Shirka diyaarinta istaratijiyadda bahda Cadaaladda oo maalintii labaad galay.

Shirka banbaxa diyaarinta istaratijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad, kaas oo hal-ku-dhig looga dhigay bilowga geeddi-socodka horumarinta Istiraatiijiyadda Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.

Shirweynaha waxaa qeyb ka ah Wasaaradda Cadaaladda, Xeer Ilaalinta Guud, Suleiman, iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha bahda cadaaladda, ee heeer federaal iyo mid dowlad goboleedba.

Banbaxa waxaa tan iyo shalay ka socda aqoon-isweydaarsiyo xooggan iyo fadhiyo wadashaqeyn ah, kuwaas oo bud dhig u ah istiraatiijiyada bahda cadaaladda Soomaaliya oo dhammaystiran oo ka tarjumeysa rajada iyo baahiyaha dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Banbaxan ayay ka qeyb-galayaasha sheegeen inay gacan ka geysaneyso ilaalinta sharciga iyo kor-u-qaadista maamul wanaagga, taasoo dadka Soomaaliyeed u h.

AROOSKA REER BARAAWE MUXU KAGA DUWANAA AROOSYADA SOOMAALIDA KALE?

Arooska marka laga hadlo reer baraawe wax badan ayey kaga duwanaayeen Soomaalida kale, oo arooskooda maalmo ayuu socon jirey, xitaa dhaqan waxa ay lahayeen gabadhaha marka la soo doonto oo la bixiyo in guriga hooyadeed laga wadi jirey oo guri kale la geyn jirey sida guriga ayeeydeed ama asxaabteeda iyado looga dan leeyahay in mudadaas arooska ka dhiman aan la arkin xitaa bannaan uma aysan so bixi jirin iskaba daa in ninka lagu daraayo ay is arkaan!.

Maalmahaas ay qarsan tahay gabadha waxaa loo sameeyn jirey in huruud iyo waxyaabaha la isku qurxiyo oo dabiiciga ah loo mariyo si iyada oo nuureysa loo arko maalinka arooska, intaas marka lagaso tago waxa jirey wax ay dhahaan sariir saar waana arrin iyaga u gaar ah oo soomalida kale aan ka simaneyn xitaa reer xamarka,

sida caadiga ah sariir saarka waxa uu dhacaa maalinka beri arooska yahay manta oo kale micnaha maanta wiilka ciddiisa marka ay meherka iyo arooskooda isku darsanayaan, dhanka gabadha waxaa ka dhacaayo cilaan maris iyo sariir saar, subixii hore marka meherka uu dhaco ka dib guriga gabadha ay ku qarsan tahay waxa ka bilaabanaayo cilaan Mariska,

ka dib cilaan Mariska marka uu dhamaado galbihii oo kale waxaa dhacaayo sariir saarka, haddii aan sariir saarka sharaxaad idinka siiyo waxa waaye in Galabkii marka la gaaro ay gabadha iyo qofka malxiisadda u’ah in ay sariir seexdaan oo hore loo diyaariyey ka dib marka ay seexdaan in marada hiddaha iyo dhaqanka ee Aliindiga ah lagu daboolo ka dibna maamoyin ay qolka soo galaan ay u duceeyaan gabadha, waxa jirto sharuud ah maamada ducada ku aqrineyso in aysan waligeeda furiin soo marin oo waliba qof weyn oo da’ ah ahaato.

Waxaa kale ay aaminsan yihiin aroosadda gabadha sariirta la korto in uu arooskeeda soo dhowaanaayo marka maamo walba waxa ay dhihi jirtey gabadheyda hala korto oo ciyow hala guursado, ileen gabdhahooda in yaraan lagu guursado ayeey jeclayeen haddii 20 ay gaarto waxaa ay dhihi jireen waa ay duqowday ama waa (carmal,) gabadhaan maxaa nin la’aan dhigey.

Dhaqan kale oo waxa ay lahaayeen in gabadha qofta malxiisadda u eheed in ay iyada toddobada ka bixiso ilaa isbuucaas na ay iyada la joogto wax walba ay ubaahan tahay u sameyso.

Arooskooda ilaa 7 maalmood wuu gaari jirey in kasto hadda dhaqankaas laga sii guuraayo oo waxay kala ahaayeen 7da maalmood:-

Horta meherka inta uu dhicin wiilka hooyadiisa waxa ay keenta wax tuunzi la dhoho, tuunzi waxa laga wadaa wax walba oo gabadha u baahan tahay oo ay ku jiraan dharkeeda iyo shoppingkeda oo hal shey ka maqneen in ay keento xitaa dahabka, waxaana la keeni jirey gabadha guriga hooyadeeda dadka dhan meesha ayeey iskugu imaan jireen ka dibna hal hal inta loo soo bixiyo ayaa dadka la tusi jirey.

Maalinka labaad waxaa waaye meherka sido kale maalin waxa jirtey wiilka ciddiisa xaflad yar ay sameesan jireen oo gurigooda maalinkaas qado loo doonan jirey, maalin oo gabdhaha dhankooda cilaan saar iyo sariir saar isku jiro, maalinkaas waxaa dhanka wiilka ka socdo meherka, maalinta kale waa arooska gabdhaha oo wax wiil ah looma ogoleen kaliya gabdho iyo maamooyin ayuu ahaa, ka dibna waa la galbin jirey gabadha oo galabkii ninkeeda ayaa u imaan jirey oo wadan jirey.

marka galbiska gabadha hooyadeed looma ogoleen in ay raacdo oo dhaqan ahaan mamnuuc ayuu ahaa kaliya waxa raaci jirey gabdhaha iyo gabadha habar-yarteeda, ka dibna iyadaa soo kala habeyn jirtey wax walba oo waano ah siin jirtay, ka dibna waa ay soo tagi jireen.

Maalmo ka dib marka toddobada la gaaro waxaa la sameyn jirey labo toddobo oo ah mid gabadha hooyadeeda iyo mid wiilka hooyadiisa kala dhiganayaan, mar walba waxaa ku hormari jirey wiilka ciddiisa maalinka ugu horeyso marka ay dhigtaan maalinta kale gabadha ciddeeda ayaa dhigan jireen, maalinkaas ay gabadha guriga hooyadeed toddobada ka dhaceyso gabadha hooyadeed waxa ay keeni jirtey ama qasab ah in ay keento ugu yaraan 2 boorso oo shoping ka gabadha ah sida ay hore uso sameysey wiilka hooyadiisa maalinka tuunziga, ka dibna haddii dahab u raacsiin karto caadi ayeey eheed oo wax qasab ah ma leheen.

Marka ay toddobada ka baxaan dhaqan waxay qabeen in wiilka iyo gabadha ay guriga gabadha hooyadeed aadaan maalinka ay toddobada ka baxaan maalinka ku xigta oo meesha u horeyso ay aadayaan ay noqoto guriga hooyadeed

guriga gabadha ciddeeda waxaa laga sameyn jirey martiqaad aan caadi eheyn oo dhan walba ka diyaarsan qado aan caadi eheyn ayaa loo sameyn jirey ama qofka rabo waxa uu ka dhigan jirey maalinka toddobada ay ka socoto guriga gabadha oo maalinkaas ayaa martiqaadka laga dhigan karey.

Iskuso wada duub arooska reer baraawe dhan walba waa uu ka duwanaa aroosyada kale ee Soomaalida.

WQ: Sacdiya Sheikh Baana

SOOMAALI BADAN AYAA KU TIIRSAN LACAGAHA XAWILAADDA QARAABADOODA DIBEDDA KU NOOL

Nolosha dad badan oo ku nool dalka waxay ku tiirsan tahay lacago xawilaad ah oo ay ka helaan qaraabadooda ku nool dibeda oo ku soo taageera laakiin waxay dad waxaa la dhaliilaa qaabka dadka loo soo diro ay u isticmaalaan .

Gabdhan waxay ku nooshahay magaalada Muqdisho waxay qabtaa in aaney  jirin wax kale oo ay u isticmaali laheyd lacagtaa oo ah in ay nolosheeda ku dabarto iyadoo sheegtay in lacagta la so diraba ay iska yar tahay.

“ Marka horeba waxa laguu soo dirayo kama badna inta u dhaxeysa afka iyo gacanta oo iyadaaba iska yar” ayey tiri.

Marka laga hadlayo dadka soo dira lacagahaa ee dibedda ku nool iyaga laftooda waxay qabaan in ay culeys ku tahay laakiin Maxamed oo ah aqoonyahan ku nool Muqdisho wuxuu qabaa in dadka gudaha ku nool ay tahay in ay fikir la yimaadaan oo aaney isku tiirin lacagahaa alse ay sameeyaan qorsheyaal kale .

Cismaan wuxuu ka mid yahay dadka ku tiIrsan lacagahaa wuxuu qabaa in wax weyn lacagaahasi ay tareen dadka gudaha ku nool laakiin ay fiican tahay in dadka dibedda ku nool intii mar walba ay wax soo diri  lahaayeen ay ka fiican tahay in hal mar lacag kuusan oo waxtar leh ay soo diraan si ay u anfici karto looguna sameyn karo mashruuc fiican.

“Meesha bil walba qoyska loo soo dirayo boqol ama labo boqol oo Doolar waxaa ka wanaagsanaan laheyd in mar si isku duub ah loo siiyo lacag ay qoysku ka sameysan karaan mashruuc yar oo ganacsi oo isku deberaan” ayuuna yiri

Dadka lacagahaa hela laftooda ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan fikrad waxtar leh iska na dhaafaan wax raadiska joogtada ah wuxuuna  Axmed oo hadda ka tirsan ganacsatada yar yar ee suuqyada Muqdisho uu sheegay in uu shaqo abuurka ganacsi ee uu hadda heysto uu ka yimid walaalkii oo dibedda ku nool oo uu hal mar weydiistay in uu u maalgeliyo mashruucan ganacsi ee uu heysto.

Inkasta oo ay haatan xaaladaha dhaqaale ee qoysaska ay is furfurayaan oo ay abuurmeen fursado shaqo iyo kuwo ganacsi oo gudaha ah hadana weli way muuqaataaa in qoysas badan ay weli ku tiirsan yihiin lacagahaa ay ka helaan qaraabdooda dibedda ku nool waase wax wanaagsan in qoysasku helaan fikarado ay shaqo kaga abuuran karaan lacagahaa ay helaan haddii ay weydiistaan qaraabadooda maalgalin halkii ay ka joogteyn lahaayeen in ay sugaan lacag la soo diro.

WQ: Mohamed Hassan

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo Guryeynta XFS Cabdisalaan Cali Dhaay oo ay wehlinayaan qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la qaatay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens iyo ku xigeenkiisa Mrs Sophie Kemkhadze.

Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga shaqo ee wasaaradda howlaha guud iyo Hay’adda UNDP, kor u qaadida dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo xiligan UNDP gacan weyn ka geysaneyso iyo sidii UNDP ay uga taageeri laheyd wasaaradda sharciyada dhismaha dalka, tabarada iyo tayeynta shaqaalaha wasaaradda.

Wasiir Cabdisalaan Cali oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey taageerada UNDP ee Soomaaliya iyo howlaha ay dalka ka hayaan, wuxuuna uga mahad celiyey wadashaqeynta gaarka ah ee ay la leeyihiin Wasaaradda howlaha guud iyo kulankooda maanta.

KA GANACSIGA QAADKA OO NOQDAY HOWL MAALMEED.

Maalin kasta waxaa u shaqo taga howlaha qaadka dumar iyo rag dhallinyaro ah oo ku howlaha arimaha jaadka.

Mootooyin Bajaaj badan ayaa ka macaasha soo qaadista qaadka oo keena goobaha karada lagu iibiyo, halka kuwo kale ka shaqeystaan sidaasi oo kale qeybinta jaadka, sidaasi oo ay tahay ayaa haweenku ku badan yihiin ka ganacsiga qaadka hareeriga ah taasoo haatan ka duwan kuwii hore loo yiqiinay ee hareerigii awadeedee, kii caadiga ahaa, dabo musmaar, iyo qode.

Waa howl ay u go’doomeen dad gaar ah oo qabatimay ka ganacsiga qaadka in ay ka soo saaraan howlmaameedkooda.

Qofba waa tabartiiyee qaar baa aad uga sareeya oo soo qaataa saami badan ayagoo leh macaamiil bile ah oo ay u qadimaan, halka qaarna aysan awoodi karin in ay sii siiyaan macaamiisha inta ay iibiyaanba reerka ku dabaraan.

Qaadka miirowga ayaa lagu arkaaa meelaha lagu gado qaadka hareeeiga ah balse haataan kuwa qayila ayaa la qabsaday nooca hareeriga oo ay ku barjeeyaan ku qayilaan

Inkastoo qaadku leeyahay dhibaato dhaqaale iyo mid caafimaad marka loo eego isticmaalkiisa.

Kuwa qayila ayaa waxay isku dhaafiyaan waqtiga ayagoo ku maaragoow isku madadaaliya oo ka dhigtay balwad qaar baa sigaar ku caba, halka qaarna kaliya ay ku qayilaan shaax iyo sharaab.

Gobolada dalka ayaa si weyn looga ganacsadaa qaadka, gobolada waqooyin, puntland, koonfur galbeed, galmudug, jubaland, hirshabeelle iyo gobolka banaadir.

Waaa ganacsi ay ku baxdo lacag adag oo badan hadana waana howl maalmeed dad badani ay la qabsadeen.

Arintu si kastaba ha ahaatee joojinta jaadka ayaa hore oga daalay maamulkii kacaanka oo xitaa la baabi’iyey beerihii qaadka ee tow wajaale waqooyiga soomaaliya hadana dib loo furay.

 

Waa dhaqan naga soo galay kolkii hore dalka yaman ku sii fidiyey waqooyiga soomaaliya hadana kol dambe soo gaaray koonfurta soomaaliya.

Dhinaca kale galbeedka soomaaliya ayaa la mid ah meelaha sida aadka looga isticmaalo qaadka.

Sidoo kale waqooyi bari kenya Nfd soomaalida degta iyo jabuuti ayaa si weyn looga isticmaalaa qaadka.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

WAR HOOY DHULKA CIDLO MAAHAN WAAD SIRAN TAHEE

Itoobiya dhulkii hore haddaan ku qabsan lahaa kan igama soo doonteen waa se waxay ka dheefto

Sabarkii badnaa iyo iska indho tirkii dhulka itoobiya naga heysato ayaa ahayd qalad iyo gef weyn oo horay looga galay dadkeenna ay itoobiya gumeysaneyso haddaana inay nagu qabsato intii dhineyd waa arrin la yaableh, iyadoo usoo mareysa kuwa soomaalidiidka ah ee iyaga naftooda kol hore in wax laga qabto u baahnaa, waxaana la dhowranayay ilaa ay dalkii u xawilaan dowladda naflacaariga ah ee gumeysi doonka ah ee itoobiya.

Maahmaahdii Soomaaliyeed baa ahayd haddey gudineey gabalkey kugu jirin ima gooyseen,

Kuwii 1977kii  aan ku dhignay wixii la ogaa ayaa mar kale soo damaaciyay dhulkeenna hooyo iyo badahiisa, iyagoo wejiga ku soo qabsanaya shisheeye kalkaalka soomaali diidka ah ee canaasiirtu ka taliso.

Si kastaba dowladda soomaaliya oo isku duuban anigoo kala qaad qaadeynin ayaa waxay iska taagtay mowqifkii ugu fiicnaa ee dhanka Dipolomaasiyada Adduunka, waxayna Itoobiya soo taageen meel gabiib ah oo cidla ah, iyadoo aanba leysla gaarin dagaalka gacan ka hadalka, taasna waan kaga adkaaneynaa oo waxaan leenahay geesiyaal u dhaarta ciidda iyo calanka iyo shacab dhiiran oo u hamuun qaba dhiigga cadowga inay ku faraxshaan.

Itoobiya waxay is mooday in ay haatan tahay Libaaxa Afrika, balse waxaa la tusay inay tahay Mukulaasha Afrika, waxaayna dowladdeenna u caddeysay inaysan ahayn siday ismooday itoobiya.

Adduunkoo dhan waxay la yaaban yihii siyaasad xumada itoobiya soo wajahday xilligaan taasoo sabab u ah inay maanta xukunka u hayaan kuwa asalkoodu mooriyaan ah oo aan sharuucda adduunka ku kala socda aan waxba ka garaneynin

Sidii caadadu ahayd waxaan leenahay itoobiya waxaa fiicnaan lahayd in aad taariikha dib u akhrisaan wixii la soo maray adduunyada, waayo waxay ku dambeyneyso ayaan ogahay iyo inaad idinkoo duleysan ka baxeysaan soomaaliya meyd iyo dhaawac baddanna dhabarka ku sita, ka dibna aad dhihi doonto adduunkow ireeba soomaaliyaa iqabsan rabta sidii kol horeba u dhacday idinna aad ogtihiin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Laba laba hore ayaa liidaanyo kicsa) ciil hora jiray dhul horena way heysatay balse markaan adduunyo maxaa igu uumay ayaa itoobiya ka yeeri doonta, waa hubaal haddeey geesiyaasha ciidanka soomaaliyeed ee sooma jeesteyaasha ku soo aadaan in ay guulo taariikhda baal dahab ah ka gala kugu dhigi doonaan waxayna maahmaahdu sheegeysaa (Soo joog Ninkii laga waayo Soo jiifso ayaa laga helaa) filinkaadana waqti xaadir kama shaqeynayo soomaaliya kamana gadmayo caalamka

