Wasiirka warfaafinta oo qaabilay danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.

Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagey qorshaha dowladda ee horumarinta dalxiiska, isagoo xusay in Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in la furo machad lagu barto culuunta dalxiiska, taas oo qeyb ka ah mashruuca heer qaran ee dib u soo nooleynta dalxiiska iyo in la abuuro fursado shaqo oo ay ka dhalinyarada ka faa’iideystaan.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis ayaa sidoo kale Safiirka Talyaaniga uga warbixiyay xaaladda dalka ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo horumarka adeegyada kala duwan ee ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso.

Danjiraha Talyaaniga Mudane Pier Coppi ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya sameyneyso, dowladdiisuna ay si buuxda u garab taagan tahay hawlaha muhiimka ah ee ay hayso Dowladda Soomaaliya, isagoo dhanka kalena xusay in Talyaaniga uu taageersan yahay madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya iskaashigooda dhinaca horumarka

Nairobi:  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dalkaas Mudane Rigathi Gachagua, ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane Rigathi Gachagua, ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗞𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗢𝗢 𝗟𝗔 𝗞𝗨𝗟𝗠𝗔𝗬 𝗦𝗜𝗜 𝗛𝗔𝗔𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗦𝗔𝗙𝗔𝗔𝗥𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗜𝗜𝗡𝗔𝗛𝗔 𝗘𝗘 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹l𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa kulan la qaatay ku simaha  Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Chen Wendi.

Kulankan ayaa ku saabsanaa xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo Iskaashiga dhinaca horumarinta Teknolojiyada iyo Isgaarsiinta.

Sii hayaha Safiirka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Chen Wendi ayaa soo dhoweeyay Wasiirka, waxa uuna ka mahadceliyey booqashada uu ku soo gaaray Safaaradda, isagoo ammaanay dedaalka uu gelinaayo horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya oo ah halka ugu dhow ee adduunyadu ay kula tartami karaan.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa ugu Mahadceliyey Dowladda Shiinaha garab istaagga iyo taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.

“𝙈𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖 𝙗𝙤𝙤𝙦𝙖𝙨𝙝𝙤 𝙠𝙪 𝙩𝙖𝙜𝙖𝙮 𝙎𝙖𝙛𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙖 𝙎𝙝𝙞𝙞𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖, 𝙬𝙖𝙭𝙖𝙖𝙣𝙖 𝙠𝙖 𝙬𝙖𝙙𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙖𝙡𝙣𝙖𝙮 𝙨𝙞𝙙𝙞𝙞 𝙡𝙤𝙤 𝙭𝙤𝙤𝙟𝙞𝙣 𝙡𝙖𝙝𝙖𝙖 𝙄𝙨𝙠𝙖𝙖𝙨𝙝𝙞𝙜𝙖 𝙃𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙄𝙨𝙜𝙖𝙖𝙧𝙨𝙞𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙏𝙚𝙠𝙣𝙤𝙡𝙤𝙟𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙢𝙖𝙖𝙙𝙖𝙖𝙢𝙖 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙎𝙝𝙞𝙞𝙣𝙖𝙝𝙖 𝙖𝙮 𝙠𝙖 𝙢𝙞𝙙𝙩𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙬𝙖𝙙𝙖𝙢𝙖𝙙𝙖 𝙪𝙜𝙪 𝙝𝙤𝙧𝙧𝙚𝙚𝙮𝙤 𝙚𝙚 𝙝𝙤𝙧𝙢𝙖𝙧𝙠𝙖 𝙠𝙖 𝙜𝙖𝙖𝙧𝙖𝙮 𝙏𝙚𝙠𝙣𝙤𝙡𝙤𝙟𝙞𝙮𝙖𝙙𝙖

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗲𝗸𝗻𝗼𝗹𝗼𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 ayaa wada qorshe ballaaran oo dib loogu habeynayo hannaanka ay u shaqeyso Wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaaradda ay la leedahay dhammaan Wadamada iyo hey’adaha Caalamiga ah.

Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo xal u helidda barakacayaasha oo ka furmay Kismaayo

Agaasimaha Waaxda Yaraynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Marwo Zahra Cabdi Maxamed, ayaa faah-faahin buuxda ka bixisay xaaladda barakacayaasha Soomaaliya iyo wadiiqooyinka looga saarayo xaaladda barakaca halka milyan.

Marwo Zahra Cabdi oo ka hadlaysay aqoon is-weydaarsi ku saabsan dejinta qorshe-hawleedka Wadiiqooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegtay in hadafkoodu uu yahay in barakacayaasha loo helo xal dhab ah.

