Wasiirka Shaqada XFS oo ka hadlay arrimmo badan oo khuseeyay shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim  oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labadii samo ee u dambeeyay ay dowladdu xoogga saartay Sidii loo sameyn lahaa shaqo abuur ay inta badan ka faa’ideysteen dhallinyarada wax baratay ee ku sugan dalka.

“Kawarheynta Shaqaalaha Soomaaliyeed dowladda waxay u tahay mid ahmiyad gaar ah u leh,sidaa daraadeed waa muhiim in kor loo qaado aqoonta iyo tababaridda shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku.

Wasiit Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa xusay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dabasocod joogto ah, tababar joogto ah, ka warqab joogto ah iyo tirokoob joogto ah si looga miro dhaliyo ayuu yiri hadafka ama qorshaha dowladda ee ku aadan xaaladaha shaqaalaha.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha XFS oo Riyadh kaga qeyb galay shirka Beeraha ee waddamada Carabta

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha & Waraabka XFS Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Magaaladda ee dalka Sacuudi Carabiya ku shirgudoomiyey kulan u qabsoomay wasiirafa Beeraha ee wadamadda Carabta

Shirkaan oo ah kii 38-aad ee wadamada Carabta waxaa loogu hadlay hormarinta Beeraha iyo sidii la isaga kaashan lahaa dhibaatooyinka ay wajahayaan beeraleyda dalalkaasi.

Shirkan ayaa waxaa wasaradda beeraha soomaaliya ku matalayay Wasiiru-dowlaha iyo sidoo kale xubno khuburo ah oo wasaaradda ka tirsan, waxaana ay kaga hadleen hormaradda beeraha iyo Sidii loo garab istaagi lahaa Beeraleyda Soomaaliyeed.

Wasiir Asad ayaa shirka kusoo bandhigay Muhiimadda beeraha ay leeyihiin iyo caqabadaha ay la kulmaan beeraleyda soomaaliyeed ,gaar ahaan Isbaddalka Cimilada, fatahaadaha iyo Anyaxa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Gambia kaga qeybgalay kulan hordhac u ah Shir madaxeedka Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay kulan laba cisho ah oo loogu gogol xaarayo Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda dalka Gambia ee Banjul.

Kulanka gogolxaarka ah ayaa looga hadlay ajendayaal mudnaanta u leh Ururka iyo caqabadaha ay wajahayaan dunida Islaamka ,kuwaas oo ay  ugu horeeyaan arrinta Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa intii uu socday kulankaasi uu shir doceedyo la yeeshay wasiirro  badan oo dhiggiisa ah,isagoo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka labo geesoodka ee u dhaxeeya wadamada islaamka.

, Kulankaasi ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee dunida,gaar ahaan heer gobol iyo heer caalami ah.

Turkiga oo hakiyay dhammaan ganacsigii uu la lahaa Israa’iil

Wasaaradda Ganacsiga ee Dala Tyrkiye ataa soo saartay bayaan lagu sheegay in Turkigu ay hakiyeen dhammaan badeecooyinka dhanka ganacsiga ee ay la lahaayeen Israel,sababo lagu tilmaamay duullaanka ay ku hayso Qaza.

“Turkigu wuxuu si adag oo go’aan ah u fulin doonaa tallaabooyinkaan cusub ilaa ay dawladda Israa’iil ka ogolaaneyso siisocoshada gargaarka bini’aadanimo iyo in dadka Falastiin ay helaan mucaawino aan kala go’ laheyn ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ayaa ku eedeeyay madaxda Tyrkiga in ay iska indha tirayaan danaha dadka Turkiga iyo heshiisyada ganacsiga caalamiga ah.

Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee Muslimiin ah oo aqoonsaday Israa’iil. Laakiin xiriirku wuu sii xumaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xidhiidhka diblomaasiyadeed u jaray Israa’iil, ka dib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay isku dhacyo ay la galeen ciidamada Kumaandooska Israa’iil, kuwaas oo fuulay markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayey in uu jabiyo go’doominta badda ee Israa’iil ku haysay marinka Qaza.

sanadkii hore ganacsiga labada dal ee Turkiye iyo Israel ayaa ku kacay ama gaaray lacag ku dhow 7bn oo doolar oo u dhiganta (£5.6bn)

Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda

Maanta oo ku began 3-da May waxaa dalalka caalamka oo dhan ay u dabbaaldegayaan xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo ah maalin loogu talagalay in lagu muujiyo kaalinta saxafiga iyo xaqa  ay u leeyihiin in cid kasta ay gacan ku siiso habsami u socodka howlaha warbaahinta iyo guud ahaan badqabka qeybaha shaqalaha ee ururada saxaafadda.