Dhanka kale, shacabka geesiyada ah iyo dhammaan ciidammada soomaaliyeed ee heeganka ugu jira difaaca dalka ka codsaneynaa in soo xiraan xuduudaha dalka oo dhan kuwa qaa’imay dalkana lagu qaado xukunka u yaallo dalka kuwa shirqoolka u dhiga dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Waa hubaal in ay dowlad iyo shacabba ay ka guuleysan doonaan maxeysatada isu soo baheysatay in ay soomaaliya carqaladeeyaan in la kulmi doonaan hoog iyo halaag aysan filaneynin meel uu uga yimid, ilaaheyna raalli kama aha dulmiga

Annagoo gacanna Argagixisada kula dirireyna ayaan tan kalena ku difaaceyna cadowga dibadda dowlad iyo shacabba idinkoo isku duuban Inshaa Allaah soo hooya guusha iyo midnimada dalka

WQ: Osman Dhiblaawe

 

Taliyaha NISA oo ku sugan Beledweyne ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Beledweyne- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaana adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Khawaarijta ah.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan doorkooda ciribtirka Khawaarijta.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in dhowaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ku booriyay qurba joogta Soomaaliyeed inay maalgashtaan dalkooda

-wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuymadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadal uu ka jeediyay Isku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed ee lagu qabtay maanta Caasimadda Muqdisho, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, baarlamaanka iyo maalgeshato qurbo-joog ah, ayaa sheegay in qurbo-joogtu yihiin halbowlaha nololeed ee qoysas badan iyo laf-dhabarka dib u noolaynta dhaqaalaha Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Bankiga Caalamiga ee Soomaaliya (IBS) maalgelinta munaasabadda iyo wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbo-joogta ee Wasaaradda, isagoo farta ku fiiqay muhiimadda ay leedahay ka faaidaysiga khibradaha iyo maalgeshiga qurbo-joogta si Soomaaliya u gaarto horumar iyo barwaaqo. Wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii ay fursado maalgashi oo baaxad leh u bixin lahayd, isla markaana ay u sugi lahayd ammaanka maalgashadayaasha qurba-joogta.

Wasiir Fiqi oo ka hadlayay saameynta dhaqaale ee ay leeyihiin lacagaha qurba-joogta ah ee xawaaladaha la soo mariyo ayaa xusay inay kaalin mug leh ka geysanayaan dhaqaaqa dhaqaalaha dalka, wuxuuna ku bogaadiyay sida wanaagsan ee ay Soomaaliya uga tarjumeen, magac iyo maamuusna uga soo jiideen bulshooyinka ay la noolyihiin, taasi oo ay ugu wacantahay suubanida akhlaaqdooda iyo hab-dhaqankooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Sare ee Bankiga IBS, Mudane Cabdirisaaq Cali Warsame, ayaa hadal uu ka jeediyay sku-imaatinka Maalgeshiga Qurba-joogta Soomaaliyeed, waxa uu ka sheegay in bankiga IBS u diyaar yahay dhiirrigelinta qurbo-joogta si dalka ay dib ugu soo noqdaan, una maalgeshtaan, isaga oo daaha ka rogay in Qurba-joogta Soomaaliyeed ay kaalin muuqata oo maalgeshiyo kala duwan ku leeyihiin Imaaradda Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, dhowr magaalo oo Turkiga ah iyo sidoo kale Caasimadda Kenya ee Nairobi , isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in maalgeshigooda u soo jiheeyaan dalkooda Soomaaliya, bangiguna diyaar u yahay inuu rumeeyo hiigsigooda iyo riyadooda maalgeshi oo guulaysata.

       

Ra’iisul wasaare Xamse oo dalka dib ugu soo laabtay

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo gabagabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya muddadii u dhexeysay 6-da ilaa 11-ka May, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa intii uu joogay Kenya waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Waxa uu sidoo kale la kulmay Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas oo uu uga warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha ganacsi iyo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Nairobi- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya, iyada oo ay halkaas ku soo dhaweeyeen Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo xubno ka tirsan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey shaqada ay safaaraddu u hayso shacabka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay diblomaasiyiinta in ay si siman ugu adeegaan bulshada, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin.