Wasiirka shaqada oo Dalka Qatar uga qayb galay shir ku saabsan arrimaha shaqaaha muhaarijiinta ah

Dooxa: Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa magaalada Doha ee dalka Qatar kaga qeybgaley shir loogu hadlaayay Arrimaha dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha muhaajiriinta ah ee u dhexeeya wadamada Afrika iyo Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jordan iyo Lubnaan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada gobol iyo xoojinta wdashaqeynta ka dhexeysa sida xoojinta xuquuqda shaqaalaha iyo qoritaanka shaqaalaha ee dalalka Afrika.

Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka ayaa ku bogaadiyay dowlada Qatar maadama ay martigelisey shirkan, sido kale wasiirka ayaa muujiyay in dowlada Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xaquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed Ee ka shaqeeya dalalka carabta.

Ugu dameyn, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshey wasiiradda dhiggisa ah oo ka socday dalalka Carabta iyo wadamada Afrika inta uu socdey shirka.    

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay safiirka Yeman

Wasiirka arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Fadal Ali Ahmed Alhanik, oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta siyaabaaha iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.

Kulanka, ayaa sidoo kale lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo khuseeya labada dal, iyadoo la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada gobolka iyo kuwa caalamiga ee muhiimadda gaarka ah leh.

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay dhigiisa dalka Cumaan

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo booqasho shaqo oo rasmi ah ku jooga magaalada Muscat ee Dowldda Saldanadda Cumaan ayaa kulan miradhal ah la qaatay dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi

Masu’uuliyiinta labada dal ayaa ka wadahadlay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee laba dowladood, iskaashi dhinaca Kalluumesiga ah, in laga wada shaqeeyo sidii labada dal ay isku dhaafsan lahaayeen fursadaha ganacsiga ee dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waaweyn ee Cumaan ay maalgashi ku sameeyaan Kalluumeysiga Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi ayaa uga mahadceliyey dhigiisa Wasiir Axmed Xassan Aadan aqbalaadda casuumaadii uu u fidiyey iyo sida wax ku oolka ah ee ay u wadaageen macluumaadka fursadaha Kalluumeysi iyo iskaashiga labada dowladood, waxaana uu la wadaagay sida ay xukuumad ahaan diyaar ka ugu yihiin iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga iyo in shirkadaha waa weyn ee dalkan ay maalgashi wax ku ool ah ku sameystaan Soomaaliya.

Wasiir Mudane Axmed Xassan Aadan oo ka mahadcliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey ayaa sheegay dalkeennu uu furay albaabada Maalgashiga waxa uu si gaar ah uga hadlay dhinaca Kalluumeysiga isaga oo sheegay in jiraan sharciyo maxali ah oo la jaanqaadaya kuwa gobolka iyo caalamka kuwaas oo suuragal ka dhigaya in dalkeennu uu qaabilo maalgashadeyaal caalami ah si kor loogu qaado wax soosaarka Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka.

Kulankan oo ku soo dhammaaday jawi isfaham ah waxaa ku wehliyey wasiirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdi Dirshe iyo masu’uuliyiin kale oo ka socda qeybaha kala duwan ee wasaaradda.

Wasiirka gaashaandhigga oo wasaaradda ku qaabilay safiirka Ruushka

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay xoojinta dadaalada socda iyo taageerada dowladda Ruushka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka go’antahay in guud ahaan dalka laga ciribtiro kooxda Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaliyeed iyo guud ahaan Gobolka isaga oo adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada saaxiibada caalamka ee ku aaddan gacan siinta arrimaha la xariira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dib u dhiska iyo qalabeynta Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Danjiraha Ruushka u fadhiya Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa dhankiisa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyay sida isku duubnida ah ee ay u wajaheen in ay dalkooda ka ciribtiraan kooxaha nabad diidka isaga oo sheegay in ay Ruushka ka go’antahay taageerada Soomaaliya

Guddoomiye Madaale oo la kulmay danjiraha dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ruushka u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov.

Duqa Muqdisho ayaa ugu mahadceliyay Danjiraha Ruushka booqashada uu ku yimid Aqalka dowladda hoose ee Xamar, Dadaalkiisa ku aadan xoojinta xiriirka labada shacab, iyo doorka Dowladda Ruushka ee garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Mikhail ayaa bogaadiyay horumarada ka socda Caasimadda Muqdisho, asigoona dhankiisa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay kala shaqeyn doonnaan arrimaha Bini’aadanimada, Horumarka Magaalada Muqdisho, Iskaashiga iyo isku xirka labada Caasimadood.

