Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa tababar bille ah oo ku saabsan isku-dubaridka fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta magaalada Muqdisho uga furay inta badan howl-wadeennada gobollada dalka uga soo warama warbaahinta Qaranka.

Agaasimaha ayaa ujeedka tababarkan ku sheegay isku-dubaridKa wararka, fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta,faallooyinka sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramaya goobaha fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

” Tababarkan oo ah tababar bil kasta la qabto oo loo qabtay wariyaasha kala duwan ee warbaahinta qaranka iyo muuqaal duubayaasha ( Camero-man), ujeeddaduna tahay sidii la isugu dubaridi lahaa arrimaha fariimaha ka dhanka ah Khawaarijta haddii ay ahaan lahayd wararka, faallooyinka, sameynta muuqaalada iyo ilaalinta bedqabka wariyaha ka soo waramayo goobaha ay joogaan Khawaarijta oo marar badan oo kala duwan la qabtay siina socon doona,”.

Sidoo kale, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa soo dhoweeyay suxufiyiinta warbaahinta qaranka uga soo waramaya gobollada dalka ee qeybta ka ah tababarkan, isagoo dhanka kale, tilmaamay in tababarkan muhiim u yahay ururka haweenka oo door weyn ku leh ah dagaalka ka dhanka Khawaarijta ee ka socda dalka.

” Waxaan aad u soo dhoweyneynaa suxufiyiinta laga keenay gobollada, kuwaas oo ka soo warama gobollada iyo goobaha laga xoreeyay Khawaarijta iyo kuwa laga xoreyn doona intaba, tababarkani wuxuu muhiim u yahay warbaahinta qaranka gaar ahaan wariyaasha muuqaal duubayaasha iyo kuwa la shaqeeyaba, sidoo kale, wuxuu muhiim u yahay ururka haweenka oo iyaguna qeyb ka ah dagaallanka Khawaarijta, waxayna leeyihiin barnaamij la yiraahdo ” Gurigaada ka saar Garan-waaga,”,  ayuu yiri Agaasime Ducaale.

Tababarkan oo ay soo qagaasintay waaxda tababarka iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta XFS, ayaa socon doona  muddo shan cisho ah, wuxuuna agaasime Cabdullaahi Xayir Ducaale, kula dardaarmay wariyaasha warbaahinta qaranka ka socda ee ka kala yimid gobollada dalka in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan, wixii ay ka bartaanna ku celiyaan hay’adaha iyo goobaha ay ka kala yimaadeen, haba ugu badnaadaan wariyaasha gobollada ka yimid oo 14-warye gaaraa.

 

BARWAAQADA DALKEEN TAAL INAGU FILAN

Dhullka Soomaaliyeed waa dhul hodan ah oo Ilaahey ku galadaystay nimcooyin dabiici ah oo aan la soo koobi Karin, Soomaalida iyo nimcooyinka dhulkooda Ilaahey ku manaystay waxaa badan barwaaqada Ilaahey ugu deeqay laakiin badan kood ma’fahansana, bulshada dhammaan toodna qayraadkaas sidii saxda ahayd ugama faa’iidaysan.

Soomaaliya waa dal hodan ah, sidaasna caalamka oo dhan ayaa isla qiray hase a haatee dadka Soomaaliyeed waa dad sabool ah oo aduunka dacaladiisa qaxooti ku ah, marka ay Soomaaliya ku soo dhacdo ama looga sheekeeyo dadyowga kale ee caalamka islamarkaa qalbigooda waxaa ku soo dhaca dal burburay oo dagaallo daashadeen bahallo galeenna ah oo qofkii tagaa nolol dambe ay uga dhamaatay, dadka Soomaaliyeedna waxaa laga aamin san yahay dad aan waxba haysan oo u baahan in gargaar la siiyo dhanka kalena dad dila oo waajib ay tahay in la’iska ilaalsho.

Haddaba, Soomaalidu waa dad muslimiin ah oo boqolkiiba boqol diinta Islaamka haysta, maxay isku dagaalayaan? Maxay dhiigooda u daadinayaan? Sooma oga inay danbi tahay? haa, intaaba waa og yihiin, laakiin waxaa laga yaabaa sababo kale iyo adduunyo inay isku dagaalaan; sida daaqa, xoolaha nool, khayraadka dabiiciga ah, dhulka, mansab, jago iyo qabylaad.

Dhulka Soomaalida waa dhulka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, meel muhiim ah ayuu Ilaahey ka dhigay oo waxaa ku yaal Badda Cas iyo Badwaynta Hindiya, waxaa mara maraakiibta sida ganacsiga u kala goosha bari iyo galbeedka dunida,

haddii Soomaaliya nabad ahaan lahayd oo dadkeedu hashiin lahaa dhammaan tood waxaa ku fillaan lahaa canshuurta laga qaadi lahaa gaadiidkaas badda maraya, baddeena Soomaaliyeed waxaa ku jira kalluun aad u badan oo aysan ka faa’iidaysan umadda Soomaaliyeed

haddii ay ka faa’iidaysan lahaayeen iyada ayaa ku fillaan lahayd Soomaalida oo dhan, nasiib darro hadda badda Soomaaliyeed maraakiib shisheeye ayaa iska dul heeheeba oo kalluunkii xaalufinaya ayaga oo mashiino u isticmaalaya marna qashin ku soo daadinaya.

Baddeena Soomaaliyeed waxaa ku jira gaas dabiici ah iyo shidaal, haddi la soo saaro shidaalkaas dadka Soomaaliyeed dhammaan waxay u noolaan lahaayeen sida boqorradii, Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada geeska afrika ugu shidaalka badan adduunya nasiib darro lama soo saarin duruufaha jira aawadeed.

