Taliye Sulub oo tababar u soo xiray ciidan ka tirsan Booliska

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa tababar u soo xiray 70 Askari oo cusub oo ka mid noqonaya qeybta hab-maamuuska gaar ahaan ee Baanda Musikada Boliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadda Tababarka loogu soo xiray ciidankaas waxaa goobjoog ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale, waxaana lagu qabtay Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee S/Guuto Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

          

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ansixiyey hindise Sharciyeedyo dhowr ah

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey hindise sharciyeed,siyaasad,xeer iyo heshiisyo iskaashi oo kala ah;-

1. Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka,
2. Siyaasadda Dowladda ee Bareyaasha Soomaaliyeed.
3. Xeer-nidaamiyaha qiimeynta saameynta deegaanka
4. Heshiiska Iskaashiga Difaaca ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya
5. Heshiiska Is-dhaafsiga dhiirigelinta iyo dhowrista Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta warbixin ku saabsan Duufaannada la saadaalinayo in ay ka dhici karaan qeybo kamid ah gobollada dalka,sidii loogu diyaar garoobi lahaa,dadka looga wacyigelin lahaa.

Sidoo kale,Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka iyo guulihii howlgallada lagu sifeynayo Khawaarijta.

               

 

Xujey hor leh oo gaaray magaalada Maka Al-mukarama

Iyadoo wali ay socoto daabulidda Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan gudaneysa waajibaadka Xajka ayaa Waxaa magaalada Barakeysan ee Madiina ka ambabaxay Gaadiid ay saaran yihiin Xujey maalmahaan ku sugnaa magaaladaasi kuwaas oo tagaya Magaalada Makkah.

Xujeyda ayaa seddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Madina, kadib markii ay ka tageen Soomaaliya waxaana ay booqdeen goobaha barakeysan ee Magaalada.
Howl wadeenada Xafiiska Arrimaha Xajka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si wanaagsan ugu adeegay xujeyda gaartay Boqortooyada Sacuudiga walina waxaa socda duulimaadyada daabulaya xujeyda ee ka baxaya dalka.

Qaramada Midoobay oo liiska cunaqabateynta ku dartay 3 xubnood oo khawaarij ah

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo saddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi.

War saxaafadeed ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyey loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska UK u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan, oo mas’uul ka ah dhimashada rayidka, hawl-wadeennada, shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

Sadexda nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir  oo ahaa Hogamiyaha sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed  Mire oo khawaarijta u qaabilsanaa ururinta Zakada;

3- Mohamed  Cumar Mohamed  oo haa waaliga kooxda Al-Shabaab ee Diinsoor

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay  in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta,isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya.

UNICEF: Ku dhowaad 10 Milyan oo Carruur Ethiopian ah ayaa waxbarasha la’aan soo wajahday

Colaadaha iyo dagaalka aan kala joogsiga lahayn ee uu maamulka Abiy Axmed geliyay goboladaha kala duwan ee dalka Itoobiya ayaa sababy in carruurta dalkaas ay waayaan xuquuqdii ay u lahaayeen in ay helaan waxbarasho toos ah.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in 10 milyan oo carruur ah ay u baahanyihiin in laga taageero sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho iyada oo ay jiraan ku dhawaad 8.85 milyan oo carruur ah kuwaas oo aan gabi ahaanba haysanin nidaam waxbarasho ee Aas-aasig ah.

Warbixintaan oo lasoo saaray 20-kii Bishan May ayaa muujineysa in tirada carruurta ee waxbarasha la’aanta ah ay sii kordhayso marka la barbardhigo sannadkii hore ee 2023.

Hore waxaa loo qorsheeyay in hay’adaha samafalku ka qayb qaataan in saddex milyan oo carruur helaan waxbarasho laakin duruufaha iyo ammaan xumada ka jirta Itoobiya ayaa saamixi wayday in la hirgeliyo qorshahaas.

Kaliya 356,000 oo carruur ah ayaa helay taageerada waxbarashada degdegga ah laga soo bilaabo bishii Maarso,marka laga soo tago colaadaha iyo barakaca joogta ah ee ka jira Itoobiya,waxaa hadana ugu sii darsamay isbuucyadii lasoo dhaafay daadadka xoogan ee ku dhuftay dalkaas kuwaas oo saameyn ku yeeshay goobaha waxbarashada.

Xogtu waxay muujinaysaa in burbur baahsan soo gaaray goobaha waxbarashada saddexdii bilood ee lasoo dhaafay taas oo keentay in ay sii kordhaan ardayda aan nasiib u helin in ay ku laabtaan waxbarashadooda.

Tusaala ahaan marka la eego gobolka Canfarta, waxaa ka jira dhibaato ba’an oo isagu jirta waxbarasho la’aan, caafimaad darro, iyo nabad gelyo xumo,warbixinta UNICEF waxay sheegtay in 21 hay’adood ay bixiyeen gargaar waxbarasho oo degdeg ah, inkasta oo gargaarkaas aan loo maareynin sidii loogu tala galay.

Dhowr jeer waxaa ka dhacay Itoobiya in la dhaco gargaarka loogu tala galay dadka dhibaateysan iyada oo ay ciidamada amnigu ku fashilmeen in ay soo celiyaan kala dambeynta iyo in si nabad ah loo qaybiyo kaalmada ay dunidu bixisay.

