Wasiirka Cadaaladda XFS oo Xafiiskiisa ku qaabbilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha QM

Ku-simaha Raysal Wasaaraha, ahna Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabbilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane Raisedon Zenenga oo booqasho ugu yimid xafiiskiisa.

Wasiirka, ayaa booqashada uga mahadceliyay Ku-xigeenka Ergayga, kuna soo dhaweeyay Soomaaliya iyo shaqada cusub ee uu dalka ka bilaabay.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay gacansiinta Qaramada Midoobay ee bahda Caddaaladda Soomaaliya, taageero siinta dhab adeegga Cadaaladda, gaarsiinta adeeg caddaaladeed deegaannada dhawaan la xoreeyay iyo hannaanka dhamaytika Dastuurka.

Wasiirka ayaa adkeeyay ka go’naanshaha xukuumadda Dan Qaran ee hirgelinta hannaanka doorashooyinka si shacabka Soomaaliyeed u doorto madaxdiisa iyo mudnaan siinayta kobcinta awoodda bahda cadaaladda dalka.

Wasiir Cali Xoosh oo shacabka ku boorriyay in ay u dhego-nuglaadaan farriimaha ku saabsan halista fatahaadaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladdaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman karta noloshooda iyo hantidooda.

Wasiir Xoosh oo warbixinno ku saabsan xaaladda fatahaadaha dalka ka dhagaystay howl wadeennada hay’adda SoDMA waaxdeeda gurmadka degdegga ah ayaa shacabka Soomaaliyeed ee deggan webiyada Jiinkooda iyo togoggaba ku adkeeyay in ay u dhego-nuglaadaan farriimaha digniinta ah iyo talooyinka ka imaanaya khubarada Hey’adda SoDMA.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya waxaa uu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka in ay si dhow ula socdaan xaaladda ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ay sababaan roobabka la filayo in ay dalka ka da’aan.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo furay kulan ku saabsan dib-u-eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga Qaran (SNID)

Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa furay Kulanka wadatashiga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dib-u-eegista Qorshaha Hawlgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaran (SNID) oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiweli Timacadde  oo sharraxay ujeeddada kulanka ayaa sheegay in muhiimadda Shirkaan uu yahay ka tala gelinta maamul goboleedyada Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo sidii adeeggaan looga howlgelin lahaa guud ahaan dalka.

Wakiillada kasocday maamullada ayaa soo bandhigay fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan Nidaamka Diiwaan galinta Aqoonsiga Qaranka.

Qorshaha Diiwaan galinta Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ayaa ah in 2024 lagu diwaan galiyo 5Million oo qof, sidoo kalana Dalka laga hirgaliyo 86xarumood.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo yeelatay Afhayeen cusub

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si loo dardargaliyo hawlgalada dib u xoreynta iyo dadaalada socda ee dalka lagaga ciribtirayo kooxaha khawaarijta ah waxa uu X/le Abuukar Maxamed Xasan Maxamuud u magacaabay Afhayeenka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Afhayeenkii hore ee Wasaaradda Jeneraal, Cabdullaahi Cali Caanood kaga mahad-celiyay, kuna ammaanay shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa Afhayeenka Cusub kula dardaarmay dardargalinta waajibaadka s  Qaran ee loo igmaday.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda DanQaran ee ku saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan dhibaatooyinka dalka ka dhaca.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, taasoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran”.

Ganacsatada ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay Xukuumaddu muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.

Xafiisyada Hantidhowrka Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis is kaashi

Hantidhowraha Guud ee JFS Mudane, Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood ah oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga waaya-aragnimada, xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (𝐏𝐞𝐫𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭) oo kamid ah baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS.

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay waaxda baarista waxqabadka, isaga oo bangiga adduunka iyo bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta waaxda baarista waxqabadka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, ayaa kala hadlay kaalintooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada Xukuumadda DanQaran ee saleysan taabbo gelinta hannaanka dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyey dadaalladooda la xiriira adkeynta dowladnimada iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan dhibaatooyinka dalka ka dhaca.

“Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada in ay maalgashi ku sameeyaan gudaha dalka, tanoo abuuri karta fursado shaqo. Maalgashigaani wuxuu fursad u yahay in laga faa’iideysto xubinnimadeenna suuqa bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo ah suuq cusub iyo horumar dhaqaale oo ballaaran”.

Ganacsatada ayaa la wadaagtay Ra’iisul Wasaaraha talooyin ku aaddan dowlad dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ay xaqiijisay Xukuumaddu muddada labada sano ku dhow ee ay shaqeynaysay.

Xafiisyada Hanti dhowrka Soomaaliya iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis is kaashi

Hanti dhowraha Guud ee JFS Mudane, Axmed Ciise Guutaale ayaa saxiixay Is-afgarad laba-geesood ah oo u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta XHGS.

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta labada Xafiis iyo taageerada isdhaafsiga waaya-aragnimada, xirfadda gaarka ah ee horumarinta iyo tayeynta Baarista Waxqabadka (𝐏𝐞𝐫𝐟𝐨𝐫𝐦𝐚𝐧𝐜𝐞 𝐀𝐮𝐝𝐢𝐭) oo kamid ah baarista uu dhigayo Sharciga Hantidhowrka JFS.

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo fulinaya Sharci Lr. 14, 2023 ayaa asaasay waaxda baarista waxqabadka, isaga oo bangiga adduunka iyo bahwadaagtiisa kale uga mahadcelinaya kaalinta ay ka geysteen hirgelinta waaxda baarista waxqabadka.

SoDMA oo Muqdisho ku qabatay shir ku saabsan dardar gelinta howlaha gurmadka deg-degga ah

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Muqdisho ku qabatay shir Seddexdii biloodba mar dhaca, kaas oo looga hadlaayay dardar gelinta howlaha la xariira gurmadka deg-degga ah.

Shirkan waxaa si gaar ah loogu lafa guray sidii la iskaga kaashan lahaa gurmadka deg degga ah iyo isku-duwidda dhammaan howlaha la xariira gurmadka deg degga ah.

Shirkan ayaa loogu tala galay xoojinta wada shaqeynta Hay’addaha kala duwan ee dowladda iyo Hey’adaha ay shaqo wadaagta yihiin, waxaana maal galiyay Hay’adda UNICEF.