Hadda cadow baa doonaya inuu naga qaato balse inshaa allaahu waan ka difaacan doonnaa waxna waan ka qabsan doonnaa ganacsigeenana wuu isdhexmari doonaa.

WQ: Abwaan Gabeyre

 

XAQIIQDA LAGAMA TALLAABSAN KARO

Waa in aad wajahdaa xaqiiqda dhabta ah waayo qiyaaliga ama dhalanteedka ma aha mid kuu hoggaamin kara nolosha dhabnimadeeda, hadii kale waxaad noqoneysaa qof gebi dhacleynaya oo hadba meel u jedsada.

Ogow in aad tahay shaqsi ku nool caalam horumarsan oo wax walba cad yihiin mana aha in aad rumeysato iskana dhaadhiciso wax aan xaqiiq aheyn adigoo u haysta in aad wanaag ku gaari doonto.

Meel aan aheyn wadiiqo ama jid la maro adigu maskxdaada kuma sawiran karid in ay tahay jid la maro taas oo kalena waa qar iska tuurnimo.

Saykolojiyagu waxay qabtaa in aadan waxa xaqiiqda ah aadan waxba ka bedeli Karin oo ay tahay in aad wajahdo sida ay tahayna u abbaarto waayo shalay haddii aad cuntay bariis subag lagu kariyey maantana aad heshay rooti qalalan waa xaqiiq ku soo wajahday mana dhihi kartid maanta maxaab rooti qalalan u cunayaa

Dadka qaar waxay ka walaacaan xaaladda ay ku sugan yihiin iyagoo isku dayaya in ay si qasab ah wax uga bedelaan ama ay ka welwelaan oo walaac muujiyaan.

Ogow welwel iyo walaac xal uma nqonayo in uu wax ka bedelo xaqiiqda aan la dhaafi Karin waana tan keentay in laga fekero arrimaha la xiriira cudurada maskaxda marka laga hadlayo in la wajaho xaqiiqda.

Qaar ka mid ah dadka dersa cudurada maskaxda waxay sheegaan in dadka waasha ay yihiin kuwo wajihi waayey xaqiiqda oo ku fogaada.

Waxay leeyihiin qofka adag wuxuu wajahaa xaqiiqda wuxuuna si adag uga jawaabaa su’aalaha adage e horyaalla ee u baahan in uu wajaho.

Dadka qaar waxay isku dayaan in mashaakilaadka ay si xoog ah ku xalliyaan ama wax walba ay noqdaan sida ay doonayaan iyagoo aan dersin xaqiiqda hor taalla ee ay tahay in si miyir leh looga tallaabsado.

Tusaale ahaan dhagax weyn oo buur ah dadku ma ruuxu karo halkiiisana kama dhaqaajin karo oo waddo kama dhigi karo ilaa uu adeegsado xirfad iyo maskax wada jira isagoo qalab adeegsana .

Taas waxaa la mid ah in qofka laga rabo marka horeba in uu wajaho oo garto xaqiiqooyinka aan laga tallaabsan Karin ee hortiisa ah.

Tusaale ahaan arday ayaa saddex jeer ku dhacay imtixaanka dugsiga sare hadana mar walba waa isla sidiisii oo waxba kama bedelo dhaqankiisii, waxaa loo baahnaa in uu mid mid u soo qaato sababaha uu is leeyahay way keeneen arrintan oo mid walba xalkeed uu dhab ahaan u derso.

Tusaaale ahaan haddii uu daahid badnaa oo inta badan casharadu dhaafi jireen waa in uu wax ka bedelaa oo faalka tagaa xiisad walba marka ay bilaabaneysoo oo uu dhammeystaa isla markaana maskax soo jeedda uu kula socdaa xiisadda osagoo meel iska dhigaya wax kasta oo kale .

Marka la faaqido xaqiiqooyinka si hufanna loo derso mushakilaadka waxaa soo baxaya xalka kaas oo keenaya in mushkiladdu yaraato isla markaana qofku dareemo xasiloni iyo la qabsiga xaqiiqda dhabta ah.

WQ; Maxamed Shiil

 

QASAHA QOYSKA IYO QIYAANADA GUURKA

Qiyaanada guurka waxay keentaa qoys burbur taas oo marka horeba ay xaaraan tahay in la is qiyaano marka ay labada qof qoyska yagleelayaan.

Waa in runta la isu sheego oo aan laga gabban lagana taxadaro xaqiiqooyinka dib u soo bixi doona.

Haddii wiilka uu gabar jeclaado iskuna dayo in uu been ku soo jiito sida isaga oo sheegta hanti io xoolo uusan laheyn runta ayaa ka daba imaaneysa waayo maanta gabdhaha jooga ma aha kuwii hore ee la oran jiray been ku soo xero gali runna ku dhaq.

Kuwani waa ka duwan yihiin kuwaas maadaama ay yihiin gabdho wax bartay oo ballanta yaqaana waxayna kaa sugeysaa wixii aad u ballanqaaday in aad u fuliso.

Nin ayaa gabar isugu sheegay in uu yahay nin sheikh ah oo aan wax balwad ah laheyn oo culimo ah markii ay reerkooda u geysanna way ka oggolaadeen oo waa ku dareen.

Muddo ka dib gabadhii way fahmi weyday wiilkii oo caadeystay in uu xilli dambe habeekii soo hooydo maalintii dambena soddohdii ayaa ka ka kortagtay isagii oo qaad wata lacag qaadna ay naag u heysato.

Soddohdii ayaa arrinkii gashay waxayna wiilkii ka bixisay lacagtii qaadka ee lagu lahaa ka dibna waxay weydiisay gabadhii xaalkiisiina way u sheegtay iyo sidii ay uga fujisay naagtii ku dheggeneyd.

