Dowladda Soomaaliya oo digniin udirtay dadka barah bulshada ku faafiya waxyaabah ka soo horjeeda Qawaaniinta dalka

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala barah bulshada ee  ku soo gudubiya waxayaabahaa liidiga ku ah xeerarka dalka u yaalah iyo qawaaniinta ay hoosta ka xariiqay in ay dowaadda Soomaaliya marnaa raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulsada iyo abuurada dhaqanka nuucaas ah.

”Dalkaan muddooyinkii ugu danbeysay xoriyaadda hadalka waxaa u ka joogay meel wanaagsan,qof maanta cabsi darteed awoodi wayay in u  gudbiyo fariin u doonayay oo sax ah,sharcigana waafaqsan in u jiro umalayn maayo sidan Aaminsanahay,Mabda’a xuquuqul Insanka iyo xorriyadda hadalka halkaas ayuu naga yaalla,waana lama taabtaan,dastuurka iyo sharuucda dalka ayey ku qoraantahay.

Sidoo kale Al-Cadaala  ayaa sheegay in dadka baraha bulshadda ka hadal ee dhanka qaldan u isticmaala ay saameyeen wacyi-galinta bulshada ,waxaan la arkaya Idaacaddo ay ka socdaan gabar qori sidata oo ku hanjabaysa in ay 200 oo dad ah dilayso,waxaa nuucaas ah Anshaxa iyo xeerarka Saxaafadda midna ma ogola mana sameyn kartida ayuu yiri Al-Cadaala oo hadalkiisa si wata,waana in aan kala saarno wixii anshaxa saxafadda caalamiga ah ay isla aqoonsan yihiin iyo in aan ilaalino xorriyadda hadalkana,dadka ay dowladda xirtay waxay ku kaceen wax ka baxsan xorriyada hadalka,anshaxa,Islaamnida,dhaqanka ummaddeed ka soo horjeeda ayeey ku kaceen,sharciga ayaana la geyn doona”.

Dhanka kale wasiirka wasaardda Awqaafta iyo Arrimaha diinta mudane Mukhtaar Roobow Cali iyo qaar ka mid ah Culuma udiinka  ayaa si kuluul uga hadlay saameynta si xun u isticmaalida barah bulshada loogu soo gudbiyo waxyaabo aysan  Diinta Islaamka iyo Shaceerda raalli ka ahayn in bulshada lala wadaaggo.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Cali Wajiis) oo ka mid ah culima Udiinka  ayaa fariin u diray culuma udiink ayaa fariin u diray bulshada uguna baaqay in ay ka waan toobaan waxyaabaha aan habooneyn in bulshada lala wadaaggo loona baahan yahay in laga fiirsado kalmadaha lagu hadlayo oo looga turo dadka Islaamka ah,loona ilaaliyo akhlaaqdooda,anshaxooda iyo Midnimadooda bulsho,dadka waxgaradka ah in ay ka qaataan door muhiim ah ilaalinta iyo isku haynta Ummadda,dhanka kale waxaa ay intaas ku dareen in dadka u xusul duubay in ay dadka kala geeyaan aan loo dulqaadan karin.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri, “Sababta aan xoogga u saareyno la dagalaanka Anshax xumada,waa inaan aamisanahay in Asaluubta bulshada oo la dhiso ay tahay qeyb kamid ah dowladnimada,waana qeyb kamid ah shaqooyinka ciidanka booliiska Soomaaliyeed,sidaas darteed waalidiinta Soomaaliyeed iyagana masuuliyad weyn ayaa ka saaran ubadkooda,waana in ay la xisaabtamaan,kalana shaqeeyaan booliska sidii loo suuli lahaa falalka anshax-darrada ah.”

Warkaan,ayaa ku soo daaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen dhallinyaro baraha bulshada ku faafi jirtay aflagaado,anshax-xumo iyo kicin dadweyne,waxaana ugu dambeeyey Asmar Daahir Faarax oo caawa lagu xiray saldhigga degmada Hodan,kadib markii uu muuqaal anshax-xumo ah ku faafiyey baraha bulshada.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Bangiga Horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa waxa uu halkaas kulamo gaar ah kula yeeshay madax ka socotay Dowladaha UK, Norway iyo Netherlands.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa si gaar ah ula kulmay Wasiirada Horumarinta Dowladaha UK iyo Norway, Mr. Andrew Mitchell Uk, Mrs. Bjørg Sandkjær Norway. Waxa ay wada hadalkooda diiradda ku saareen mudnaanta dhaqaale ee Soomaaliya deyn cafinta kadib iyo taageerada horumarinta Maaliyadda.

Sidoo kale, Mudane Wasiir Biixi ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Dowladda Netherlands Mrs. Sanne Loewenhardt oo ka mid aheyd ka soo qayb galayaasha shirka Bangiga Horumarinta Afrika.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay dhammaan dowladihii madaxdooda uu la kulmay, qaabka wanagaasan ee ay uga soo qeyb qaateen geedi socodkii hannaanka isbaddalka Maaliyadda Soomaaliya oo soo maray waddooyin kala duwanaa oo howl badan laga soo qabtay.

  

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada maamul goboleedka Koonfur-galbeed,gaar ahaan magaalada Baydhabo.

Maleeshiyaadkaan isku soo dhiibay ciidanka nabad sugida ayaa gaaraya ilaa saddex xubnood,kuwaas oo lagu magacaabo Ibraahim Xuseen Maxamed,Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Kooxdaan ayaa sheegay in ay qeyb ka ahaayeen kooxaha ku dhuumaaleysan jiray gobollada Baay,Bakool,Shabeellada Hoose iyo Hiiraan oo ay ka howlgalayeen,iyagoo ka warmaya sababta ay uga soo baxayaan maleeshiyaadka Khawaajirta ayeey ku tilmaameen in ay u adkeysan waayeen xaaladdaha nololeed ee ka jira goobah ay Khawaarijta ay joogaan oo ay ku dhuumaaleysanayaan iyo dhibaatooyinka ka soo wajahay duurka,dhanka kale waxay ugu saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan.

Madaxweynaha JFS oo booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waqti la qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb galay shirka hoggaamiyaasha Afrika iyo madaxda Bankiga horumarinta Afrika

Nairobi: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shirweynaha hoggaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa dul istaagay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimmilada sii kululaanaysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay qorshaha Soomaaliya ee wax ka qabashada saamaynta taban ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka, taasi oo uu sheegay in ay u baahantahay xal wadajir ah oo heer caalami ah.   

Taliska xoogga dalka oo dardar gelinaya tababarrada sare ee ciidanka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha kulliyadda tababarka Ciidamada XDS ee Turkisom, waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa dhismaha iyo tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa si gaar ah taliyaha iyo saraakiisha Turkiga ay kaga wada-hadleen horumarinta iyo dib u dhiska ciidanka Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in sare loo qaado xirfadda iyo tababarka ciidanka xoogga dalka oo isku diyaarinaya inay amniga dalka si buuxda ula wareegaan marka ay baxaan ciidanka ATMIS dhammaadka sanadkan.

Wasiirka warfaafinta oo dalka Baxrayn uga qaybgalay meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta Jaamacadda Carabta

Manama: Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxrayn uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walaalahooda reer Falastiin iyo in degdeg xabbad joojin looga hirgeliyo dhulka Falastiiniyiinta oo dhibaato bani’aadminimo oo aad u daran ay ka taagan tahay.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daua’uud Aweys ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay qadiyadda reer Falastiin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhammaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qaddiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, iyo in dalalka Carabta ay la jaanqaadaan horumarka saxaafadda caalamka.

Wasiirka Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daua’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortooyada Bahrain oo martigelinta shirkan muhiimka ah, iyadoo Bahrain ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortooyada Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, ayaa isna maanta Qasriga Boqortooyada ku qaabilay dhammaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta. Wasiirka Warfaafinta mudane Daua’uud Aweys ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka mid ah Wasiirrada Warfaafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

    

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka qeyb galay shirka guddoomiyeyaasha Baarlamaannada EAC

Nairobi- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka guddoomiyaasha baarlamaanada wadamada Urur Goboleedka Iskaashiga Bulshada Bariga Africa (EAC) oo maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya.

Shirkan oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan horumarinta ajandayaasha ururka ayaa guddoomiyaasha ka qeybgalay furitaankiisa waxa ay ka hadleen muhiimadda uu shirkan u leeyahay horumarinta ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay furitaanka shirka ayaa marka hore dowladda Iyo shacabka Kenya uga mahadceliyay soo dhoweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna sidoo kale sheegay in shirkan uu ku soo beegmay wakhti loo baahnaa muhiimna uu u yahay howlaha ururka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sheegay in Soomaaliya si la mid ah dalal badan oo ka mid ah dalalka Bariga Afrika ay  sanadihii u dambeeyay la kulmaysay caqabado badan, hadana, adkeysi, go’aan, iyo taageerada saaxiibada gobolka ay sameysay horumarro la taaban karo oo ay  kaga gudubtay caqabadahaas.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay isbedelada horumarka ee hada dalka ka socda ayaa yiri:- “Soomaaliya maanta waxay cagta saartay wadadii horumarka iyo soo kabashada, dhaqaaluhu waa uu kobcayaa, xaaladda ammaankuna waa soo hagaagaysaa, bulshada Soomaaliyeedna waa kuwa firfircoon, waxayna  hamuun u qabaan inay dhistaan mustaqbalkooda “

Ugu dambeyn waxa uu Guddoomiyaha sheegay Soomaaliya in diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato horumarka Bariga Afrika islamarkaana ay  noqoto dal xubin firfircoon ka ah ururka, sidoo kalena Baarlamaanka Soomaaliyeed ay ka go’antahay wada shaqeynta saaxiibadiisa Bariga Afrika si loo dhiso mustaqbalka nabada, xasilooni iyo barwaaqo ay helaan dhamaan Bulshada Bariga Afrika.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Izmir-Turkiye- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.

Kulanka gaarka ah oo ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga, halkaas oo uu ka socday bandhig Millitery oo ay ka qayb qaadanayeen Ciidamada 49 dowladood oo isbahaysi la ah Turkiga ayay labada mas’uul kaga wada hadleen xoojinta xiriirka difaac ee labada dal.

“Walaalaheenna Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeenna, horumarintooda iyo la dagaallanka Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Turkiya ayaa waxay kaalin weyn ka qaadataa dhismaha qaybaha kala duwan ee Ciidamada XDS, horumarintooda, la dagaallanka khawaarijta, kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo arrimaha bini’aaddannimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shir sanadeedka hoggaamiyayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.