‘MA OGOLIN TAAKO KA MID AH DHULKEENA INUU CADOW QAATO’ (WARBIXIN)

Ingiriisku markuu dhulweynaha Soomalida ku wareejinayay Ethiopia (1954) hababkii uu adeegsaday waxa ka mid ahaa;

  1. In xabsiyada laga buuxiyo dadka indheergaradka Bulshada
  2. In Colaado Qabyaaladeed la dhex dhigo dadka Soomaliyeed, si dhulkaa loo wareejiyo waxa colaado ay weheliyaan dagaalo qabyaaladeed oo aan kala Joogsi laheyn laga bilaabay dhulka Howdka ah, arrintaasi si weyn ayay ugu hirgashay Ingiriiska iyo Xabashida oo markaa damacoodu ahaa inay la wareegaan Dhulka Soomali Galbeed.

Ku darsoo Ingiriisku si uu u bilaabo wareejinta dhulka wuxu xabsiyada u taxaabay Waxgaradkii bulshada, si aanay bulshadu ugu baraarugin waxa ka dhacaya dhulkooda, ragii arrintaasi darteed loo xiray waxa ka mid ahaa Gabyaagii weynaa ee Xaaji Aadan Axmed Afqalooc (AHN), gabyaaga markii la xiray si Bulshada u tuso shirqoolka Ingiriisku la damacsan yahay ee dhulka Soomaliyeed lagu dhaxal wareejinayo, looguna gacan galinayo Gumaystaha Ethiopia waa kii lahaa;

Indhaa fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene

Amxaarada iyo gaaladu tashade inaad abaadaane

Afcas baa miyiga loo faraqay laysku aayiro’e!.

71 Sanno kadib Markii Ingiriisku Ethiopia si sharci daro ah ugu wareejiyey Dhulka Somali Galbeed, Ethiopia waxay qorshaynaysaa sidii ay ku heli lahayd Bad iyo Deked ay iyadu leedahay, si ay taasi u gaarto waxay qorshaynaysaa talaabooyin la mid ah kuwii waagaa hore, waxay bilowday in dadka waxgaradka bulshada loo xir xiro, sidoo kale bulshada la isku diro oo arrinta laga dhigo mid u dhaxeysa (Somaliya iyo Somaliland).

Haddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo fariin u diray shacabka ku nool deegaannada gobollada Waqooyi (Somaliland), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka, isagoo ugu baaqay Shacabka Somaliland meel walba ay oo joogaan in ay u istaagaan difaaca dalka, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

” Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya degan (Somaliland), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ayay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dhaanka u rareen, waxay idinku yiraahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soomaaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaalidi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo barwaaqo ah oo roobku ka da’o oo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sacbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku rideen, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriyadiinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yiraahdeen dhulkii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkaasi ka jeediyay  munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda Waxbarashada F-PENS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta Waxbarashada dalka, wuxuuna ku ammaanay dalladda dadaalkii ay gelisay kor u qaadista Waxbarashada, waxaa kaloo uu tilmaamay in dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan uu maanta mar kale soo hamiyo, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan marnaba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo.

Muddooyinkii dambe guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka caalamka ayaa wada kulamo iyo isku soo baxyo ay uga horyimaadeen damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliyeed, waxaana jirta in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ay ka wada hadleen sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa  kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa aheyd in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudub Soomaaliya.

Ku darsoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaoo qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid is-afgaradka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi, iyaga oo sheegay in falkaan uu yahay mid ka dhan ah midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed uu ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre go’aankii geesimada laheyd ee ay qaateen iyo sida ay uga horyimaadeen damaca liita ee Itoobiya.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya waxay weli wadda xoojinta dhinaca diploomaasiyada, waxaana jira shir degdeg ah oo ay yeelneyso Ururka Jaamacadda Carabta oo aan xubin buuxda ka nahay, kaasi oo looga hadlayo damaca gurrcan ee Itoobiya ka leedahay dhulka iyo badda Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ka hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, isagoo sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee  Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna tilmaamay  in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo, si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in shirka laga soo saaro go’aan adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidioo kalena lagu taageerayo dhammaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso, si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha, wuxuuna Carabta Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta  tallaabo kasta oo ay kaga hortageyso faragelinta Itoobiya, taas oo ah  xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

ku darsoo Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya. Odayaashan oo qeyb ka ahaa kacdoonka shacabka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan badda Soomaaliya ka ogolayn dhibic biyo ah, ciddii isku daydo in ay xoog ku qaadatana ay dhiig u daadinayaan, waxayna intaa ku dareen in dadka u ololeynaya meel marka heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay xaaladdoodu ku dambeyn doonto sida Falastiin iyo Yuhuudda oo kale, iyagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbali doonin inta uu qof Soomaali ah nool yahay.

