XANUUNADA DHIMIRKA KU DHACA OO SII KORDHAYO.

Gabi ahan Somalia waxa kuso badanayo dadka maskaxiyan u xanunsan, Xanunkas oo si fudud ku bilowda kadibna u gudba in uu qofku galo xaalad dhimir ka xanunsado waasho/waali!

Xanunka maskaxda ku dhaca waxay u kala baxan mid fudud sida xanunka nafisiga iyo depression ka i.w.m ah iyo xanun ka culus oo shaqadi maskaxda dhib badan u geysanayo.

Xanunka dhimirka ku dhaca wuxu ku bilowda si fudud tusale: hurdo laan, fekeer waqti dheer qata ama soo noq noqda, dhibato kugu dhacday oo aad xalin weyday kadibna qof kula xaliya aad weyday, social mediayaha raad reeb kaso raca, caabuq ku dhaca maskaxda, cunto xumo, lacag laan, dhibato qoyska ka jirta iyo i.w.m.

Badana dadku waxay yaqanan xanunada ku dhaca jirka intisa kale oo ey u tagan dhakhtar dabiba lakin xanunada maskaxda ku dhaca badana bulshadu qeybtood ma fahansana waxana loo bahanyahay in laga wacyi galiyo intuu la awoodo, Marar badan waxad arkeysa qof magalkisa ku jira oo xanunsan isla markaasna aan iska warqabin ila xanunka u heer sare la gaaro markasna eey adagtahay in la dhaweeyo.

Bulshada isticmasha social mediayaha qeybtood ma fahansana in qof jacayl isku dilay ama arimo kale hadey arkaan waxay bilabayan iney ku madeystan kana raadiyan comments iyo waxyalo aan cawineyn in xanunkas laga hortago ama keni karta bukanka xanunsan in xanuunki kusi fogaado!

Ma ficna in lagu madeysto bukanka qaba xanuunada maskaxda ku dhaca ee kuso badanayo wadankena iyo aduunka odhan.

Beriba adey ku qabsan karta kadibna qabkad dadka ula dhaqmi jirtay ba lagula dhaqmi, ila uu xanunkada kasi daro wa hadadan manta ka hortagin ama cawin xanuunada maskaxsa ku dhaca.

Doctor’s ka bartay madada Psychology iyo Psychiatric waxa fican iney cawimad la garan bulshada ku dhibateysan meelaha qeylada kaso yeereyso oo eysan isku koobin magalooyinka waweyn.

Waxa kalo wacan in wacyi galin loo sameyo bulshada noocyadeda kala duwan.

Social media/ baraha bulshada waxanu u isticmaali karna dhinaca fican o ah inan cawimaad sino kena xanunsan iyo inanan dhibato u geeysan kena cafimadka qaba. Waxa kalo Social media/ baraha bulshada u isticmali karnaa inan ka wacyi galino bulshada sidey u fahman waxyalaha kena xanuunada dimirka, sida looga hortago iyo sida loo daweeyo ba.

Fariin/Digniin: Fadlan ha dhibaato hau geeysan qofna inta aad isticmaleyso baraha bulshada/ Social media. Marar badan waxa dhacda dhacdooyin majajilo ah oo ka qoslin kara isla markasna qof kale dhibaato u geysan kara. Ka fogoow wixi walalka ama qof kale dhib u keeni kara, Fadlan Qof adan aqoon/ qof aad taqano fariin/comment dhib u keeni kara hau reebin ama hau qorin.

Qaabke uga hortagi karta xanunada maskaxda ku dhaca: waxa ka firin karta Google ka ama Articles ka laga qoray moowducan.

WQ:C/salaam M. Yaasiin

WAR HOOY DHULKA CIDLO MAAHAN WAAD SIRAN TAHEE

Itoobiya dhulkii hore haddaan ku qabsan lahaa kan igama soo doonteen waa se waxay ka dheefto

Sabarkii badnaa iyo iska indho tirkii dhulka itoobiya naga heysato ayaa ahayd qalad iyo gef weyn oo horay looga galay dadkeenna ay itoobiya gumeysaneyso haddaana inay nagu qabsato intii dhineyd waa arrin la yaableh, iyadoo usoo mareysa kuwa soomaalidiidka ah ee iyaga naftooda kol hore in wax laga qabto u baahnaa, waxaana la dhowranayay ilaa ay dalkii u xawilaan dowladda naflacaariga ah ee gumeysi doonka ah ee itoobiya.

