Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Sweden Anders Hall, waxa ayna ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah ee labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo ku boorriyey in ay gacan ka geysato dadaallada xukuumadda #DanQaran ee la xiriira horumarinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caddaaladda Sweden, Anders Hall, ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga iyo caddaalada, gaar ahaan dadaalladeeda la xiriira ciribtirka Khawaarijta, si loo xaqiijiyo Soomaaaliya xasilloon oo ka caaggan argagixiso.

   

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Madaxda Hay’adda Sos Children’s

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ay hogaaminaysay Agaasimaha Gobolka ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ee Hay’adda Sos Children’s

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxda Hay’adda SOS ayaa ka Wada hadlay Mashaariicda socda iyo sidii loo xoojin lahaa

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Gargaarka, Agaasimaha Madaxtooyada, la taliye Sare Arimaha Maamul Daadejinta iyo Wasiir Hore Abdifatah Mohamed Ibraahim Geesey.

 

 

 

Shir looga hadlayay Go’aamo kasoo baxay Sacuudiga oo lagu qabtay Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta

Shir looga hadlayay go’aamo Cusub oo ay soo saartay Wasaarada Xajka ee Dowlada Sacuudiga ayaa lagu qabtey xarunta Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowlada Federaalka Soomaaliyeed ee magaalada Makkah.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiinta Xamladaha Shirkadaha Xajka ka shaqeynaya iyo Masuuliyiinta Xafiiska Arrimaha Xajka ayaa diirada lagu saarey sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanada Wasaarada Xajka.

Kulankan ayaa lagu soo qaadey sidii Xujeyda Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa Kaarka Xaajiga ee Nusuk, loo Tayeyn lahaa Soo dhoweynta Xujeyda Soomaaliyeed, Sida loogu diyaar garoobi lahaa Maalmaha Xajka ee na soo aadan,  loona nidaamin lahaa Biyaha Zam-Zamka ee ay qaadanayaan Xujeyda Marka ay dalka dib ugu laabanayaan.

Sidoo kale, Waxaa Shirkan lagu soo qaadey sidii loo hagaajin lahaa Hadyiga oo ah neefka Xoolaha uu gowracayo Xaajiga, Xilliga Xajka, iyadoo Wasaarada Xajka Dowlada Sacuudiga ay soo jeedisay in la hagaajiyo Habka loo bixinayo Hadyiga.

Kulankan waxa uu daba joogaa kulamo iyo dadaalo uu wado xafiiska Arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowlada federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si is daba joog ah u dhaca.

Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo sedddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta Shaqsiyaadka ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyay loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doono  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii la soo dhaafay sheegtay in go’aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya. “Al-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan wata, oo mas’uul ka ah dhimashada Dadka rayidka ah, howl-wadeennada, Shaqaalaha gargaarka iyo Suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,” ayaa lagu yiri bayaankaasi ka soo baxay Golaha ammaanb ka ee Qaramada Midoobay.

Seddexda Nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadir  oo ahaa Hogamiyaha sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamed  Mire oo khawaarijta u qaabilsanaa ururinta Zakada;

3- Mohamed  Cumar Mohamed  oo haa waaliga kooxda Al-Shabaab ee Diinsoor

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay  in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta, isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo waddo kasta ee lagula dagaalami karo.

Shaqsiyaad badan ayaa hore loo saaray xayiraad dhaqdhaqaaqa xisaaboodka iyo kuwo lacag Malaayiin doolar ah la saaray Madaxooda, taasi oo wax weyn ka tartay dhaqdhaqaaqooda dhinacyada Maaliyadeed iyo mid Shaqsiyadeedba intaba.

Dadka taxliiliya arrimah ammaanka ayaa qabay in “Golaha Amaanka oo loo gudbiyay warbixin la xiriirta Horjoogayaasha Saameynta ku leh howlgalada kooxda Argagixisada Shababka ay tahay talaabo barbar socota Nidaamka Istraateejiyada dagaalka lagu jiro kooxda Kjawaarijta ah ee Alshabaab, iyadoo la sheegayo in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay qorshe Ciidaan ahaan awoodooda loo wiiqo iyo Fekir ahaan iyo waliba dhaqaale ahaan”.