 

HIBADU WAA SHEYGA UGU MUHIIMSAN EE QOFKU GUUL KU RAADIN KARO

Hibadu waa xirfad gaar ah oo uu Alle ku manneesto adduumadiisa kala duwan taasoo u noqota qofka mid uu bulshada kaga dhex muuqdo inta badan.

Dunida qofba wax buu ku wanaagsan yahay wuxuuna leeyahay hibo u gaar ah oo ku duugan maankiisa.

Hibadu waxay u baahan tahay qaab aad ku soo bandhigi karto oo aad ku muujin karto waayo dunidan waxaa jira malaayiin dad ah oo leh hibooyin gaar ah hadana ay ku adag tahay in ay soo bandhigaan ama aan helin qaab ay ku soo bandhigaan.

Dunida waxaa ka jirto barnaamijyo u gaar ah oo loo yaqaan“Got Talent” taasoo lagu tartarsiiyo dadyowga hibada gaarka ah leh.

Dadku hibooyin bay leeyihiin waase kala duwan yihiin hibooyinkaas adiguna kuwaas ayaad ka mid tahay waayo barnaamijyda qaar ee hibooyinka lagu soo bandhigo waxaad ku arkeysaa waxyaabo aadan fileyn hadana ah hibooyin mucjisooyin ah oo qofka ay duugnaayeen haddii aan laga soo saari lahyn uu la dhiman lahaa iyadoo laga faa’ideysan.

Weligaa ha dhihin waxaas maad dad la hortagi kartaa laakiin la soo bax wax kasta oo kugu jira oo xirfad ah oo keeni kara in aad gaarto guul tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in aad laxanka heesaha ku fiican tahay laakiin adiga aad is leedahay waxa aad heyso lama hor yagi kartid bulshada uuna kula noqdo wax hooseeya.

Haddii aad heyso xirfad cusub iyo waxqabad mucjiso ah ma aha in aad adiga isla yaabtid oo aad ka gaabsatid in aad soo andhigto tusaale ahaan waxaad leedahay hibo in aad ilkahaada ku qaadi karto foosto shidaal ah ..ha is dhihin arrintan ma bandhigi kartid oo dadka ayaa kula yaabaya ama kuu qaadanaya qof aan caadi aheyn oo awoodo sheydaan leh.

Aduunka hubooyinka waxay keenaan caanimo deg deg ah iyo mararka qaar qofka oo la yimaada wax cusub oo uu ku shaqo tago kagana duwan yahay dadka intiisa kale una soo jiideysa caanimo aanu hore u heysan oo xad dhaaf ah.

Sidoo kalena hibada waxay qofka gaarsiin karta martabad cusub oo noloshiisa ah waayo manta dunida ninka caanka caanka ee hibada kubbadda cagta ah leh ee malaayiinta dadka ah daawadaan tusaale ahaan ciyaaryahanka Messi lama mid aha ciyaartoyga caadiga wuxuuna Messi ku caano maalaa hibadiisa oo laga yaabo in ay noloshiisa wax badan ka bedeshay.

Hibada nooca qofku yeealan karo waxay ku imaan kartaa qaab uu soo koriyey oo uu tababaro xirfad iyo aqoon kororsi badan us oo maray iyo mid hibo Rabbaani ah waxayna labduba qofka ka dhigaan mid wax  gaar ah hibo u leh ama ku wanaagsan.

Xitaaa haddii aaney hayn mid rabbaani ah qofku wuxuu ku heli karaa waayo aragnimo iyo ku dhex jir waqti dheer oo uu kaga duwanaan karo inta kale ee la wadaagta isla xirfaddaa tusaale ahaan labo sawir qaade oo muddo toban sano ah soo wada shaqeynayey isku tababarna qaba ayaa midkood laga yaabo in uu hibo gaar ah u sii leeyahay oo kan kale kaga wanaagsan yahay xirfaddaas oo ay dadka qaar yiraahdaan hebel waa ka gacan macaan yahay hebel ama sawir qaadista waa kaga fiican yahay hebel.

