Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo qaabilay Siihayaha safaaradda Suudaan ee Soomaaliya

wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Suudaan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ammar Ahmed Abikar, oo uu kala hadlay xiriirka taariikhiga ah ee salka adag ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo kor-u-qaadista is-fahan is-dhaafsiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado kahortagga caqabadaha labada dal ay wadaagaan, sidoo kale waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo siyaasadeed iyo kuwa amni oo la xiriira danaha labada dal iyo guud ahaan gobolka.

        

Wasiirka Amniga gudaha XFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo la kulmay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mudane Mike Nithavrianakis, ayaa kala hadlay xoojinta taageerada ay UK siiso hey’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ciidanka amniga, iyada oo diiradda la saarayo dhisidda awoodda ciidamada amniga, bixinta qalabka iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha wadata, taas oo door muhiim ah ka qaadanaysa xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee UK ay siiso ciidanka amniga ay lagama maarmaan u tahay in la sii wado horumarrada laga gaarayo nabadda iyo amniga Soomaaliya, xilligaan lagu jiro wajiga labaad ee howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

Dhankiisa, Danjire Nithavrianakis, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinaca amniga, si loo gaaro nabad waarta, loogana guuleysto kooxaha Khawaarijta ah.

    

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Agaasimaha Guud ee xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasimaha guud ee xafiis goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Soomaaliya, Danjire Mohamed Bamba M. Boba, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku-duwidda.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo ku suntan siyaasadda, amniga iyo xaaladaha bani’aadantinimo, iyada oo diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada si wax ku ool ah si loola tacaalo caqabadaha kala duwan, loogana gudbo.

 

  

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭ay 𝐰𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐍𝐈𝐂𝐄𝐅 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soonaaliya Xill Dr. Mohamed Hassan Mohamed ayaa kulan la qaatay wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Said.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadley hadlay Isbedalada horumarinta Caafimaadka ee hadda socda iyo siyaabaha loo horumarin karo daryeelka Caafimaadka ee mudnaanta u leh dadka nugul, oo ay ku jiraan Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hey’adda UNICEF waxa ay bah-dawaag kuyihiin islamarkaana ay iska kaashadaaan in shacabka Soomaaliyeed ay helaan daryeel Caafimaad loo dhanyahay.

Ciidanka qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ayaa dilay in ka badan 20 Khawaarij ah

In ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan saddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntland.

Hawlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday xero ay maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen taas oo ku taalla buuraha Caalmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka go’an dhamaystirka argagixisada si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo.

7 carruur ah oo ku dhintay dab qabsaday cisbitaal ku yaalla Hindiya

Ugu yaraan toddobo caruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay isbitaal carruurta lagu xanaaneeyo oo ku yaalla caasimadda Hindiya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka dabdemiska.

Howlwadeenada dabdamiska ayaa badbaadiyay 12 ilmood oo dhawaan dhalad ah iyo Shan qof oo kale ,kuwaas oo la geeyay xarun kale,

Shan ka mid ah caruurtaasi ayaa u dhintay qiiq ay cabeen, sarkaalka dab-damiska Atul Garg ayaa sidaa yiri maanta oo Axad ahi.

Dabka ayaa goor dambe oo habeenimadii xalay ka kacay isbitaalka daryeelka caruurta ee ku yaala xaafada Vivek Vihar ee New Delhi.

Milkiilaha isbitaalka carruurta ayaa baxsaday, sida ay booliisku sheegeen, iyadoo Choudhary uu intaas ku daray in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo shaqsigaasi oo aan weli la qaban.

Share this Article

Wafdi ka socda Baarlamaanka JFS iyo xubnaha guddiga fulinta ururka midowga baarlamaanada carabta oo gaaray Algeria

Wafdi ka socda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud oo xubin ka ah guddiga fulinta ururka midowga baarlamaanada carabta ayaa gaaray Wadanka Algeria,halkaasi oo ay uga qeyb geli doonaan fadhiga 36-aad ee shirka midowga baarlamaanada carabta oo ay sanadkaan marti gelineyso Dowladda Algeria.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Algeria kusoo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka ee dalkaasi Mudane Zalem Zantar.

Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud oo shirkaasi ku matali doona guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu hor-geyn doonaa Ajendaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee la xiriira shirkaasi.

Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha

Danbi-baarayaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa usoo dhamaadey tababar socday muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa baaritaanka faraha iyo aruurinta cadeymaha.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana ujeedadiisu ahayd in saraakiisha la siiyo xirfado iyo aqoon ay ku baari karaan kiisaska dambiyada culus ee ay gacanta ku hayaan.

Kooxdan dambi baadhayaasha ayaa qaatay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururinta faraha ee goobaha dembiyada, falanqaynta iyo is waafajinta faraha iyo kaydka xogta oo muhiim u ah aqoonsiga iyo soo qabashada dembiilayaasha.

“Tababarkan waa mid muhiim u ah saraakiisheena sababtoo ah waxa ay ka caawineysaa in ay si fudud u baaraan dambiyada lagaley ama la gali rabo isla markaana soo qabtaan la tuhmayaasha. Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha inay aad ah ugu fiirsadaan, oo ay diiradda saaraan ugu dambayna ay adeegsadaan xirfadihii ay barteen si ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu yiri Xidigle Axmed Cabdulle Madoobe, taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska garoonka Jowhar.

Xidigle Madoobe ayaa uga mahadceliyey ATMIS qabashadeeda tababarka, isagoo xusay in “ay u sahli doonto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si hufan oo xirfad leh u baaraan dambiyada”.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar, ASP Earnest Agbo, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka tababarka ee kor u qaadista xirfadaha baarista ee saraakiisha si ay u maareeyaan kiisaska dembiyada adag ee loo adeegsado hababka cilmiga casriga ah.

“Aqoonta gaarka ah ee la helay waxay wax badan ka tari doontaa caawinta booliska si ay u aqoonsadaan tuhmanayaasha una xalliyaan dembiyada adag, taasoo taageereysa raadinta Soomaaliya nabadda oo xasilloon. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan siinnay saaxiibadeena Soomaaliyeed xirfadaha muhiimka u ah baaritaannada iyo mas’uuliyadda sharci fulinta,” ayuu ASP Agbo ka sheegay xafladda xiritaanka tababarka.

C/llaahi Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha tababarka ayaa uga mahadceliyay ATMIS qaban qaabada tababarka, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu kobcinayo tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u sameeyaan baaritaanno xirfadeysan.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka qayb galo tababarkan ku saabsan baaritaanka faraha, waxaana ka helay xirfado qiimo leh. Sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa ATMIS oo kaashaneysa Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo soo qaban qaabiyey hidisahan qiimaha badan leh” ayuu yiri Cabdullaahi.

ATMIS ayaa tababaro la mid ah kan oo kor loogu qaadayo tayada Booliska Soomaaliyeed u qabatay Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada kale ee Federaalka sida Baydhabo (Koonfur Galbeed), Kismaayo (Dowlad Goboleedka Jubbaland) iyo Caasimadda Muqdisho. si loo horumariyo tayada booliska Soomaaliyeed.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ay wehliyaan Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan hey’adaha Dowladda, ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyey Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo maanta soo gaaray Muqdsho.

Xildhibaannada maanta Muqdisho yimid oo kamid ah siyaasiyiinta Baarlamaanka Kenya ku matala Soomaalida ku nool dalkaas ayaa kala ah, Xildhibaan Aadan Daa’uud Maxamed, Xildhibaan Ugdoon Siyaad kunno iyo Xildhibaan deeqow Maxamed Barrow , waxaana inta ay joogaan dalka kulamo kala duwan ay la yeelan doonaan madaxda dalka iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Turkiga ee JFS oo ka qeyb-galay xuska aas-aas-ka Midowga Afrika

Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Fatxu-diin Maxamed Cali ayaa shalay kaga qayb galay magaalada Ankara xaflad aad loo soo abaabulay oo lagu xusayay 61-guuradi ka soo wareegtay aasaaskii Ururka Midowga Africa.

Munaasabadda oo heerkeedu sarreeyo waxaa ka qeyb-galay danjirayaasha Afrikaanka ah, iyo madax kale oo ka socday dowlada Türkiye, iyadoo madasha laga sheegay muhiimadda midnimada iyo wadajirka qaaradda u leedahay horumarka dadkeeda.

Xaflado lagu wayneynayo maalinta wayn ee aas-aas-ka Midowga Afrika ee ku beegan 25-ka May 1963 ayaa ka kala dhacaya gudaha iyo meelo badan ee dalka dibadiisa ah kuwaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.