Gabadhii ayaa dhinca gurigeeda u dhaqaaqday waxayna habeenkii markii uu soo hoyday waydiisay arrinka dhacay waxaana halkaa ka bilowday qaylo iyo sawaxan Gurigii marki lagu soo baxay ayey gabadhii sheegtay in markii hore uu u muujiyey in uusan wax balwada ah laheyn laakin hadda ay u caddaatay in uu qayilo.

Qoyskii wiilka ayaa sheegay in ay wax badan ka waaniyeen balwadda iyagoo codsaday in ay mar kale helaan fursad laakiin waa laga goyn waayey balwaddii halka qoyskii gabadha ay ka biyo diideen balwadda wiilku lahaa waxayna soo jeediyeen in wiilku kala doorto qaadka iyo qoyska.

Gundhigga ayaa ah in runta lagu ballamo wixii lagu ballamayna la fuliyo oo aan lagu xad-gudbin.

WQ: Abwaan Gabayre

 

BOGGA FAAFINTA RASMIGA AH DOWLADDA IYO SHACABKA OO KA DHIIDHIYAY GARDARADA ITOOBIYA EE DAMACA BADDA (WARBIXIN)

Ra’iisul wasaaraha qar iska tuurka ah ee Ethiopia oo dhowrkii sano ee u dambeysa wajahaayay culeysyo Siyaasadeed oo uu kala kulmayay Dibada iyo Gudaha Ethiopia, iyadoo lagu xasuusto Dagaalkii Sudan, dagaalkii/Xasuuqii uu ka geystay Gobolka Tigrayga, haddana wuxuu hadda dagaal barakicin ah ka wadaa Degaanada Amxaarada iyo Oromada, kuwaasoo diidan siyaasadiisa qaris ka tuurnimada, iyadoo Khubarada ku takhasustay Xeerarka Caalamiga ah ay Hogaanka Dalka Ethiopia ku eedeeyeen inuu jabiyay mid ka mid ah Mabaa’dida Aas-aasiga ah ee Ururka Midowga Afrika iyo kan caalamka, isagoo fara-gelin qaawan iyo duulaan dhuleed ku sameysay mid kamid ah Dalalka Midowga Afrika oo ah (Soomaaliya), kadib markii heshiis bug ah ay ku doonaayaan iney si xoog ah u qaadato Xeebta Degmada Lughaya.

Warar wel wel xambaarsan ayaa laga soo sheegayaa degaannada Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo Xooggaga Amaanka Degaannadaasi ay bilaabeen ugaarsi ay ku hayaan Culumaa’udiinka, Waxgaradka Dhallinyarada iyo Haween ka dhiidhiyay Heshiiska uu ku bixiyay Muuse Biixi Xeebta Lughaya iyo Waddo 90-Km ah oo oo xeebta ilaa Xuduuda ku teedsan, iyadoo dhinaca kalena la sheegayo Wararka dhiilada leh ayaa lagu soo waramayaa in Wadaadka Sheekh Mustafa Cabdi Cumar oo ka soo jeeda Beelaha Waqooyi ay habeen hore Hoyga uu degenaa ku weeraray Xoogag hubeysan ay Hormuud u yihiin Wiilka Muuse Biixi iyo Madaxa Sirdoonka Maamulka, iyadoo Rasaas badan ku argagax geliyeen Xaaska iyo caruurta Wadaadka inkastoo uusan Wadaadku xiligaasi ku sugneyn Gurigiisa, waxaana Magaalooyinka Burco, Sheekh, Boorame iyo Hargeysa la dhigay jid-gooyooyin Dadka & Gaadiidka lagu baaraayo, sida aan ka soo xiganay Ciise Xasan oo ah falanqeeye dhinaca Amniga ah oo jooga magaalada Helsinki ee cariga Finland.

“Ku darsoo Maleeshiyaad hubeysan iyo Gaadiid dagaal ayaa habeen hore ka baxay magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda Magaalooyinka Lughaya, Seylac iyo Boorame ee Gobolka Awdal, si ay u caburiyaan Shacbiga Degaanadaasi oo diiday Heshiiska Is-fahamka lagu sheegay, waxaana ku wehliya Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Dalka Ethiopia”, ayuu siiracay.

Dhawaan ayay aheyd markii Magaalada Burco laga soo qabtay Wadaadka Cabdimaalik Coldoon, isla markaasna Tacadiyo iyo Jir-dil ay geystaan Maleeshiyaad ka tegay Magaalada Hargeysa, waxaana loo aaneynayaa Hadalo uu ku diidan yahay Heshiiska been abuurka ah oo uu dhawaan jeediyay, isagoo sheegay in wax laga xumaada ay tahay in Soomaaliland ay heshiis dhul ay ku siineysa Itoobiya la gashay.

