Soomaaliya oo Kenya uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday roobab halkaasi ka da’ay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya iyo shacabkeeduba uga tacsiyaysay dadkii ku geeriyooday daadadka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’ay.

Dowladda ayaa sheegtay in marka hore ay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda iyo shacabka Kenya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid ku dhowaad ​​50 qof oo ku naf waayay dhibaatadii ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee ka da’ay dalka Kenya, markii uu karkaarrada jabsada biya xireen ka mid ah kuwa ugu weyn dalkaa.

“Dareenka yagu wuxuu la jiraa qoysaska dhibbanayaasha ah iyo dhammaan dadka ay saameysay masiibada dabiiciga ah ayaa lagu yiri War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay dhiggeeda Kenya xilligan adage ee lagu jiro, iyadoo intaa ku dartay  dowladdu in ay diyaar la tahay wax kasta oo taageero ah ee looga baahdo.

Dalka Kenya iyo waddamo badan oo ku yaalla bariga Afrika waxaa maalmahan ka da’ayay roobka gu’ga, kaas oo daadadkii ka dhashay ay sababeen qasaaro isugu jira dhimasha, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Midowga Yurub oo xayiraad ku soo kordhiyey bixinta fiisaha muwaadiniinta u dhashay dalka Itoobiya

Golaha Midowga Yurub ayaa go’aamiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha muwaadiniinta Itoobiya.

Go’aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaraya dadka heysta baasaboorka Itoobiya, waxa uuna jawaab u yahay wada shaqeyn la’aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arrimaha dib u celinta magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.

Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah Midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.

Go’aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu sii jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida uu sheegay golaha Midowga Yurub.

Itoobiya waxa ay ku guuldareysatay  in ay iska kaashato dib usoo celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay golaha Midowga Yurub.

Taliyaha xoogga dalka oo kulan la qaatay taliyaha ciidanka gaarka ah ee Mareykanka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan gaar ah oo looga hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan Howlgallada gaarka ah wuxuu Kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta,isagoo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howlgalka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta hawlgallada gaarka ah ayaa balan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howlgalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku saabsan maalgashiga iyo in mashaariicda la maal-geliyo loo weeciyo dhanka kaabeyaasha dhaqaalaha iyo wax-soosaarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Qaaradda ay aas-aas u tahay qorsheyaasha kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

“Soomaaliya marka loo eego dhaawac soo gaaray dhaqaalaheeda iyo Hay’adaheeda dowladeed, maanta waxaa muuqanaysa in ay aad u soo kabatay oo ka soo gudubtay marxaladdii aadka u adkayd, iyadoo cagta saartay dhabbaha xasilloonida dhaqaale, horumar bulsho iyo mid ganacsi. Saas oo ay tahay waxaan sii wadnaa qorsheyaal lagu xaqiijanyo soo kabashadaas dhaqaale iyo dhiirri-gelintiisa”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Madaxda Bangiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan maalgelinta iyo awood-siinta dowladaha nugul, si xal waara loogu helo aafooyinka dib u dhigay nolasha shucuubta dalalkaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan gaara kaasi oo looga hadlaayey hannaanka sugidda badqabka cuntada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan hab cusub oo ay dowladda Soomaaliya kula wareegeyso mas’uuliyadda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay in dowladdu yeelato awoodda soo saarista warbixinnada sugnaanta cunnada, iyadoo la fulinayo heshiiskii ay dowladu la gashay Hay’adaha caalamiga ah.

Taliyaha ciidanka dhulka XDS oo Muqdisho tababar ugu furay Saraakiil ka tirsan ciidanka

Taliyaha ciidanka dhulka XDS Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho Tababar uga Furay Sarakiil Ka Tirsan qaybaha iyo Guutooyinka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed .

Tababarkaan ayaa ah mid Lugu baranayo Howlaha is ku  xirka qaybaha iyo guutooyinka Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaliyeed , tasoo lagama maarmaan u ah Howlgalada Sifeeynta ah Ee Lagula Jiro Khawarijta Arxanka daran .

Taliyaha oo xusay muhiimada isku xirnaanta talisyada qaybaha iyo Guutoyinka ayaa ku amanay sarakiisha shaqada hufnanta Leh ee ay u hayaan ciidanka dhulka xooga dalka soomaliyeed, waxa uuna Faray in ay laba jibaraan howl shaqeedkooda ciidan .