Waxaa laga yaaabaa in hebel hibo u leeyahay ama uu waqti dheeraad ah barashadeeda galiyey marka loo eego saaxiibkiis taasna ay ka dambeyso in saaxiibkiis si gaar ah loogu tilmaamo xirfaddaa.

Si kastaba ha ahaatee haddii qof walba ceysaantiisa ceelka keeno oo soo bandhigo hibadiisa waxaa la heli lahaa malaayiin qof oo mid waliba hibo u gaar ah leeyahay waana sirta ka damebysa in dalal ay hindiya ugu horreyso ay xilligan xoogga saaraan barnaamijyo hibo raadinta … Soomaaliduna barnaamijyada noocan aad bay ugu baahan yihiin waxaana faa’ideeda laga dareemi karaa barnaamijkii ay wadi jireen idaacadda WADNAHA FM iyo qaar ka tirsan fannaaniinta Soomaaliyeed.

Mohamed Hassan Shiil

 

KASBASHADA XALAASHA IYO KA FOGAANSHAHA XAARAANTA

Qof kasta oo muslim ah waxaa ku waajib ah in uu kasbado oo uu cuno waxa xalaasha ah, kana dheerado waxa xaaranta ah isaga oo Ilahay  SW qof ku waxa uu cunayo ama uu kasbanayo ka horeeysiyay camalka wanagsan ee uu samaynayo.

Nusuus badan ayaa ku so arooray halka uu qofku ka kasbanayo xoolaha uu shaqaysanayo. Ilahay muminiinta isaga oo la hadlayana waxa uu yiri” Kuwi Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow waxaad cunta waxa aan idinku arsaaqnay kuwiisa wanagsan ee xalaasha ah” Ilahay waxa kale oo uu yiri “ Kuwa Allah iyo Rasuulkisaba rumeeyayow xoolihina dhexdiina ha ku kala cunina shay badil ah oo xaraam ah”. Waxa kale oo rasuulka csw laga soo wariyay xadiis oo nabigu yiri ” Janada gali mayo hilib ku biqlay oo ku kobcay xaraam”. Xadiis kale ayuu nabigu ku sheegay “ Ma siyaado oo ma kabco hilib ku kobcay xaraam ilaa naarta ayaa huran”

Dawaabida amma sharciyada uu leeyahay Kasbul Xalaal amma Shaqaysiga Xalaasha ah:

1-Xaaraantinimaynta Ribada:  Waxa uu Ilahay kitaabkisa ku sheegay in uu iibka inoo xalaaleeyay waxa ribada la yiraahdana la inaga xaraantinimeeyay. Rasuulkuna waxa   uu nacladay qofka ribada cuna, ka cunsiiya, ka qoraya iyo ka markhaatiga ka ahba, Ilahayna jannada ka xaraantinimeeyay. Ribada marka sidaas loo xarantinimeeyay, waxa ka so baxaya in ay xaaran tahay in aad ka shaqayso bangiyada ribada ku shaqeeya shaqada aad ka qabanaysa nooca ay doonto ha noqote. Ribada ayaa u qaybsanta laba nooc oo kala ah: Ribada amma siyadada lagu sameeyo wixi aduunyo lagugu leeyahay oo  la kordhinayo wakhtigi kordhaba iyo ridaba iibka.

2.Xaarantinimaynta Khiyaanada iyo qishka: Rasuulku SCW waxa uu inaga xaarantinimeeyay qishka iyo khiyaanada, isaga oo rasuulku sheegay qofka wax kasbanaya in uu isaka ilaaliyo khiyaanada.

Tusaalayaasha hada qishka wakhtigan danbe la sameeyo ayaa waxa ka mid ah:

  • Iibinta alaabada xumaaday amma wakhtigi loogu talo galay dhacay
  • In miisaanka lagu ciyaaro oo shayga misaan ku jirin lagu sheego
  • In lagu suuq geeyo badeeco iyo alaab liidata in ay tahay badeeco wanaagsan
  • Iibinta badeeco sixada iyo cafimaadka waxyeelaynaya

3-Xarantinimaynta ka ganacsiga waxyabaha xaraamta ah sida Khamriga iyo Mandooriyayaasha oo dhan:  Waxa iyaguna la xaarantinimeeyay  ka ganacsiga waxyabaha xaraanta ah sida in laga ganacsado khamriga amma in hub la soo galiyo suuqa wakhtiyada fitanka.