Xadgududbka ay Itoobiya kula kacayso Soomaaliya  waa mid iyada u daran, sababtoo ah waa dal kala socda oo ay dagaallo sokeeye ka socdaan, qarkana u saran burbur, waxaana u sabab ah:- 1- Qowmiyadda Tigreega ku dhowaaad hal milyan oo qof ayaa looga dilay, waxaana la leeyahay isu abaabul ama dib isku diyaarin bay ku jiraan. 2- Gobolka Amxaarada bandow baa saaran, laakiin jabhaddoodu mararka qaar Addis-Abbaba ayay ilaa 100km u soo jirsataa. 3- Heshiiskii dawladda iyo Jabhadda Oromada wuu burburay, Wasiiru dawlihii Wasaaradda Nabadda Mr Taye Dandea ee dawladdu ku eedeyay in ay ka dambaysay fashilka heshiiska Xabsiga ayaa la dhigay, jabhadduna duleedka Caasimadda ayay ka dagaalantaa. 4- Dagaalladaasi waxay dalka geliyeen qarash balaayiin doolar ah, intaa waxaa u dheer in taliskii  Tigreegu uu horay u xaalufiyey qasnadda dawladda, halka musuqa baahsan u sii dheer yahay, kuwaasi oo sababay in dawladdu ay daynta iska bixin la’dahay. 5- Maamulka Abiy Inta badan deriska iskuma wanaagsana, dunida kalena cidna taageero kaga heli mayo in xiisad hor leh geeska Afrika ka aloosanto, iyadoo kuwii hore loo taag la’yahay, waxaa sidaasi qaba Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Waxaa kaloo uu Xildhibaankun qabaa in Itoobiya ay dowlad wanaagsan tahay Soomaaliya, waayo ayuu leeyahay, Halka Soomaalia ka soo kabatay; 1-  Dal isku soo noqonaya, dadkiisuna isku imaanayaan. 2- Dayntii laga cafiyey, cunaqabatayntii hubka laga qaaday, taasoo u saamaxaysa in dalku dhisto ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka dalka la wareega, ilaaliyana gobbonimada, madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka. 3- Waxaanu leenahay qurbajoog firfircoon oo loobiga iyo abaabulka diblomaasiyadda si weyn uga qayb qaadan kara. 4- Waxaan ku baahsanahay geeska Afrika, ganacsi xooggana ku leenahay, waxaan nahay ummad leh dareen daandaansiga neceb, dullaysiga iyo damaca ajanbigana diida.

Xildhibaan Cabdiraxmaan waxa uu soo jeedinayaa “in Hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kan dawlad goboleeyada waxaa waajib ku ah; 1- In wax kasta loo quuro midnimada iyo wadajirka Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan walaalaheen Somaliland. 2- In la dhiso dawlad difaac qaran oo karti, aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo lagu xulay, meelna la iska dhigo damaca, danta gaarka ah iyo kooxaysiga. 3- In la qaado guluf diblomaasiyadeed iyo abaabul dadwayne, mudnaantana la siiyo sidii dalka looga difaaci lahaa cadowga dawladnimada iyo damaca shisheeyaha. 4- In Soomaaliya loo kasbo saaxiboo iyo dawlado aanu nahay dan isku tolan.

Maanta waxaa ka socda magaalada Muqdisho banana baxyo ballaaran Ujeedkiisu yahay in la muujiyo  diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland, kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, kan Qaraaradaha, kan Gobolka iyo guud ahaan Qaanuunka Dowliga ah, iyadoo uu Banaan baxyadaan ka dhigan in ay Ummaddu ku cabirto shacuurtooda difaaca Qaranimada, wuxuuna ahaan doonaa mid taariikhi ah, iyadoo ay hoggaaminayay madaxda ugu sarreeysa Dalka.

Bannaan-baxyadaan ayaa ka dhacay caasimada Muqdisho waxaana ay qayb ka ahayeen bannaan-baxayo maalmihii la soo dhafay ka dhacayay dalka,dowladda Soomaaliya ayaa shacabka ugu baaqday in ay muujiyaan dareenkooda ku aadan xadgududubka Itoobiya ee madax-bannaanida dhulka iyo badda gayiga Soomaaliya,waxaana ay diidmo qayaxan kala hortimid JFS heshiid ku sheega ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland ee qaybta ka ah dhulka JFS.

Goobaha maanta dibad baxayadda ay ka dhaceen ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheed kala duwan oo doonayay in ay muujiyaan dareena diidmahada ah ee damaca gurracan ee Itoobiya,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo ay ka mid yihiin Baddeennu Iib maah,Taako dhulkeena ka mid ah kama tanaasuleyno iyo baddeenu waa hanti qaran iyo dhaxal umaddeed waana looma soo dhawaadaan ayey adeegsanayeen bibad baxayaasha dadweynihii bannaan baxa ka soo qayb galay, waxaana dibadbaxa ku soo biiray Ra”iisul wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo socod dheer ka soo bilaabay xafiiskiisa ayaa Socod ku maray qaybo ka mid ah magaaladda Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen kumanaan ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed ee diidan damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku qaadato qayb ka mid ah Badda iyo Dhulka Soomaaliy, isagoo shacabka khudbad uga jeediyay xarunta taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiisa ay Ajinbi qabsadaan ama ay qaataan,waa u soo halgameen, waa soo xoreysteen, waa dalkoodi, maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho, waa kuwaa Carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”.waxaa sidaa yiri Wasiirka waxbarshadda Soomaaliya mudane Faarax Cabdulqaadir oo ka qeyb galay dibad baxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka ka qayb galaya Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso dhulkeena ayaa aragtidooda cabirey waxaan ay sheegeen in dhulka iyo badda ay yihin hanti dadweyne oo ay ka dhaxleen awoowayaashood lagana sii dhaxali doono oo jiilba jiil ka sii dhaxalidoono sida darteed aysan marnaba sinna suurta galay  ku ahayn damaca gurracan ee itoobiya, waxaana gabi ahaan la fasaxay maanta goobaha Waxbarshada, Shaqooyinka xaruumaha dowladda iyo waliba iyadoo Albaabada loo soo xiray goobaha ganacsiga oo ay dadku dhammaan isugu soo baxeen bannanada magaalada iyo goobaha loo asteeyay dibad-baxayada.

