Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed hawlkarnimadooda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ku bogaadiyey Shaqaalaha Soomaaliyeed maskaxda iyo muruqa ay geliyeen horumarinta dalkeenna, ayaa xusay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan sidii dalkeennu uga soo kaban lahaa dib-u-dhicii gaaray.

“Shaqaalaha Soomaaliyeed oo ku shaqeeya duruufo adag, waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka soo gudbay caqabado badan, si ay u xaqiijiyaan rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u soo kabashada dalka”.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dowladda u shaqeeya iyo kuwa aan dowladda u shaqaynba, lana abuuri doono fursado shaqo oo ay ka faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xuska 1-da May ee Maalinta Shaqaalaha Soomaaliya iyo Dunida

Shucuuubta dalalka dunida ee ku mideysan hey’adda Qaramada Midoobay ayaa maantta u dabbaaldegaya munaasabadda 1-da May oo ku beegan xuska sanadguurada 105-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka caalamiga ah ee shaqaalaha dunida ILO (International labour Organisation) .

 1-da May waa maalin weyn oo caalamka oo dhan ay u dabbaaldegaan maalinta shaqaalaha dunida oo ah maalin si gaar ah u xambaarsan aasaaskii  ururada xoogsatada,tacadiyadii lala beegsaday iyo halgankii ay u soo galeen xoriyad dhameystiran oo lagu wadaago shaqada.

1919-kii, dalal ka mid ah Galbeedka oo ku jiray Jimciyaddii qarumaha ka dhaxeysay,ayaa ku dhawaaqay dhismaha urur shaqaale oo u howlgala raadinta danta xoogsatada,isla markaa ka qeybqaata dejinta xeerarka iyo siyaasadda lagu kala hago shaqaalaha iyo milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.

Iyadoo la eegayo muhiimadda xoogsatada iyo kororka dalalka ka xoroobay gumeysiga ee qaatay dowladnimada, dagaalkii labaad ee dunida ka dib, Ururka Shaqaalaha Dunida ee ILO waxa ay soo saareen in lagu dhaqmo qodobo aasaas u ah dhismaha ururkaasi,waxaana ka mid ahaa:-

1-in si wadajir ah looga hortago shaqada khasabka ah , ku-shaqaynta carruurta, takoorka xagga shaqada iyo shaqaalaha a.

2- kor u  qaadidda horumarka caddaaladda bulshada, iyada oo loo marayo nidaamka heerarka caalamiga ah ee shaqada.

3-xaqiijinta iyo dhowrista xaaladaha xorriyadda shaqaalaha, sinnaanta, amniga iyo sharafta shaqaalaha iyo in la heli karo shaqo wax soo saar leh oo waarta.

4-Hirgalinta qaab-dhismeed saddex geesood ah oo ka kooban wakiillada dawladaha, loo shaqeeyaha, iyo shaqaalaha.

5-in sanad kasta xarunta shaqaalaha Gineva ee dalka Austria lagu qabto shir weyne caalami ah oo looga hadlo danaha shaqada iyo shaqaalaha.

Haddaba, Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka ee maanta u dabbaaldegaya xuska sanadguurada 105-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ururka shaqaalaha dunida iyo aasaaska ururka shaqaalaha Soomaaliya oo la tilmaamo in uuu soo bilowday 1955-tii.

waxaa xaqiiqo ah in shaqaalaha ay yihiin kuwo qayb ka ah maamulka dowladnimo ee ka dhisan dalka,marka loo eego kaalinta ay ka qaataan kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan horumarka dadka iyo dalka  .

Ujeedku  waa in maamulka Ururka Shaqaalaha uu noqdo mid u shaqeeya si caddaalad ah oo wax ka qaban kara xaaladaha kala duwan ee la soo dersa shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah ee hoostaga shirkadaha ,hey’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah .

Maanta waxaa muuqata in Shaqaalaha ay yihiin kuwo door ama kaalin firfircoon ku yeelan kara geedi socodka loogu jiro gaaritaanka horumar wanaagsan oo ifitiimiya mustaqbalka dadka iyo dalka.

Gabagabadii ,waxaan halkaan hambalyo uga direynaa shaqaalaha dunida,gaar ahaan shaqaalaha Soomaaliya,waxaana u rajeyneynaa guul iyo horumar.