Maahmaahdii Soomaaliyeed baa ahayd haddey gudineey gabalkey kugu jirin ima gooyseen,

Kuwii 1977kii  aan ku dhignay wixii la ogaa ayaa mar kale soo damaaciyay dhulkeenna hooyo iyo badahiisa, iyagoo wejiga ku soo qabsanaya shisheeye kalkaalka soomaali diidka ah ee canaasiirtu ka taliso.

Si kastaba dowladda soomaaliya oo isku duuban anigoo kala qaad qaadeynin ayaa waxay iska taagtay mowqifkii ugu fiicnaa ee dhanka Dipolomaasiyada Adduunka, waxayna Itoobiya soo taageen meel gabiib ah oo cidla ah, iyadoo aanba leysla gaarin dagaalka gacan ka hadalka, taasna waan kaga adkaaneynaa oo waxaan leenahay geesiyaal u dhaarta ciidda iyo calanka iyo shacab dhiiran oo u hamuun qaba dhiigga cadowga inay ku faraxshaan.

Itoobiya waxay is mooday in ay haatan tahay Libaaxa Afrika, balse waxaa la tusay inay tahay Mukulaasha Afrika, waxaayna dowladdeenna u caddeysay inaysan ahayn siday ismooday itoobiya.

Adduunkoo dhan waxay la yaaban yihii siyaasad xumada itoobiya soo wajahday xilligaan taasoo sabab u ah inay maanta xukunka u hayaan kuwa asalkoodu mooriyaan ah oo aan sharuucda adduunka ku kala socda aan waxba ka garaneynin

Sidii caadadu ahayd waxaan leenahay itoobiya waxaa fiicnaan lahayd in aad taariikha dib u akhrisaan wixii la soo maray adduunyada, waayo waxay ku dambeyneyso ayaan ogahay iyo inaad idinkoo duleysan ka baxeysaan soomaaliya meyd iyo dhaawac baddanna dhabarka ku sita, ka dibna aad dhihi doonto adduunkow ireeba soomaaliyaa iqabsan rabta sidii kol horeba u dhacday idinna aad ogtihiin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (Laba laba hore ayaa liidaanyo kicsa) ciil hora jiray dhul horena way heysatay balse markaan adduunyo maxaa igu uumay ayaa itoobiya ka yeeri doonta, waa hubaal haddeey geesiyaasha ciidanka soomaaliyeed ee sooma jeesteyaasha ku soo aadaan in ay guulo taariikhda baal dahab ah ka gala kugu dhigi doonaan waxayna maahmaahdu sheegeysaa (Soo joog Ninkii laga waayo Soo jiifso ayaa laga helaa) filinkaadana waqti xaadir kama shaqeynayo soomaaliya kamana gadmayo caalamka

Dhanka kale, shacabka geesiyada ah iyo dhammaan ciidammada soomaaliyeed ee heeganka ugu jira difaaca dalka ka codsaneynaa in soo xiraan xuduudaha dalka oo dhan kuwa qaa’imay dalkana lagu qaado xukunka u yaallo dalka kuwa shirqoolka u dhiga dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Waa hubaal in ay dowlad iyo shacabba ay ka guuleysan doonaan maxeysatada isu soo baheysatay in ay soomaaliya carqaladeeyaan in la kulmi doonaan hoog iyo halaag aysan filaneynin meel uu uga yimid, ilaaheyna raalli kama aha dulmiga

Annagoo gacanna Argagixisada kula dirireyna ayaan tan kalena ku difaaceyna cadowga dibadda dowlad iyo shacabba idinkoo isku duuban Inshaa Allaah soo hooya guusha iyo midnimada dalka

WQ: Osman Dhiblaawe

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale oo Xalay ka qeybgalay munaasabada Somali Night Awards

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay munaasabada Somali Night Awards, kaasi oo abaalmarino lagu guddoonsiinaayay Shirkado, Ganacsiyo iyo Shaqsiyaad Horumaro iyo sumcad ku dhex leh  Bulshada dhexdooda.

Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay fikirka quruxda badan oo ay la yimaadeen dhalinyarada iyo aas aasayaasha Somali Night Awards, asigoona halkaasi ku gudoomay bilad sharaf loo gartay Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana lagu dhiira gelinayay Maamul Wanaaga iyo horumarka Caasimadda.

Madasha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

 

  

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan casho u sameeyay xubno ka socday dowladda

Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay mas’uuliyiin ka socday Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo dhaafay aqoon kororsi la xariira heerarka kala duwan ee maamulka dowliga ah u joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marti-sharaf ka kala socotay Dowladaha Kenya ,Soomaaliya, Hay’daha Qaramada Midoobay iyo Diblomaasiyin ayaa munaasabadda goobjoog ahaa, kaasi oo ujeedkiisu ahaa casho sharaf iyo sagootin .

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa farriin dardaaran ah u jeediyay Mas’uuliyiinta ka faa’iideystay Aqoon kororsiga, waxaana uu mahadcelin balaaran ujeediyay dowlada kenya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ee suurta geliyay.

Wasiir Faarax “Dowladda Soomaaliya waxaa ma go’an difaaca madax-bannaanida iyo qaranimada dalka”

London- Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee XFS oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka UK ayaa munaasabad soo dhaweyn ah u sameysay mas’uuliyiinta ka socota dowladda Soomaaliya, waxaana halkaas laga jeediyey kalmado dardaaran, mahad-celin iyo guubaabo isugu jiray.

Ugu horreyn Guddiga Difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo wadajirka Dhuleed ee Soomaaliya oo sheegay in waajib ay tahay difaaca qaranimada Soomaaliya ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ugu baaqay inay dowladda ku garab istaagaan ilaalinta difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada.

Sii hayaha safiirka Soomaaliya ee dalka UK, ahna safiir ku xigeenka safaaradda Danjire Dayib Sheekh Axmed ayaa mas’uuliyiinta soo dhaweeyey, isagoo jaaliyadda Soomaaliyeed uga mahadceliyey ka soo qeyb-galka xafladaan.

Danjire Dayib ayaa sheegay in tan iyo markii dib loo furay safaaradda ay door muhiim ah ka qaadatay u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo ka shaqeynta danaha dowladda Soomaaliya, sida xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dalkeena uu la leeyahay boqortooyada UK.

Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah guddiga difaaca ayaa jaaliyadda faahfaahin ka siiyey shaqada guddiga, isagoo sheegay in howshaan ay tahay mid qaran, qof kastana ay waajib ku tahay inuu garab istaago dowladiisa.

Ergeyga Badda Cas, Danjire Yuusuf Garaad Cumar Axmed, xubina ka ah guddiga difaaca ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ka codsaday inay doorweyn ka qaataan qadiyadda inaalinta badda iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya

Ugu dambeyntii wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa uga mahad celiyey safaaradda iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka UK, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta iyo difaaca Qaranimada, Madax-banaanida iyo Wadajirka Dhuleed ee Jamhuuriyadda.

     

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo kulan la qaatay qaar kamid ah culimadda Soomaaliyeed

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmad firin ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed oo kala hadlay wacyigalinta bulshadda iyo wada shaqeynta booliiska iyo culimadda Soomaaliyeed.

Qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed oo maanta booqday Taliska Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa ku bogaadiyey shaqadii Boliiska Soomaaliyeed ay ka qabteen dadkii anshax xumada ka faafinayey baraha bulshada.

Sidoo kale Culimada Soomaaliyeed ayaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Ahmad firin  ku amaaney go’aankiiisi ahaa in qofka xaafidul Qur’aanka ah ee ka mid noqonaya Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed la mid yahay qof haysta shahaado Dugsi Sare ah.

Taliyaha Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Sulub Ahmad Firin ayaa dhankiisa Culimada ka codsadey in ay gacan ka geystaan wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha Guddaha oo Shir guddoomiyay kulanka Guddiga qaban qaabada maalmaha Xoriyadda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Cali Yusuf Cali-Xoosh oo ah guddoomiyaha guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda iyo midnimada ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa maanta shir guddoomiyey kulankooda.