————————————————————————————————————-CULIMADA SOOMAALIYEED OO SOO SAARAY BAYAAN KA DHAN AH DAMACA GURRACAN EE ITOOBIYA

Waxaa hotel-ka SYL ee magaalaada Mogadishu ka qabsoomay shir ay isugi yimaadeen culimada Soomaaliyeed, kaas lagu qaadaa dhigay mowduucyada kala ah:

  1. Muhiimada ay leedahay difaacidda dalka sida Badda, Berriga iyo Hawadiisa; maadaama uu yahay Dal Muslim ah.

T.Aragtida Sharciyeed ee ku aadan Iibinta, kireynta iyo  hibeynta, dhul Muslimiintu leeyihiin in lasiiyo  Gaalo

  1. Sidii loogu midoobi lahaa difaaca qaranimadda iyo madax banaanida Dalka iyo kaalinta hogaamineed ee kaga aadan Dowlada Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, dood iyo falanqeyn dheer kadib kulanka culimada Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada ayaa Intaas kadib waxa kasoo baxay  qodobada hoos ku qoran:

1.Culumada somaaliyeed waxeey ku aamaaneysaa dowladda soomaaliyeed dadaalada eey ugu jirto difaaca dalka ayada oo ugu baaqeysa Dowlada  Federaalka Soomaaliya eey dardar galiso  waajib ka sharciga ah ee ka saran  difaaca Xuduudaha Dalka Dhul, Bad iyo Berriba , sidoo kalana waxeey ugu baaqayaan dhamaan maamulada iyo bulshada soomaliyeed ineey ku garab istaagaan dowlada somaaliaya difaaca dalka

2.In Bulshada Soomaaliyeed meel ay joogtaba u midowdo ka hortaga  faragalinta  iyo boobka lagu hayo gobanimada Dalka kana fogaadaan khilaafaadka siyaasiga ah, qabyaalada ku saleysan  iyo midka fikriga ahba, si loo ilaaliyo difaaca qaranimada  iyo madax banaanida Dalka.

3.Culimadda soomaliyeed waxeey ugu bogaadinayaan wadahadalada dib ugu bilaawday  dowladda federaalka iyo  maamulka Somaliland ayagoo kubaaqayaa in laga miradhaliyo wada hadaladaas si loo xaqiijiyo midnimada umada soomaaliyeed

4.In hoggaan dhaqameedka, ganasatada,  Culimada, Macalimiinta, bahda Saxaafada, abwaanada dhamaan  iyo aqoonyaahanka soomaaliyeed eey gacan ka geystaan abaabulka bulshada isla markaana uga digaan marin habaabinta lagu hayo Diintooda, Taariikdooda, Dhaqankooda iyo Xuduudahooda, kuna garab istaagaan dowladda soomaaliyeed difaaca dalka

5.In sigaar ah Dhalinyaradu  gutaan waajibka  ka saaran difaaca Qarannimada Soomaaliya, si la mid Dhalinyaradii  usoo dagaalamey kana qeyb qaatey halgankii goboanima-doonka Dalkeena  kana digtoonaadaan in looga faideysto kacdoonkooda si aan adegeeynin dalkeena, diinteeenaiyo dadeenaba

6.In shucuubta muslimka ah ee dagan Gobalka  geeska Afrika ku  baraarugaan gulufka gardarada ah ee Abey Axmed isaga hor keenayo shucuubta Muslimiinta, taas badalkeedna waa in shucuubta Muslimiinta iska kaashadaan maslaxada Diinkooda nabad iyo deris wanaagna ku wada noolaadaan.

(انما المؤمنون اخوة…..)

7.Culimadda Soomaaliyeed waxa ay ugu baaqayaan Dowladaha islaamka, Waddamada Carabta, urururada aan kawqada tirsanahay dhamaan caalamka intiisa kale ee nabadda jecel inay is garab taagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed Siyaasad iyo amni ahaanba.

8.Ugu danbeyn Culimadda Soomaalyeed  waxay uga digayaan Dowlada Itoobiya natiijada qaraar ee ka dhalan karta   faragalinta iyo ku xadgudubka xuduuda Dalka Soomaaliya.

————————————————————————————————————-

 

QISO KU SAABSAN ABUURKII UMMUNAA XAAWA CS (QEYBTA 3-AAD)

Aadan iyo Xaawa Jannadii ayuu illaahay ka soo saaray markaa oo aanu Aadan ahayn Nebiga risaaladana loo soo dhiibin, markii jannadii laga soo saaray illaahay ayuu u tooban keenay.

Ka dib markii illaahay dhulka keenay waxa uu baray habkii ay u noolaan lahaayeen, illaahay waxa uu u soo dejiyay qamadi, waxaana uu baray sida loo beero loona goosto iyo sida loo cuno, illaahay sidoo kale dadkii waxa uu baray lacagta iyo dahabka iyo dheemanta iyo sida loogu shaqayto dahabka iyo danaaniirta.

Khilaafkii Labadii Wiil ee Nebi Aadan (CS):-Ilaahay (SW) waxa uu yiri: “Xus Nebi Maxamadow markii illaahay ku yiri malaa’igta dhulka waxa aan ka yeelayaa khaliif, waxa ay yiraahdeen oo ma waxaad ka yeelaysaa cid fasahaadisa dhiigana daadisa anaguna waxa aanu ku tasbiixsanaynaa xamdigaaga oo waanu ku maamusaynaa, wuxuu yiri waxa aan ogahay waxaydaan ogayn” Suuratul Al Baqra 30.

Aayadani waxay inoo cadaynaysaa in uu illaahay  qadaray in ay is khilaafaan labadiisa inamood iyaga oo isku khilaafay kii dhulka camiri lahaa citifaacsan lahaana, dhulkaas oo illaahay dhigay dhir, xayawaan, macdano iyo waxyaabo kale oo badan.

Illaahay waxa uu uga waramay oo uu baray Malaa’igta in uu dhulka gacanta u gelin doono cid hantida oo cuni doonta wixii ka soo go’a, kalana soo bixi doona macdanaha dhulka hoostiisa ku jira iyadoo qoloba qolo dhaxlaysa.

Malaa’iigtii ayaa illaahay waydiisay :- Illaahayow anagu waanu ku caabudnaa oo midkaayo kuma caasiyo? Illaahay (SW) ayaa u cadeeyay xigmada uu ka leeyahay in uu bani’Aadan ku abuuro dhulka dushiisa iyadoo ay ka mid yihiin cid dhiiga daadin doonta, dhulka kharabi doona oo ay weliba kuwaas ay ka mid yihiin Nebiyo iyo Awliyo.