Warbixino Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Horjoogayaasha Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrama) oo horey loo sheegay in duqeyn lagu dilay iyo Horjooge Maxamed Maxamuud Mire oo lagu wada eedeeyay Maalgelinta, Qorsheynta Howlgelinta, diyaarinta ama fulinta falal lidi ku ah Amaanka iyo xasilinta Dalka, iyagoo kaashanaaya Horgalada iyo Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijhta ah ee Shababka, waxaana la sheegaya in qaarkood ay heystaan Baasaboorro dalalka aannu deriska nahay.

Soomaaliya ayaa muddo la soo dagaalameysay Argatileyada Xag-jirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la odorasaayo in marka la gaaro bilowga Sanadka soo socda ay kooxaha Argagixisadu lumin doonaan degaano badan, “waase hadii ay Dowladu la timaado qorshe cad oo aan ku dhisneyn fudeyd iyo laab kac, iyadoo maanka lagu hayo casharadii laga bartay Howlgalka Wejigiisa 1-aad.

Dhinaca kale Warbixin Sirdoon ayaa xaqiijineysa in Kooxda Argagixisada ee Islamic State “ISIS” ay muddo 12-sano ah shaqaaleysiinaayeen Dhallinyarada Shaqo la’aanta ku heysa Degaannada ku teedsan Xeebaha iyo Qeybaha kale, tallabadaan oo sare u qaaday inay kooxdani ay unugyo ku yeelato Dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Dacwad Oogaha Kenya uu Garsoorka Dalkaasi horgeeyay Eedeysane oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali, alias Abu Fidaa ama Abu Shuhadaa, kaasoo Kooxda Islamic State (ISIS) u qaabilsanaa Qorista Dhallinyarada Kenyan ah gudaha Dalkaasi iyo Xabsiyada, waxaana la qabtay sanadkii 2016-kii, ilaa haatana xukun suge ku ahaa Xabsiga, ayaa lagu xukumay 12-sano oo xariga ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa Horjoogahaan Maxkamada weydistay in lagu xukumo 90-sano oo xariga ah kadib Eedaha culus ee lagu Oogay Dambiilahaan, Dalalka Kenya & Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay dagaalo kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab, kuwaasoo degaano badan oo dalalkaasi ay maamulaan, isla markaasna Baad ka qaadaan Ganacsatada iyo Shirkadaha, si ay ugu maalgashtaan Howlahooda Argagixisada.

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo kooxaha Argagixisada ah ayaa sheegaya in in ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan seddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntland. Howlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday Xero ay Maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Caalmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen Shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa ku sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.

Masuul ka tirsan dowladda ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka go’an dhamaystirka Argagixisada, si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo iyo Deegaan ka caagan Argagixsinimo”.

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qayb galay kulanka 60-Aad ee Golaha Wasiiradda Carabta

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha Dr. Ali Haji Adam Abubakar ayaa ka qayb galay kulanka 60aad ee Golaha Wasiiradda Carabta.

Kulanka oo ay kasoo qayb galaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ee Jaamacadda Carabta ayaa waxaa diiradda lagu saaraa iska waraysiga waxyaabaha kusoo kordhay hannaanada caafimaadka ee dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya kulan weynaha caafimaadka adduunka oo shir-doceedkan ka qayb galay ayaa khudbad uu jeediyay kaga warbixiyay dadaalka ay Wasaaraddu ugu jirto xoojinta nidaamka caafimaadka dalka.

Dhanka kale wuxuu Wasiirku ku adkeeyay wadamada ku midoobay ururkani in ay iska kaashadaan kordhinta dhakhaatiirta takhasusiga ah ee wadamadaan, si gaar ahna loo garab istaago wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay sidii ay u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo la siiyo dhakhaatiirta takhasusiga ah.

 

Soomaaliya oo ka qeyb gashay tartanka kubadda cagta diblomaasiyiinta ee magaalada Beijing

Beijing:- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa hambalyo u diray dhammaan xubnaha kooxda Soomaalida iyo diblomaasiyiinta safaaradda ee ka qeyb galay tartanka kubadda cagta diblomaasiyiinta ee ka dhacay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.