Aqoon-isweydaarsiga waxaa si rasmi ah u furay Wasiir Wasaaradda Qorsheynta, Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, waxaana ka qeybgalay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jubbaland, Mudane Ayaanle Xuseen Maxamed, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Hawlaha-Guud iyo Guryenta iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiska ee Jubbaland, wakiillo ka kala socday Hay’adaha Dowlad Federaalka, Gudoomiye Gobolka Jubbada Hoose, Gudoomiyayaasha degmooyinka Dhoobley, Kismayo, Xoghayaha Joogtada ee Degmada Doolow, Gudoomiye ku-xigeenka Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, iyo wakiilo ka kala socday Hay’adaha UN-ka, Hay’adaha aan dowliga ahayn, Urrurada Bulshada Rayidka iyo xubno ka mid ah barakacayaasha.

Aqoon is-waydaarsigan ayaa waxaa laga soo saari doonaa Qorshe hawleedka dowlad goboleedka Jubbaland oo qayb ka noqon doono qorsha-hawleedka Qaran ee Xalka Waara oo qeexaya talaabooyinka loo baahan yahay in hal milyan oo qof oo barakacayaal ah looga saaro xaalada barakaca iyo hindiseyaal kor loogu qaadayo in barkacayaasha helaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dib-u-dejin, iyo sidoo kale talaabooyin wax looga qabanayo waxyaabaha sababay barakaca, sida colaadaha, faqriga, iyo isbedelka cimilada oo keenaa abaaraha iyo daadka.

Duqa Muqdisho oo Premier bank ku amaanay doorka uu ka qaadanayo dib-u-casriyeynta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Premier bank doorka uu ka qaadanaaya dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo in uu ku dhiirrado maalgashiga dalka.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jarayay dhismayaal casri ah oo uu Bangiga (Premier Bank) ka hirgeliyay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in tallaabadani ay dunida tusayso horumarka iyo Isbeddelka amni ee ka jira Caasimadda.

Munaasabadda xarig Jarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxda Bangiga, Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo  iskaashiga ee labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoggaaminaaya kulan labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaaya Magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal.

Shir weyne ku saabsan maaraynta hubka oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane C/fitaax Qaasim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay Shirweyne ku saabsan maaraynta hubka, rasaasta iyo walxaha qarxo.

Shirkan oo socon doono muddo laba cisho ah ayaa waxaa ka qayb galaya mas’uulyiin ka socota dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo xubno ka socda beesha Caalamka.

Waa shirkii uga weynaa ee la qabto tan iyo intii Soomaaliya laga qaaday cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023kii.

Taliyaha ciidanka dhulka ee XDS oo gaaray Baydhabo

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa gaaray Taliska Qaybta 60-aad ee magaalada Baydhabo.

Taliyaha ayaa  salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaybta 60-aad, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay taliyaha qaybta Gen Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) iyo saraakiisha hoggaaminta.

Ujeedka Taliye Dayax Cabdi Cabdulle  uu u gaaray taliska qayb 60aad ayaa ah sidii loo sii xoojin lahaa howlgalada ka dhanka ah khaawaarijta ee ka socda deegaanada koofurgalbeed, isagoo saraakiisha taliska faray in loo dhimriyo shacabka ku nool deegaanada laga xoreeyey Khawarijta.

Soomaaliya iyo Libiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Tripoli- Ra’isul wasaaraha dalka Libiya Mudane Abdulxamid Debibah, ayaa la kulmay wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Lataliyaha Sare Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Danjire Daahir Maxamuud Geelle.

Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Soomaaliyaa ayaa gaarsiiyay Ra’isul Wasaaraha  Dalka Libiya dhambaal uu kawaday Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheeikh Maxamud.

Labada dhinaca ayaa waxay ka wada hadleen adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay labada dowladood iyo dardargalinta dhammaan danaha taagan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Liibiya.

Wasaaradda Qorsheynta XFS iyo hay’adda USAID oo Muqdisho ku qabtay kulan dib u eegistii hiigsiga horumarinta

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, ayaa si wadajir ah u qabtay kulanka Dib-u-eegistii Hiigsiga Horumarinta USAID.

Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo la gaaray sanadkii la soo dhaafay oo ay gacan ka geysatay hay’adda USAID ee dhinaca horumarinta, waxaana dib loo xaqiijiyay sida ay USAID iyo Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariyaan himilooyinka horumarineed ee wadajirka ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee Muqdisho lagu qabto ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday Wasaaradaha Maaliyadda, Beeraha, Arrimaha Gudaha, Kaluumaysiga, Xannaanada Xoolaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.