R/Wasaare Xamza oo la kulmay xildhibaanada Soomaalida ee ku jira baarlamaanka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan safar shaqo ku jooga Caasimada dalka Kenya ee Nairobi, ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanadda Soomaaliyeed ee ku jira Barlamaanka Dalkaasi.

Ra’iisul Wasaare ayaa xildhibaanadasi kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan ilaalinta danaha dadka Soomaaliyeed ee kuwada nool labada dalka.

Mudane Xamsa ayaa xusay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana ay muhiim tahay sii ambaqaadidda habka ku dhisan is-dhaafsiga danaha labada dal.

Safaaradda Soomaaliya ee ugaanda oo ka qayb gashay tartan dhaqameed loo qabtay arday kala duwan

Mas’uuliyiin ka socday Safaaradda Soomaaliya ee Yugaanda ayaa ka qaybgalay tartan dhaqameed loo qabtay arday kala socotay 20 wadan oo ay ku jiraan kuwa Soomaaliyeed ee wax ku barta dalkaasi.

Tartankaasi dhaqameed waxaa ka qeyb galay Arday Soomaaliyeed oo ka socday Jaamacadda Kafindhish,waxayna halkaasi ku soo bandhigeen hiddaha iyo dhaqanka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed ,gaar ahaan sameynta nuucyada cuntooyinka ee laga isticmaalo dalka.

Uqeybsanaha waxbarashada ee dhanka safaaradda Liibaan Xuseen oo hadlay ayaa sheegay in ujeedada tatankaasi uu yahay sidii bulshooyinka caalamka loo tusi lahaa dhaqanka Soomaalida

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda XFS “Arrimaha dhaqaalaha ee dalka waxaa laga sameeyey horumar badan”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS Suleymaan Sheekh Cumar  oo manta ka qeybgalay barnaamijka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay dadaal ku bixisay Kobcinta dhaqaalaha iyo dhameystirka adeegyada lagama maarmaanka u ah ee bulshada,gaar ahaan kuwa ku xiran kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.

Agaasimaha waxa uu xusay in lagu guuleystay shuruuc dhanka dhaqaalaha ah oo wax ka taraya maamulka maaliyadda ururinta dakhliga, iibka iyo qandaraasyada,kheyraadka ku jira dhulka iyo arrimaha Kalluumeysiga.

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda waxa uu u mahadceliyay dowladaha iyo hey’adaha caalamla ee gacanta ka geystay in Sooaaliya ay mar kale ku istaagto cagaheeda,isla markaana ay wax la qeybsato dowladaha caalamka.

“Waxaan qabanay shaqo muhiim ah oo loo qaaday dhanka maaliyadda,taasina  waxaa laga dareemi karaa kobaca dhaqaalaha ee dalka”ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda Suleymaan Sheekh Cumar.

Xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabad-sugidda koonfur Galbeed.

Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 6-Xubnood oo ka Tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugidda koonfur Galbeed.

Xubnahan isu soo dhiibay laamaha ammaanka ayaa Khawaarijta uqaabilsanaa dhanka Jabhadaha,waxayna kasoo qeyb-qaateen dagaallo ka  kala dhacay  Gobolada Dalka.

Dhallinyaradaan isa so dhiibay ayaa ugu baaqay saaxibadooda kale ee  weli ka tirsan khawaarijta inay isaga soo bahaan maleeedhiyaadka arxanka daran.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanaayey xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee ka soo haray fikirka gurracan ee Khawaarijta.

In ka badan Boqol kun oo ka qaxay dagaallada ka socda Rafax ee u dhaxeeya Isra’el iyo Xamas

Dagaal culus ayaa ka socda dhulka koonfurta Gaza ee Rafah,iyadoo kooxaha Xamaas ay ridayaan gantaallo iyo hoobiyeyaal lala beegsanaayo ciidamada Israa’iil iyo taangiyadooda oo ku sii qulqulaya magaalada aadka u camiran.

Qiyaastii 80,000 oo falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay Rafah, kumanaan kalena waxay isku diyaarinayaan inay ka baxaan magaaladaasi ,iyadoo la tilmaamayo in duulaanka dhulka ee Israa’iil uu kor u sii kacayo.

Ciidamada Israa’iil ayaa La wareegay  xuduudka Rafah ,iyagoo sadexdii cisho ee la soo dhaafay  xayiray gelitaanka gargaarka Gaza ,waxayna cuuryaamiyeen hawlihii bini’aadanimo Qaramada Midoobay ayaa sidaa ku doodday.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay haystaan dhammaan hubka ay uga baahan yihiin duulaanka dhulka ee Rafah ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay in aysan siin doonin hub lagu weeraro magaalada Rafac.

Ugu yaraan 34,904 qof ayaa lagu dilay Gaza,78,514 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee bilowday 7-dii Oktoobar.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo bogaadiyey horumarka baaxadda leh ee dhanka ganacsiga ah ee ay gaareen Soomaalida ku nool Kenya

Nairobi:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey horumarka baaxadda leh ee dhanka ganacsiga ah ee ay gaareen Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeedinayay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Moolka BBS ee dhawaan laga hirgeliyey Nairobi, ayaa ganacsatada Soomaalida ku ammaanay kaalinta libaax ee ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo xusay sida ay muhiimka u tahay xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidooyinka iskaashiga ganacsi ee labada bulsho, ayaa ku boorriyay ganacsatada in ay sii wadaan hal-abuurka iyo ku dhaqanka mabaadi’da ganacsi ee suubban, si loo sii ambaqaado guulaha la gaaray.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay fududeynta wax kasta oo caqabad ku noqon kara horumarka ganacsiga Soomaalida, isaga oo carabka ku adkeeyay in la sii wadi doono dadaallada dib u dhiska iyo taageerada ganacsatada Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa uu caawa ku tagay suuqa ganacsiga BBS Mall oo ahayd dhiirrigelin, ayaa markale xaqiijisay sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageerada iyo horumarinta muwaadiniinteeda meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan kuwa ku hawllan ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