Guddigan heerkiisu sarreeyo oo loo xilsaaray xuska 64 guurada maalmaha xoriyadda ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen howlaha diyaargarowga maalmahan taariikhiga ah iyo qaabka ugu gaboon ee loo fulin karo.

Ra”iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Qatar u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Dr Abdullah Bin Salem Al Nuaimi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.

Dhinaciisa, Danjire Abdullah, ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madax ka tirsan hay’adda socdaalka oo shir muhiim ah ugu qayb galaya dalka Nayjeeriya

Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya uga qeyb galay kulan aqoon is-waydaarsi ah oo socday muddo sadax maalmood ah.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur goboleedka IGAD ayaa u jeeddadiisu ahayd in dowladaha IGAD xubnaha ka ah ee ka qeybgalaya ay xog is-dhaafsi iyo khibrad wadaag la yeeshaan dowladaha xubanaha ka ah bulshada dhaqaalaha ee dowlaha Galbeedka Afrika loona soo gaabiyo (ECOWAS).

Xubnaha metelayay dowladaha xubnaha ka ah IGAD ayaa fursad loo siiyay in ay wax ka ogaadaan waayo-aragnimada ECOWAS ee dhinacyada hirgelinta siyaasadaha gobolka, dejinta qaab-dhismeedka dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka , dhaqaalaha iyo hannaanka loo maamulo socdaalka xorta ah.

Mas’uuliyiinta hay’adda Socdaalka ayaa kaalin firfircoon ka qaatay kulamada iyo shirarka, kuwaas oo khibrada la isku dhaafsaday isla markaana looga wada hadlay mowduucyo ay ka mid yihiin habaynta hay’adaha iyo qaab dhismeedka socdaalka gobolka ee ECOWAS iyo IGAD, qaab-dhismeedka siyaasadda socdaalka gobolka ee Galbeedka iyo Bariga Afrika iyo hirgelinta nidaamyada dhaqdhaqaaqa xorta ah.

Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno kala duwan ka soo saartay Saraakiil ku Eedaysanaa Musuq maasuq

Maxakmadda gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday natiijada Xukunka 12 Eedaysane oo ka tirsanaa Haya’addaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sida Haya’adda Socdaalka & Jinsiyadaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka dhexe.

Maxkamada ayaa wax dambi ah ku wayday Eedaysanayaasha kala ah.

Maxamed Aadan Jimcaale Koofi Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Agaasimihii Canshuurta Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Muxiyadiin Xasan Jurus (Muxiyadiin Saabey)

Cabdalla Maxamed Axmed ka tirsanaa Haya’adda socdaalka

cusmaan Xasan Cosoble ka tirsan Haya’adda socdaalka

Cabdikaafi Xasan Maxamed kana tirsanaa Haya’adda Socdaalka

Jacfar Maxamed Axmed kana tirsan wasaaradda Maaliyadda

Maxakamadda ayaa wax dambi ah ku wayday Eedaysanayaashan waxayna hay’adihii ay ka tirsanaayeen amartay in dib loogu fasaxo xuquuqihii laga xayiray intii ay socotay dacwadda.

Sidoo kale Maxkamada ayaa xukuno kala duwan ku riday Eedaysanayaasha kala ah.

Maxamed Ibraahim Axmed ka tirsan Haya’adda Socdaalka waxay maxkamadu ku xukuntay 4 sano oo xadhig ah.

Cabdiraxmaan Maxamed Cali( Caadle) kana tirsan haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha 4 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin wax xil dowladeed ah si joogto ah.

Abuukar Xasan Aadan ka tirsan Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay Maxkamadu ku xukuntay 4 Sanno oo xadhig ah

Maxamed Xuseen Nageeye kana tirsan Haya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha waxay maxkamaddu ku xukuntay 2 sanno oo xadhig ah.

Cabdullaahi Daahir Weheliye kana tirsan Banka dhexe ku xukuntay 3 sanno oo xadhig ah iyo in aanu qaban karin xil dowladeed si joogto ah.