Warbixinta:-Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, lagana soo saaray war murtiyeed ka tarjumaha xaaladda dalka.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kulan miradhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Ruushka wakiilka uga ah Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov, iyagoo ka wadahadley dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shir ku saabsan kobcinta Karaanka Aadanaha., ayaa sheegay in bulsho karaankeedu hooseeyo aysan la loolami karin caalamka intiisa kale, si aan dunida ula tartannana ay muhiim tahay in la horumariyo awoodda dadkeenna.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ay wehliyaan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ayaa xeebta Liido ee Muqdisho waqti kula qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey, taas oo ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTF) ee 2025-2029.

8- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa Dhuusamareeb ka furay shirka sanadlaha ah ee Wadatashiga Horumarka Amniga, kaas oo ay ka qeyb galayn Wasaaradadaha Amniga iyo Talisyada Booliiska Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

9- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Ali Yusuf Ali Xoosh ayaa daahfuray Shirwaynaha Qaran ee dib u eegista hirgalinta balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Adduunka 2019.

10- Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Awqaafta Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Cali Yuusuf Cali xoosh iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali ayaa ka qeybgalay dood-cilmiyeed lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ku saabsananeyd ka hortagga tabaha Khawaarijta ee hurinta colaad beeleedyada.

11- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ,Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa kulan ku yeeshay xarunta Guddiga Qaranka Shaqaalaha ayaa ka wada hadlay arrimaha maamulka & maareynta shaqaalaha.

12- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali xoosh ayaa qaabilay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mudane Alper Aktas.

13- Dowladda Soomaliya ayaa Dowladda Dalka Iran uga tacsiyeysay geerida Madaxweynihii Dalka Iran Ibraahim Ra’iisi oo ku dhintay shil diyaaradeed.

14- Wasiiru Dowlaha Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa ka qayb galay shirka madasha 10-aad ee Biyaha Adduunka ( 10th World Water Forum) kaas oo ka furmay Jaziiradda Bali ee dalka Indonesia.

15- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Diirshe ayaa warbixin ku saabsan la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka jeediyey shir gobolleedka IOTC ee ka dhacay magaalada Bangkok, ee dalka Thailand.

16- Xafiiska Arrimaha Xajka ee Soomaaliya ayaa sheegay in xujeyda Soomaaliyeed loo diyaaroyay adeeg caafimaad oo dhameystiran.

17- Waaxda Arrimaha Isbeddelka Cimilada ee Midowga Afrika sheegtay in dabaylo khasaare geysan kara ay ku dhufan karaan qaar ka mid ah wadamada Geeska Afrika.

18- Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa dalka Norway kulamo kula yeeshay Madaxa Booliska iyo Socdaalka iyo madax kale oo ka kala socotay Wasaaradda Cadaaladda iyo Amniga iyo Waaxda Aqoonsiga Qaranka Norway.

19- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa 8 sanno ku xukuntey Ayaan Abuukar Maxamed oo lagu helay maalgalin argagaxiso iyo lacag dhaqis.

20- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ciidan kala dhex gala u diray Gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u kala dhex-galaan beelo ku dagaalamay tuullooyin hoostaga deegaanka Biyo-Cadde.

21- Aadan Macalin Cali Yarow oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Xarardheere ee gobolka Galguduud.

22- Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray 21 dhallinyaro isugu jirta gabdho iyo wiilal, kuwaas oo baraha bulshada, gaar ahaan TikTok ka waday kicin bulsho.

23- .Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa lagu dilay howlgal ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Safiirka Soomaaliya ee Kuweyt oo ka qeyb galay xusas hordhac u ah maalinta Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusaayey maalinta Afrika oo fiidnimadii xalay ka dhacday caasimadda dalkaasi.

Xafladda ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuwait Mudane Abdullah Ali Al-Yahya iyo Madax ka kala socotay 34 dal oo Afrikaan ah iyo safiirada ku sugan dalkaasi.