4.Xarantinimaynta ka ganacsiga filimaanta iyo waxyaabaha xun xun: Waxa iyadana la xaarantinimeeyay in dadka loo soo daayay filimaan xun xun oo dadka lagu luminayo.

5.Xarantinimaynta ka shaqaynta camalada aadan ka gudan karayn wajibaadki Ilahay kugu wajibiyay.

Qeybta labaad: “Takaafulka Bulsho”, Takaaful Bulsho waa in: Umada islaamka ahi isaakhiga iyo is xambaarku ka dhaxeeyo oo ay dusha isku qaado, oo qofka jilicsan ay umada inteeda kale dusha ku qaado oo ay ilaaliyaan.

In qof kasta oo bulshada ka mid ahi uu isku arko in uu xuquuq leeyahay wajibaadna looga bahanyahay bulshada dhexdeeda. Umada inta ay iskaashi iyo is takulayni dhexdooda ka jirto waxa ka dhasha is jacayl iyo kalgacayl iyo isa soo dhawaansho.

Diinta islaamkuna waxa ay ina fartay in la isku tiirsanaado oo la is kaashado, isaga oo ilahay aayad quran ah ku sheegay  “ Isku kaashada wanaaga iyo Allah ka cabsiga”.

Nusuus badan ayaa ku soo arooray Takaafulka bulshada dhexdeeda. Waxa uu Ilahay yiri:” Wanaaga iyo janada gaari maysaan ilaa aad Ilahay darti waxa aad jeceshihiin u bixisaan”. Nabi Mohamedna Csw waxa uu tusaale ka bixiyay sida bulshada islaamka looga baahanyahay  in ay noqdaan, waxa u yiri” Isku tiirsananta, isku kaalmaynta , is tacaawunka bulshada islmaaka dhexdooda waa sida jidh kaliya, hadii xubin ka mid ahi bukooto in jidhka intiisa kalena la bukoodo amma la xanuunsado”. Waxa uu sidoo kale nabigu scw yiri” qofka ka fududeeya qof kale oo muslim ah dhib amma hawl haysato , waxa uu ilahay ka fudeediya dhibta iyo hawsha maalinta qiyaamaha”.

Waa ayo dadka uu Ilahay ina amray in la kaalmeeyo

1-Waalidka: Ilahay baa waxa uu yiri “ Labada waalid u sama fala”. Waxa la faraya qofka islaamka ah in uu kafalo qaato oo tunka loo rito waxa ugu fadli badan labada waalid.

2-Qarabada: Sida walaalaha, iyo dadka kale aad qarabada tihiin in la kaalmeeyo oo la kafaalo qaado.

3-Agoomaha. Waxa uu Ilahay sheegay in ay tahay agoomaha oo la kafalo qaato waxayab ilahay loogu dhawaado. Nabigu csw waxa u yiri: qofka agoon kafala qaata iyo anigu malainta qiyamalaha waxanu isku nahay sida labada farood ee isku xiga.

4-Miskiinka: Waxa kale oo aad u muhiim ah in la taakuleeyo oo la kafalo qaado dadka maskiinta ah ee bulshada ku dhex nool oo laga war hayo.

5-Musaafirka amma socoto: Qofka musaafirka waxa qof walba oo muslim ah ku waajiba in la marti qaado martida u soo hoyata

6-Dadka wax waydiista dadka kale iyo adoomaha

7-Dadka daymaysan(AL qarimiin): Ilaahay waxa uu quraankiisa ku leeyahay qofka qof bahan wax ku lihi in uu ka sugo oo aanu ku dirqin ee uu ka sugo, waxana ka sii wanagsan in aad sadaqo ula baxdaan.

8-Maxaabiista: Dadka maxabiista ah ee jeelasha ku jira in la caawiyo oo la kafalo qaato.

Meelaha ay ka imanayso waxyabaha dadka lagu kafaalo qaadanayo:

1-Sakada: sakada  laga bixinayo xoolaha, maallka iyo wixi la mid ah. Sakadu waa maalka laga qaado dadka wax hayta lana siiyo dadka fuqarada ah.

