Wasiirka Shaqada XFS oo ka hadlay arrimmo badan oo khuseeyay shaqaalaha Soomaaliyeed

Wasiirka Shaqada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim  oo maanta ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in labadii samo ee u dambeeyay ay dowladdu xoogga saartay Sidii loo sameyn lahaa shaqo abuur ay inta badan ka faa’ideysteen dhallinyarada wax baratay ee ku sugan dalka.

“Kawarheynta Shaqaalaha Soomaaliyeed dowladda waxay u tahay mid ahmiyad gaar ah u leh,sidaa daraadeed waa muhiim in kor loo qaado aqoonta iyo tababaridda shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirku.

Wasiit Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa xusay in Shaqaalaha Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dabasocod joogto ah, tababar joogto ah, ka warqab joogto ah iyo tirokoob joogto ah si looga miro dhaliyo ayuu yiri hadafka ama qorshaha dowladda ee ku aadan xaaladaha shaqaalaha.