Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabbilay danjire James Swan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo ay kawada hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey hay’adda Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.

Ergayga ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey,isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.

SoDMA oo gargaar ka qaybisay degmada Waajid ee gobolka Bakool

-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta 220 qoys waxa ay gargaar ugu qeybisay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Qoysaska gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa iskugu jiray Barakacyaal, Danyar iyo Dad waayeelo ah, waxana loo qeybiyey mucaawino ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka.

Deeqdaan gargaar waxaa hore dalkeena ugu deeqay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Shacabkii ka faa’iideeystay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadnaqay hoggaanka sare ee SoDMA oo mar walba garab taagan dadka dantayar.

Danjiraha Soomaaliya u jooga Turkiga oo halkaasi kula kulmay dhiggiisa dalka Koofurta Suudaan

-Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Turkiga Danjire Fatxudin Cali Maxamed Fathi Ospite ayaa maanta xafiiskiisa ku booqday Danjiraha Koofurta Sudan u fadhiya Turkiga isla markaana ah madaxa danjirayaasha Afrikaanka Mudane Majok Guandong.

Danjiraha ayaa u mahadceliyay Danjire Guandong shaqada wanaagsan ee uu u hayo jaaliyadda Afrikaanka ee ku nool wadanka Turkiga.

Shir looga hadlayo horumarinta Kalluumeysiga oo ka furmay Dhuusamareeb

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Garaad Yuusuf ayaa si rasmi ah u furay Shirka Guddiga Farsamada ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kallumeysiga ee maanta ka qabsoomay Magaalada Dhusamareb, shirkaan ayaa diiradda lagy saarayo arrimaha farsamo ee muhiimka ah ee la xiriira horumarinta iyo Maamulka Kalluumeysiga.

Wasiir Garaad ayaa dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya shirkan kusoo dhaweeyey magaalada waxaana uu sheegay In golahan uu yahay mid muhiim ah islamarkaana qeyb weyn ka qaadanaya hormarinta iyo islamaareynta wanaagasan ee Kalluumeysiga dalka oo dhan.

Shirkaan waxaa looga hadlay dib u milicsiga qodobadii ka soo baxay shirkii 2aad ee Golaha ee ka qabsoomay Magaalada Kismaayo iyo ka doodidda qabyo qoraalka xeerhoosyada iyo asteynta awoodaha golaha kaas oo qorshuhu yahay in lagu meelmariyo shirka heer wasiir ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Waxaa dood qoto dheer laga yeeshay qabyo qoraalka xeerka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga kaas oo diiradda saaraya habka howgalinta mideysan ee Maareeynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga. Hirgalinta xeerkan waxa uu wax weyn ka taraya in si wax ku ool ah looga wada shaqeeyo guul ka gaaridda arrimaha muhiimka u ah ka faa’ideysiga kheyraadka Kallumeysiga dalka.

Shirkaan waxaa ka kasoo qeybgalay agaasimaha guud ee Wasaaradaha Kalluumeysiga ee Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka iyo Khuburo dhinaca Kalluumeysiga iyo Xubanaha xoghaynnada Golaha.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adaha QM

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kulan la yeeshay masuuliyiin  ka kala socotay Hay’addaha UNICEF, WFP, IOM iyo OCHA.

Kulankan waxaa goobjoog ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda, xubno ka tiran Golaha Wasiirrada iyo maamulka degmada Jowhar.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay madaxa UNICEF ee Soomaaliya Wafaa Saciid waxaana diirrada lagu saarayay howlaha Ha’yaddahaasi ay ka wadaan deegaannada Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horreeyn madaxda Hay’addaha ayaa sharraxay dhammaan mashaariicda ay ka wadaan Hirshabeelle waxana ay xuseen inay dardargelin doonaan.

“Waxaan idin ku boogaadinayaa shaqadda aad la wadaan Hirshabeelle, si gaar ah waxaan idin kaga mahadcelinayaa mashaariicda Sabbuuni iyo Damal.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray masuuliyiinta Hay’addihii uu maanta kulanka la qaatay inay xafiisyo iyo wakiilo rasmi ah ku yeeshaan deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo loogu 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫

-𝐁𝐚𝐧𝐢𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 ayaa 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫, lagactaas 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢l𝐥𝐚𝐝𝐚.

Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya  ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Nairobi, halkaas oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga   Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada.

Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa munaasibadda ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faaiidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wadashaqaynta Bangiga.

Bangiga Hirumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka funaanta dhaqaalaha dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo u ambabaxay Kenya

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya halkaas oo uu kaga qeyb galayo kulanka 17-Aad ee guddoomiyaaasha Baarlamaannada wadamada ku bahoobay.

Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).

Shirka oo maalinta beri si rasmi ah u furmi doona ayaa waxaa looga hadli doonaa xalinta caqabdaha hortaagan horumarinta Ajendayaasha ururka.

Qaramada Midoobay oo maanta ka hadlaysa weerarada cirka ee Israa’iil ka waddo Rafac

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta isugu yeeray shir degdeg ah oo looga arrinsanayo weerarada cirka ah ee ay Israa’iil ku dishay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay magaalada Rafac.

Kulanka degdega ah ee golaha ammaanka oo albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa codsatay Aljeeriya, wuxuuna imaanayaa kadib markii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu codkiisa ku daray qeyla dhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay weerarkii Rafah.

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan magaalada Rafah, inkastoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku tilmaamay duqeynta dadka rayidka ah mid naxdin leh.

Waxaa  sii kordhaya cambaareynta caalamiga ah ee loo jeedinayo Israel,iyadoo dhanka kalana  Spain, Ireland iyo Norway ay noqdeen wadamadii ugu dambeeyay ee Yurub ee aqoonsada dawladda Falastiin.

Wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in duqeymankii ugu dambeeyay ee xagga cirka lagu dilay  ugu yaraan 45 qof,halka boqolaal kale laga daaweynayo gubasho daran, jab iyo dhaawacyo firir ah.

SOOMAALAAY BARAARUGA!!

Weligaa ma dareentay in ay jiraan wax ka badan waxa aad hadda la kulanto? Ma dareemeysaa dareen degenaansho la’aan ah ama u hilowga wax ka sii qoto dheer? Hadday sidaas tahay, waxaa laga yaabaa inaad ku sii socoto wadadii baraaruga oo aad ogaan doonto wax badan oo kaa qarsoon taas oo ku dhaxal siinaysa inaad ku foofto dantaada iyo tan Dalkaaga.

 

Waa maxay Baraaruga?

Baraarug: Waa Marka uu qofku hurdo si aan ku talagal ahayna looga toosiyo oo uu si gudub ah uga soo boodo isaga oo weliba ka Naxsan sababta hurdada looga kiciyey.

 

Baraaruga waa socdaal ku wajahan jiritaan qoto dheer, macno leh, iyo ujeedo badan. Waa garashada in ay jiraan wax badan oo nolosha ka mid ah waxa aan aragno ama aan la kulanno. Waa in aan ogaano isku xirnaanta wax kasta iyo noole kasta oo koonka ku sugan iyo in la aqoonsado in aan dhammaanteen ka mid nahay wax ka weyn nafteena.

 

Haddaba maadaama aan nahay Soomaalida Cusub ee maanta dunida ku nool, isla markaana hiigsanaysa asaageeda kale waxaa nala gudboon inkasta oo aan ka soo dib dhacaynay sidii la filanayey iyo si kale oo ka sii liidata in aan baraarugno oo aan la jaan qaadno socodka dheer oo ay aduunyadu ku jirto.

 

Waa hubaa mana la diidi karo haddii aan tallaabooyinkeena dheerayno, annaga oo iska ilaalinayna u shalayga xumihii waqtiyadii la soo dhaafay iyo milicsi aan aayo dambe lahayn waxna ku soo kordhinaynin habsami u socodkeena, waan ka hortagi karnaa jilaafooyinka ay nala googoobayaan cadawgeenu.