2-Sadaqada

3-Kafalooyinka qofka lagu waajibiyay xaladaha qaarkood

4-Dardaaranka uu qofku xoolihiisa ku dardaarmo

5-In qofku waqfi sameeyo aya iyaduna ka mid ah waxyabaha dadka lagu kafalo qadanayo

6-Sakatul Fidri

Gabagabadi waxa la faraya bulshada islaamka ah in ay kafalo qaado, is takulayso, iskaashato. Wanaaga umaduna in uu ku jiro isku tiirsanaanta iyo is kaashiga bulshada dhexdeeda.

Xigasho: Dhaqaalaha Islaamka

WD: Ibraahim Warsame Xuseen

 

 

JADWAL XISAABEEDKA TAARIIKHDA ISLAAMKA

Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanadka Islaamka mid 11 maalmood katiro yar sannadka miilaadiga ama taariikhda loo yaqaan “Gregorian”.

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada “Al-Tawbah” ee macneheedu yahay:

“Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh..” [Suurada Al-Towbah, 36].

Afarta bilood ee xurmada leh waxay kala yihiin:

Muxarram, Dhul Qacdah, Dhul Xijjah, Raja

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA

1          Muxarram          7             Rajab                          2            Safar             8                    Shacbaan                       3          Rabic al-Awwal       9                  Ramadaan                      4      Rabic al-Thani          10                Shawwaal                      5    Jumada al-Awwal   11                Dhul-Qacdah                    6   Jumada al-Thani            12                Dhul-Xijjah

 

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha.

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay ku dhamaadaan 30 ama 29 maalmood. Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga, qiyaastii [16 July C.E. 622].

 

Xigasho: SomaliTalk

Fadliga Soonka Maalinta Cashuuraa’ una faa’idee Ehelkaaga Iyo Asxaabtaada. Walaal Ka Faa’iidayso khayrka maalmaha sida gaarka ahi Alle SWT u fadilay una yeelay ajir ka badan maalmaha kale, Aan ka faa’iidaysanno maalmaha khayrka badan ee Illaahay inoogu deeqay, maalmahaas waxa kamid ah soonka maalinta Caashuuraa’.

Maxaa Loo Soomayaa Maalmahan?

Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi:

Nabiga (SCW) ayaa la weydiiyey soonka maalinta Caashuuraa’ (maalinta 10aad ee bisha 10aad, Muxarram ee sannadka Hijriga ah) markaasuu yiri: {waxaa lagu dhaafaa (denbigii) Sannadkii tagey}. Muslim ayaa wariyey.

Maalinta Caashuuraa’ ee uu Rasuulku (S.C.W) fadligeeda ku sheegay xadiiska kor ku qoran iyo axaadiis kale oo badani waxaa sunne ah in la soomo iyada iyo maalinta ka horraysa ee Taasuucaa’.

Waa maalin fadli badan ummadaha oo dhanna ay weyneeyaan. Waa maalintii uu Ilaahay badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.) isla markaana uu halaagey Fircoonkii Ilaahnimada sheegtay.

Markii uu Rasuulku (S.C.W.) usoo haajirey Magaalada Madiina wuxuu la kulmay Yuhuuddii halkaas degganeyd oo soomaya, markii la weydiiyeyna waxay sheegeen in ay maalintani tahay maalintii uu Rabbi (s.w.) halaagey Fircoon ee uu badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.). Markaas ayuu Rasuulku sheegay in aynu innagu Nabi Muuse (c.s.) ka mudannahay ama ka xigno Yuhuudda, sidaas darteedna ay tahay in aynu Soonno.

Guud ahaan Soonka Caashuuraa waa sunne fadli dheeraada leh ee ma aha Waajib. Ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu na waafajiyo innagana aqbalo soonka Caashuuraa’ iyo Acmaasha Saalixa ah oo idil.

 

Xigasho: ceegaag.com

WD: Ibraahim Warsame

15 KA MIDA AH FAA’IIDOOYINKA AKHRINTA QUR’AANKA KARIIMKA.

1: QUR’AANKU Waxa uu kordhiyaa kalsoonida addoonku uu ku qabo RABBIGIISII ABUURAY SUBXAANAHU WATACAALAA.

2: QUR’AANKA waxaa Laga Helaa raaxo nafsi ah { Deganaansho/Xasilooni }.