Maamulka Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed,iyadoo Sidoo kale, koox ciyaartooy ah ay ka qayb-gashay cayaar kubadda cagta ah oo qayb ka ahayd dabaal-degga.

Maalinta Afrika oo sanad walba la xuso 25-ka May ayaa lagu xusayaa aasaaskii Ururka Midowga Afrika ee 1963-dii, kaasoo markii dambe noqday Midowga Afrika.

Xuska 25-ka May waa maalin loo asteeyay in la xushmeeyo hiddaha Afrika, horumarinta nabadda iyo midnimada, laguna milicsado horumarka iyo caqabadaha jira ee ku wajahan qaaradda.

Ciidanka Booliiska oo xabsiga dhigay eedeysane ku kacay falal lid ku ah ammaanka

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile ayaa maanta soo xiray eedeysane Cadaawe Cabdi Cali(Cadaawe Jiib) oo ku eedeysan falal lid ku ah sharciga dalka.

Eedeysanaha oo ah askari katirsan Ciidanka xoogga ayaa ku eedeysan is hor istaag amar Maxkammadeed iyo arrimmo kale oo salka ku haya ama ku lug leh kicin bulsho.

Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile oo ka hadlay xarigga ninkaasi ayaa shegay in eedeysanahaasi horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada ,iyagoo ka codsaday muwaadiniinta Soomaaliyeed in haddii ay la kulmaan falal ammaanka liddi ku ah ay la xariiraan xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ama nambarka 991 ama kusoo hagaaji [email protected].

Ingiriiska oo dib u dhigay masaafurinta dadka muhaajiriinta ah ee la geynayo Ruwaanda

R/wasaaraha Dalka Ingiriiska Sunak ayaa sheegay in eysan jirin duulimaadyo lagu masaafurinayo muhaajiriinta ee la geynayo  Ruwaanda ka hor doorashada dalkaasi oo la tilmaamayo in ay haatan bilowdeen ololahooda.

Sunak ayaa warkaan ku dhawaaqay maalinimadii shalay oo la gudagalay bilowga ololaha doorashooyinka oo si rasmi ah loo qorsheeyay in ay dhacaan 4-ta bisha luulyo ee soo socota.

Xisbiga shaqaalaha ayaa hadda heysta hoggaanka 20 dhibcood ee ra’yi ururinta la sameeyay, wuxuuna ballan qaaday inuu meesha ka saari doono qorshaha masaafurinta haddii uu ku guuleysto talada.

Qorshaha masaafurinta ayaa ahaa siyaasadda calanka Sunak tan iyo markii uu xafiiska qabtay Oktoobar 2022,hasa yeeshee Maxkamadda Sare ee UK ayaa bishii November go’aamisay in qorshahan uu yahay mid sharci-darro ah sababo la xiriira in Rwanda aan loo tixgelin karin waddan saddexaad oo ammaan ah.

R/wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa weli ku adkeysanaya in haddii la doorto mar kale uu sii wadi doono dadaalka lagu masaafurinayo dadka muhaajiriinta ah.

Si kastaba ha ahaatee, caqabado badan oo dhanka sharciga ah ayaa weli suurtagal ah,iyadoo xisbiyada qaar ay diidan yihiin qorshaha masaafurinta dadka.

Taliyaha Boliiska oo tababar u soo xiray askar dhameysatay barashada fanka Muusikada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa tababar u soo Xiray 70 Askari oo Ka mid noqon doona qeybta hab maamuuska ee Baandada muusikada.

Taliyaha oo sallaan ka qaatay ciidankaasi loo tababaray fanka muusikada ayaa tusay kooxdaan in ay yihiin kuwo u xilsaaran wayigalinta ciidanka iyo bulshada,sidaa aawadeedna loo baahan yahay in ay si daacad ah ugu shaqeeyaan qaranka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin waxa uu kula dardaarmay in la ilaaliyo qalabka muusikada oo ah hanti qaran,isla matrkaana loo hoggaansamo shuruucda dalka iyo awaamiirta madaxda.