SONNA

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Qaranka iyo Nabad Sugida Qaranka Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay taliyaha Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibraahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay hormarinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale, Agaasimaha NISA iyo Taliyaha Sirdoonka Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dowladda Turkey ayaa Soomaaliya ka taageerta dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaajita ah iyo dhinacyo kale oo badan.

Madaxii sirdoonka Khawaarijta Mudug oo gacanta lagu dhigay

Wisil: Ciidamada deegaanka ee koonfurta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ahaa madaxii sirdoonka Khawaarijta, kaas oo lagu magacaabo Farxaan Shalaange, ninkaan ayaa sheegay sahan u ahaa Khawaarijta, waxaana lagu qabtay duleedka deegaanka Bacaadweyne.

Ciidamada fuliyey howlgalka lagu qabtay ninkaan waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Gurey Nuur oo ah taliyaha ciidanka Macawiisleyda ah ee ka howlgala aagga deegaanka Bacaadweyne, dadka deegaanka ayaa ciidanka ku garab siiyey soo qabashada ninkaan oo ku howlanaa uruurinta xogta ciidanka ka howlgala deegaanadaas.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Ma Aqbalayno in markale aan ku laabano doorashadii Teendhada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”.

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay kalfadhiga saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta

Doxa- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kaga qayb galay magaalada Doxa ee dalka Qadar Kal-fadhiga Saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta , dalalka Bartamaha Aasiya iyo dowladda Asarbijaan.

Kalfadhigan oo uu halku-dhiggiisu yahay “Fursadaha iskaashi wadajir ah oo ku salaysan himilooyinka iyo caqabadaha dowladaha labada gobol ayaa sidoo kale looga hadlayaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqanka iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa shirka ka dib lagu wadaa in uu kulan doceedyo la qaato madaxda ka qayb gashay madashan.

Guddoomiye Cabdi xaashi oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb galay shirwaynaha 5-aad ee madasha Baarlamaannada Qudus.

Guddoomiyaha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu gurmado shacabka Falastiin oo wajahaya xaalado bini’aadannimo oo ay sababeen duqaymaha iyo go’doominta magaalada Qasa ay ku hayaan Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay kulanka geeddi socodka hirgelinta hannaanka dhab-u-heshiin Qaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray kulanka geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-heshiin Qaran

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayo lix tiir oo ay saldhig u tahay sidii ummadda Soomaaliyeed si dhab ah uga heshiin lahaayeen dhibaatooyinkii la soo maray.

Kulankan oo uu heerkiisu sarreeyo waxaa ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh, wasiirrada Federaalka, Madaxda dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo bulshada qeybaheeda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Xasilinta

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta guddoomiyay shirka guddi-hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Barnaamijka Xasilinta.

Shirkan ayay xukuumadda Dan Qaran ahmiyad gaar ah ku siisay gaadhsiinta adeegyada bulshada iyo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, hirgelinta amniga iyo caddaaladda.

SoDMA oo tababar u soo xirtay dhallinyaro mutadawaciin ah

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa soo xiray tababar heerkiisu sarreeyo oo socday muddo labo maalin ah, kaas oo kor loogu qaadayay aqoonta qaar ka mid ah  dhallinyarada iyo mutaddawiciinta Soomaliyeed.

Tababarkan ayaa loogu tala galay in ay ka faa’iideystaan in ka badan 30 qof oo ka tirsan dhallinyarada iyo mutaddawiciinta ku nool gobolka Banaadir, waxaana xoogga lagu saarayay aqoonta aasaasiga u ah fahamka u diyaar-garawga iyo ka jawaabista deg-degga ah, haddii ay dhacdo masiibo, erey cilimiyeedyada la xiriira arriamah maareynta masiibooyinka,  fahamka hoggaaminta iyo maamulka arrimaha  u diyaar garowga iyo ka jawaabsita deg degga ah.

Tababarkan waxaa hay’adda ka caawiyay Hay’adda Hormarinta Mashaariicda ee Qaramada Midoobay (UNDP), hadafkiisana waxa uu yahay suurta galinta hannaan wada shaqayneed ee ka dhexeeya Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed iyo dhallinyarada mutaddawiciiinta ah ee ku nool magaalda Muqdisho.