Danjiraha ayaa bogaadiyay wacdaraha ay kooxdu soo bandhigtay, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay dhammaan taageerayaashii kooxda dhiirigelineysay intii ay ciyaaruhu socdeen iyo qaban qaabiyaasha tartanka kubadda cagta Beijing ee diblomaasiyiinta (Beijing Diplomats Sports Football Tournament) oo shaqadan muhiimka ah qabtay.

Sidoo kale, warka ay soo saartay Safaaradda Soomaaliya ee Beijing, waxay ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay ka qeyb galay tartankan oo ay qeyb ka ahaayeen kooxo ka socday 32- waddan, wuxuuna tartankan ujeeddadiisu ahayd is-dhexgalka iyo wadaagidda dhaqanka xubnaha diblomaasiyiinta ee ku sugan magaalada Beijing.

Kooxda kubadda cagta ee Soomaaliya ku mataleysay tartankan waxay soo bandhigeen ciyaar xirfad iyo wanaag-ba leh,iyagoo la ciyaaray koox adag, waxayna kooxdii Soomaaliya ku mataleysay tartankan ku guuleysteen in ay galaan kaalinta saddexaad ee tartanka.

Tartankan ayaa ah madal lagu soo bandhigo hibada ciyaaraha, sidoo kalena waa fursad wanaagsan oo lagu sameeyo shabakado lagu xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee xubnaha safaaradaha Beijing.

           

Shirka 36-Aad ee midowga Baarlamaanada carabt oo ka furmay dalka Algeria

Wadanka Algeria waxaa si rasmi ah uga furmay fadhiga 36-Aad ee shirka midowga baarlamaanada carabta oo ay sanadkaan ay marti gelineyso dowladda Aljeria,waxaana sanadkaan shirkaasi Soomaaliya ku matalaya wafdi ka socda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud oo wakiil ka ah Guddoomiyah Golaha Shacabka ee BJFS.

Shirka sanadkan oo looga hadlayo arrinta Falastiin ayaa Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud oo wafdiga Soomaaliya ee shirkaasi ka qeyb galeysa hogaaminaya waxa uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayay arrimaha falastiin Iyo mowqifka ay Soomaaliya ka taagantahay.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay faragelinta dowladda Itoobiya ay ku heyso madaxa banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,taasoo uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin.

 

    

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo ka qeybgalay Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Xoolaha Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa XFS Wasiir Hassan Hussein Mohamed (Eelaay) ayaa Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska kaga qeyb galay Shirweynaha Hay’adda Caafimaadka Xoolaha Aduunka oo ka dhacay Paris.

Shirkan oo ah kii 91-aad islamarkaana kusoo aadey 100 sano guurada Hay’adda ayaa lagu gorfeeyey sidii loo tayeyn lahaa Caafimaadka Xoolaha ee  halbeegyada la xiriira badqabka cuntada laga helo xoolaha.

Sanadkan shirku waxa uu xooga saaraaya heerarka tayada ee ka faa’ideysiga  wax-soo saarka Xoolaha kuwaaso mudnaan tayo u lahaa dalkeenna. Madaxda ka qeyb gashay oo ka kala socday dhammaan qaaradaha adduunka ayaa isku raacay muhiimadda ay adduunka ugu jirto kobaca caafimaadka xoolaha oo hadii aan laga shaqeyn dhaawaceysa caafimaadka guud ee bulshada, ganacsiga iyo dhaqaalaha qooysaska.

 

 

  

Munaasabad looga mahadcelinyay Madaxda Qaranka oo lagu qabtay degmada Gubadleey

Maamulka Degmada Gubadley ayaa caawa qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta aheyd ee caawa lagu qabtay degmada Gubadley.

 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa guud ee hey’adda Save the Children, Ms Inger Aishling, oo uu weheliyo madaxa Save the Children Somalia, Mudane Mohamud Mohamed Hassan, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo adkeyn lahaa ilaalinta xuquuqda carruurta Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado wax u taraya ubadkeena.

Kulanka kadib, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Save the Children, waxa ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo qayb ka ah dardarin gelinta daryeelka carruurta Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2015 saxiixday axdiga Qaramada Midoobay ee ilaalinta xaquuqda carruurta adduunka, si looga hortago wax walba oo dhibaato u keeni kara carruurta Soomaaliyeed.