3-da May waa maalin caalami ah oo loo aqoonsaday xoriyadda saxaafadda ,iyadoo la eegayo baaqa Qaramada Midoobay ee Xuquuqul  Insaanka,gaar ahaan qodobka 19-aad  ee soo baxay 1948-dii,kaas oo dhigaya ilaalinta xaqa ay dadku u leeyihiin Xorriyatul-qawlka.

Ujeedka guud ee xuskaan ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan muhiimadda xorriyadda saxaafadda iyo in dawladaha la xasuusiyo waajibaadka ka saaran dhawrista iyo ixtiraamka saxaafiyiinta.

Iyadoo laga ambaqaadayo kaalinta dowladaha ee ay ku leetihiin badqabka saxaafiga, sanad kasta waxaa la qabtaa shir ay soo abaabulaan hey’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay ,kaas oo looga hadlo qodobo la xiriira xorriyadda saxaafadda, gaat ahaan maamul-wanaagga, , isla xisaabtan la’aanta iyo doorka warbaahinta ay ku leeyihiin  la shaqeynta dalalka ka soo kabanaya colaadaha.

Labaatankii sano ee u dambeeyay warbaahinta dunida  waxay ku tallaabsatay  horumar ballaaran,kadib kolkii,isbadallo horumarsan lagu soo kordhiyay qalabka loo adeegsado saxaafadda,taasina waxa ay dhiirigalisay  in uu xoogaysto tartanka ganacsi ee  dhanka warbaahinta ah.

Haddaba,Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamada maanta u dabbaaldegay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda oo mabd’a ahaan ka dhigan in si wadajir ah codka iyo ra’yiga loogu gudbiyo nuucyada warbaahinta wax daabaca iyo kuwa kale ee elektarooniga ah.

Xuska munaasabaddaan,waa mid loogu talagalay in lagu eego horumarka wanaagsan ee ay ku tallaabsadeen suxuufiyiinta iyo guulaha wax ku oolka ah ee ay ka soo hooyeen meelmarinta nidaamka shaqo ee ay u hayaan bulshada.

Saxaafadda waa muraayad laga  daawado horumarka dalka,sidaad daraadeed, warbaahinta Soomaaliya ee ka howlgasha gudaha,waxaa sanadihii u dambeeyay ay ka qeybgaleen dadaalada hordhaca ah ee loo galay geedi socodka nabadda ,dhismaha dalka iyo rajo soo celinta umadda.

Horumarka wanaagsan ee xilligaan ka muuqda  saxaafadda Soomaaliya, ,waxa uu saaciday in bulshada Soomaaliya, ay heleen saxaafad xor ah oo ay ku gudbin karaan fikradaha isdiidan,kuwa wax dhisaya iyo kuwa kale ee lagu dhaliilo madaxda iyo hogaamiyaasha dalka.

 In lagu shaqeeyo dhexdhexaadnimo waa sida kaliya ee lagu ilaalin karo xoriyadda saxaafadda,waxaana waajib ah in Suxuufiga waxa uu gudbinaayo uu ku eego isha dhabta ah,si meesha looga saaro is-qabqabsi iyo hoos u  dhac kale oo wiiqa shaqadii warbaahinta .

Ogoow saxaafaddu waa  adeeg loo isticmaali karo  laba waji ,cid ayaad ku dulmin kartaa, marna wax ayaad ku dhisi kartaa ,sidaa aawadeed.ha ku sifoobin  aalad ay adeegsadaan dadka fidno abuurka ah ee u taagan fulinta dano  gaar ah iyo kuwo shisheeye.

Isku day in aad u hiiliso cid kasta o u taagan dhismaha dowlad xilkeedu yahay soo celinta amniga iyo karaamadii ay lahaayeen dadka iyo dalka,kana fogoow   in aad qeyb ka noqoto hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxda ama dhinacyada kale ee ishaya.

Si loo gaaro xoriyad buuxda oo dhanka saxaafadda ah,waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda shirkadaha warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah loo siin lahaa shaqaalaha qeybaha warbaahinta.

Anagoo ka faa’ideysaneya fursadda munaaasabaddaan ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska mmaalinta xoriyadda Saxaafadda Dunida,aawgeed, u direynaa suxuufiyiinta caalamka,gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ee ka howlgala qeybaha warbaahinta dalka.

Gabagabadii,waxaan u rajeyneynaa shaqaalaha iyo maamulada qeybaha Saxaafadda in ay halkaasi ka sii wadaan howlaha culus ee ay u hayaan umadda.

SONNA

Wasaaradaha cadaaladda Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ballaaran yeelanaya

Madaxda wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS oo uu hogaaminaayo mudane wasiir Xasan Macallin Maxamuud iyo waftiga wasaarada Caddaaladda dalka Turki ee uu hogaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Caddaaladda Mudane Mr. Niyazi Acar ayaa xarunta wasaaradda ku qaatay shir ballaaran oo ay labada dhinac kaga wadahadleen agandayaasha hortabinta u leh iskaashiga bahda caddaaladda ee labada dal.

Ajandayaashan oo hore loogu soo jaangooyay safarro shaqo oo wasiir Xasan Macallin Maxamuud ku tegay dalka Turki sannadihii 2023 iyo 2024 ayaa kala ah:

B)Dhismaha kaabayaasha Caddaaladda

T) Horumarinta danbibaarista dalka, si ay ula jaanqaaddo aqoonta casriga ah, dalka oo dhanna ugu filnaato.

J) Yagleelka Akaadamiyadda Caddaaladda Soomaaliya

X) Dib-u-eegista dhamaan xeerarka iyo qawaaniinta dalka si loo horumariyo, loo waafajiyo dastuurka iyo nidaamka federaalka ah, loona casriyeeyo.

KH) Kobcinta aqooneed, farsamo iyo tignoolajiyadeed ee bahda caddaaladda Soomaaliya.

Hogaanka labada dhinac ayaa isku raacay ahmiyadda adeegga caddaaladdu u leeyahay muwaadiniinta iyo halka uu kaga jiro dowladnimada.

Roobab Xoogan oo ka da’ay magaalada Beled weyne

Magaaladda Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiraan ayaa wararka ka imaanaya ay sheegayaan in ay xalay ka da’een roobab xoogan oo saameyay dadka ku dhaqan xaafaddaha Kooshin iyo Xaawo taako oo ka wadda tirsan Beleweyne.dadka ayaa saakay kala baxay Alaabahooda si ay uga badbaadaan saameyn kaga timaada dhanka wabiga oo sameyaha fatahaad,halkaa dadka qaarna ay kala baxsadeen naftooda si ay u gaaran dhulka taaga ah ee qalaalan oo aysan soo gaarayn biyaha.

Xilliyada ay ka da’aan roobabka Beledweyne ayaa waxaa sidoo kale gudaha magaaladda ku soo rogmada daadad kaga yimaadah dhanka buuraha ku hareeraysan iyo wabiga oo isbiirsada taas oo sababtah in ay isaga barkacaan dadka deegaanka.

Roobka Gu’ga ayaa ka da’ay qeybo ka mid ah dalka kaas oo laga cabsi qabo in ay waxayoolo ka dhalto daadadka iyo wabiyada gobolada ay maraan inta badan u nugul fatahadaha ay sababaan dadka degan deegaanada ku teesan Aagga wabiyada ayaa dhawaan fariin digniin ah waxaa u dirtay hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka iyadoo kaga digaysa cabsi laga qabo in ay roobabka ka dhashaan da’dada iyo fatahaado sabab u noqda in dadka iyo duunyada galaaftaan,

Digniinta ay hay’adda soo saartay ayaa waxaa ay cabsi weyne ka muujisay roobka (Gu’ga) ee ka curtay dalka waxaana ay si weyn farta ugu fiiqaday hay’adda SoDMA  ay ka mid tahay  Baladweyn iyo degaanada ku dhaw o ay sheegtay in ay u nugul yihiin da’dad iyo fatahaad ka dhalan karta roobka Gu’ga oo degaanada ka da’ay.

Guddomiye Abshiroow oo hambalyo ku aaddan 1-da May u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

Guddomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray, dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Shaqaalaha Rayidka meel kasta oo ay joogaan.

Maalinta shaqaalaha adduunka, ayaa la asteeyey 1-da May , Sanadkii 1919-kii,  in ay noqoto maalin ay shaqaalaha adduunka u dabaal degaan, muujiyaan xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxadda qoysaskooda iyo asxaabtooda.

Guddomiye Xasan ayaa boogaadiyay Shaqaalaha Soomaaliyeed, dadaalka iyo howlkarnimada ay muujiyeen si aay horumar u gaarsiiyaan bulshadooda, isagoo Eeba ugu baryay inuu u naxariisto Shaqaalahii geeriyooday ayagoo u adeegaya shacabkooda, inta dhaawaca iyo waxyeelada soo gaartayna u rajeeyay caafimaad taam ah inuu Eeba siiyo.

Ugu danbayntii;  Guddoomiye Abshiroow ayaa ugu baaqay Hay’addaha Dowladda heerarkooda kala duwan, iney xil weyn iska saaran, dhowrista xuquuqda shaqaalaha, una diyaariyaan goobo caafimaad ahaan iyo badbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado in eysan dhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xilliyada ay shaqada ku gudajiraan, kuna dhiiri-gelineysa in ay waajibaadkooda u gutaan si hufnaan iyo howlkarnimo leh.

Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Tripoli-La-taliyaha sare ee Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb; Daahir Maxamud Geelle ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Liibiya, Maxamed Yonis AL-Manfi.

Amb; Geelle ayaa dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Dr; Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay dhiggiisa Dalka Libiya.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal Iyo sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka walaalnimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xiriirka dhinacyada ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.