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo iska kaashanaya horumarinta gaadiidka

Riyadh- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa Maanta, kulan laqaadatay Dhigeeda  Wasiiirka Gaadiidka Dalka Boqortooyada  Sucuudi Carabiya waxayna kulanka diiradda ku saareen sare u qaadida iskaashiga, horumarinta, khibrad wadaaga iyo arrimaha kale ee mudnaanta leh ee labada Wadan.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa shirar dooceedyo iskaashi oo ay Wasiir Fardowsa la yeelanayso Wasiirrada iyo wakiillada kale ee ka qaybgalaya shirwaynaha mustaqbalka Duulimaadyada oo sannadkan isku keenay in ka badan madaxda 150 dal kaas oo ka socda Magalada Riyaad Dalka Sucuudiga.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaaliya ayaa ku soo Bandhigaya Shirarka Caalamka ee looga Hadlayo Gaadiidka  Doorkeeda Hormarinta Duulista iyo Hawada tasoo Hortabinta koobaad u ah Xukuumadda Danqaran.

Dowlado ka mid ah midowga Yurub oo aqoonsaday dowlad ay yeelato Falastiin

Ra’iisul Wasaarayaasha dowladaha Norway, Spain iyo Ireland ayaa sheegay in ay aqoonsanayaan dowlad madax bannaan oo ay yeelato Falastiin.

Simon Haries, Ra’iisul Wasaaraha Ireland, Ra’iisul Wasaaraha dalka Spain, Perdo Sanchez iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Store oo la hadlay Saxaafadda ayaa si wada jir ah u shaaciyay aqoonsigooda dowladda Falastiin.

Hoggaamiyeyaashan ayaa sheegay in 28-ka bishan ay si buuxda ugu dhowaaqi doonaan aqoonsigooda Falastiin, iyagoo taageero dheeri ah u raadinaya hindasahooda ay ku aqoonsanayaan dowlad ay yeelato Falastiin.

Ra’iisul Wasaarayaashan ayaa waxay sheegeen in xalka keliya ee lagu heli karo nabad ka dhalata Bariga dhexe uu yahay in la helo laba dowladood oo is barbar yaal oo ay leeyihiin Falastiin iyo Isra’il.

Dhinaca kale dowladda Turkiga oo ka tirsan Gaashaanbuurta NATO ayaa soo dhoweysay go’aanka Saddexdan Ra’iisul Wasaare ee lagu aqoonsanayo dowlad ay yeelato Falastiin.

Madaxweynaha Jubbaland oo booqday xarunta SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho howleed u jeedkeedu yahay ogaanshaha xogaha bani’aadannimo ee dalka ka jira ku tagay xarunta dhexe ee hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin Cabdulle.

Madaxweynaha ayaa lala wadaagay warbixin guud oo la xariirta howlaha iyo waajibaadka hay’adda, saameynta taban ee is-beddelka cimilladu ku leedahay dalkeenna, cabsida laga qabo duufaanta Laly oo sare u sii kacaysa iyo dadaallada gargaar ee SoDMA ka waddo dalka, gaar ahaan gobollada Jubbaland.

Kulankan xog-siinta iyo soo dhaweynta isugu jira waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa, Guddoomiye ku xigeenka hay’adda, la-taliyayaal iyo marti-sharaf kale, wuxuuna Madaxweynahu si weyn u bogaadiyay howlaha hay’addu u heyso dadka Soomaaliyeed ee nugul, isagoo ka mahadceliyay arrimaha samafal ee ka socda degaannada Jubbaland.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda Carabta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka shirka sanadlaha ah ee hay’adaha Maaliyadda Carabta oo lagu qabanayo magaalada New Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta Maaliyadda dalalka Carabta, iskaashiga dhaqaalaha iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa inta uu ka qeyb galayo shirkaan waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa Madaxda Dalalka iyo kuwa Hey’adaha Maaliyadda Carabta ee wadashaqeynta ay kala dhaxayso dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Shirka Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029=ka.

Qorshahan ayaa waxa uu xambaarsanyahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca horumarka dalkeenna iyo dadkeenna.