Taas oo weliba Aadan dheer yahay fadli, illaahay waxa uu baray magacyada oo dhan, taas oo uu kaga sareeyay Malaa’igta, ilaa uu Aadan gaaray in uu sheego magacyadii oo dhan, kadibna waxay ogaadeen in uu yahay qof ka fadli badan iyaga.

Nebiga (CSW) waxa uu inoo sheegay:- Waxa laga soo saaray Nebi Aadan jannada maalin jimce ah waxaana adduunka la keenay maalin Jimce ah.

Sidoo kale Abu Hureera (RC) waxa uu Nebi (CSW) ka weriyay in uu yiri: (Maalinta ugu khayr badan ee cadceedi soo baxdo waa Maalinta Jimce, maalintaasi waa maalintii Aadan la abuuray, waa maalintii uu jannada uu galay, waana maalintii laga soo saaray )Muslim.

Goobtii Nebi Aadan uu Dhulka kaga soo degay:- Illaahay (SW) waxa uu faray Aadan iyo xaawa in uu jannada ka guuraan una guuraan dhulka, shaydaana sidoo kale ayuu faray, sidoo kale illaahay waxa uu caddeeyay in ay dhexdooda noqon doonto cadaawad xeel dheer una dhexaysa Iblays oo illaahay naxariistiisa ka fogeeyay iyo duriyada Nebi Aadan (CS) ilaa qiyaamaha.

WD: Ibraahim Warsame

 

NABI AADAN IYO DHISIDII GURIGA XARAMKA EE MAKKA (QEYBTA 4-AAD)

Illaahay (SW) waxa uu Nabi Aadan (CS) faray  in uu dhiso guriga illaahay ee Makka ku yaala wuxuuna yimid maka waana uu dhisay, isagoo ka dhisay shan nooc oo ciida duurul siina, duurul sayta iyo lugnaan iyo jawdi, seeskeedana waxa uu ka dhisay Xara.

Markii uu dhamaystiray dhismaheedi illaahay ayaa u soo diray malag baraaya dadka goobaha cibaadada sidiina way ahayd illaa uu illaahay halaagay qoomkii reer Nuux, ka dibna ay baaba’day Kabcadii ka dibna illaahay u soo diray Nebi Ibraahim oo dib u dhisay.

Haabiil iyo Qaabiil:-

Illaahay waxa uu yiri (SW) “U akhri warkii labadii wiil ee nebi Aadan si dhab ah, markii la siiyay qurbaan ee midkood laga aqbalay kii kalena laga aqbali waayay, waxa uu yiri waan ku dili waxaana uu ku yiri kii kale illaahay waxa uu ka aqbalaa uun kuwa alle ka cabsada, haddii gacantaada ii soo fididis aniga si aad ii dishid anigu gacantayda kuu soo fidid maayo si aan adiga kuu dilo, anigu waxa aan ka cabsanaya illaahay, anigu waxa aan doonayaa denbigayga iyo denbigaagaba in aad xambaaratid oo aad noqotid dadka ahlu naarka ah, taasina waa abaal marinta kuwa daalimiinta ah.

Waxay u qurxisay naftiisi in uu dilo walaalkii waanu dilay walaalkii, waxaana uu noqday kuwa guul daraystay, illaahay ayaa u soo diray tuke isagoo baarbaaraya dhulka si uu u aaso walaalkii, wuxuu yiri alla hoogaygee miyaan awoodi kari waayay in aan noqdo sida tukahaas oo kale oo aan u aaso walaalkay, waxaana uu noqday kuwa murugaysan” Suuratul Maa’ida 27- 31

Waxaynu ku soo uruurin doona Qisada Haabiil iyo Qaabiil Xaawa waxay dhashay afartan qof, mar kastana waxay dhalaysay wiil iyo gabadh, Nebi Aadanna wiil kasta waxa uu u dhisi jiray gabadh, Haabiil ayaa doonay in uu guursado qaabiil walaashii oo ka qurux badnayd Haabiil walaashii, dabadeedna Qaabiil waxa uu doonay in uu u doorbido isaga, laakiin Aadan ayaa faray in uu guursado iyada waanu diiday, midkastana waxa uu doonay in uu illaahay ugu dhowaado Qurbaan, kadibna waxay tageen Makka si ay u soo Xajiyaan, midkastaana illahaay wuxuu ugu dhowaaday wixii uu doonayay,

Haabiil waxa uu illaahay ugu dhowaaday Neef Xoola ah waayo wuxuu lahaa ari, Qaabiilna wuxuu ugu dhowaaday illaahay dalag ( geed gab) waxaanu lahaa beer, waxa ku soo degay naar waxayna cuntay tii haabiil waxayna iskaga tegtay tii qaabiil kadib wuu carooday caro daran waxaana ku yiri walaalkii haabiil waan ku dilaya si aanad u guursan walaashay.

Haabiil wuxuu ku yiri illaahay wuxuu wax ka aqbalaa kuwa isaga ka cabsada.

Habeen habeenada ka mid ah ayuu ku raagay Haabiil meeshii xoolo daaqsiinta Aadan ayaana u diray isaga oo ka soo noqday Xajka walaalkii Qaabiil si uu u soo eego wixii dib u riday, markii uu u tagay waxa uu ku yiri illaahay adiga ayuu kaa aqbalay anigana igamuu aqbalin, markaas ayuu Qaabiil ku yiri illaahay dadka wanaagsan ayuu wax ka aqbalaa, qaabiil wuu carooday dabadeedna wuxuu u yimid isaga oo hurda dhagax wayn ayaana madaxa ka saaray.

