Iran oo bilowday 5 cisho oo loogu baroordiiqayo geerida Madaxweynihii dalkaasi & mas’uuliyiin kale

Hogaamiyayaasha caalamka iyo kuwa gobolka ayaa tacsi u diraya madaxda Dalka Iran,kadib markii uu shil diyaaradeed ku dhintay madaxweyne Ebrahim Raisi iyo wasiirkii arrimaha dibadda Hossein Amirabdollahian.

Wadarta dadka ku dhintay diyaaraddaasi oo Herokobtar aheyd ayaa gaaraya sagaal qof, oo uu ku jiro guddoomiye gobol, waxaana diyaaraddu ku dhacday waqooyiga Iiraan ee Bariga Asarbayjan.

Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa u magacaabay madaxweyne ku xigeenkii koowaad Mohammad Mokhber inuu noqdo kusimaha madaxweynaha dalka,waxaana dalkaasi laga qorsheeyay  shan maalmood oo baroor diiq qaran ah.

Hogaamiyaha Sare ee Iran ayaa sheegay in la qaban doono doorashooyin cusub 50-ka  maalmood ee soo socda.

Soomaaliya ayaa Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweynihii Iran oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Dowladda Soomaliya ayaa Dowladda Dalka Iran uga tacsiyeysay Madaxweynihii Dalka Iran Ibraahim Ra’iisi oo shalay ku geeriyooday Shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka azarbijaan,sidoo kale Shilka ayaa waxa ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dibedda,xeer ilaaliyihii guud iyo guddoomiyeyaal Gobol.

Shilkan ayaa dhacay xili Madaxweynaha Iran ka soo laabtau Safar uu ku soo dhagax dhigayey mashruuc Biyo xidheen oo laga hirgelinayo Azarbijaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Shacabka Dalka Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweyne Ibraahim Ra’iisi.

Ra’iisul Wasaare Xamsa : Bulsho karaankeedu hooseeyo lama loolami karto caalamka intiisa kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha, ayaa sheegay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.

“Bulsho karaankeedu hooseeyo, lama loolami karto caalamka intiisa kale, iskamana celin karto cadowga muuqda ee lidka ku ah iyo midka qiiqa isku qariya ee dibindaabyeynaya, Waxaase intaa oo dhan ka muhiimsan in la maalgeliyo lana dhiso karaanka iyo kartida bulshada”.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay hiigsanayso isbeddel xooggan oo ku dhisan awoodda bulshada, taas oo horseedi karta isbeddel muuqda oo ku yimaadda caqliga iyo xoogga dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Bulsho aan lahayn dabaqad aqoon iyo xirfad sare leh, ma gaari karto nolol wanaagsan, qeyrkeedna lama tartami karto, mana hiigsan karto himilooyinka sarreeya ee ay madaxdeedu ku taamayaan, sidaa awgeed, waa in bulshadeennu ay heshaa waxbarasho loo siman yahay, fursado shaqo oo loo siman yahay, iyo adeeg caafimaad oo tayo leh”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in dalkeennu uu yahay mid hodan ku ah kheyraad kala duwan, dhisidda kartida iyo karaanka bulshaduna uu qeyb libaax ka qaadan karo kobaca, horumarka iyo sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dalkeenna ceegaaga.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasaaradaha Adeegga Bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, Xildhibaanno ka tirsan labada aqal, Safiirro iyo Madax ka socotay hey’adaha caalamiga ah

 

   

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta ee Madasha Qaxootiga Aduunka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali  “Xoosh” oo furay Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta Balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Aduunka 2019.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa sheegay “Kulan how-leedkan waxa uu ka marqaati kacayaa mas’uuliyad wadaagga naga saran inaan si wada jir ah uga wada shaqeeyno ballanqaadyada iyo iskaashiga lagu horumarinayo barakacayaasha. Afkaarta iyo Istaraatiijiyadaha aan maanta halkan ku curinno waxaa ay saldhig u noqon doonaan qorshaha Istaraatiijiyadda xalka waara ee Hey’adda NCRI ee kahortagga barakaca qasabka ah“.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh oo hadalka sii wata ayaa ku dheeraadey dhibaatada barakicinta qasabka ah “Barakaca qasabka ah waa xaqiiq taabaneysa nolosha dad badan, taasi oo wadatashiyadii kala duwanaa ee saamileyda kadib aan ballanqaadnay xal u heliddooda, waxaanna naga go’an in Qaxootiga iyo Barakacayaasha ay qeyb ka noqdaan siyaasadaha noo degsan, lana xoojiyo la qabsigooda isbadalka cilimada“.

Ugu dambayn, wasiirka ayaa bogaadiyey Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka dadaallka aan kala go’a lahayn ee ay ku bixiso howlaha Banii’aadnimada iyo fulinta aragtida xukuumadda ee xal u helidda barakaca, qaxootiga, kuwa soo gurya noqda iyo howlaha dib u dejinta.

 

 

   

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay shir ay isugu yimadeen Wasaaradaha adeegga bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shir ay isugu yimaaddeen Wasaaradaha adeegga bulshada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, kaas oo lagu xoojinayo ahmiyadda kobcinta Karaanka Aadanaha, oo udub dhexaad u ah horumar kasta oo dalkeennu hiigsanayo.

Haweeney loo heysto ka mid noqoshada khawaarijta iyo lacag dhaqis oo lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay soo gabagabeysay dacwad la xariirtay maalgalin argagaxiso iyo lacag dhaqis oo lagu helay Ayaan Abuukar Maxamed.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamadda horkenay caddeeymo lid ku ah Ayaan oo sheegayo in Akoon ay laheyd ay dhaqaalo ugu uruurinjirtay argagixisada waxana lagu eedeyay in ay gashay dambiyada lacag dhaqista iyo maalgalinta Argagixisada, kamid noqoshada koox hubeysan oo kasoo horjeeda Qaranimada Soomaaliyeed.

Ayaan ayaa dhankeed maxkamadda ka hor sheegtay in lambaradeeda lagu furtay akoonada balsa ay gacanteda ka maqanyihiin oo ay isticmaalayeen rag ay horay ugu dhaxday oo aysan ogeyn halka ay jogaan hadda.

Qareennada u doodayo Eedeysanaha ayaa dhankooda sheegay in aysan Ayaan galin dambiyada ay xeer ilaalinta ku soo eedeysay.

Ayaan Abuukar Maxamed oo ay maxkamadda Gobolka ku heshay dembi ah maalgalin argagaxiso iyo lacag dhaqis ayaa lagu ku xukumay 8 sano oo xabsi ah iyo 8 kun oo Dollar oo ganaax ah sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxakamadda Gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud (Damaan)

Madaxweynaha Iiraan iyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda oo shil diyaaradeed ku geeriyooday

Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa maanta oo isniin ah shaacisay in Madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi iyo wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi mudane Hossein Amir-Abdollahian ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay Waqooyi galbeed ee dalkaasi.

Wakaaladda Wararka Mehr ee Iiraan ayaa sheegatay in Madaxweynaha dalkaas iyo intaa la socotay dhamaantood ku geeriyoodeen shilka diyaaradeed ee ka dhacay dhulka keymaha ah ee buuraha ah ee Dizmar, una dhow magaalada Farzaghan.

 

Wakaaladda Wararka dalka Iiraan (IRAN) ayaa sheegtay in diyaaradda dhacday ay sidoo kale la socdeen guddoomiyaha bariga Asarbayjan iyo imaamka gobolka, ayaa sidoo kale la socday madaxweyne Raisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee

Warbixinta Qaranka ee rasmiga ah ee dalka Iiraan ayaa shalay sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo siday Madaxweyne Raisi ay shil ku gashay gobolka Julfa ee bariga gobolka Asarbayjaan, iyadoo xiligaas ay jireen xaalad cimilo xumo.

Hay’adda bisha Cas ee dalkaasi ayaa sheegtay in dhoor iyo toban saacadood oo samatabixin iyo raadin uu qaatay howgallada baadi goobka diyaaradda, iyadoo qeyb wayn uu ka qaatay dalka dalka Turkiga baadi goobkaas lagu helay halka ay ku dhacday diyaaradda Madaxweynaha Iiraan.

Madaxweynaha JFS oo dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley noqdaan degmooyin buuxa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan heerarka dowladda federaalka ah, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar kale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda heerkeedu sareeyo oo lagu soo dhaweynayo degmooyinkan cusub, taas oo lagu qabtay Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo ku sugnaa xarunta dowladda hoose ee xamar ayaa warbaahinta u akhriyey digreetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee 3-da degmo ee cusub, kuwaas oo buuxiyay sharuudaha degmanimmo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Yuusuf  xoosh ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay safiirka Turkiga ee Soomaaliya mudane  Alper Aktas.

Kulanka uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiir Ku xigeenka Wasaarada mudane Cabdixakiin Ashkir ayaa arrimaha laga wada hadlay waxaa ka mid ah Iskaashiga labada dhinac, Dib u xorreynta, dadaallada Xasillinta iyo Arrimo kale.

Wasiir Xoosh ayaa kaga warbixiyay safiirka guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka sida arrimaha dagaalka khawaarijta oo laga saaray magaalooyin badan, deynta cafinta iyo cunaqabteynta hubka oo haatan Soomaaliya laga qaaday. Wasiirka ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada ballaaran ay mar walba la garan joogaan Soomaaliya.

      

Ciidanka Booliiska oo soo xiray dhallinyaro baraha bulshadda ku baahinayay farriimo kicinaya colaad dadweyne

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa howlgal Muqdisho ka socday 24 saacadood ku soo xiray dhalinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

Tirada dhalinyarada la soo xiray ayaa ah 21 qof, kuwaas oo bulshada dhaxdeeda ka waday “anshax xumo iyo kala qoqob” sida lagu sheegay qoraalka booliska.

Baaritaan ku saabsan kiisaska loo heysto dhalinyaradaan ayuu bilaabay Booliska Soomaaliya, si looga gun gaaro, cida soo abaabushay falalka ay ku kaceen dhallinyaradaan.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan falalka anshax xumada ah, hadalada kicinaya bulshada iyo aflagaadada muwaadiniinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.