Duqa Muqdisho oo Premier bank ku amaanay doorka uu ka qaadanayo dib-u-casriyeynta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku amaanay Premier bank doorka uu ka qaadanaaya dib-u-casriyeynta Caasimadda iyo in uu ku dhiirrado maalgashiga dalka.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jarayay dhismayaal casri ah oo uu Bangiga (Premier Bank) ka hirgeliyay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in tallaabadani ay dunida tusayso horumarka iyo Isbeddelka amni ee ka jira Caasimadda.

Munaasabadda xarig Jarka waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxda Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Madaxda Bangiga, Guddoomiyaha Degmada Wadajir iyo marti sharaf kale.