Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa galabta ku kala saxiixday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya heshiisyo is-afgarad oo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Sooaamliya u saxiixay heshiiskan, halka uu Kenya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Musalia Mudavadi, heshiisyadan Is-afgarad ee ay gaareen labada dal, ayaa kor loogu qaadayaa xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirka Waxbarashada Kenya Mudane Ezekiel Machogu, ayaa kala saxiixday Heshiiska Is-afgaradka oo ku saabsan Iskaashiga Waxbarashada, Tababarka iyo Cilmi-baarista, kaas oo kor loogu qaadayo xoojinta iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Heshiisyadan ayaa qeyb ka ah Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu ku joogo dalka Kenya ee la xiriira adkaynta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada badan leh.

Qaxootiga Suudaan oo ka cararaya Itoobiya kadib marki ay soo wajahday dhibaato joogta ah

Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya  kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda.

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti  oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo ay geysanayaan ciidamda dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin.

Laamaha amniga Itoobiya oo waayadii ugu dambeysay ku howlanaa caburinta muwaadiniinta iyo iska hor keenka qowmiyadaha dalkaas ayaa gabay howshii  loogu tala galay ee sugidda amniga dadka ku nool gudaha Itoobiya oo ay ku jiraan qaxootiga.

In ka badan 7,000 oo qaxooti ah ayaa qorsheynaya in ka baxaan xerada qaxootiga ee Comer kadib markii ay waayeen ciidamo suga amnigooda iyada oo qaarkood laga dhacay wixi yaraa ee ay heysteen.

Waxaa sidoo kale adkaatay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan iyada oo la dhacay kaalmadii loogu tala galay qaxootiga.

Sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan, laga soo bilaabo bishii December ilaa Janaayo, ciidamada Itoobiya ayaa kufsaday afar gabdhood, waxaana sidoo kale jira dhac iyo afduub loo geystay shacabka Suudaan ee ku nool gudaha Itoobiya.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegtay in qiyaastii 27,000 oo qaxooti Suudaan ah  ku noolyihiin gobolka  Amxaarada iyada oo ay sidoo kale  20,000 ku jiraan xerooyin qaxooti oo ku yaal  Benishangul-Gumuz.

Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira fatahaado ka dhasha Roob la filayo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA oo soo saartay digniin ayaa sheegtay in tobanka casho ee soo socota ee 07da – 16ka bisha May 2024ka in ay suuragal tahay in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baletweyn, Bulaburde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaarkale oo wabigu uusan marin.

Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galguduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyndoonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.

Degmooyinka iyo gobollada kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro  ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.

Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.

Xarunta ka digsta halis wadareedka ee SoDMA , ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta  roobabka guga uu ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.

NISA oo fashilisay isku day dil oo doonayeen in ay Muqdisho ka fuliyeen laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyey isku day dil oo laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta ay ka fuli rabeen degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa helay xogta labada dhagarqabe, kadibna waxaa lagu sameeyey dabagal inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii, waxaana halkaas lagu dilay mid kamid ah dhagarqabayaashii, iyadoo kii kale nolosha lagu qabtay, isagoo dhaawac ah.

Ciidamada NISA ayaa soo bandhigay meydka dhagarqabaha la dilay, dhaawaca kan nolosha lagu hayo iyo labo bistooladood oo ay ku hubeysnaayeen, isla markaana ay qorsheynayeen inay dil ku geystaan.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda oo maanta daahfuray mashruuca SAGA

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XJFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta daahfuray Shirka U Qareemidda Daryeelka Bulshada ee Mashruuca SAGAL oo maanta ka furmay Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalin ah waxa lagu soo gudbiyey qiimeyn ku saabsan mashuurca SAGAL oo ah mashruuc Dowladdu hormuud ka tahay, oo laga hirgeliyey dhammaan dowlad gobolleedyada dalka, laguna caawinayo dadka nugul.

Ku-simah Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay  mashruuca, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo deeq-bixiyayaasha taageera mashruuca ayaa sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’antahay in miisaaniyadda qeyb ka siiso arrimaha bulshada si loo dardar geliyo kobaca bulshada iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay kulan looga hadlayey Horumarinta iyo Kobcinta Dhaqaalaha Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay kulan aqoon is weydaarsi ah oo ku saabsan kobcinta iyo horumarinta dhaqalaha dalka, ayaa xusay dadaallada dowladda ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha loo dhan yahay oo xasilloon.

