Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Tripoli-La-taliyaha sare ee Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Amb; Daahir Maxamud Geelle ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Liibiya, Maxamed Yonis AL-Manfi.

Amb; Geelle ayaa dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka soomaaliya Dr; Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay dhiggiisa Dalka Libiya.

Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka u dhaxeeya labada dal Iyo sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka walaalnimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xiriirka dhinacyada ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.