Maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adda UNHABITAT oo ka wada hadlay horumarinta Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabbilay wafdi uu hogaaminayay Agaasimaha Qaaradda Africa ee hay’adda UNHABITAT Mudane Oumar Sylla.

Kulan dhex maray labada dhinac ayaa loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta UNHABITAT iyo Dowladda hoose ee Xamar, hiigsiga horumarineed ee Caasimadda Muqdisho iyadoo diiradda la saarayo tiirarka kala ah Qorsheynta Magaalada, Maaraynta Qashinka, casriyeynta Maamulka dhulalka iyo sidii ay Muqdisho xiriir wada shaqeyn ula yeelan laheyd Magaalooyinka dhigeeda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Agaasimaha Qaaradda Africa ee UNHABITAT si rasmi ah ugu wareejiyay Qorshe qoran oo lagu samayn doonno Hawlaha iyo wada shaqaynta mustaqbalka dhaw ee UNHABITAT iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo Nairobi ka furmay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay halkaasi.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa ajendayaal ay ka mid yihiin wax-soosaarka iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbeddelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa illo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Digniinta Duufaanta Laly oo soo kordhaysa (WARBIXIN)

Inkastoo hadda la gudagalayo xilliga Xagaagga oo ay kacaan dabeylaha Maansoorka ee  dhinaca Xeebaha ah, islamarkaana la galayo Bad-xiranka oo ka bilaabanaya dhammaadka bisha juun ilaa bartamaha bisha Septamber oo looga digo Kalluumeysatada iyo Doomaha inay xilligaasi maraan Badda, taasi oo khatar ku ah, ayaa haddana waxaa la soo sheegayaa inay ku lammaanan tahay Dabeyl kale oo la magac baxday Duufaanta Laly oo ku soconeysa Xawaare aad iyo aad u dheereeysa.

Qoraal ay soo saartay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ayeey uga digtay Shacbiga Soomaaliyeed ee ku Degaanada Xeebaha in Duufaanta Laly oo xawligeeda ku socota 75-100km/saacaddii ay ku soo wajahan tahay xeebaha Dalka, taasoo laga cabsi qabo iney dhibaato ka dhashaan…

Qoraalka ayaa looga digay Shacbiga Doomaha Ganacsiga iyo Kaluumeysatada Soomaaliyeed ee ku nool Xeebaha Gobolada Benaadir, Shabeelada Hoose iyo Jubada hoose iney taxadir dheeraad ah muujiyaan, iyadoo Duufaantani ay xowli ku socoto, waxaana laga csbsi qabaa waxeyna Hey’addu sheegtay iney geysato burbur hantiyeed.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka digtay Dufaaanno culus oo loogu magac daray 𝗟𝗮𝗹𝘆. Duufaantan ayaa la sheegay in ay kusoo wajahan tahay magaaloyinka Xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka , Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe, waxanay bulshada uga digtay in ay taxaddaraan.

Laga soo bilaabo Usbuukii la soo dhaafay waxaa bilowday curashada dabeysha Laly “Torobikaalka” duufaantan ayaa ku bilabatay Xawaare hooseeya, iyadoo marba mark aka dambeysa soo xoogeysaneysay intii u dhaxeysay 16-kii ilaa iyo 19-kii bishan May, waxaynba ku soo socotay xawaare aad u sarreeya oo u dhaxeeya 75 ilaa 100 KM saacaddiiba, iyada oo jihooyin kala duwan u leexleexaneysa.

Duufaantan ayaa loo yaqaanaa {Trobical Cyclone}, waxayna ka imaaneysaa Jihada Koonfureed ee Badweynta Hindiya ee Xeebaha magaalooyinka dhaca Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Banaadir. Duufaantan ayaa marba marka dambeysa sii xoogeysaneysa, waxaana hadda lagu soo waramayaa in ay kor u dhafeysa xawaraheeda 90 ilaa 110 KM saacaddiiba ayaa ku wajahan koonfurta Dalka Soomaaliya, waxayna ku socotaa dhinaca Xeebaha magaalooyinka ku yaal, kuwaasi oo kala ah Badhaadhe, Kisdmaayo, Jammaame, Baaraawe, Marka iuyo Muqdisho.

Sidoo kale waxaa laga yaaaba inay saameyso deegaanno kale oo Xeebaha ka baxsan. Cabsida ayaa ah inay Duufaantani sababi karto burbur Hantiyadeed sida inay dumiso Guryo deegaannada dhaca iyo Doomaha Kalluumeysiga iyo kuwa Ganacsiga ee dhex goosha Marin-biyoodkaasi, sidaasi darteed, waxay Heyadda Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxay bulshooyinka ku nool deegaannadaasi aan soo xusnay ugu baaqday “ in ay ka taxadaraan khatarta ka dhaslan karta Duufaantaasi.

Bayaanka ay soo saartay Heyadda Maareynta Musiibooyinka ku tiri:- “ Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah ugu digeysa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida:- Kalluumeysatada, iyo Dadka ku dhaqan hareeraha Xeebaha inay ka digtoonaadaan khatarta ku soo wajahan dhulka Xeebaha, waxayna ugu baaqeysaa maamulaada deegaannadaasi inay u diyaargaroobaan xaaladdaan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan Xeebaha iyo deegaanadaasi”.

Hey’addu waxay si gaar ah walaac uga muujisay Degaannada Xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan Aagga xeebaha.

Dhinaca kale Webiga Shabeelle ayaa dhawaan ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Bari ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kadib Roobab xooggan oo saacadihii la soo dhaafay halkaas ka da’ay, iyadoo Shacabkii degganaa xaafadaha uu Webiga ku fatahay ayaa ka baracakay, waxayna naftu bidday inay deegaansadaan dhulka taagga ah ee ka fog goobaha fatahaadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan soo saartay digniino ku aaddan in shacabka ka fogaadaan goobaha biyo mareennada iyo toggaga sababo la xiriiro cabsi laga qabo Roobab wato dabeylo iyo daadad.

War farxad leh ayaa ah in 𝐁𝐚𝐧𝐢𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚 uu 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫, lagactaas 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝e𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢l𝐥𝐚𝐝𝐚.

Munaasibad kooban oo lagu saxiixay Heshiiska Bangiga iyo Dowladda Soomaaliya  ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ka soconayo shirka Sanad laha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika, kaasi oo 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐝𝐞𝐞𝐪𝐚𝐲 $𝟏𝟖-𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐥𝐥𝐚𝐫, lagactaas 𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐲𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝e𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢l𝐥𝐚𝐝𝐚.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Horumarinta Afrika Marwo Dr. Beth Dunford ayaa wadajir u saxiixay heshiiskaan maaliyadeed oo aad muhiimka ugu ah Dowladda Soomaaliya xiligaan la taagan yahay, maadaama dunida uu saameyn ku yeeshay Isbadalka Cimilada, iyadoo Munaasabadda Saxiixa kadib, Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa madashaasi ka jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlay faa’iidada uu Soomaaliya u lee yahay Mashruucaan iyo guud ahaan Wada shaqaynta Bangiga.

Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu aad u xoojiyay wada shaqeynta iyo taageerada Dowladda Soomaaliya, tan iyo markii si rasmi ah loogu guuleystay dib-u-habeynta Maaliyadda iyo hannaanka daah furnaanta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya oo Geneva uga qeyb gashay shirka wasiirrada isgaarsiinta ee madasha WSIS20

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS  𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮l𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirrada Isgaarsiinta ee ka qeybgalaya Madasha 𝗪𝗦𝗜𝗦𝟮𝟬 oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray Guusha dabaal degga sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay xilliga la aasaasay, heerarka ay soo martay iyo halka loo jiheeysanayo, waxaana la Isla qaatay in la xoojiyo mabaadii’da 𝗪𝗦𝗜𝗦𝟮𝟬 ee nidaamka maamulka Dhijitaalka ah ee Caalamiga ah iyo sida la isaga kaashan karo.

Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa Shirka Wasiirada ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneyso……..” Soomaaliya waxa ay meel fiican ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada marka la fiiriyo Tobankii sano ee la soo dhaafay, Adeegga Internetka oo la baahiyey iyo xarkaha keeno oo la dhigay meelo badan oo Dalka ah si loo fududeeyo isku xirka kaabayaasha dhijitaalka Dalka, waxaana gaarsiindoonaa wadamada deriska ah kuwa aan la heyn badda oo ka faa’iideysanaya isku xirka Bariga Afrika”…….

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay  kobcinta iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha muhiimka ah ee dhijitaalka ah, iyadoo la hubinayo in horumarka Teknoolojiyada mustaqbalka ay faa’iido u leeyihiin qof walba, gaar ahaan dadka aadka u nugul.

Sanad walbo Madasha 𝗪𝗦𝗜𝗦 waxaa  qabanqaabiya Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah  (ITU) waxaana sanadkaan dib loo milicsaday 20 sano kadib iyo guulaha la gaaray.

Wasiir Fartaag oo sheegay in Caafimaad la’aan uusan amni jiri karin

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa sheegay in Caafimaad la’aan aysan jirin wax barasho, amni iyo horumar toona .

Wasiir Fartaag oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 24-aad ee dib u howlgelinta Isbitaalka Madiina oo hoos taga Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in uu ka wasiir ahaan isu xil qaamayo tayaynta Isbitaallada danta guud xukuumadda Dan Qaranna ay il gaara ku eegi doonto.

“Xukuumadda Dan Qaran Tiirkeeda koobaad wuxuu ahaa amniga, kan labaadna Waxbarashada, kan saddexaad waxaannu ka dhigi doonna Caafimaadka anoo la kaashanayo madaxda sare ee dowladda, maxaa yeelay haddaanu Caafimaad jirin Waxbarasho ma jirto, haddaanu Caafimaad jirin amni ma jiro, horumarna ma jirayo, maxaa yeelay maskax Caafimaad qabto ayaa wax hoggaamin karto.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo howlwadeennada Isbitaalka Madiina, howsha muhiimka ah ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed, xilliyadii adkaa ee la soo maray iyo haatan oo uu dalku dib u soo kabanayo.

Wasiir Fartaag, ayaa tilmaamay in sbitaalka Madiina uu tusaale u yahay sida ay Booliska Soomaaliyeed ugu heellan yihiin horumarinta caafimaadka bulshada.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, saraakiil, dhakhaatiir iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan qeybaha bulshada.

Sidee Dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?

Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda awgeed barahaha bulshada ayaa noqday mid cid waliba heli karto, in kasta oo dhinacyo togan ay leeyihiin isticmaalka barahani haddana waa seef laba af leh.

Inkastoo, Baraha bulshada ay yihiin qalab awood leh oo lagu sameeyo xiriirro macno leh haddana dhanka kale, waxaa jira saameyn xun oo ka dhalata isticmaalka badan gaar ahaan Aaladda Tiktok oo maalmihii u dambeeyay ay soo bateen macluumaadka aan wanaagsaneyn ee lagu faafiyo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khaladaadka ka dhaca baraha bulshada.

Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa isagoo ka hadlayay Barnaamij dood furan oo ay qabatay wasaaradda warfaafinta wuxuu ku sheegay in inta karaankooda ah ku dadaalayaan sidii dhallinyarada looga wacyi-gelin lahaa si xun u isticmaalka baraha Bulshada oo Tiktoka ugu horeeyo.

” Wasaaraddu inta karaankeeda ah ama tabarteeda gaarsiisan tahay maanta ma islihi wax ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka hagratay ayaa jiro ma islihi ee inta awooddeena ah gaarsiisan tahay, dadaal ku dari karno dheeri ah, marka xaggaas gaabis kama jiro, laakiin, waxaa iska jira culeys guud, waxaa jira dhallinyarada fursadihii shaqo ama saaxaddii shaqo ay u baahnaayeen in ay ka helaan dalkooda iyo baahida tababarta dowladdooda marka la fiiriyo runtii wax isku dhow ma ahan, marka aad fiiriso xaddiga iyo barsanteejka dhallinyarada aqoonyahanada ah ee Jaamacadaha ka soo baxa ee sanad kasta labaatan kun ka badan ka soo baxda iyo suuqa shaqada waxa yaala,”.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla ayaa dhankiisa sheegay in ka wasaarad iyo dowlad ahaanba ay ku baraarugsan yihiin halista ka dhalan karta isticmaalka xun ee baraha Bulshada, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ay wadaan qorshe ay kaga hortagaan dadka fara ku tiriska ah ee macluumaadka iyo xogaha aan sugneyn faafinaya ama ka beeray dhaqankeenna suuban.

” Waxa aan ka hadleynaa waa inta yar ee sida qaldan u isticmaasha, nolosha waxa caadiga ah ee dadka bini-aadamka ka barteen waxaa waaye waxa xun iyo waxa wanaagsan markasta waxaa xawaara dheereeya waxa xun, marka waxaa laga yaabaa boqolaal qof in ay runtii fariimo wanaagsan gudbiyaan laakiin hal fariin oo xun in ay ka saameyn badan tahay, waxaa runtii wasaarad ahaan bilihii la soo dhaafay ku mashquulsaneyn arrintaan inaan daraaseyno, waxaanna ogaanay in ay inoo soo baxday runtii oo dareensan nahay halis weyn oo haddii aan maareyn dadka Soomaaliyeed sida ay mudan tahay ugu baraarugin oo dowlad iyo dad ahaan iskaashanin nagu yeelan doonto saameyn aad u xun oo natiijadeedu hadda iyadoo ficil ah bilaabatay,”.

Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane ayaa hoosta ka xariiqay in saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada ay ka dhalan karto khatar amni oo ay ganbaad ka dhigtaan kooxaha Khawaarinta.

” Khatarta amni ee baraha Bulshada waxaa kow ka ah in ay keyn u tahay kooxaha Khawaarijta ee lidka ku ad Diinteenna suuban,” ayuu yiri Sheekh Qorane oo dhallinta Soomaaliyeed u iftiiminayey in ay dhanka wanaagsan ka eegaan isticmaalka baraha Bulshada oo ah seef labo af-leh.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah dadkii ka soo qeyb galay Barnaamijka ee Dood-furan ayaa fikirkooda ka dhiibtay qaabka iyo hanaanka ugu fudud ee dhallinta loogu jiheyn karo in ay si wanaagsan oo faa’ido u leh adduunkooda iyo Aakhiradoodaba u isticmaalaan baraha Bulshada, waxaana dadka baraha bulshada isticmaala gaar ahaan Aaladda Tiktoka ee goobta ka hadlay ka mid ah Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada.

” Aaaladda Tiktok waa ka saameyn badan tahay Aaladaha kale, Dowladdu ha timaado Aaladda Tiktok si ay u aragto dadka sida khaldan u isticmaala,” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.

Waxaa sanadihi danbe soo badanayey isticmaalka Baraha Bulshada ay isticmaalaan soomaali badan gaar ahaan Tiktok , Facebook, Youtube iyo Snapchat, Twitter iyo qaar kale oo badan, waxayna qabiiriinta internetka sheegaan in isticmaalka Baraha Bulshada ay leeyihiin faa’ido iyo qasaare labadaba.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay ku simaha cusub ee wakiilka gaarka ah ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo aqalka Madaxtooyada ku qaabilay ku simaha cusub ee wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u soo magacaabay dalkeenna mudane James Swan.

Kulankan ayaa looga hadlay dardargelinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada bini’aadantinimada, nabadda, iyo amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Danjire James Swan la wadaagay dadaallada dowladdu ay ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kobcinta dhaqaalaha, iyo horumarinta dalka, isaga oo u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibaadkiisa cusub.

Wasiirka kalluumaysiya XFS iyo wasiirrada kalluumaysiga dowlad goboleedyada oo Dhuusamareeb gaaray

Dhuusamareeb: Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo ay wehliyaan wasiirada Kalluumeysiga ee dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, KoofurGalbeed, Jubaland iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug halkaas oo uu ka qabsoomayo shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug Mudane Garaad Yuusuf, wasiiro ka tirsan Dowlad Goobleedka Galmudug iyo marti Sharaf kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareb.

Intaa kadib madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyey Madaxtooyada Galmudug halkaas oo ay ku yeesheen kulan kooban oo ku saabsan ujeedka socdaalka wasiirada heer state iyo wasiirka Kalluumeysiga ee heer fedeeaal.

Wasiir Axmed Xassan Aaden ayaa Dhammaan wasiirada, madaxda kale iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey.

Magaalada Dhusamareb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa si rasmi ah uga furmaya shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga kaas oo diiradda saaraya hirgalinta iyo ka faa’ideysiga waara ee Kalluumeysiga.

    

Booliiska Galmudug oo xabsiga u taxaabay gabar aflagaado ka geysatay baraha bulshada

Gaalkacyo- Booliiska Galmudug ayaa xabsiga u dhaadhiciyay Fardowso Cabdi Xuseen oo muuqaal ay baraha bulshada soo dhigtay ku weerartay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Gabadhan oo ku sugan Koofurta Gaalkacyo ayaa aad ah u dhaleecaysay xarigga loo geestay dhowaan wiilal iyo gabdho maalmihii lasoo dhaafay loo xiray faafinta dhaqan xumo iyo hadallo kicin bulsho ah oo ay barta Tiktok-ga isku dhaafsadeen.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waa ilaaliyaha sharciga dalka iyo muwaaddiniinta Soomaaliyeed wuxuuna markasta qeyb ka yahay horumarka bulshada Soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxaan bulshadeenna sharafta badan laga codsanayaa in ay ilaaliyaan sharafkooda kana dheeraadaan wax kasta oo keeni kara anshax xumada, qabyaaladda, kicinta dadweynaha IWM.

Bulshada reer  Galmudug waxaan ka codsaneynaa in ay  la shaqeeeyaan Taliska Ciidanka Boliska Galmudug ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed”.

Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xaaladda tahriibayaasha

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Sii-hayaha Safaaradda dowladda Liibiya ee Soomaaliya, Nasr Mohamed Assanosi.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya.

Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay arrinta tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Liibiya, tallaabooyinka lama huraanka ah ee lagu hagaajin karo xaaladdooda nololeed, bedqabkooda, ilaalintooda iyo u fududeynta kuwa danaynaya in ay si iskood ah oo nabad-qab ah dib ugu soo guryo-noqdaan dalka.

Waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo ammaanka dalka Liibiya.