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo ay goobjoog ka yihiin Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka, ayaa inta uu socdo waxa ay khubaro caalami ah oo ku xeeldheer dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Proff Stefan Dercon, oo ah khabiir dhaqaale iyo bare wax ka dhiga Jaamacadda OXFORD ee dalka Ingiriiska ku soo bandhigayaa jihada lagu gaari karo dhaqaale oo horumarsan, kana tarjumaya yoolalka mustaqbalka lagu gaarayo isku filnansho dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto goobteeda istiraatiijiga ah, dadkeeda hal-abuurka leh, iyo xiriirada dhaqaale ee gobolka, isaga oo hosta xarriiqay sida ay muhiim u tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo, si loo horumariyo qorshaha kobcinta dhaqaalaha iyo in laga faa’iideysto fursadaha jira.

Mudane Xamsa ayaa kulanka ka sheegay muhiimadda ay leedahay in Qorshaha Horumarinta Qaranka dib-u-casriyeyn lagu sameeyo, loona gudbo Qorshe Qaran oo cusub oo loogu magac daray NTP, kaas oo diiradda saarayaa abuurista siyaasado iyo istiraatiijiyado dhaqaale oo taageeraya kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xoojinta xasilloonida dhaqaale.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre  oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha la socdo ayaa halkaas ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal.

Muqdisho oo laga xusay maalinta Umulisooyinka Aduunka

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Mawro Maryama Maxamed Xuseen ayaa maanta khaddka telefoonka uga qeyb gashay xuska 5-ta May ee maalinta umulisooyinka aduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Maamulka, umulisooyinka iyo ardayda baranaya Umulisinimada ee Isbitaalka tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Teyyip Erdoğan ee Muqdisho ayaa soo agaasimay munaasabaddan wayn ee lagu xusayay maalinta Umulisooyinka Aduunka, kaas oo lagu qabtay Isbitaalka Erdogan qeybta tababarada iyo Cilmi Baarista Recep Teyyip Erdoğan.

Maamulka cisbitaalka oo goobjoog ka ahaa munaasabadaan ayaa u rajeeyay guul dhamaan umulisooyinkii si daacadnimo ah usoo gutay waajibaadkan muqadaska ah iyadoo aan loo eegin xiliga iyo caqabadaha jira.

Mawro Maryama Maxamed Xuseen kusimaha wasiirka ahna wasiiru Dowlaha wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa hambalyo ku aadan maalintan u dirtay umulisooyinka Soomaaliya, iyadoo xustay ahmiyada ay bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamkaba ku dhex leeyihiin umulisooyinka.

        

Guddiga wadajirka ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo maalintii 3-aad shir ku leh Nairobi

Nairobi- Maalintii sedexaad ayaa waxaa magaalada Nairobi ka socoda shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya Joint Commission for Cooperation (JCC) inta u dhexeysa 3-da illaa 6-da May, 2024-ka.

Shirkaan heerka farsamo waxaa wafdiga Soomaaliya ku hogaaminaya Mohamed Fatiir Agaasimaha Afrika Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa sidoo kale goobjoog ka ah Ambassador Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Shirka  ayaa noqon doona labo kalfadhi Kulamada qeybta gudiga wadajirka ah ee farsamo ee 3-da ilaa 5-ta May iyo kan Wasiirada Isniinta 6-da May kaas oo uu guddoomin doono Wasiirka arrimaha Dibada Amb Fiqi iyo dhigiisa Dr. Musalia Mudavadi.

Inta lagu guda jiro qaybaha dooduhu waxay diiradda saari doonaan dhinacyada horumarinta iskaashiga ganacsiga, kaabayaasha, amniga, beeraha, dalxiiska, caafimaadka, waxbarashada, iyo dhaqaalaha buluugga ah.

JCC ayaa waxaa xigi doona booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Bare.

  

Guddoomiyaha Hey’adda SoDMA oo kulan la qaatay ku simaha safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA,  Md. Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta Safaaradda Chine ee Muqdisho waxa uu kula kulmay ku simaha Xilka Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa hay’adda waxa ay safaradda uga mahadcelisay garab istaagoda walalnimo ee ay ka geysteen u diyaar garowga roobka gu’ga iyo sidii loo samata-bixin la ahaa shacabka Soomaaliyeed, in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac, iyadoo dhanka kale China ay ku celisay markale in garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed, gargaaro kuwii hore ka badana ay soo garsiin donaan.

Dowladda Shiinaha ayaa afar magaalo oo kala ah Doolow, Baydhabo, Baladweyn iyo Gaalkacyo waxa ay ka caawisay in dantayar ee ku nool ay garsiiso gargaar deg-deg ah oo ka kooban alaabta maacuunta, bacaha roobabka looga okorto, jingado iyo qalabkii lagu dhisi la ahaa, iyadoo wali degmada Doloowna ka wado biyo xireeno loo sameeynaayo wabiga Jubba ee mara degmadaas, si looga hortago fatahaad uu sameeyo wabiga