      

Horjooge Siidoow oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay CXD ee ku sugan Xarardheere

Horjooge Siidoow Cali Ibraahim oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dhuumaaleysata deegaanada Koonfurta gobolka Mudug ayaa iska dhiibay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii uu u dul-qaada waayey dhibaatada argagixisada ku heysata duurka iyo howlgallada is dabajooga ah ee ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Ninkaan oo magaciisa afgarashada ah ku sheegay Aanas, ayaa mar soo noqday horjoogihii Khawaarijta ee ugu sareeyey deegaanka Jowle ee gobolka Mudug, balse hadda wuxuu ahaa madaxa maleeshiyaad ku dhuumaaleysta aagga deegaanka Baraag Cali-Gaduud oo hoos taga degmada Xarardheere, sida ay noo sheegeen saraakiisha ku sugan Xarardheere.

NISA ayaa gacanta ku soo dhigtay 12 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay dhagarqabayaashii ugu badnaa oo ka tirsan Khawaarijta, kadib howlgallo culus oo ka dhacay magaalada Baydhaba iyo deegaanada hoos taga.

Saraakiisha NISA ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay soo qabteen 12 xubnood oo la xaqiijiyey inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, kuwaas oo qaabilsanaa dhinacyo kala duwan, sida dilalka qorsheysan, weerarrada tooska ah, uruurinta baada ay ka qaadaan shacabka iyo tuuridda banbooyinka xiliyada habeenkii ah.
Xubnaha lasoo qabtay ayaa iskula howl-geli jiray qeyb-qeyb, waxaana ciidanka u suurta-gashay inay gacanta ku soo dhigaan dhamaantood, kadib howlgallo is dabajoog ahaa oo maalmahaan ka socday gudaha magaalada Baydhaba iyo deegaanada ku xeeran.
Tallaabadaan ayaa ka dhigan in lagu guuleystay burburinta shabakado halis ku ahaa shacabka oo ka tirsanaa Khawaarijta, mana ahan markii ugu horeysay oo sidaan oo kale xididada loogu siibay dhagarqabaasha dhuumaaleysiga ku jooga Baydhaba iyo magaalooyinka kale ee dalka.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad u soo badanayey xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee ka soo haray fikirka guracan ee Khawaarijta, waxaana dhalinyarada ugu badan ee isisoo dhiibayaasha ah laga diiwaan geliyey deegaanada K/Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
        

Mareykanka oo hakiyay shixnad hub ah oo ku socotay Isra’el

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in Mareykanka uu hakiyay shixnad hub ah oo ku socotay Israa’iil, xilli maamulka madaxweyne Joe Biden uu wajahayo cadaadis ku aaddan dagaalka Gaza ,gaat ahaan shuruudaha ku xiran gargaarka la siinayo Israel.

Austin oo hortagay guddi-hoosaadka Congress-ka Mareykanka ayaa sheegay in maamulka Biden uu hakiyay “hal shixnad oo ah hubka culus, iyada oo laga walaacsan yahay duulaanka Israa’iil ee ku aaddan koonfurta Gaza ee Rafah.

Madaxweyne Biden oo ka hadlay hakinta shixnadda hubka ah ayaa cambaareeyay rajada laga qabo weerarro ballaaran oo ka dhaca Rafah,isagoo yiri”Waa qalad,”Ma bixin doono hubka iyo madaafiicda.”

Biden,waxa uu caddeeyay in Maraykanku aanu “ka fogaan doonin ammaanka Israa’iil, laakiin uu doorbidi lahaa inuu ka tago taageerada awoodda Israa’iil ee ah inay dagaal ku qaado Rafac.

Sababta uu Mareykanku u hakiyay shixnadaha hubka ayaa lagu sheegay in dadka rayidka ah ee Falastiin loo adeegsaday hub cuus oo dabayaaqadii bishii hore ee April la geeyay Israel.

Tobanaan kun oo barokacayaal ah oo ay ka muqdaan argagax iyo daal ayaa soo urursaday alaabtoodii oo ka qaxay Rafah ,iyadoo dagaalka Xamaas iyo Israa’iil uu ku sii xoogeysanaayo aagga bari ee magaalada dadku ku badan yahay.

Dawladda Soomaaliya oo ka Qayb gashay Shir-weynaha Midowga Africa ee Bacriminta Beeraha

Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Beeraha ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo qayb ka ah wafdiga Dawlada Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Xamze Cabdi Barre oo dalka Kenya u jooga fulinta hawllo kamid ah shaqooyinka Qaranka,ayaa ka qayb galay shirweyne uu soo qaban-qaabiyay Midowga Africa oo ka dhacay xarunta Kenya ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu lafa guray kobcinta wax soo saarka dalaga beeraha Afrika iyo horumarintiisa.

Sidoo kale waxaa labada wasiir ku weheliyay ka qayb-galka shirkan, Danjiraha JFS ee Midowga Africa iyo Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, waxaana Dawladda Soomaaliya ay madasha kusoo bandhigtay guulaha ay ka gaartay horumarinta wax-soo saarka iyo dalaga beeraha.

Shirkan intii uu socday waxaa si qota dheer loogaga hadlay muhiimada ay leedahay sidii ay beeralayda qaaradda Afrika u heli lahaayeen khuburo kharash jaban oo tayo leh, kuna xeeldheer ilaalinta caafimaadka carrada ama ciidda.