Sida lasheegay markii uu dilay Qaabiil Haabiil wuu murugooday ilaa ay is bedeshay urtiisi, dushiisana waxa fuulay shinbiro, xayawaankiina waxay u diyaargaroobeen in ay cunaan, waanu nacay in uu Aadan u yimaado si uu uga murugoodo, waana uu sitay ilaa uu arkay laba tuke oo isku dilay hortiisa, oo midi midkii kale dilay kadibna afkiisi dheera ku qoday dhulka, uuna ku aasay, wuxuu yiri alla hoogaygee miyaan awoodi kari waayay sida Shimbirkaas oo kale waxaana uu sameeyay sidii shimbirku sameeyay halkii ayuuna ku aasay walaalkii.

Qaabiil waxa uu ahaa kii dilay walaalkii isaga oo ah muslim muumin ah, manuu ahayn gaal laakiin waxa uu ku dhacay denbi wayn, waayo waxa uu qudha ka jaray walaalkii Haabil isaga oo sameeyay dulmi iyo cadaawad.

Ibnu Mascuud (RC) waxa uu Nebi (CSW) ka weriyay in uu yiri: Naf laguma dilo gardaro haddi kale dembiga bar ayuu ku leeyahay ibnu Aadankii ugu horeeyay (Qaabiil), waayo waxa uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee jideeyay dilka.

Dhimashadii Nebi Aadan iyo Xaawa:

Wuxuu noola Nebi Aadan kun sanno, boqol iyo sodan sanno wuxuu ku qaatay jannada wuxuuna dhulka ku noola kun sanno, markii uu dhintay umadiisa waxa uu kaga tegay diinta islaamka iyo iyaga oo caabudaya illaahay kaligii waxna aan u shariik yeelayn. Dadkii waxay sii noolaayeen kun sanno oo kale iyaga oo haysta diinta islaamka manay jirin gaal iyo mushrik, waxay timid gaalnimada iyo mushriknimadu Nebiyulaahi idiris (CS) ka dib.

Nebi Nuux waxa uu ahaa Nebigii ugu horeeyay ee illaahay gaalo u soo diro. Nebi Aadan waxa lagu aasay Makka ama buurta mina meel u dhow masaajidka Khiifa, iyada oo imika aan laga arkayn calaamado ku tusaaya, waxa kale oo la sheegay in uu ku aasan yahay buurtii uu ku soo degay ee Hindiya, waxa kale oo la sheegay in uu ku aasan yahay buurta Abu qirays lagu magacaabo ee maka illaahay baa og. Sidoo kale waxa la sheegay in ay nooleed Gabadhiisi Xaawa Nebi Aadan ka dib sannad, waxaana la sheegay in lagu aasay magaalada Jidda.

Wa Billaahi Towfiiq

WD: Ibraahim Warsame

 

 

ISLAAMKA IYO WAKHTIYADII UGU FURASHADA BADNAA (QEYBTA 1-AAD)

Halkii u shisheeysay ee ay Muslimiintu gaareen Bari iyo Galbeed

Xilligii Waliid bin Cabdul-Malik uu talada Muslimiinta hayey ayay Muslimiintu gaareen guulihii ugu waaweynaa ee xagga furashada, iyadoo ay gaareen meeliihii ugu fogaa ee dhinaca Galbeed iyo dhinaca Bari iyo koonfur bariba, iyadoo sannadihii 91 ilaa 96 Hijrada ay guulaha ugu waaweyn soo hoyyeen saddex sarkaal oo caan ahaa ayaa jiray waa ammaanduulihii hoggaaminayey gulufkii jihaadka ee dhinaca galbeed ka socday Muusa bin Nusayr iyo gacan yarihiisii geesiga ahaa Taariq bin Ziyaad, saraakiishaas waxaa usuurowday inay gacanta  ku dhigaan Woqooyiga Afrika iyo dhulkii Andalus la oran jiray oo ahaa dhulka ay maanta ka taliyaan dalalka Burtaqiiska iyo Isbayn.

Sidookale abaanduulihii aagga bari Qutaybah bin Muslim Al-Baaliyi oo  ahaa sarkaalkii hoggaamiyey halgankii lagu furtay dhulka ugu fog ee bari ay Musliintu ka gaareen isagoo la wareegay magaalooyin waaweyn iyo dawlado boqortooyo ahaa oo dhulkaas ka dhisnaa oo ay ka mid ahaayeen Khawaarzim oo magaalo iyo dawlad magaceedba isku ahaa iyo Bukhaari yo Samarqandi.

Waxaa kaloo jiray abaanduule qaabilsanaa aagga Hindiya oo koonfur bari ku aaddanayd Muxammad binul-Qaasim Athaqafii…

Labada Janan oo dhinaca bari iyo koonfur bari xigay waxaa ka sarreeyey oo ay hoos imaanayeen Xajaaj bin Yuusuf oo isagu inkastoo uu daalim maamul xun ahaa haddana dhinaca furashooyinka iyo arrimaha milatariga ku fiicnaa oo amarro adag bixinayey gurmad is daba joog ahna diriyey, waliba dhinaca Hindiya qaybteeda soke qorshaha lagu furtay iyo dhiirri galinteedaba isagaa lahaa.

Furashadii Sindi iyo Bunjaab (Baakistaan)

Dhulka Bakistaan in la furto waxaa sabab u ahaa sannadkii 90aad ee Hijrada ayaa waxaa dhacday burcad badeed ka tirsanaa maamulkii ka jiray galbeedka Hindiya oo dalka hadda Bakistaan loo yaqaan ah baa waxay afduubteen 18 doonyood oo ay lahaayeen Muslimiin ganacsato ah oo dhinaca dhulkii Sayloon loo yiqiin (Siiralaanka) iyo jaziirado la daris ah, oo ay saarraayeen hanti badan iyo hadiyado, waxaa kale oo saarnaa dad haween u badan oo Muslimiin ah oo ahaa gabdho aabbayaashood ganacsato ahaayeen oo dhulal shisheeye dageen oo markii ay dhinteen soo laabtay oo doonayey inay dalweynaha Muslimiinta u soo laabtaan.