Mustaqbalka waxbarashada carruurta Itoobiya ayaa laga dayrinayaa,halka maamulka Abiy Axmed uu wali usii oomanyahay dagaal iyo colaado lagu sii dhibaateeyo qowmiyadaha kala duwaan ee dalkaas sidoo kalena halis ku ah xasiloonida gobolka iyo wadamda deriska la ah.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga oo hakisay bixinta rukhsadaha Cumrada

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in la hakiyay bixinta rukhsadaha Cumrada ee loo marayo codsiga waxa loo yaqaano Nusuk, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Dul-Qi’da, illaa 15-ka Dul-Xijjah, 1445-ta Hijriyada, taasoo ku beegan curashada xilliga xajka ee sannadkan.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda xiriirka bulshada ku sheegtay in la go’aamiyay in dadka sita fiisaha booqashada laga hor istaagayo inay soo galaan ama ku sugnaadaan magaalada barakeysan ee Maka Al-mukarama ,laga bilaabo Dul-Qi’dah 15 ilaa Dul-Xijjah 15, 1445 Hijriyada, iyadoo kaliya lagu xadiday dadka haysta fiisaha xajka si ay waajibkooda si sahlan ugu gutaan.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkeysay in uusan jirin Xaj bilaa fasax ah, isla markaana ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo ku xad gudubta awaamiirta, gaar ahaan kuwa lagu qabto goobaha barakeysan ee Magaalada Maka Al-mukarama.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo kaa shanaysa kuwa dhiggeeda ee dalalka Islaamka ayaa dadaal xooggan galisay sidii looga hortagi lahaa kuwa aanan fasaxa u haysan dal ku galka xajka ee sanadkan ee doonaya inay ku Xajiyaan si aanan waafaqsaneyn sharciga.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha dhexe

Ururka 161.aad guutada 16-aad kumandoska danab iyo Horinta gawarida gaashaman ee CXDS ee Xoogga dalka ayaa Howlgal Qorsheysan ka fuliyey degaanno hoostaga degmada Ruun nirgood ee Gobolka Shabellaha Dhaxe

Howlgalkaan ayaa waxaa Hogaaminayay Taliyaha Ururka 161.aad ee Kumaandooska Danab Caarif Hirre Salaad Cageey waxaa uuna sheegay in Ujeedka ay tahay Bur Burinta Fariisimaha Khawaarijta ay kaga sugan yihiin degaano hoostaga Degmada Ruun nirgood.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wado qeybo badan oo kamid ah koobaha cadowga ummadda Soomaaliyeed ku dhuumaaleysanyaan, iyadoo laga Khaarijiyay horjoogayaal halis ku ahaa xasilloonida dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kula qaatey Madaxweynaha Jubbaland

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Jubbaland, la dagaalanka Khawaarijta iyo sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaar kamida gobolada dalka, waxaana uu Guddoomiye Sheekh Aadan kula dardaaramay Madaxweynaha Jubbaland in dadka ku dhaqan goobaha laga cabsi qabo la gaarsiiyo digniino, isla-markaana xaaladooda laga warhaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobey ee JFS

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shalay oo Arbaco ah, ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Kuxigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane Raisedon Zenenga.

Wasiirka ayaa kala hadlay horumarka laga gaaray amniga iyo siyaasadda iyo sidoo kale iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulanka ayaa lagu faaqiday habab iyo qaab-dhismeed lagu dhisayo guddi farsamo oo isku dhaf ah oo ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaasoo ka shaqeyn doona hannaanka kala guurka ee la qorsheynayo in lagu gaaro xafiiska Qaramada Midoobay.

Wasiir Axmed Fiqi oo soo bandhigay nidaam cusub oo dhejitaal ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa daaha ka qaaday nidaam cusub oo “degital” ah oo howlaha Wasaaradda lagu casriyaynayo, isagoo sheegay in nidaamka uu kordhin doono wax-qabadka, hufnaanta shaqada, bixinta adeegyada iyo sidoo kale la socodka iyo raad-raaca.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la gaaro horumar la taaban karo, iyadoo la hiigsanayo aragti cad oo mustaqbal leh, si hore loogu dhaqaajiyo Wasaaradda, loona qaato fikrado la jaan-qaadaysa teknoolojiyadaha cusub, lana taabageliyo tub hore-u-socod leh.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, oo taageeraya aragtida Wasiir Axmed Fiqi, ayaa iftiimiyay kaalinta muhiimka ah ee nidaamka cusub uu ka qaadan karo xoojinta daahfurnaanta iyo waxtarka shaqooyinka kala duwan ee waaxyaha.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa dhankiisa carabka ku adkeeyay in nidaamkani uu casriyaynayo howlaha shaqada, sarena uu u qaadayo howl-gudashada, isaga oo rajo weyn ka muujiyay in uu wax ka taro geedi socodka mustaqbaleed ee Wasaaradda.

Qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa waxa ay soo bandhigeen aragtiyo si loo hubiyo waxtarka nidaamka iyo dhammaystirkiisa si uu aas’aas ugu noqdo gaaridda horumar istiraatiijiyadeed.