Lahayd  Taageeda Hormaniyeed Ee Soomaaliya

Boliiska Soomaaliya oo ka hadlay qarax uu ku dhintay dhagarqabihii farsameynaya iyo Caruur uu dhalay

-Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay Miino uu farsameynayay dhagarqabe katirsan khwaarijta ay kula qqaraxay,isaga iyo reerkiisa
Gurigiisa degaanka Ceelsha Biyaha.

Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, G/le Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in qarxasi uu ku dhintay khawaarijkii farsameynayay iyo laba caruur ah uu dhalay,sidoo kalana ay dhaawac tahay hooyada reerka.

“Labo carruur ah oo uu dhalay iyo isagii ayaa qaraxaas ku geeriyooday, waxaana dhaawac ah hooyadii qoyska”sida uu Afhayeenka Boliiska

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay Safiirka Masar qoto-dheeraynta Iskaashiga labo geesoodka

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Safiirka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mohamed Al-Saeed Ahmed Albaz, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta siyaabaha lagu qoto-dheerayn karo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa lagu soo hadal-qaaday dhowr qodob oo muhiimad gaar ah leh oo la jaan-qaadaya dano wadaagga iyo ujeeddooyinka hiigsiga leh, iyadoo sidoo kale diiradda la saarray ballaarinta hindisayaasha karti-dhisidda.

 

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Tanzaniya kaga mahadceliyay taageeradii Soomaaliya ee ku biirista EAC

Dar Es Salaam-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa maanta wadahadal ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Dar Es Salaam.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo la iska kaashado dhinacyo badan oo ay ka wada faa’iideysan karaan labada dhinac.

Dhinacyada ay labada dal isku af-garteen inay ka wada shaqeeyaan ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga iyo difaaca, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dalxiiska iyo dhammaan arrimaha Iskaashiga guud ee labada dal ay wadaagi karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhoweynta.

Dowladda Tanzania u fidisay isaga iyo wafdigiisa, iyo weliba sida ay Dowladda Tanzania u garab istaagtay qadiyadda dhowrista madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku kacday Dowladda Ethiopia oo heshiis sharci darro ah la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mahadceliyay doorkii ay Tanzania ka qaadatay in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC, isagoo dhanka kalena xusay in Tanzania ay tusaale lagu dayan karo u tahay waddamada Afrika intooda badan marka loo eego dhinacyada xasiloonida siyaasadda, wadajirka ummadeed iyo amniga. Waxaana uu soo dhoweeyay is-afgaradka labada waddan ee Iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa dhankeeda ka mahadcelisay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ka qeyb-galkiisa xuskii sannad-guuradii 60-aad ee maalinta Midowga ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Madaxweyne Samia ayaa xustay, isla markaana soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinaca amniga, diblomaasiyadda iyo adeegyada kale tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay bishii May 2022-ka.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dalkeeda uu si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ku faraxsan tahay in bog cusub u bilowdo xiriirka labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi, wax wada qabsi iyo is ixtiraam.

Waxaa sidoo kale ay Madaxweyne Samia aqbashay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay soo booqato Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah kadib, ayaa waxaa labada Madaxweyne ay si wadajir ah u guddoomiyeen wadahadal rasmi ah oo labada dal ay yeesheen oo looga hadley sidii loo fulin lahaa qodobada ay ka wadahadleen ee iskaashiga labada dal.

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Macallin, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis Jama, Danjiraha Soomaaliya u fadhida Tanzania Zahra Ali Hassan iyo saraakiil kale.

Dhanka Tanzania waxaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane January Yusuf Makamba, Wasiirka Caafimaadka Dr Ummy Mwalimu, Wasiirka Qorsheynta Dr Kitila Mkumbo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta booqday Hay’adda Kaydinta Dawoyinka Tanzania ee MSD iyo Isbitalka Muhimbili halkaas oo warbixin ku saabsan qaabka ay labada dal uga wadashaqeyn karaan iskaashiga kobcinta adeegyada caafimaadka kaga dhegeystay Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania Dr Ummy Mwalimu.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Tanzania oo ka wada hadlay xoojinta xariirka labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Dar es Salaam kulan muhiim ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ku falanqeeyay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo arrimaha gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira socdaal rasmi ah oo uu ku joogo dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania, kadib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan. Madaxweynaha Tanzania ayaa sidoo kale kulankaasi ku aqbashey martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay socdaal ku timaaddo Soomaaliya.

     

Cabdisalaan Cumar Hadliye“Maanta kadib Soomaalidu qaxooti kuma ahan xeryaha Dhadhaab,”

Ergayga Soomaaliya u qaabilsan urur gobolleedka dhaqaalaha Bariga Afrika Cabdisalaan Cumar Hadliye oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta ka dib, Soomaalida Qaxooti ku ahayn xeryahah Dhadhaab ee dalka Kenya, islamarkaana ay degi karaan midkii ay doonaan 8-da waddan ee ku bahoobay  ururka Bariga Afrika ee (EAC).
Hadliye, ayaa sheegay in isku darka isbaheysigan uu u fasaxayo in  qof walba meeshii uu rabo u guuri karo, degi karo kana shaqeysan karo.
”Dhadhaab waxaa la yiraahdaa waxaa joogo 500-kun oo qof Qaxooti Soomaali ah, Qaxooti ma ahan mar dambe, maanta Qaxooti ma ahan khalaas, haddaad Soomaali tahay Kenya waa degi kartaa, maantadan qaxooti ma ahan, laga yaabee in loo baahan yahay sharci iyo wax in laga shaqeeyo, laakiin sharci ahaan Qaxooti ma ahan, waxaa ka saaray isku darka isbaheysigu wuxuu fasaxayaa qof walba 8-da waddan meeshuu rabo inuu u guuri karo, ka shaqeysan karo oo uu degi karo’,” ayuu yiri Ergayga Soomaaliya u qaabilsan ururka Bariga Afrika ee (EAC).
Sidoo kale, Ergayga ayaa sheegay in fursaddan ay ku timid dadaal uu sameeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo meesha ka saareysa in hadda ka dib, Soomaalida qaxooti ahaan loola dhaqmo.
” Qaxooti bey ahaayeen, Qaxooti markaad tahayna waad xakameysan tahay, hadda markaan tagno Yurub meelbaa la ina dejiyaa inta aad sharci ka heleyso waa inaa halkaa joogto oo lagaa war hayaa, tana waa ka sii darneydba, marka waa faa’idso soo korodhay,”.
Dalalka xubnaha ka ah urur gobolleedka dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC), ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.

Guddomiyaha SODMA oo la kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobolkeedka Koonfur galbeed

Baydhabo:-Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan soo dhaweeyn ah ugu sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo shalay Baydhabo soo gaaray.

Kulankan waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, Lataliye sare Shariif Sheekhuna iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha ayaa Madaxwaynaha uga warbixiyey dedaallada hay’adda SoDMA ay ka wado degaanada KGS ee ah ka hortaga in Roobka gu’ga qasaaro badan ka dhasha, in shixnado gargaar ah soo gaarsiiyen Baydhabo iyo Buurhakaba taas oo bulshada danyarta ah loogu qeybinayo alaabta maacuunta, bustayaal, bacaha roobka looga okorto, jingado iyo qalabka dhismaha, si bulshada hadii banaanka ugu baxaan guryahooda gabaad uga dhigtaan.

Sidoo kale waxa ay kawada hadleen In ay kawada shaqeeyaan sidii la iskaga kaashan la haa ka hortaga iyo yareeynta qataraha daadadka, bulshadana loo gaarsiin la haa gurmadyo degdeg ah inta aysan bilaaban roobabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Istanbul:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan Turkiga ayaa kulan doceed la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Mudane Numan Kurtulmuş.

Kulanka labada Guddoomiye ayaa daba socday Shirka 5-aad ee Madasha Baarlamaanda Qudus oo shalay ka furmay Istanbul, kulanka ayaa diirada lagu saaray Iskaashiga labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxay xoojiyeen sidii loo bilaabi lahaa wada-shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada Baarlamaan, waxayna ku dheeraadeen xorriyadda Falastiin iyo sidii xal loogu gaari lahaa.

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Shirka oo ay ku kulmi doonaan madaxda Baarlamaannda waddamada Islaamka ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal waara loogu gaari lahaa arrinta walaalaha reer Falastiin, waxaana goobjoog ahaa madax kala duwan oo ka kala timid , Afrika, Aasiya, Ameerika iyo Yurub, waxana dhamman madaxda ay aragtidooda ku cabireen qadiyadda Falastiiniyiinta oo ay taageero buuxda u muujiyeen.