Wasiir Maareeye oo kormeeray goobta lagu baaro gaadiidka Muqdisho keena qudaarta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka jawaabayay cabashada Ganacsatada Khudaarta ayaa saaka kormeer ku tagay Aargada Deyniile oo ay ku xayiranyihiin Baabuurta Khudaarta soo galiya Muqdisho.

Wasiir Maareeye oo ku sugan halka lagu baaro gaadiidka qudaarta ka keena gobollada dalka ayaa bogaadiyay gaadiidleyda iyo dadka ka ganacsada dalagga ka soo go’a beeraha dalka, wuxuuna ku ammaanay dulqaadka ay sameeyaan iyadoo ay xun yihiin waddooyinka soo gala caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in uu la kulmi doono taliyayaasha ciidamada ee ka howlgala rugta baarista, wuxuuna ballan qaaday in ay fududeyn doonaan habka baarista gaadiidka keena qudaarta.

Booliska Soomaaliyeed oo soo xiray Koox rabshado ka waday Dagmada Daarusalaam

Ciidanka Booliska Soomaliyeed, ayaa degmada Daarusalaam ee Gobalka Banaadir ka soo qabtay koox la sheegay inay fowdo ka wadeen degmadaas, kuwaas oo gaaraya 15 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, dadkaan ayaa ku eedeysan inay soo abaabuleen Banaanbaxyo rabshado dhaliyey wato oo khasaare dhalliyay.

Booliska oo soo bandhigay Sawirada dadka lasoo qabtay, ayaa sheegay in la horgey doono Maxkamadda, iyadoo mar kale looga digay shacabka ku nool Caasimadda inay ka fogaadaan wax kasta oo amniga liddi ku ah.

Habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale loo soo bandhigay sawirrada dhallinyaro Gabdho u badan oo kicin dadweyne ka bilaabay barta TikTok, kuwaas oo dhammaantood xabsiga loo taxaabay.

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo furay shirka horumarinta Dhallinyarada

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa furay kulan wadatashi ah oo looga hadlayay qorshaha horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee shanta sano ee soo socota.

Shirkan wadatashiga ah ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Benaadir si qorshe midaysan loogu wajaho horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ujeedka qorshaha cusub ee la dejinayo ayaa ah kaalinta dhallinyarada ee mashaariicda magacooda ku socota iyagu ay hormuud ka noqdaan si ay u hubiyaan in maalingelinta loo sameeyo dhallinyarada ee Heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ay gaadhay waxyaabihii loogu talo galay.

Qorsheyaasha hortabinta u leh Istiraatiijiyadan cusub ee shanta sano ah waxaa ka mid ah xoojinta xirfadaha gaagaaban ee sahlaya inay dhallinyaradu si dhakhso ah ugu biiraan suuqa shaqada, xoojinta hal-abuurka iyo ka faa’iidaysiga Tiknoolajiyadda.

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Ruushka

Wasiirka arrrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo tallaado ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka “ma degane” Ruushka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Mikhail Golovanov, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo khuseeya amniga, bulshada iyo bani’aadantinimada.

Kulanka ayaa intii lagu guda-jiray, waxa uu Wasiir Fiqi guddoomay casuumaadda rasmiga ah ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika oo lagu wado inay ku qabsoonto magaalada Sochi 11-12 November.

Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay gaari hub u waday khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka 86aad ee guutada 77 ayaa gacanta ku dhigay Gaari Layla calaawi ah oo hub iyo saanad kale u siday argagixisada.

Ciidanka oo haayay xogta gaaringan argagexisada u socday ayaa waxay ku qabteen deegaanka Mary-suley oo u dhow xadka qaybiyo galgaduud iyo shabellaha dhexe.

Deegaannada dhaca xadka gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud ayaa waxay ciidanku maalmihii danbe ka wadeen howlgallo sifayn ah oo argagexisada lagu gaarsiiyay jab xooggan.

     

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay Ciidanka xoogga dalka

Baydhabo- Ibraahim Cali Maxamed oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay Taliska Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.

Ninkaan ayaa tababarro kala duwan kusoo qaatay gobollada Bay iyo Jubbada dhexe, isagoo sheegay in argagixisada uu uga biiray deegaanka Ufurow ee gobolka Bay.

Ibraahim ayaa sheegay in dhibaatada duurka ku heysata Khawaarijta uu u dul-qaadan waayay, sidoo kale wuxuu sheegay in culeys badan ay kala kulmeen howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Ibraahim Cali Maxamed ayaa dhalinyarada kale ee la qalday ugu baaqay in ay dadkooda iyo dowladooda isku soo dhiibaan.

Duqa Muqdisho oo daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee xal-u-helidda Barakacayaasha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Barnaamijka Qorshaha Farsamo ee xal-u-helidda Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iska kaashanayaan Maamulka Gobolka Banaadir, xafiiska QM ee Soomaaliya iyo Hey’adda IOM.

Madashaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada G/Banaadir, Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ahna U-qeybsanaha Howlaha Bani’aadannimada Mudane George Conway, He’adda IOM iyo xubno farsamo oo ka socday Wasaaradda Qorsheynta XFS, ayaa lagu kala saxiixday heshiis is-afgarad oo dhigayaa sidii loo taageeri lahaa Xafiiska Xalka Waara (DSU) ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii xalwaara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku dhaqan Gobolka Banaadir sidii ay u heli lahaayeen xuquuqaadka aasaasiga ah oo ay ka mid tahay, Waxbarasho, Caafimaad, Deegaameyn iyo in shaqo abuur loo sameeyo.

SoDMA oo ka digtay Dufaaanno culus oo loogu magac daray 𝗟𝗮𝗹𝘆

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay Dufaaanno culus oo loogu magac daray 𝗟𝗮𝗹𝘆.

Duufaantan ayaa la sheegay in ay kusoo wajahan tahay magaaloyinka Xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe, waxanay bulshada uga digtay in ay taxaddaraan.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qaabbilay Safiirka Cusub ee dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Cusub ee dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane, Alper Aktaş.

Kulanka oo ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn ayaa sidoo kale Guddoomiyaha iyo Safirku intuu uu kulanku socday isla soo qaadeen xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii adkayn lahaa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada joogtada ah iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka hir-geliyeen, wuxuuna safiirka ku booriyay in uu sii laba jibaaro xiriirkaas walaaltinimo.

Soomaaliya iyo Britain oo ka wada hadlay tayaynta waxbarashada aasaasiga ah

London- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay Shirka Golaha Waxbarashada Adduunka ee ka socda Magaalada London.

Wasiirka ayaa la kulmay Mudane Andrew Mitchell oo ah Wasiiru Dowlaha UK u qaabbilsan Horumarinta iyo Arrimaha Afrika.

Waxa ay labada labada mas’uul ka wada hadleen istaraatiijiyadda ku aaddan sidii loo baahin lahaa helitaanka waxbarashada aasaasiga ah, si wax looga qabto, loona yareeyo tirada carruurta da’da waxbarashada ku jira ee aanan waxbarasho haysanin.