 

Cadawgeena marka aan leeyahay kaliya waxaan ulajeedaa Abaasiinya ama kuwa haatan loo yaqaan Ethiopian-ka, waligood kama aysan raali noqon tarmideena, waxtarkeen iyo dawladnimadeena, intaas iyo inihii la soo dhaafayba waxay la taahayeen nacayb, annaguna inteena badan kuma baraarugsanayn waxa ay noo qabaan Cadawgaas soo jireenka ah, waligeed waxey isaga keen dhigayeen daris ka raali ah dawladnimo buuxdo in aan helno, waxayna hoosta ka maleegayeen iska horkeenidda Soomaalida iyo isdilkooda, waxayna taas u adeegsanayeen Qaar inanga naga mid ah oo wax magarato ah oo ku sheeganayo diirkana Soomaali ka ah kuwaas oo uu saran yahay matoor Wayn oo u danaynaya Xabashida uu ka dhex shanqarayo kuna badalanayo wax yar oo San-dareerto ah.

 

Fiiri: Maanta istaraatiijiyada ay isticmaalayaan Xabashada ku nool Qarnigaan way ka duwan tahay istiraatiijiyadii ay isticmaaili jireen Xabashida Qarniyadii hore, haddii xabashidii hore waxooda iyo rabitaanyadooda ay dagaalo ku fulin jireen, kuwa maanta uu horboodo Abay Axmed hannaan kale oo ka casrisan ayay la soo shirtageen taas oo ah Wax kala badalasho.

 

Kaliya waxaad eegtaa Magaalooyinka waawayn ee dalka qaar ka mid ah waxaad ku arkaysaa Rag iyo Dumar fara badan oo Itoobiyaan ah, sida Hargaysa, Garawe, Iyo Caasimadda Muqdisho, inkasta oo nambarada kala jooga magaalooyinkaas ay kala badan yihiin haddana iska joogis kaliya iyo ku dhex noolaansho ma aha waxa aan ka hadlaayo ee waxay Ganacsiyo iyo mulkiyado u gaar ah ka samaysteen magaalooyinkaas oo ay iyaga iska leeyihiin kuna dhex wataan hawlahooda Sirdoon ee loo soo igmaday.

 

Dadkaas Itoobiyaanka la yiraahdo tiradooda guud waa dad nagu soo toban jibbaarma, ma sheegayo xagga tayada, saw ma dhici karto maadaama aan ka cimilo wanaagsanahay dal ahaan in ay isu kaaya sheegaan oo kooda meeshaan yimaado uu mid ama laba la ehel ah uu keeno dalkeena, ilaa ay ka soo buuxsamaan magaalooyinkeena filiqsanaanta loogu nool yahay oo ay buuxdhaafiyaan meel kasta, saw markaas ma dhici karto in nala xaaqo sidii Qashinkii oo aan dal la’aan noqonno sida Falastiiniyiinta oo kale.

 

Haddaba maanta ayay nala gudboon tahay in aan fikir na anfaca la nimaadno oo aan ka hortagno waxa ay ku hamminayaan Xabashida cusub ee aan nala dhaqanka iyo Diintoona ahayn ee wada qamaamka ah.

 

Soomaaliyeey Goor ay Xeero iyo Fandhaal kala dhaceen ma aha in la baraarugo, ee waxaa wanaagsan in maanta loo wada istaago sidii la isaga saari lahaa Xabishidaan soo galootiga ah ee doonaya in iyadoon dhiig daadan na qabsadaan.

Nin Soomaaliyeed ayaa laga hayaa 91kii “HEBEL Mar Buu Qabasho Lahaa”, Waxaa La Waydiiyey Waa Goortee Goorta uu Qabshada Lahaa? Wuxuu Ninkii Ku Jawaabay “Markii Uu Halka Xabo Ahaa” ee Soomaalaay Baraaruga!!!

 

WQ: C/risaaq Absuge

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb gelaya shirka Bangiga Horumarinta Afrika

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika uga qeybgalaya magaalada Nairobi Kenya.

Shirkan oo ah mid heer madaxweyne ayaa waxaa sanadkan diirada lagu saarayaa dib u qaabaynta qaab-dhismeedka Maaliyadeed ee Afrika.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb geli doona madaxweynayaasha dalalka Africa qaar badan oo ka mid ah iyo Madaxda Banka horumarinta Afrika.

Soomaaliya ayaa heer fiican ka gaartay toosinta, maaraynta iyo maamulka maaliyadda taas oo keentay in Dalka laga cafiyo Dayntii lagu lahaa isla markaana Hay’adaha Dhaqaalaha ee Adduunku sida World Bank, IMF iyo AfDB ay ku amanaan Dawladda Soomaaliyeed heerkeeda maaraynta Maaliyadda.