Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo guddoomiyaya Shir looga hadlayay dar-dargalinta Amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlaayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankaan oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa waxaa warbixin loogu dhageystay Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitari, kuwaaso oo ka warbixiyay xaalada guud ee Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha Laamaha Amniga in xooga la saaro dar-dargelinta Amniga Caasimadda, lagana hortago fal kasta oo wax u dhimi kara Amniga ay ku naaloonayaan shacabka Gobolka Banaadir.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Nairobi si uu uga qeybgalo shirka madaxda Afrika iyo Bangiga Aduunka

Nairobi- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya  si uu uga qayb-lgalo Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka oo la qaban doono 29-ka Abriil, 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka, ayaa diiradda saari doona horumarinta iyo  maalgashiga qaaradda Afrika sidii loo xoojin lahaa iyada oo loo marayo mashaariic horumarineed oo waaweyn.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa Inta uu ku sugan yahay Nairobi,  wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta ka socda Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya laga cafiyay dayntii muddada dheer lagu lahaa, taasoo fursad u siinaysa dalka inuu soo jiito maalgashiyo caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali  Xoosh iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta, horumarinta dowladaha hoose iyo xasilinta Iyo arrimo kale.

Wasiir Xoosh oo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya uga warbixiyay dadaaladda dowladda ee Banii’aadnimada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta Dowladaha hoose, Dhab u heshiinta iyo Xasillinta deegaannada laga xorreeyay khawaarijta si looga jawaabo arrimaha u baahan gergaarka Banii’aadnimada.

        

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Qaaradda Afrika.

Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maalgaliyo, qodobada ay soo saaraan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne, kaas oo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka.

Shirkaan waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay Dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taas oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

 

 

  

NOLOL IYO DHAQAN WAA LABA IS HAREER YAAL

Ummad walba oo aduunyada guudkeeda ku dhaqani waxay leedahay hab nololeed u gaar ah, oo ay qarniyaal fog fog ku soo dhaqmayeen, jiilbana jiil ka soo dhaxlay.

 

hab nololeedka bulsho waliba wuxuu salkana ku hayaa miyi iyo magaalo hadba meesha uu hanaankooda nololeed ka soo askumay.

 

Soomaalida oo hillaada tobanaan qarni geeska afrika ku dhaqneyd, waxay ka mid tahay ummadaha ugu hodansan dunida, waxaanay noloshoodu asal ahaan ka soo billaabmantay dhulka miyigaa iyo dhaqashada meesiyada kala duwan ee xoolaha.

 

ka hor hayaankii magaalooyinka soomaalidu waxay laheyd hanaan nololeed oo dhameystiran , jaad walboo baahiyaha aadmiga kamid ihina ku idilyahay sida hu , hoy, hamuuntir calaf, hanaan garsoor, iyo hal is daarasho guud.

 

Jaadadka kala duwan ee agabka iyo kaabayaasha kalee noloshaba ayagoo farsamo casri ah iyo hal-abuur layaab leh, oo aanay cidiba ugu horeyn umaraya ayay gacmahooda ku samaysan jireen, waxay dibadda ka soo dhoofsadaanina ma jirin hadday jireena ma badnayn. Xilligaa waxay nolosha inteeda badani ku tiirsaneed: dhirta iyo xoolaha .

 

Wax la aamo/la cunaahi cad iyo caano ayay ahaan jireen xoolaha ayaana loogu hagaagi jirey , waxaana soo raaci jirey midhaha, xabagta geedaha iyo dalaga beeraha oo aanay inta badan reer guuraaga soomaalidu dheef ka jeeqaaqi jirin, qoys qoyska caydh ah ha joogtee intooda badani maba la ahayn in suuni xoolaad waxaan ahayn lagu noolaan karo, malahayga taasina waa sababta aanay beeraleydu inoogu badnayn kolka la barbar dhigo raacatada.

 

dhanka hoyga waxaa lagu noolaan jirey aqallo si qurux iyo farshanimo leh loo dhisay iyo geedo la hadoodilay oo : dhaxan, dhibic roob, iyo qorax dhalaalkeedba lagaga gabaadsan jirey. Yagleeelida aqalka waxaa u xilsaarnaa dumarka, waxaanu ka koobnaa dhirta iyo saanta xoolaha, udbaha, ulaha dhaadheer ee dhigaha, raarka/dhanbalaha, alool, kashkaashka, abjadka, haansaraarka iyo tiirarkiisa, dhigaatiyada, dhiilaha, xarkaha mayraxdaa ee isku haya aqalka iwm waxaa la samayn jirey dhirta. Jilka, sarta,tebadda, suunka dhiilaha iyo wixii lamidana waxaa laga sameyn jirey saan/maqaarka xoolaha.

 

Huga waxay raggu qaadan jireen laba qayd ooo cadcad, halka ay dumarkuna qaadan jireen guntiino, gambo iyo wixii kalee ay heli karaan, waxaanay dharku kamid ahaayeen waxaayaha fara ku tiriskaa ee debadda nooga iman jirey inkastoo ay odayaasha waaya joogga ihi ii sheegeen in dharka laftiisa maqaarka xoolaha laga samayn jirey.