 

Xujeyda Soomaaliyeed oo soo dhoweeyay dadaalka loo galay bixinta adeegga xajka ee sanadkaan

Dowladda Sacuudiga ayaa bilowday dhaqangalinta kaarar loogu talagalay in ay isticmaalaan xujeyda gudanaya waajibaadka xajka ee sanadkaan.

Kaararkaan oo ah aqoonsi casri ah waa mid loogu talagalay in lagu fududeeyo howlaga dadka gudanaya cibaadada xajka ee u safraya Dalka Sacuudi carabiya.

Qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed ee xilligaan ku sugan goobaha barakeysan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin adeegyada cusub ee lagu soo kordhiyay howlaha xajka ee sanadkaan.

Xafiiska Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya oo gacan ka helaya wasaaradda Awqaafta Sacuudiga ayaa ku howlan la socoshada iyo habsami u fulinta adeegyada loo qorsheeyay xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo la kulmay Xeer ilaaliyeyaal cusub oo ku soo biiray Xafiiska

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaakulan la qaatay Xeer Ilaaliyeyaal dhawaan la qaatay iyo Xeer Ilaaliyeyaashii hore Xafiiska uga shaqeynayay.

Kulanka ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa soo dhaweynta iyo Hawl gelinta Xeer ilaaliyeyaasha cusub maadaama uu u dhammaaday wajigii kowaad ee tababarkii shaqada.

Geba-gabadii Kulanka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud wuxuu kula dar-daarmay Xeer-ilaaliyeyaasha in bulshada loogu adeeggo si hufnaan iyo hawl-karnimo ku jirto.

      

Ciidanka Xoogga oo hawlgalo ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Baay

Baay:-Ciidanka Xoogga Dalka Howlgal qorshaysan ka Fuliyey Deegaano ka tirsan Gobalka Baay oo Ay Maleshiyada Al Shabaab u aheyd Goobo lagu Aruuriyo Askareynta Caruurta iyo Dadka Reer Miiga ah oo laga Qaado lacago Baad ah.

Waxaana Howlgalka Hogaaminayey Taliyaha Ururka 47-aad Ee Guutada 8aad Qeybta 60aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka somaaliyeed X/le Ahmed maxamed nuur (Ahmed Dhagey) waxaana laga Fuliyey Degaanada kala ah
Howlaha Guud ‘ Barbaar Eesi Warta Yarey iyo Degaanka Mooro Bus oo Isku Xira Wadooyinka Gobalada Baay Bokool iyo Gado.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Uk u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Soomaaliya iyo Cumaan oo kala saxiixday iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah

Cumaan:-asiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa is afgarad (MoU) la saxiixday dhigiisa wasiirka Beeraha, Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Biyaha ee Cumaan Mudane Dr. Saud bin Hamoud Al Habsi.

Is afgaradkaan ayaa hoga tusaaleynaya kaalinta dowladda Cumaan ee horumarinta Kalluumeysiga gudaha iyo sida ay laba dowladladood u yeelan karaan iskaashi dhinaca Kalluumeysiga ah, Is afgaradkaan ayaa shaqeynaya muddo sannad ah waxaana la cusbooneysiin doonaa sannad walba si loo hubiyo loona xoojiyo iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee labada dal.

Heshiiskan is afgaradk ah ayaa sidoo kale xoojinaya sii amba qaadidda dadaalka joogtada ah ee lagu ballaarinayo hannaanka iskaashiga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Saldanada Cumaan.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku howlan xoojinta iskaashiga dhinaca Kalluumeysiga ah ee dowlaha daneeya Soomaaliya taas oo qeyb ka ah qoraheyaasha horutabinta u leh horumarinta Kalluumeysiga gudaha, abuurista furado maalgashi oo caalami ah iyo dhisidda horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Kalluumeysiga taas oo horseedi doonta in dalkeeennu uu gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.