Markii doonyihii la afduubay baa gabar Reer binuu Tamiim ah oo jifida binuu Yarbuuc ka mid ahi waxay tiri: Xajaajow! Xajaajow!! Waxay u habar wacatay boqor hoosaadkii ka talinayey dhulweynihii Muslimiinta ee bariga ahaa Xajaaj bin Yusuf oo isaguna markii warkaasuu soo gaaray u jawaabay oo yiri: Wallee haddii aanan dhiman waa kuu hiillinayaa.

Xajaaj markii hore wuxuu arrinta ku raadiyey inuu xal nabadeed ku soo cesho doonyaha iyo dadka saaran wuxuuna farriin u diray boqorkii dhulkaas ka talinayey oo boqortooyada Hindiya hoos imaanayey oo jagada Xajaaj oo kale haystay, wuxuuna ka codsaday inuu burcad badeedda dadkiisa ah doonyahaas ka soo daayo, laakin wuxuu u sheegay inuusan burcad badadeedda waxba ka qaban Karin oo ay ka madax bannaan yihiin.

Markaas ayuu Xajaaj carooday oo wuxuu iska daba diray gaasas cartamaya, gaaskii u horreeyey wuxuu abaanduule uga dhigay Cabdullaahi bin Nahbaan dagaal kharaar ka dibna waa la dilay oo waa uu shahiiday, markaasuu misna xilkii u dhiibay sarkaal kale oo la oran jiray Baddiil bin Tahfah oo Reer Bajiila ahaa isaguna guul isagoo aan gaarin buu shahiiday.

Markaasuu Xajaaj ku dhaartay inuu dalkaas furto wax kasta ha ugu kacdee oo diinta islaamku afartiisa gees ku faafto, wuxuuna ka codsaday hoggaankii sare ee Muslimiinta Waliid bin Cabdul-Malik oo isaguna mar walba garab taagnaa ciddii diinta islaamka meel fog sii gaarsiinaysa oo awoodda Muslimiinta kor u sii qaadaysa inuu u fasaxo inuu dhulkaas ku saaro gaasas diigaanyo ah isagoo u ballan qaaday dhaqaalaha xoogga leh ee hawlgalkaas ku baxaya inuu mid wax badan ku laban laabma uu dhulkaas ka soo balalaysan doono oo khasnadda dawladda kusoo celin doono dhaqaale ka sii badan, markaas baa fasax buuxa loo siiyey.

Markaas ayuu hawlgalkaas u doortay nin da’diisu yarayd laakiin uu ku garanayey geesinnimo iyo go’aan adag oo aan dabac aqoon, waa ninkii la oran jiray

WD: Ibraahim Warsame

Shir madaxeedka Ururka Islaamka oo taageerray Qarannimada Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada

Banjul:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeybgalay Khamiista kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ay ugu gogol-xaarayaan Meertada 15aad ee Shir madaxeedka Islaamka oo ay martigelinayso Caasimadda Gambia ee Banjul, waxaana kulanka heer Wasiir uu socday intii u dhexeysay 2-3 May, isaga oo huwan hal-ku-dhigga (Xoojinta midnimada iyo is-garab-taagga, iyadoo loo marayo wadahadal ku suntan horumar waara).

Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirka oo qabsoomay shalay oo Khamiis ahayd iyo maanta oo Jimce ah, waxaana looga dooday warbixinta iyo war-murtiyeedka shir-madaxeedka ka soo bixi doona oo ay isla oggolaan doonaan hoggaamiyeyaasha iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka.

Shir-madaxeedka la filayo inuu furmo beri oo Sabti ah ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.

Shir-madaxeedka ayaa lagu soo xiri doonaa war-murtiyeed koobaya mowqifka Ururka ee arrimaha lagu fallanqeeyay shirka oo ay ku jirto taageerro sugan oo loo muujiyo midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, iyo dadaalka ka dhanka ah argagaxisada.

War-murtiyeedka ayaa si adag ugu gacan-sayraya tallaabo weliba oo meel ka dhac ku ah qarannimada dhuleed, bad iyo cir ee Soomaaliya, sida heshiiska is-afgarad ee sharci-darada ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee loo yaqaan magaca “Somaliland”.
Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa waxa uu adkaynayaa muhiimadda ay leedahay taageerro agab iyo mid farsamo oo loo fidiyo hey’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ka-hortagidda caqabadaha oo ay ugu horrayso abaaraha oo halis ba’an ku ah sugnaanshaha cunto ee Soomaaliya. War-murtiyeedka ayaa lagu taageerray musharraxa Soomaaliya,Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam, ee xilka Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, muddo xileedka (2025-2028). Waxaa war-murtiyeedka sidoo kale lagu xusay qodobo ka hadlaya arrinta Falastiin, Magaalada xurmadda leh ee Qudus iyo Baaqa Banjul.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo hambalyo ku aadan 3-da May u diray saxafiyiinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaaliyeed  ugu hambalyeeyay dabbaal dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May.

Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray U dabbaal degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, maadaama adduunkaoo  dhami uu dhibane u yahay  isbeddelka Cilimida.

“Munaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah furnaanta, iyo dimuqraadiyadda, waxaan qirayaa in doorkiina wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah’ ayuu ku yirri dhambaalkiisa Wasiir Daa’uud.

Wasiirka ayaa wariyayaasha ku dhiira galiyay in ay door xooggan ka qaataan wacyigalinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka ka mid tahay.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha.

“Waxaa ajande  weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go’aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro” ayuu yiri Wasiirka

Wasiirka ayaa intaa ku daray “ Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiiragalinta dhaqan galinta mabaadi’da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda”