Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay xuska munaasabadda 15-ka May

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay markale u istaagaan difaaca iyo dib u xoreynta dalkooda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga iyo ka fogaanta qabyaaladda ee ay ku sifoobeen halyeeyada SYL ay sabab u noqotay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh Ummadaha kale ee dunida.