Madaxweynaha JFS oo Dalka kenya kulan kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.

Madaxweynaha iyo xubnihii kale ee ka socday Bangigga Horumarinya Afrika waxa ay kulankooda iskula soo qaadeen haaajinta mashaariicda kutalagal ee ka socda dalalka Afrika iyo sida loo heli karo maalgashi wax ka tara dhaqaalaha qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, isagoo ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.

Golaha Wasiirrada Hir-Shabeelle oo Geri-jir u aqoonsaday Degmo kamid ah Hiiraan

Golaha Wasiirrada HirShabeelle ayaa markii ugu horeysay ku shiray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ,iyagoo degmo u aqoonsaday Geri-jir,sida uu ku waramay Afhayeenka Maamulka Daa’uud Xaaji Cirro.

Kulamkii magacaabista degmadaasi waxaa xaflad loo sameeya ka qeybgalay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee Dowlad Goboleedkaasi.

Xafladdaasi oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Matabaan oo ka dhacday xarunta degmada waxaa looga hadlay barnaamijka xasilinta gobolka iyo mashaariicda horumarinta ee loo qorsheeyay bulshada ku dhaqan dehmooyinka gobolka.

Wasiirka Dhallinyarada XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo lagu soo dhoweeyay Dalka Liibiya

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya.

Wasiirka oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha iyo xubno ka socda dhallinyarada Soomaaliyeed ee xirfadlayaasha ah waxaa halkaasi loogu sameeyay soo dhoweyn diiran oo ka tarjimaya xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Mudane Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya labo shir oo is hareer socda oo kala ah shirka Wasiirrada wadamada Carabta ee dhallinyarada iyo cayaaraha iyo mid la xiriira Caasimadda dhallinyarada Carabta oo sanadkan loo caleemo saarayo dalka Liibiya.

Madaxweynaha JFS oo dhambaal qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin qoraal ah u diray dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan, kaas oo uu siday Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geele

Dhambaalka qoraalka ayaa ahaa mid la xiriira xoojinta xiriirka labada dal, waxaana guddoomay ku-Xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dhanka arrimaha Siyaasadda ee Boqortooya Sacuudiga, Danjire Sacuud bin Maxamed Al-Sati, kaas maanta kusoo dhaweeyay Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Danjire Daahir Maxamuud Geele xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Riyadh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo sheegay inay soo dhaweynayaan maalgashiga caalamiga ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka furmay Beijing , wuxuu ku sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqa Soomaaliya ee dhinacyada Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga iyo Tamarta la cusboonaysiin karo.

Xoojinta nabadda, iyo guulihii u dambeeyay ee dalku gaaray ayuu sheegay inay Soomaaliya awood u siinayaan inay bixiyso, adeegyada lagama maarmaanka ah, isla markaana meesha ka saarto caqabadaha hortaagan horumarinta iyo barwaaqada.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa cambaareeyay isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay ku farageliso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo tixraacaya heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland, wuxuuna heshiiskaa ku tilmaamay inuu qayb ka yahay damaca ay Itoobiya ku doonayso inay ku gaadho deked ku taalla Somaliland,

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday in falalkan oo kale ay xad-gudub ku yihiin madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khalkhal gelinayaan xasilloonida gobolka. Waxa uu ka digay in dhaq-dhaqaaqyadani ay khatar ku yihiin amniga Carabta, gobolka iyo caalamka.

Wasiirka Isgaarsiinta oo la kulmay xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS xildhibaan Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) oo ka qeybgalaya Madasha WSIS20 oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiirigalinta kor uqaadista xirfadaha Dhijitaalka, Sara u qaadista ICT-da iyo sidii Sharciyo iyo habraac looga samenynlahaa Maamulka Garaadka Macmalka IA maadaama si xolwli uu ku socdo.

Wasiirka Isgaarsiinta xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa Xoghaayaha guud ee IT la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.

“Wasaaradda waxa ay go’aansatey in ay kor u qaaddo xirfadaha dhijitaalka,

dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah Suuqa Shaqada dhijitaalka”.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa dadaal ugu jira dardargalinta Casriyeenta Nidaamka dowliga iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo dhigiis Baxreyn la kulmay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Manama ee caasimadda Boqortooyada Baxreyn kula kulmay Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Baxreyn Dr. Ramzan bin Abdullah Al Nuaimi.

Labada Wasiir ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wasaaradood ee dhinacyada Warbaahinta iyo Dhaqanka, iyadoo la isla gartay in labada dhinacba ay si deg deg ah uga shaqeeyaan arrimahaas.

Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac ayaa u mahadceliyey Boqortooyada Baxreyn soo dhoweynta iyo martigelinta shirka 54aad ee Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Carabta, isagoo sidoo kale uga mahadnaqay mowqifka cad ee Boqortooyada Baxreyn ka qaadatay dhowrista , wadajirka iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa Wasiirka Warfaafinta Baxreyn ayaa carabka ku adkeeyay sida qotada dheer ee xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Boqortooyada Baxreyn iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah, kaas oo ka muuqda horumar is daba joog ah oo ka tarjumaya sida ay ugu heelan yihiin labada dal ee walaalaha ah si loo gaaro dano guud.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa magaalada Manama uga qayb galay shirka Wasiirrada Warfaafinta dalalka Carabta meertadeeda 54-aad kaas oo arrimo muhiim ah oo ma xiriira danaha waddamada Carabta.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka qeyb galay shirka madasha Shiinaha iyo Carabt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka furmay Beijing.

khudbada u madasha Shiinaha iyo Carabta u ka jeedayay wasiir Fiqi ayaa daarneyda inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha dalalka Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha rajada leh ee ka jira suuqa Soomaaliya ee dhinacyada Xoolaha,Beeraha,Kalluumeysiga iyo Tamarta la cusboonaysiin karo.

Dhanka kale Fiqi ayaa ku nuuxnuuxsaday in Soomaaliya ay gaartay guullo la taaban karo Xoojinta nabadda Soomaaliyana ay u awood u siinayaan inay bixiyso,adeegyada lagama maarmaanka ah,isla markaana meesha ka saarto caqabadaha hortaagan horumarinta iyo barwaaqada.

Cali Dheer oo tirsana Khawaarijta ayaa isku soo dhiibay Laamaha Amniga Goof-gaduud

Ciidanka xoogga dalka Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Guudow Madey oo ka tirsana Khawaarijta dhexdoona looga garan ogga ( Cali Dheere ).

Cali Dheer ayaa sheegay in u tababarro kala duwaan ku soo qaatay goboladda Baay iyo Jubbada dhaxe isagoo intaas ku daray in u dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah goboladda Hiiraan,Galgaduud iyo qaar ka mid ah Koonfurta Mudug ay argagixisada ku soo qaaday u ka qeyb qaatay.

Haatan ayuu isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay

Ugu Dambeyn Cali Guudow Maday ayaa Saaxiibadiis ugu baaqay in ay ka soo  Duurka ay jiraan oo ay isku soo dhiibaan Laamaha Amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS oo qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka,duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.