Taliska Ciidanka dulka xoogga Dalka Somaliyeed oo hor kacayo Taliyaha Ciidanka dhulka  Gen dayax Cabdi cabdulle  ayaa wada Dardar ku  aadan Howlaha kala duwana Ee Taliska dhulka Ee ciidanka xoogga dalka soomaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo soo xiray Aqoon is-weydaarsi ku saabsan doorka warbaahinta ee hannaanka casriyeynta dowladnimada

Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey doorka warbaahinta hey’adaha dowladdu ay ka qaadan karaan hirgelinta Hannaanka casriyeynta Dowladdnimada iyo sidii farriimaha dowladda looga dhigi lahaa kuwo waxtar leh oo isku xira, bulshada iyo dowladda, ayaa ku qabsoomay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka ka shaqeeya warbaahinta hey’adaha dowladda in ay noqdaan dad aqoon leh oo xog-ogool u ah arrimaha ka jira dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku dheeraaday doorka ay warbaahintu ku leedahay dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, waxa uuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in bulshada Soomaaliyeed lagu jiheeyo dowladnimada casriga ah.

Kulanka oo intii uu socday la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo warbaahinta loogu jiheynayey hannaanka dowlad-dhiska iyo la dagaallanka Khawaarijta , ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowladaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala iyo Howlwadeennada Warbaahinta ee Hey’adaha Dowladda.

  

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐚𝐚𝐡-𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐡𝐫𝐮𝐮𝐜 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee XFS ayaa munaasabad ka dhacday Safaaradda Boqortooyada Ingriiska ku daahfuray Mashruuca Better Lives oo socon doona mudo labo sano ah kaasoo laga fulin doono Galmudug, Juballand iyo Gobolka Banaadir iyadoo sida uu qorshuhu yahay ay ka faaideysan doonaan ku dhawaad 1.5 million oo ay kamid yihiin 400 oo kun Hooyooyin Soomaaliyeed iyo 300 oo kun caruur Soomaaliyeed ah islamarkaana ay heli doonaan Talaalka laga maarmaanka ah.

Mashruucan oo ay maalgalintiisa leedahay Hay’adda UKAID ayaa laga fulin doonaa 11 degmo oo kamid ah qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada sida Galmudug, Juballand iyo Gobolka Banaadir oo ay kamid yihiin goobaha laga xoreeyay khawaarijta oo aan horay u helin adeegyada Caafimaad ee aas aasiga ah.

Munaasabada daahfurka mashruuca waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, Xildhibaano ka tirsan BJFS iyo qaar kamid ah Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Caafimaadka

Wasiirka ayaa saaxibada taabagalinaya Mashruucan uga mahadceliyay taageeradooda isagoo sheegay in mashruucan uu waxbadan ka tari doono Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka tasoo qeyb lixaadle uga qeyb qaadaneyso horumarinta Caafimaadka Dalkeena.

 

   

Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)

Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya, kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah. Roobabkaan ayaa ka da’ay Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee kililka shanaad.

Gobollada dalka wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dadku ay dareemayaam jawi roobab oo aad u wanaagsan, mana jiraan khasaarooyin baaxad leh oo la soo sheegay illaa hadda, Marka loo eego roobabkii ka da’ay dhowaan dalalka dariska ah ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo xataa waddamada khaliijka , waxay ina tusayaan in loo baahan yahay dadaal ku aadan la socodaka daadad suurtagal ah in ay dhaliyaan barakac, gaar ahaan deegaannada dhaca xeebaha iyo Webiyada.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee DFS ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba, waxayna si gaar ah ay Heyaddu ugu diraysaa Dadka Barakacayaasha ah eek u nool Degmooyinkaasi, inay ka feejignaadaan waxyeelada Roobabkaan, “maadama ay yihiin Dadka ugu nugul uguna saameynta badan biyo-baxooyinka iyo fatahaadaha Dalka ka dhaca” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay He’yaddaasi oo soo xiganeysa warbxuin ay soo saartay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FAO.

Dhinaca kale Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April, iyadoo Warbixinta lagu sheegay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle, “waxa kale oo suurta-gal ah” ayaa la lagu yiri warbixintan “in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%. Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya”.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhammaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan Maxamed oo wali wada dadaaladii looga hortagi lahaa saameynta taban ee roobabka xiliga gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda nugul ayaa la qabatay kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda, iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.

Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa, ugu danbeynna waxaa la isla gartay in lahelo xog hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.

Dhinaca kale Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta. Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika. Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado. Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan. Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

By. C/laahi Ruush

Ciidanka Xoogga oo Howlgal ka dhan ah khawaarijta ka sameyay degaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Hiiraan;-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda khawaarijta ka sameeyey degaanno hoostago Degmada Bulaburte ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa  lagu baadi goobayay xubno katirsan khawaarijta oo ku dhuumaaleysaneyey degaanada laga sameyay howgalka ee  jiinka wabiga,ayaa kala ah caag bashiir,  Hilaweyn Biya madobe, Beerayabaal iyo degana kale oo dhowr ah.

Howlgalka laga sameyay deganadaasi waxaa hoggaaminayay Taliyaha  Ururka 8-aad guutada18-aad Ee gor gor.