Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahna U-qeybsanaha Howlaha Bani’aadannimada Mudane George Conway.

Kulanka ayaa loogu hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta wada-shaqeynta Xafiiska QM iyo Maamulka Gobolka Banaadir, xal u helida arrimaha barakacayaasha iyo sidii Xafiiska xalka waara ee Maamulka Gobolka Banaadir (DSU) lagu garab siin lahaa Qorshahooda ku aadan sidii Shaqo Abuur, Waxbarasho, Caafimaad iyo Deegaameyn loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho.

Xuseen Sheekh: Itoobiya wax aan kaga adkaanay Diblomaasiyad

La taliyaha Madaxweynah JFS ee Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa ka hadlay guulaha dowladda gaartay muddada labada sano ah ee uu xukunka Hayo Madaxweyne Xasan sheekh, Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud, la taliyaha Madaxweynaha dhanka Dastuurka waxa uu sheegay in hormar badan laga gaaray dhinacyada Amniga iyo Arrimaha Dibadda, Gudaha iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Waxa kale oo uu sheegay in damaca gurracan ee Itoobiya dowladda ay kaga hortagtay qaab Diblomasi ah, asigoo tilmaamay in dalal mudda dheer soo shaqeynayay ay soomaaliya kaga hormarsan tahay dhanka Diblomaasiyadda taasoo keentay in dhammaan wadamada caalamka lagu qaciyo in si cad uga hor yimadeen gardarada qaawan ee Itoobiya

“Soomaaliyada 1977-kii iyo mida 2024-ka, farqiga u dhaxeeya waa Diblomaasiyadda aan heerka sare ka gaarnay, waana aragteen waxa aan Itoobiya ku dhignay, inagoo aan adeegsan awood.”

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowaldda oo ka duuleeysa halku dhigii madaxweynaha Ee ahaa ‘Somaali Heshiis ah dunidana hishiis la ah ay dowalada ku guuleysatay wanaajinta iyo la macaamilka wadamada caalamka si ku dhisan wax is dhaafsi,taasna ay keentay soomaaliya wax badan oo horumar ah ay u qabsoomaan.

Wax uu intaa ku daray hadalkiisa in soomaaliya ay hadda isku diyaarineyso in u tartanto xubin kamid ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay taas oo muujineysa horumarrada muuqda ee ay gaartay dowladda Soomaaliya.

15-bishaan ayay dowladda u buuxsantay laba sano,waxana la qabtay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay Deyn Cafinta,Cunaqabteyntii hubka oo laqaaday iyo Ku biirista ururka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo in degaano badan oo ka tirsan dalka laga xoreeyo khawaarijta oo mudda dheer dhibaatada ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 2-aad

Qeybtaana waxaan ku eegeynaa wixii dowladda uga fulayQorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

  1. ku biirista dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faa’iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.
  2. Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadib  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

  1. Deyn Cafinta : Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah hey’adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

  1. Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada ‘ATMIS’. “Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka”, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Ra’iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

“ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahan”, sidaasi waxa yiri Ra’iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,  “Waa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinayn”.

  1. nuxurka Qodobada heshiiska Difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kadib markii ay si degdega u ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamanka Federaalka, isla markaana uu saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Nuxurka Qodobada Heshiiskaan oo aan wax faahfaahin laga bixin, iyadoo la sugayo in Dowlada Turkigu ansixiso dhankeeda. Heshiiskaan ayaa muddo sanado ah soo jiitamaaya, iyadoo Maamulkii hore ay ka hor istaageen Dowlada Mareykanka haatanse oggolaatay, waxaana la helayaa qodoboda heshiiska oo ay Saxaafadda Turkigu qortay, islamarkaana Saxaafadda loo dusiyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”. Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah. Madaxweynaha ayaa isla maalintaasi saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobada ugu Muhiimsan Heshiiska

1.Inuu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2.Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3.Waxay fasaxday Howgallada Cirka, Dhulka iyo Badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan Ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada Dal.

4.Qeyb ka mid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco Madax-bannaanida Dhuleed, Cirka iyo Xeebaha ee Soomaaliya ee Aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo Dalalka iyo kuwo hungureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida Burcad-badeedda, Argagixisada, Kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5.Waxa lagu heshiiyay in horumarinta Warshadaha Dhismaha maraakiibta iyo Dhismaha Dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo Dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta Aagagga amniga Soomaaliya.

6.Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7.Waxay caawisaa habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8.Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta Ciidamada Badda ee Soomaaliya sida Maraakiibta Dagaalka iyo Doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Haddba hadal heyn badan ayay arrinta heshiiskaasi ka dhalisay Caalamka, waxayna siyaabo kala duwan u faaqidayaan oo qolobo meel u jiidatay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri.” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Soomaaliya”, wuxuu intaasi raaciyay in heshiiskan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluugga ah, waxa uuna hadalkaani jeediyay kadib markii uu saxiixay heshiiskaasi.

Dhinaca kale Dowladda Turkiye ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi dhexmaray Soomaaliya iyo Turkiye, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay horgeeyaan heshiiskaasi Baarlamaanka Dalkaasi, si uu ansixyo, maadamaa uu horeyba u soo ansaxiyeen Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kadibna uu saxiixay Madaxweynaha Ummadda Soomaaliyeed.

Hambalyo iyo Bogaadin ayaanu leenahay Madaxweynaha iyo Dowladdiisaba, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Go’doonkii waa nalaga xoreeyey oo waxaan ku biirnay suuqa dhaqaalaha bariga Afrika (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey iyo Baddeenna oo iyana ka xor ah gacmo shisheeye iyo waxyaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah ‘SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AH’.

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’.

By: C/lahi Ruush

Howlgal lagu dilay Dhagarqabe katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellada Hoose

-Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa xalay lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta dhagarqabahaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, iyagoo caawa ku guuleystay inay khaarajiyaan.

Xafiiska Bicisada iyo Arrimaha Xajka oo Gaadiidka Gargaarka deg Dega ah u diyaariyay Xujeeyda Soomaaliyeed

Xafiiska Bicisada iyo Arrimaha Xajka dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa diyaariyay Gaadiidka Gargaarka deg Dega (Ambalaasta) oo loogu talagalay adeega Caafimaadka ee loo diyaariyay Xujaayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1445/ 2024.

Dr Fadumo Cabdulahi Oo ka mid ah howl wadeenada Waaxda Caafimaadka ayaa faahfaahin ka bixisay diyaargarowga iyo howlaha ay u qabanayaan xujaayda.

Dr. Mohamed Cabdiqadir oo isna ka tirsan Waaxda Caafimaadka ayaa ka hadley goobta.

Maxamed Cali Keerow oo ka mid  Darawalada Gaadiidka Gargaarka deg deg ah ayaa sheegey in ay diyaar u yihiin ay SI wanaagsan u qabtaan adeegyada loo xilsaarey.

Ugu dambeyn Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka dowlada Federaalka Soomaaliya
<span;>Dr. khadar Xaji Dahir oo hadal Qiimo badan ka jeediyay munasabada lagu Soo bandhigayay Gaadiidka Gargaarka deg deg ah ayaa sheegey in sanadkan diyaar garoow ka duwana sanadadii hore in la sameeyey.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Nairobi kulan kula yeeshay dhiggiisa Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta gaarey magaalada Nairobi ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Kenya iyo Soomaaliya ay wax badan wadaagaan, labada dalna ay ka go’an tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

  

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti kala hadlay xariirka labada Baarlamaan

Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabuuti.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa intii uu joogay Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo madax kale, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dowladood gaar ahaan xiriirka labada baarlamaan.

     

Guddiga madaxa bannaan ee hirgalinta dastuurka oo bilaabay diyaarinta cutubyada 5-aad illaa 9-aad

Guddiga Madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa yeeshay kulan shaqo oo ay ka soo qeyb-galeen dhammaan xubnaha guddiga, kulankan ayey xubnaha guddiga diiradda ku saareen cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha guddiga Burhaan Aadan Cumar ayaa warbaxin guud ka siiyay xubnaha guddiga geeddi socodka dhamaystirka Dastuurka, ayadoo dood iyo falaqayn laga yeeshay diyaarinta cutubyada 5-aad, 6-aad, 7-aad, 8-aad iyo 9-aad ee Dastuurka iyo dhamaystirkooda.

Gabagabadii, guddoomiyaha Madaxa-banaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka Burhaan Aadan Cumar oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha guddiga ku amaanay dadaalkooda ku aaddan dhamaystirka Dastuurka.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska munaasabadda 15-ka May

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay markale u istaagaan difaaca iyo dib u xoreynta dalkooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh Ummadaha kale ee dunida.         

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay wakiilka Xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye  oo ay wehliyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirrada ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay wakiilka xoghayaha Qarammada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeyneysa shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo wafiga la socday marwo Catriona Lainga ayaa kormeer ku tagay dhismaha xarunta Qarramada Midoobe ee Galmudug oo meel wanaagsan uu maraaya dhismaheedu, iyadgoo sidoo kale ay ka wada hadleen amniga iyo la dagaallanka argagaxisada, arrimaha doorashooyinka iyo qaaybentooda iyo guud ahaan siyaasadda dalka.