Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Mas’uuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed

Wasiirka MaaliyaddaXukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda shir muhiim ah kula yeeshay masuuliyiinta iyo maamulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda dakhliga Dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo wadashaqaynta Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee canshuur bixiyeyaasha ah.

Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay dadaal ugu jirtaa sidii loo kobcinlahaa dhaqaalaha loona abuuri lahaa fursado maalgashi oo gudaha iyo dibadaba ah.

Wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo daah furtay Ololaha Qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka XFS HE.Dr. Maryan Maxamed Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daahfuray Ollolaha Qaliimada iyo daweynta caruurta ku dhalata daloolada wadnaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan Hey’adda Samafalka ee Madaale Foundation iyo Isbitaalka taqasusiga Wadnaha ah ee Redsea.

Mashruucaan Samafalka ah oo ay kafaala qaaday Hey’adda Madaale Foundation ayaa loogu tala galay in ay ka faa’ideystaan tobonaan caruur ah oo ku dhashay xanuunka daloolada wadnaha.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka ayaa bogaadisay dadaalka uu Isbitaalka Redsea wado iyadoo balan qaaday in Wasaaradda Caafimaadka ay kaalin mug leh ka qaadan doonan Olalaha Caafimaad u raadinta Caruurta la ildaran Xanuunka Daloolada Wadnaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka ayaa Isbitaalka RedSea uga mahacelisay hirgelinta  adeegan oo loo aadi jiray wadanka dibadiisa taasoo ay ku bixaan qarashaad badan oo culeys ku ah bukaanda balse manta waxaa daboolay baahidaas isbitaalka redsea, waana markii ugu horaysay ee gudaha wadanka lagu fulinaayo xirista daloolada wadnaha ee caruurta yar yar.

Munaasabadda daahfurka ollolahan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Hodan iyo Maamulka Isbitaalka Redsea, Bahda Caafimaadka iyo qaar ka mid ah eheladda bukaanada ololahan kaa lagu daaweynayay.

 

     

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma Al Rumaithi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Maxakamadda Racfaanka G/Banaadir oo Markale maanta dhageysaneyso kiiska dacwada Saydi Cali oo horay u dilay Xaaskiisa

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in maanta markii  labaad ay dhageysato kiiska dacwadda ah ee ka dhanka ah eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in xaaskiisa uu ku gubay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda ayaa todobaadyo ka hor la horkeenay eedeysanaha kadib markii uu rafcaan kasoo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday maxkamadda Gobolka Banaadir.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa ku Eedeysan in uu gubay xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo ugu dambeyn u geeriyootay dhaawac dabkaa kasoo gaaray.

Howlgal lagu dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta oo ka dhacay gobolka Baay

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa howgal lagu khaarajiyey horjoogayaal iyo maleeyshiyaad ka tirsan khawaarijta ka sameyey gobolka Baay.

Howlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Sarman dheere ee gobolka Baay iyadoo maleyshiyadi khawaarinta qaarna lagu laayey  kuwana nolosha lagu qabtay.

Ciidanka xoogga iyo kuw degaanka ayaa maalmihii danbe howlgallo ballaaran oo ka dhan ah khawaarijta kawaday gobollada dalka,iyadoo ay isa soo dhiibeen tiradii ugu badneyd oo katirsan khawaarijta.

AROOSKA REER BARAAWE MUXU KAGA DUWANAA AROOSYADA SOOMAALIDA KALE?

Arooska marka laga hadlo reer baraawe wax badan ayey kaga duwanaayeen Soomaalida kale, oo arooskooda maalmo ayuu socon jirey, xitaa dhaqan waxa ay lahayeen gabadhaha marka la soo doonto oo la bixiyo in guriga hooyadeed laga wadi jirey oo guri kale la geyn jirey sida guriga ayeeydeed ama asxaabteeda iyado looga dan leeyahay in mudadaas arooska ka dhiman aan la arkin xitaa bannaan uma aysan so bixi jirin iskaba daa in ninka lagu daraayo ay is arkaan!.

Maalmahaas ay qarsan tahay gabadha waxaa loo sameeyn jirey in huruud iyo waxyaabaha la isku qurxiyo oo dabiiciga ah loo mariyo si iyada oo nuureysa loo arko maalinka arooska, intaas marka lagaso tago waxa jirey wax ay dhahaan sariir saar waana arrin iyaga u gaar ah oo soomalida kale aan ka simaneyn xitaa reer xamarka,

sida caadiga ah sariir saarka waxa uu dhacaa maalinka beri arooska yahay manta oo kale micnaha maanta wiilka ciddiisa marka ay meherka iyo arooskooda isku darsanayaan, dhanka gabadha waxaa ka dhacaayo cilaan maris iyo sariir saar, subixii hore marka meherka uu dhaco ka dib guriga gabadha ay ku qarsan tahay waxa ka bilaabanaayo cilaan Mariska,

ka dib cilaan Mariska marka uu dhamaado galbihii oo kale waxaa dhacaayo sariir saarka, haddii aan sariir saarka sharaxaad idinka siiyo waxa waaye in Galabkii marka la gaaro ay gabadha iyo qofka malxiisadda u’ah in ay sariir seexdaan oo hore loo diyaariyey ka dib marka ay seexdaan in marada hiddaha iyo dhaqanka ee Aliindiga ah lagu daboolo ka dibna maamoyin ay qolka soo galaan ay u duceeyaan gabadha, waxa jirto sharuud ah maamada ducada ku aqrineyso in aysan waligeeda furiin soo marin oo waliba qof weyn oo da’ ah ahaato.

Waxaa kale ay aaminsan yihiin aroosadda gabadha sariirta la korto in uu arooskeeda soo dhowaanaayo marka maamo walba waxa ay dhihi jirtey gabadheyda hala korto oo ciyow hala guursado, ileen gabdhahooda in yaraan lagu guursado ayeey jeclayeen haddii 20 ay gaarto waxaa ay dhihi jireen waa ay duqowday ama waa (carmal,) gabadhaan maxaa nin la’aan dhigey.

Dhaqan kale oo waxa ay lahaayeen in gabadha qofta malxiisadda u eheed in ay iyada toddobada ka bixiso ilaa isbuucaas na ay iyada la joogto wax walba ay ubaahan tahay u sameyso.

Arooskooda ilaa 7 maalmood wuu gaari jirey in kasto hadda dhaqankaas laga sii guuraayo oo waxay kala ahaayeen 7da maalmood:-

Horta meherka inta uu dhicin wiilka hooyadiisa waxa ay keenta wax tuunzi la dhoho, tuunzi waxa laga wadaa wax walba oo gabadha u baahan tahay oo ay ku jiraan dharkeeda iyo shoppingkeda oo hal shey ka maqneen in ay keento xitaa dahabka, waxaana la keeni jirey gabadha guriga hooyadeeda dadka dhan meesha ayeey iskugu imaan jireen ka dibna hal hal inta loo soo bixiyo ayaa dadka la tusi jirey.

Maalinka labaad waxaa waaye meherka sido kale maalin waxa jirtey wiilka ciddiisa xaflad yar ay sameesan jireen oo gurigooda maalinkaas qado loo doonan jirey, maalin oo gabdhaha dhankooda cilaan saar iyo sariir saar isku jiro, maalinkaas waxaa dhanka wiilka ka socdo meherka, maalinta kale waa arooska gabdhaha oo wax wiil ah looma ogoleen kaliya gabdho iyo maamooyin ayuu ahaa, ka dibna waa la galbin jirey gabadha oo galabkii ninkeeda ayaa u imaan jirey oo wadan jirey.

marka galbiska gabadha hooyadeed looma ogoleen in ay raacdo oo dhaqan ahaan mamnuuc ayuu ahaa kaliya waxa raaci jirey gabdhaha iyo gabadha habar-yarteeda, ka dibna iyadaa soo kala habeyn jirtey wax walba oo waano ah siin jirtay, ka dibna waa ay soo tagi jireen.

Maalmo ka dib marka toddobada la gaaro waxaa la sameyn jirey labo toddobo oo ah mid gabadha hooyadeeda iyo mid wiilka hooyadiisa kala dhiganayaan, mar walba waxaa ku hormari jirey wiilka ciddiisa maalinka ugu horeyso marka ay dhigtaan maalinta kale gabadha ciddeeda ayaa dhigan jireen, maalinkaas ay gabadha guriga hooyadeed toddobada ka dhaceyso gabadha hooyadeed waxa ay keeni jirtey ama qasab ah in ay keento ugu yaraan 2 boorso oo shoping ka gabadha ah sida ay hore uso sameysey wiilka hooyadiisa maalinka tuunziga, ka dibna haddii dahab u raacsiin karto caadi ayeey eheed oo wax qasab ah ma leheen.

Marka ay toddobada ka baxaan dhaqan waxay qabeen in wiilka iyo gabadha ay guriga gabadha hooyadeed aadaan maalinka ay toddobada ka baxaan maalinka ku xigta oo meesha u horeyso ay aadayaan ay noqoto guriga hooyadeed

guriga gabadha ciddeeda waxaa laga sameyn jirey martiqaad aan caadi eheyn oo dhan walba ka diyaarsan qado aan caadi eheyn ayaa loo sameyn jirey ama qofka rabo waxa uu ka dhigan jirey maalinka toddobada ay ka socoto guriga gabadha oo maalinkaas ayaa martiqaadka laga dhigan karey.

Iskuso wada duub arooska reer baraawe dhan walba waa uu ka duwanaa aroosyada kale ee Soomaalida.

WQ: Sacdiya Sheikh Baana

TAARIIKHDA GANACSIGA IYO DHAQAALAHA SOOMAALIYA

Soomaaliya wax-soo saarkeeda aad ayuu u horeeyay, waqtigii nabadda , waxayna soo saari jirtay waxyaabo badan oo kala duwan, sida sonkorta, hilibka, caanaha, qudaarta, miraha iyo waxyaabo badan oo la tiri karin. Soomaaliya waqtigaas waxay ahayd  waddan aad loogu soo dalxiisi jiray, oo dhaqaalihiisa kor u socday.

Dhaqaalaha soomaaliya waxuu mar ahaan jiray dhaqaalaha ugu xooggan bariga afrika. Wadamada ee Soomaaliya la ganacsan jirtay waxaa ka mid ah wadamada ee dariska yihiin iyo kuwa yurub iyo aasiya.

Maanta dhaqaalaha soomaaliya wuu burburay, sabab la xiriirto, dagaalada aan dhammaadka lahyn iyo qalqal siyaasadeed. Run ahaantii waddan aan dowlad laheen, dhaqaalihiisa iyo ganacsiga ma socon karaan, laakiin somalia ilaaheey amarkiis ganacsiga wuu sii socday, sabab la xiiirto somalida qurbaha joogto oo wadanka lacago badan soo geliyo, ganacsatada oo  ku dadaaleen in uusan wadanka joogsan dhinaca dhaqaalaha .Maanta Sirdoonka Mareykanka waxay  soo ogaadeen in ganacsiga soomaaliya oo kor u socdo, waxaa wadamada kale loo diraa, Malaayga, dhuxusha, Mooska, sonkorta, Qamadiga, ama bariiska iyo galeeyda, dhinaca xoolaha waxaa somalia laga dhoofiyaa ariga, laxda geela iyo Lo’da . Sida ee sirdoonyaasha mareykanka ee sheegayaan, Soomaaliya ayaa bariga afrika ugu dhoofis badan dhinaca ariga , geela ama lo’da.

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo: Xoolaha la dhaqdo kuwaasoo loo qeybiyo afar qeybood kalana ah Geela Lo’da oo iyagu la’isku yiraaho Ishkin, Idaha iyo Eriga .

2-Lo’da neefka lab waxaa loogu yeeraa Dibi kan dhadigana Sac marka ay yaryar yihiina waxaa loogu yeeraa Wayl iyo Wayl ama Aalo.

3-Riyo riyaha neefka Lab waxaa lagu magacaabaa Orgi kan dhadigna waxaa lagu magacaabaa Ri marka ay yaryaryihiina waxaa lagu magacaabaa Waxar iyo Waxar ama Maqal

4- Ido idaha neefka lab waxaa la yiraahdaa Wan (Sumal) kan dhedigana waxaa la yirahdaa Lax (Sabeen) marka ay yaryaryihina Nayl ama Baraar.

Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado iyo Miraha inta ay qaadaneeso:

Galayda 70 beri, Masagada 99 beri, Sisinta 90 beri, Mooska 199 beri, Digirta 90 beri

Yaanyada 90 beri, Babayga 99 beri, bataatiga 199 beri, Lowska 150 beri, Canbaha 6 bilod

Magacyada Miraha ka baxa dalkeenna:

Magacyada Geed miroodka ka baxa dalkeena ayaa waxa ay kala yihiin Hohob, Mareer, Gud Dhafaruur, Dhuwan, Ontoro,Deegaan, Dhebi, Gob, Miracas, TukeLalmi,Murcood, Kobash (modhotoon), Askax, Shanfarood, Barde, Dhamaag, Qoone,dhangaloow,beydaaniyo jicib. waxaa kale oo ka baxo kheeraadkaan hoosta ku qoran iyo waqtiga oo ku bislaanaayo.

Khayraadka Baddaheenna:

Wax-soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Baddacas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo bilaabo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan Saylac, Berbera, Caluula, Boosaaso, qandala, Bandarbayla, Hobyo ,Muqdisho, Marka ,Baraawe iyo Kismaayo.

 WQ: Axmed Muuse

 

SALBUKADA CAGAARAN OO FAA’IIDOOYIN BADAN LAGA HELO

Salbukada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu magacaabo cunno maalmeedka (quutal daruuriga) ah waana dalag ka mid ah dalagyada inoo baxa oo uu Illaahay ku manaystay dalkeenna.

Salbukada siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaala, ku darsashada bariiska, kadhigista bajiyo iyo in goosaar ahaan loo isticmaalo.

Salbukada waxay leedahay “protein” iyo “carbohydrate” waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay leedahay macaadin sida “calcium, copper, magnesium, phosphor, potassium, silver, sulfur, folic acid, Vitamin B1, Vit C, Vit E”.

Sido kale waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay Xoojiso xubnaha jirka, baabi’isana jajabka wajiga, caloosha way jilcisaa, xabad xanuunka, waana qandha jabiye.

sido kale waxa ay dumar u qaadan karaan nafaaska (caadada) oo aan hagaagsaneen, waxay u roontahay lafa xanuunka, dhabar xanuunka, daal bi’iye , dheefshiid xumida wax wayn bay qabataa, sokorta hoos ayay u dhigtaa, waxay xoojisaa difaaca jirka .

Darul Dawa Herbal Hospital oo ku yaala magaalada Muqdisho, oo ah macad lagu barto dawo dhireedka ayaa daraasaad uu sameeyey waxaa lagu sheegay in ay dawo u tahay cudurro badan oo ku dhaca bini'aadamka

salbukada waxay ka hortagtaa kansarka dhiiga ku dhaca iyo baabasiirka, wando xanuunka, dhiig-karka, nabraha wajiga ka soo baxa, sunta jirka way ka saartaa, dhiigga way nadiifisaa, maqaarkana way dhalaalisaa, culayska way siyaadisaa, sido kale waxay wax wayn ka qabataa qunfaca,  cunaha, romatisimada iyo kalastaroolka.

Hadaba intaas iyo inkabadan ayay leedahay oo faa’ido ah digirta salbukada.

Waa cunto aad u fiican waxay leedahay “vitamin C iyo bir iyo vitamin D iyo vitamin B6 iyo Calcium iyo Magnesium” iyo waxyaabo kale waxaa ka mid ah faa’idooyinka ay caafimaadka u keento waxay yareysaa caabuqa jirka sidoo kale cudurka sokorta ayay u fiican tahay, sidoo kale waxay dhistaa murqaha jirka, lafahana way u roon tahay.
Waxaa kaloo la sheegay inay u roon tahay salbukada dumarka uurka leh.
waxay ka baxdaa dalal badan
Soomaaliya way ka baxdaa waxaa loo yaqaanaa salbuko, waxayna qoys yihiin Digirta oo ay isu si u wada baxaan, beerashadda miraha Salbukada waa nooc fudud oo Digirta kama beddelno, oo waxay u wada baxaan isku hab.
WQ: Cabdiweli Daljir.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan sagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanayd Soomaaliya Catriona Laing oo soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Danjire Laing doorkii ay ka soo qaadatay taageerada dowladnimada Soomaaliya, muddadii ay ka howlgaleysay dalkeenna, taas oo xoojisay taageerada iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Dhinaceeda, Danjire Catriona Laing ayaa uga mahadcelisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada-shaqeynta ay u muujiyeen intii ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka.

Wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Geeska Afrika, Badda cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaare ku xigeenka XFS, mudane Saalax Axmed Jaamac oo Wakiil ka ah Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamud uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo maanta ka furmaya Banjul.

Shir-madaxeedkan oo goor-dhow furmaya ayaa looga hadli doonaa arrimaha siyaasadda ee saamaynta ku leh dunida islaamka si gaar ah arrinta Falastiin.

Hoggaamiyeyaasha wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka, waxa ay mudnaanta siin doonaan arrimaha dhaqaalaha, bani’aadannimada, bulshada iyo dhaqanka, si gaar ah arrimaha ku qotoma dhalinyarada, haweenka, qoyska, culuumta, tiknoolojiyadda, warfaafinta iyo bulshooyinka muslimka ah.

Ajandaha shirka waxaa sidoo kale lagu soo hadal-qaadi doonaa diididda hadallada nacaybka, islaam nacaybka, kor u qaadidda wadahadalka iyo sidoo kale arrimaha isbeddelka cimilada iyo sugnaanta cuntada.