3: QUR’AANKU Waxa uu xoojiyaa xiriirka u dhexeeya Adoonka iyo ALLIHII ABUURAY SUBXAANAHU WATACAALAA.

4: QUR’AANKU Wuxuu Suuliyaa { kexeeyaa/ fogeeyaa } welwelka/ Walaaca iyo cidhiidhiga nafsaaniga ah.

5: QUR’AANKU Wuxuu Hagaajiyaa Xiriirka iyo Lamacaamilka ka Dhexeeya Qofka iyo Dadka kale ee ay Nolol Wadaagga Yihiin.

6: QUR’AANKU Waxa uu door weyn ka qaataa edbinta iyo toosinta nafta { gude ahaan iyo dibad ahaanba }.

7: QUR’AANKU Waxa uu kordhiyaa kalsoonida uu qofku ku qabo Naftiisa iyo RUMEYNTA QADARTA ALLE.

8: QUR’AANKU Waxa uu qofka ka ilaaliyaa waswaaska iyo farriimaha Sheydaanku qalbigiisa u soo diro.

9: QUR’AANKU Waxa uu qofka akhriyaa u Markhaati kacaa Maalinka is abaal Marinta { MAALINKA QIYAAMAHA }

10: QUR’AANKU Waxa uu Qofka u furaa hadalka { Aftahan }

11: QUR’AANKA waxa laga helaa taariikho hore oo laga faa’iidi karo Khibrado Nololeed awgeed.

12: QUR’AANKU wuxuu qofka siiyaa dhiiri gelin iyo go’aan qaadashada wanaagsan ee nolosheena saamaynta kuleh.

13: QUR’AANKU Waxa uu qofka ka dhigaa qof Faraxsan markasta { Bashaash ah }

14: QUR’AANKU waxa uu Kobciyaa Garaadka Qofka wuxuuna kadhigaa qof xigmad badan oo hab fudud xal ugu hela caqabadaha nololeed ee lasoo darsa.

15: Ugu danbayntii QUR’AANKU waa Daawo Dabiici ah wuxuuna Ka hortagaa Xanuunada ku dhaca Maskaxda { Dhimirka } Waxaana dhowaan Saynisyahannadu ogaadeen in Akhrinta QUR’AANKU ay tahay sababaha ugu badan ee MUSLIMIINTU u yihiin dad deggan oo wada Maskax furan.

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka golaha shirweynaha caafimaadka aduunka

Geneva: Shirka Caafimaadka Adduunka kisii 77-aad oo si rasmi ah uga furmay maanta magalaada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali xaaji Aadam loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka golaha Shirwaynaha Caafimaadka Adduunka.

Golahan oo sanad walba mar ku kulma Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva, ayaa wuxuu lafa-guraa hawlaha hortabinta u leh Caafimaadka Aduunka, waxaana lagu gaaraa go’aamo masiiri ah oo saameeya wadamada Aduunka oo dhan.

Sanadkan waxyaabaha shirkan Aduunku kaga doodaya ayaa waxa ugu horeeya hindise ay Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya soo jeedisay, kaas oo ujeedadiisu tahay in Aduunku uu u midoobo yaraynta dhimashada Hooyada iyo Dhallaanka, si loo gaaro hadafka guud ee golaha taasaa muujinaysa in Soomaaliya ay ciyaareyso door muhiim ah oo ka dhax muuqda guud ahaan golaha iyo miiska arrimaha caafimaadka ee Aduunka.

Dhanka kale, waxaa aad looga doodi doonaa qabyo-qoraalka heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga xanuunnada awooda u leh in ay faafaan ee keena cudur-dilaaca taasoo dhibaato ba’an ku heysa guud ahaan dunida wadamo badan oo xaaladahaasi la daalaa dhacayana ay hadda miiska joogaan, waxayna sidoo kale waxay muujinaysaa un dunida meel qura kaga soo jeesatey xal u helida xaalad kasta oo Caafimaad.

Wafdiga Soomaaliya ee uu Wasiirku hogaaminayo waxaa ka mid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabduljaliil, Agaasimaha Machadka Caafimaadka Dr. Xuseen Muhiyadin, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland, Agaasime Waaxeedyo iyo Lataliyayaal.

   

Dowladda oo dib u habayn ku samaynaysa qaadashada Baasaboorka shaqaalaha iyo kan diblomaasiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Saciid Maxamed, oo uu kala hadlay istiraatiijiyado sare u qaadaya isku-xirnaanta, wadashaqaynta iyo dardargelinta dadaalka wadajirka ah ee lagu fududeynayo bixinta adeegyo u qalma muwaadiniinta.

Kulanka ayaa intii lagu gudo-jiray waxaa lagu qaadaa-dhigay dhowr arrimood oo muhiim ah, sida maamulka baasaboorrada dowladda si gaar ah baasaboorrada shaqaalaha (service) iyo diblomaasiga (diplomatic), iyo suuragelnimada in hab dijitaal oo casri ah si wadajir ah labada dhinac ugala socon karaan shixnadaha baasaboor kahor daabacaaddooda.

Kulanka ayaa lagu gaaray go’aan muhiim ah oo ah in si kumeel-gaar ah (KMG) loo hakiyo soo saaridda baasaboorka shaqaalaha ee loo yaqaan adeegga muddo ku siman seddex bilood. Tallaabadan ayaa ujeedkeedu yahay dejinta iyo fududeynta tub la isku raacsanyahay oo lagu hago soo saaridda baasaboorka iyo xoojinta daahfurnaanta. Waxaa sidoo kale awoodda maamul ee oggolaanshaha soo saaridda baasaboorrada shaqaalaha loo wareejiyay Xafiiska Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, halkii hore uu ka maamuli jiray Agaasimaha Waaxda Qunsuliyadaha ee Wasaaradda, taasi oo tilmaan u ah dib u habaynta nidaamka istiraatiijiyadeed ee mas’uuliyadaha maamulka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay ka howlgalidda iyo la falgalka dalabaadka baasaboorrada ee ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo buuxinaya dhammaan shuruudaha , lana dedejiyo daabicidda baasaboorrada si looga fogaado dib u dhac iyo habac ku yimaada shaqada.

Ciidanka Booliska oo xoojiyey ilaalinta amniga caasimadda

Taliska ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa xoojiyey qaybaha iyo ciidanka ka shaqeeya baraha lqga soo galo maagaalada Muqdisho

Ciidanka halwlgalada iyo baraha Kontorolada magaalada Muqdisho iyo ciidanka Miina baarista gaar ahaan Xaywaanada uriya walxaha Qarxa ayaa shaqa wanaagsan Ka wada Kontoroolada laga soogalo magaala Moqdisho iyo hareeraha Magaalada

Waxaana si aad ah ubagaadiyay dadweynaha ku nool caasimada iyo hareeraheeda

Wasiir Daa’uud Aways oo guddoomiyey isku dubbaridka warbaahinta Qaranka iyo xiriirka bulshada

Shirka guddiga isku dubbaridka warbaahinta Qaranka iyo Xiriirka Bulshada ee heer Wasiir ayaa maanta ka dhacay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda FS.

Shirkan waxaa shir guddoominayey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daua’uud Aweys Jaamac

Waxaa ajendayaasha laga hadley ka mid ahaa xoojinta wacyigelinta bulshada, mideynta fariimaha dowladda, ka hortagga wararka colaadaha lagu hurinayo ee baraha bulshada lagu faafiyo iyo diyaar garowga xuska toddobaadka Xoriyadda Soomaliya ee 26 June iyo 1 July.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay wafdi ka socda Jarmalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, wafdi ka socda Jarmalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Federaalka Jarmalka u qaabilsan Wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya iyo kuwa ku yaalla saaxil, Danjire Christoph Retzlaff, oo uu kala hadlay kor-u-qaadidda xiriirka labo geesoodka iyo soo banbixinta fursado cusub oo iskaashi.

Wafdiga Jarmalka ayaa waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiin kale oo dowladeed oo ay ugu horrayso Danjire Regine Hess, Madaxa Xafiiska Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka, Danjire Sebastian Groth, Safiirka Jarmalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Mudane Martin Stein, Safiir kuxigeenka Jarmalka ee Soomaaliya.

Intii wadahadalka lagu gudo-jiray , waxaa labada dhinac ay aad iskula eegeen qoto-dheeraynta iskaashiga, waxyaabaha nacfi wadaagga ah iyo u howlgelidda xoojinta wax wadaagga istiraatiijiyadeed ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo iskaashiga muddada fog iyo hiigsiga horumarineed.