 

Soomaalidii waayadaa joogtay waxay rumaysnaayeen inay nolosha aadmiga midda ugu feecan haystaan oo cid kaloo qadan iyo qabno ku dhamiba aanay jirin, qof walboo kamid ihina nolosha kaalin mug leh buu kaga jiray, ina rag yar iyo wayn hawshoodu waxay ahayd: sahanka, dhaaminta, shubidda xoolaha, xeryo dhigidda, samaynta yeesha iyo saabaanka ay xooluhu ku cabbaan, baadi-doonkooda iyo col ka dhicintooda, halka ay dumarkuna ku foognaan jireen samaynta hoyga iyo soohidda agabkiisa, ilaalinta xoolaha qeybtooda nugulkaa, qalida xoolaha, diyaarinta gasiinka, lulidda caanaha iyo subag ka bixintooda iwm.

 

isku filnaashaha nololeed ee caynkaasihi wuxuu naafoobay kolkii magaalo loo hayaamay,

Ee dhaqashadii xoolaha laga haajirey layskuna haaraamay, oo nolol seeg- seeg ah iyo cood la’aan ilbaxnimo la mooday aqoon ma dhaleys ahna laysugu faanay.

 

W/Q:Liibaan Xirsi

 

CASIMADDU WAA XUDDUNTA DAL WALBA

Dal kasta oo caalamka ka jira wuxuu leeyahay Caasimad loo yaqaano oo lagu aqoonsado waxaana ka horreeya caasimad walba inta aanay dhalan ama sameysmin wada tasho ka talo bixin iyadoo loo saaro guddi deegaan yaqaan ah oo khubaro ah oo soo war bixiya waxayaabaha lagu doortay ee ay ku noqneyso magaalo madxa.

Qodobada lagu xusho meel in ay caasimad noqoto waxaa ku jira: dalka Meesha ay kaga taallo muhiiimadda ay leedahay, degaan ahaan iyo halkaasi waxa ay caanka ku tahay haddii ay tahay ganacsi, muhiimadda isku xirka magaalooyinka kale, dekedaha , garoomada diyaaradaha iyo sidoo kale in ay noqon karto goob dhexe oo dalka laga hoggaamin karo.

Inta badan xukuumadaha ayaa deggan caasimadaha , sidoo kalena waxay fadhi u tahay baarlamaanada iyo wasaaradaha waxaana loo bixiyaa caasimaddii dalkaa caalamkuna sidaa ayuu ku qaataa.

Caasimadaha inta badan waxaa deggan safaaradaha dawladaha shisheeye caalamkuna wuu qiimeeyaa wayna aqoonsataa waxaana laga abaabulaa dhammaan qorsheyaasha dalkaas uu leeyahay .

Caasimadda lagama dhigi karo meel kasta waxayse leedahay miisaan siyaasadeed, muuqaal iyo astaan adduunku dalkaa ku yaqaano ayey noqotaa .

Dalalka intooda badan waxay ku faanaan caasimadahooda waana xudunta dal walba waxayna dalkaas ku xirtaa caalamka intiisa kale laakiin soomaalidu sidaas maaha oo caasimadda waxay u heystaan magaalo ka mid ah magaalooyinka .

Sidaa darteed waxaa habboon in caasimaddu yeelato sharci gaar ah si ay dadku u fahmaan in ay tahay magaalo u dhaxeysa dadka soomaaliyeed .

Soomaalida haddii ay dagaalantay magaalooyinka ma dagaallamin waana in la isla gartaan waxa la isla leeyahay iyo waxa kale.

Caasimddu qof walba wuu degi karaa waana ka shaqeysan karaa Meesha uu doonana qofku wuu kaga ganacsan karaa si la mid ah magaalooyinka kale.

W/Q: Abwaan Gabayre

 

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto  Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar kuwaa oo Shalay Soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Soodhaweynta Saraakiishan waxa goob joog ahaa Taliye ku Xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada ciidanka.

U jeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Taliye Sulub ayaa Saraakiishan uga Mahad celiyay Aqbalaada Casuumaadii uu u fidayay sidooakalana uga Mahad Celiyaya Garab istaaga ay u sameeyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tilaabsadeen ciidan boliiska Soomaaliyeed, iyaga oo xusay in ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababarrada, xirfadaha iyo guud ahaan hormarada ciidanka.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Masuuliyiinta Hay’adda Socdaalka kala hadlay dar-dargalinta adegyada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay Wehliyaan  Wasiro Dowlah Wasaradda Iyo Agsimaha Guud ee Wasaradda ayaa kormeeray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jisniyadaha, halkaas oo uu kulamo kula qaatay Agaasinka iyo howlwadeennada Hay’adda.

Wasiirka ayaa kula dar-daarmay Saraakiisha iyo Agaasinka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed in ay dar-dar galiyaan shaqooyinka muhiim ka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda la isaga Xog-waraystay Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee ATMIS.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Wasiir kuxigeenka Cadaaladda XFS oo daahfuray Shir Wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda JFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo uu weheliyo xoghayaha joogtada Wasaradda Mudane Feysal Aadan Xasan ayaa daahfuray Shir Wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed.

Shirka oo ay kasoo qeybgaleen bahda Asluubta Soomaaliyeed ayaa dood wax ku ool ah laga sameyn doonaa Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed.