Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali – Xoosh ayaa maanta kula kulmay xafiiskiisa kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya(UNSOM) Mr. Raisedon Zenenga ,iyada oo laga wada hadlay Arrimaha Doorashooyinka, Dib u heshiisiinta iyo Arrimo kale.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa carrabka ku dhuftay sida ay uga go’antahay dowladda Soomaaliya in ay shacabkeeda dib ugu celiso go’aan qaadashada masiirkooda iyo doorashada kuwa matalaya isaga oo adkeeyey in aan dib loogu noqon doonin Teendhada.

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay dhagarqabe ka tirsanaa khawaarijta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ibraahim Aadan Maaddeey oo magaciisa Afgarashada dhinaca aragagixisaduna uu yahay “Cabdiraxmaan”.

Dhagarqabe Cabdiraxmaan ayaa 2-dii Janaayo ee Sanadkan ku dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Allaha u naxariisteen Khadiijo Siyaad Maxamed, xilli ay ku sugneyd bannaanka hore ee gurigeeda.

Ibraahim Aadan Maaddeey ayaa Khawaarijta kaga biiray degmada Jillib ee gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna halkaasi ku qaatay tababar gaaban oo dhinaca dillalka qorsheysan ah, kadib ayaa waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, isagoo ka mid noqday kooxda dilalka gaadmada ah fulisa.

Ciidamada ammaanka ayaa dilka Khadiijo Siyaad Maxamed ka dib gacanta kusoo dhigay dhagarqabe Cabdiraxmaan xilli uu isku dayay inuu baxsado.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyay dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ibraahim Aadan Maaddeey dil toogasho oo ah, taas oo ah qisaasta Khadiijo Siyaad Maxamed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Share this Article

Dowladda Sacuudiga oo aad u adkeysay Kaararka Xujeyda ka qeyb galaysa Xajka sanadkan 1446/ 2024

Riyadh- Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa ka hortageysa dadka aan soo marin nidaamka saxda ah ee loogu talo galay in ay maraan dadka xajinaya.

Waxaa soo baxay awaamiir is daba joog ah oo dowladdu ay ku socod siineyso nidaamka Xajka ee sanadkan oo wax badan ka beddelan sanadihii hore.

Dadka hareer mara nidaamka Xaajiga loo dejiyay iyo kuwa raba in ay si sharci darro ah ku xajiyaan ayay dowladda Sacuudiga sheegtay tallaabooyin isugu jira xarig, ganaax iyo tarxiil.

Sidaasi si la mid ah Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay go’aannadaasi iyo habraaca dowladda Sacuudiga ay jideysay, sI looga hor tago dhibaato soo gaarto muwaaddinka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo qaabbilay danjiraha Emaaraatka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Isutaga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya Dr. Axmed Jumca Al-Rumeysi.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, sii wadida arrimaha gar’aarka oo ay Dowladda Imaaraatka gacan weyn ka geysato iyo sidii Mashaariic horumarineed loogu fulin lahaa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Dowladda Imaaraatka Carabta uga mahad celiyay kaalintooda ku aadan garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnayd dalka Sacuudiga oo loo fidiyay cafis

Jeddah- Qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga dalka Sacuudi Arabiya Danjire, Axmed Maxamuud Diiriye ( Macruuf ) ayaa sheegay in ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan ay u fidiyaan adeegyo badan oo ay jirto sii deynta maxaabiista aan sharciga ku soo gelin dalkaasi.

Danjire, Macruuf ayaa sheegay in howl wadeennada Qunsuliyadda ay kormeer ku tageen dhowaan goobaha ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaaliyeed ee tahriibka ku gala dalka Sacuudiga gaar ahaan gobollada xiga xadka dalka Yemen.

Qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga dalka Sacuudi Arabiya Danjire, Axmed Maxamuud Diiriye ( Macruuf ) ayaa sheegay in Jeelka magaalada Najraan ay kula kulmeen 162 qof oo ah maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo dheer ku jira xabiga.

Danjire, Macruuf ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudigu ay Cafis u fidisay qaar ka mid ah maxaabiista oo ku xukunnaa xabsi dheer kadib codsi ay u gudbiyeen mas’uuliyiinta dalka Sacuudiga, wuxuuna rajo ka muujiyay in inta harsanna lasii daayo.

Mudane Macruuf ayaa ugu dambayn dadka Soomaaliyeed ugu digay in aysan soo tahriibin nafoodana aysan Qatar gelinin, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan soo bixi doonaan Fiisayaasha shaqa raadiska oo ay iska kaashanayaan dowlaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Tamarta XFS oo Indonesiya kaga qayb galay shirka madasha 10-aad ee biyaha Caalamka

Jakarta- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa ka qayb galay shirka madasha 10-aad ee biyaha Adduunka ( 10th World Water Forum) kaas oo ka furmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.

Madashan ayaa waxaa furay Madaxwaynaha Indonesia, waxana looga doodi doonaa caqabadaha guud ee biyaha iyo heerka daboolka biyaha, xal u helidda khaliaafadka biyaha ee hadda taagan iyo hirgelinta go’aannadii ka soo baxay Shirweeynihii biyaha Adduunka ee sanadkii hore (UN water conference New York 2023).

Wasiiru dowlaha ayaa warbxin ka Jeediyay madasha, inta madashu socotana kulamo gaar gaar ah ayuu la yeelan doonaa wufuudda sare ee ka socda waddamada cilaaqaadka biyaha uu nagala dhaxeeyo iyo hay’adaha hormurinta biyaha ka shaqeeya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedku ahaa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay safiirka Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha Ruushka ee dalkeenna Mudane Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.

Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga oo ku boorisay xujeyda inay xili hore u diyaar garoobaan gudashada Xajka

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa ku boorisay xujeyda sanadkan ee haysata visaha ama ogalaasha xajka ee mareegta NUSUK inay goor hore u diyaar garoobaan safarka Xajka si uu ugu fudaado oo aysan ula kulmin dhibaato, iyagoo raacaya talooyinka wacyigalineed ee wasaaradda Xajka ama hay’adaha rasmiga ee arrimaha Xajka ee wadamadooda.

Qoraalo isdaba joog ah oo ay Wasaaraddu ku baahisay Baraheeda bulshada ayay ku soo bandhigtay talooyin ku saabsan sidii ay Xujayda ugu diyaar garoobi lahaayeen, isla markaana meesha looga saaro inay ku dhiboodaan safarka, waqtina u hilaan hubinta dukumentiyada socdaalkooda inta aysan aadin garoomada diyaaradaha, islamarkaana ay qaataan agabyo fudud.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay kula talisay xujayda inay jir ahaan u diyaar garoobaan si ay uga fogaadaan dhibaato ka soogaarto ciriiriga jira xiliga xajka, iyadoo ku boorisay inay xirtaan gabaha nooca sports-ka, iyo kuwa leh caafimaadka, ayna fogaadaan cunnooyinka leh cayilka oo ay qaataan nasasho ku filan, islamarkaana cabaana biyo badan.

Dabaylo qasaare geysan kara oo looga digay wadamada geeska Afrika

Addis Ababa: Waaxda arimaha isbedelka cimilada ee Midowga Afrika ayaa sheegtay in dabaylo qasaare geysan kara ay ku dhufan karaan qaar ka mid ah wadamada geeska Afrika, waxaan fariintan digniinta ah lala wadaagay safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Sida ka muuqata sawirkan hoose ka yimid Midowga Afrika, wuxuu sheegayaa in cimilada dalalka ku teedsan dhul xeebeedka Bariga Afrika oo Soomaaliya ka mid tahay in ay ka jiraan dabaylo xoogan oo ku socda xawaare aad u sareeya oo dhan 185km saacaddiiba xaaladuna ay tahay mid aad u kacsan, balse ay saadaashu sheegayso in ay xaaladu is bedeli karto, lagana yaabo in 18saacadood kadib uu xawaaruhu noqon karo 65km saacadiiba.

Sidoo kale, waxaan u sheegnay in ay si joogto ah noola soo wadaagaan xaaladaha la xiriira cimilada kacsan iyo dabaylaha ka jira xeebaha qaar kamid ah dalalka Geeska Africa, waxaana uga mahadcelinay xiriirka iyo wargelinta ay arintan nagala soo sameeyeen.

Waaxda Isbedelka cimilada Midowga Afrika waxay ku talisay in wargelin iyo wacyigelin degdeg ah loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee degen dhulka xeebaha ah ee Soomaaliya gaar ahaan gobolada Koonfurta Somalia.